Härryda

Degmada Härryda waxeey ku taal agagaarka Göteorg iyo Borås. Waxaan heysannaa dhul dabiici ah oo qurxoon, eeyna ku yaallaan balliyo iyo keymo badan. Degmada Bartamaheeda waxaa ku yaal garoonka diyaaradaha ee Göteborg Landvetter Airport.

Soo bandhigid

Deegaan

Haddii xafiiska shaqada ama hey'dda laanta socdaalka kuusoo bandhigaan inaad usoo guurtid degmada Härryda, waxaa lagu siinayaa guri aad degtid illaa aad ka heleysid guri aad adiga leedahay, kaligaa ayaad raadsan kartid waxaa kaloo ka raadsan kartaa shirkadda guryaha ee degmada oo magaceeda la dhaho Förbo. Degmada ayaa kaa caawineysa sida guryaha loo raadsado.

Flervåningshus vid åkant 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Härryda dadka degan 4% waa ajaanib, 14% dadka deganna waxaa dhalay waalidiin ku dhashay wadanka dibaddiisa. Luqadaha afka hooyo ee iskoollada lagu barto waa ingiriis, carabi, iiraani, kurdish iyo albeeniyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Härryda waxaa ka jira jaaliyado badan sida kuwa isboortiska iyo kuwa dhaqanka. Jaaliyadaha waxeey howlo u qabtaan carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Jaaliyadaha oo dhan waxaad ka heli kartaa liiskeena diiwaan galinta jaaliyadaha.

Stor byggnad med stora fönster (Mölnlycke Kulturhus) 

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Härryda waxaa ku yaal lix xaafadood oo waaweyn, labada ugu weynna waa Mölnlycke iyo Landvetter. Mölnlycke waxaa tusaale ahaan ku yaal xafiiska shaqada, maktabad, guriga degmada, dukaamo, dukaamada gacan labaadka. Landvetter waxaa iyada xataa ku yaal dukaamada qaarkood, adeega guud ee xaafadaha Härryda, Hindås, Hällingsjö iyo Rävlanda wuu xadidan yahay. Maktabado waxeey ku yaallaan xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås iyo Rävlanda.

Fyra barn leker med vuxen utanför förskolebyggnad 

Dalyeelka carruurta

Degmada Härryda waxaa degan qoysaska ilmooleeyda ah waxaana ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanda carruurta oo badan. Xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås iyo Rävlanda waxaa ku yaal xanaanadaha furan/xarunta xanaanada carruurta. Waxaad meeshaan kub aran kartaa waalidiinta inta eey carruurta isla cayaarayaan. Waa wakhti u fiican waalidiinta iyo carruurtaba waana bilaash.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Härryda waxaa ku yaal 18 dugsiyo hoosedhexe, waxeeyna ku kala yaallaan xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås, Härryda, Hällingsjö iyo Rävlanda. Mölnlycke waxaa ku yaal dugsiga sare ee Hulebäcksgymnasiet. Waa iskool caan ah isla markaasna leh barnaamijyo waxbarashadeed badan waxaana dhigta arday ka kala socoto gobolka Göteborg oo dhan.

Två barn kollar på när vuxen visar hur de ska såga i en träbit 

Furadaha waxbarasho

Bartamaha Mölnlycke waxaa ku yaal iskoolka waxbarashada dadka waaweyn oo leh lokaallo qurux badan. Meeshaan waxbarashada waa lacag la'aan, waxaad gadaneeysaa buugaagtaada iyo qalabkaada waxbarasho oo kaliyah. Waxyaabaha iskoolka dadka waaweyn lagu barto waxaa ka mid ah: iswiidhiska labaro qaxootiga (sfi), heer waxbarasho oo ah dugsi hoosedhexe iyo dugsi sare iyo waxbarashada xirfadaha.

Caafimaadka

Waxaa jir arugag caafimaad oo ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås. Waxaa jira rug caafimaadka carruurta ah oo ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås. Hadaad u baahan tahay daryeel caawimaad habeennada iyo maalmaha fasaxa ah waxaad tagtaa isbitaalka Mölndals sjukhus. Daryeelka ilkaha waxuu ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås.

Caawinaad turjubaan

Markaad kulan ku leedahay xafiisyada dowladda ee degmada iyo xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka waxaa laguu diyaarinayaa turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa jira basas isku kala goosha Göteborg iyo Mölnlycke oo 10 daqiiqo oo kaliya qaadanaya baska u dhaxeeya Göteborg iyo Landvetter waxuu qaadanayaa 20 daqiiqo oo kaliya. Baska u dhaxeeya Landvetter iyo Borås waxuu qaadanayaa qiyaastii 50 daqiiqo oo kaliya. Warbixinta ku saabsan gaadiidka dadweynaha oo dhan waxaad ka heleysaa shirkadda basaska ee Västtrafik. Degmada Bartamaheeda waxaa ku yaal garoonka diyaaradaha ee Göteborg Landvetter Airport.

Shaqo iyo ganacsi

Garoonka diyaaradaha ee Göteborg Landvetter Airport waa degmada meesheeda ugu weyn ee loo shaqo tago. Waxaa halkaan ka shaqeeya illaa 4 000 oo qofood oo ka kala shaqeeya boqolaal shirkadood oo kala duwan. Degmada Härryda waa shaqa bixiyaha ugu weyn, waxaa shaqooyinka aan bixina kala yihiin, kuwa iskoollada xanaanada, iskoollada caadiga ah, caafimaadka iyo daryeelka. Shaqooyinka bannaan waxaad ka heli kartaa Xafiiska shaqada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 274

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Härryda

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

37 200

Cabirla dhulka

290 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Göteborg 12 km

Borås 31 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri