Hjo

Hjo wa magaalo aad uu qurux badan oo ku ag taalo galbeedka xeebta Vättern. Halkaan waxaa ka jiro adeeg fiican, dhawaansho ee howlaha xilliga firaaqada iyo jawi ganacsi oo si weeyn uu weeynaanaayo. Alwaax-magaaleedka waxeey ka mid tahay bey’addaha degaanka ugu qurxoon ee Iswiidhan. Maanta dhowr yar ayaa ka haray, Hjo waa mid ka mid ah. Halkaan waxaa yimaado dad badan oo uu dabaaal dagaayo xiliga xagaaga si ee ugu raaxeeystan bey’adda qurxon.

Soo bandhigid

​​Deegaan

 

Dariskaada waa reero iswiidhish ah iyo soo galooytiba. Waxaa jiro guriyaal la kireeysto oo bartamaha ku yaalo ayadoo ee socod uu jiraan dukaamada iyo iskuulada. Ma jirto shirkad guri ee degmada lee dahay laakin waxaa jiro shirkado madaxbanaan oo badan iyo mid weeyn, Wennergrens.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa degan ka mid yimid meelo kala duwan ee calaamka. Tusaale ahaan luuqada looga ee ku hadlaan waa carabi, af daari, af soomaali, afka mongooliya, af tigrinya, afka thayland, afka hooland iyo af ingriis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 70 ururo oo firfircoon, tusaale ahaan ururo isboorti oo kala duwan, ururka farshaxanka, ururka malaayga iyo doomaanka, ururka geedaha iyo ururka dhismaha guriyaasha.
Kaniisadooyin badan ayaa ku yaalo magaalada.

Maxaa ka ag dhaw

 

Wax yaalaha aad uga baahan tahay badankood Hjo waxeey ku jiraan masaafad-socod. Cunta waxaa laga soo gadan karaa Ica iyo Netto. Waxaa ku yaalo kafeteeriyo, maqaayado, maqaayad-banaaneed, dukaamo yaryar iyo dukaanka qamaarka iyo nacnaca. Sido kale magaalada waxaa ku taalo hal maktabad oo laga deeynsan karo buugaag oo luqado duwan ku qoran, xafiiska bulshada, farmashiye, shaleemo, goob-banooni oo leh coowska warshadeeysan, goobta-isboortiga, goobta-tenniska, goobta jimicsiga, goob dabaal oo banaaneed oo darajadeysan oo lehna iskuul dabaal (xagaaga furan), goobta-bowlingka, dukaanka-elegtroonigada, dukaanmo-dhar, dukaanka alaabta guriga oo qiimo fiican leh hadan caan ah, baalbiyeeri, dukaanka-kalarada, dukaamo ubax, banki iyo kuwo kale. Labo dukaan oo gacan labaad iibiso ayaa jirto, Laanta cas midkeeda iyo Erikshjälpen oo hayo alaab guri, dhar iyo maacuun.

Xafiiska qasnada ceeymiska iyo Xafiiska shaqada waxeey xafiis ku lee yihiin Skövde. Laakin Xafiiska shaqada waxuu isbuuc hal mar lee ka furan yahay Hjo. Halkaas ayaa la tagaa karaa oo laga dhiibi karaa waraaqado, lana weeydiin karaa su’aalo xooga sahlan. Xariir baseed oo fiican ayaa ka dhaxeeyo Hjo iyo Skövde.

Degmada waxeey lee dahay qeeyb-suuq shaqadeed oo siineeyso tageero qofka shaqo la’aanta ah, waa mid dheerad ah, sido kalena qaabilaad-qaxooti oo isku dayeeyso in caawiso iyo jiheeyso habka ugu fiican.

Vy över Vättern / Torg i Hjo / Utomhuspool intill lekplats 

Dalyeelka carruurta

Hjo waxaa ku yaalo sagaal dugsi xanaano iyo labo dugsi xanaano ee reered oo loogu tala galay cauurta da’da 1-5 sano. Caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano oo uu baahan kormeer iskuulka ka dib iyo ka hir, xiliga ee waalidka ee shaqeeynaayaan waxaa ee aadi karaan guriga xiliiga firaaqaha.

Xarunta reerka Arken waxeey lee dahay xanaano furan halkaasi ee waalidka iyo caruurta si wadajir ah ee ku soo dhawyihiin.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Hjo waxeey lee dahay iskuulo loogu tala galay caruurta ku jiro da’da 6 ilaa 15 sano. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo goota xilliga firaaqada uu furan habenkii caruurta uu dhaxeeyo 11 iyo 18 sano.

Ardayda guriga uga hadlo luuqad aan iswiidhka aheeyn waxeey heli karaan waxbarasho oo loogu dhigaayo afkooda, waxbarashada-afka hooyo. Waxbarashada waxeey ardayga ku caawineeysaa in uu hormariyo luuqadiis, dhaqankiisana in kale uu ka sii barto.

Dhalinyarada jirto 16 sano ilaa kor waxa uu jiro dugsi sare oo ku yaalo magaalooyinka hareero Hjo. Inta badana waxeey uu safraan dugsiga sare ee ku yaalo Skövde iyo Tibro.

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn waxeey dhigan karaan sfi (iswiidhiska loogu tala galay soo galooytiga), waxbarashada dadka waa weeyn, waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka ah ama dugsiga dadka waa weeyn ee Hjo. Waxbarashada dadka waa weeyn waxaa fursad weeyn uga heleeysaa in aad hesho hab-waxbarasho oo adiga ku haboon. Waxaad isku dhex wadi kartaa waxbarasho oo heerar kala duwan leh, waxaana fursad uu lee dahay in aad waxbarasho iyo shaqo isku dhex wado. Dugsiga dadka waa weeyn waxaa ka mid ah oo ka jiro waxbarasho ee dhinaca maadooyinka guud, diyaarinmada-booliska, heesaha iyo farshaxanka.

Magaalada ugu dhaw oo leh jaamacad waa Skövde. Jaamacada Skövde waxeey wada ayadoo la shaqeeyneeyso xafiiska shaqada, waxbarashada Jidka gaaban. Waxbarashadaas waxeey ku socotaa qofka dalka ku cusub oo leh shahaado jaamacadeed.

Caafimaadka

Hjo waxeey lee dahay labo rug caafimaad, Rugta caafimaadka Hjo iyo Xarunta-caafimaadka. Sido kale waxaa jirto rugta caafimaadka hooyooyinka, labo rug caafimaad ee loogu tala galay caruurta iyo daryeelka ilkaha. Isbitaalka iyo qaabilaada degdega ugu dhaw waxeey ku yaalaan Skövde.

Caawinaad turjubaan

Waa jirtaa caawinaad turjumaan oo luuqad kasto ah ayadoo la adeegsanaayo Xafiiska-turjumaanta Väst.

Xiriirka gaadiidka

Basas badan ayaa istaago Hjo. Basas ayaa ka tago Hjo oo tago Tibro, Tidaholm, Skövd iyo Brandstorp halkaasi oo laga badalan karo bas kale si loo sii socdo. Västrafik ayaa bas kaaga qaadeeyso bas Hjo ilaa Skövde, waxeey qaadaneeysaa ku dhawaad 35 daqiiqo. Skövde waxaa ka baxo tareen uu socdo meelo kale oo dalka ku yaalo, xariir-gaadid fiican la leh Göteborg, Stockholm iyo Jönköping.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibaha ugu Hjo waa xafiiska degmada Hjo ayadoo uu xafiiska hoowlo ka wado meelo badan oo kala duwan. Maamulka gobolkana waa shaqo dhiibo kale oo weeyn, waxuuna soo bandhigaa shaqooyin dhinaca daryeelka. Sido kale waxaa jiro shirkada sii weeyn iyo kuwo ka yar gudaha degmada. In kale ka akhriso jawiga ganacsiga degmada.

Waxaa sii dheer, Hjo waxeey ku ag taalaa magoolooyin badan oo leh goobo shaqo oo weeyn.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Manuell svetsare sökes! Svetsare, manuell
Nu söker vi duktig svarvare Malmö regionen Svarvare
Lärare åk 4 - 6 till Guldkroksskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Elevassistent till Guldkroksskolan Hjo Elevassistent
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Specialistläkare Allmänmedicin Specialistläkare
Fastighetsskötare / vaktmästare Fastighetsskötare/Fastighetsarbetare
Nu söker vi personal med vana av svarvning och fräsning till Ödeshög CNC-operatör/FMS-operatör
Sjuksköterska dag och kväll Sjuksköterska, grundutbildad
Parkarbetare till Teknisk service Gata / Park Parkarbetare/Utemiljöarbetare/Miljövärd
Journalist with experience from the MENA region Journalist/Reporter
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Sjuksköterska kväll – och natt Sjuksköterska, grundutbildad
Timvikarier till Vård och Omsorg. Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Lärare SO / Sv till Fågelås skola i Gate åk 4 - 6 Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Engagerad och inspirerad 4 - 9 Lärare i Sv / Eng Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Undersköterskor och vårdbiträden Skövde Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Cementa AB Skövdefabriken söker industrielektriker till underhållsavdelning Industrielektriker
Processingenjör Skövde Processingenjör, kemiteknik
Forskningsassistent Universitets- och högskoleadjunkt

Bogga 1 ee ka mid ah 32

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Hjo

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8 800

Cabirla dhulka

297 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Skövde 30 minuter

Jönköping 50 minuter

Göteborg 1h, 45 minuter

Stockholm 2 h, 35 minuter​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri