Hudiksvall

Hudiksvall waxeey ku ag taal jidka E4 80 km waxeey dhanka koofureed kaga taal Sundsvall, waxeeyna 130 km dhinaca waqooyi kaga taal Gävle. Halkaan waxaad kula kulmeeysaa dad qalbi furan, waxaa kaloo meeshaan yaal nolol dhaqameed xayi ah iyadoo la arkayo waxyaabo ka yimid waqtiyadii hore oo ku dhex milyay waxyaabaha casrigaan la joogo. Hudiksvall waxeey goob farasmagaalaa u tahay degmada Hudiksvall laakiin waxaa jira xaafado kaloo sida Iggesund, Delsbo Forsa iyo kuwo kale. Xaafadaha isku dhowdhowna waxaad ka heleysaa dukaamo, bangiyo, rugag caafimaad, dhakhtarka ilkaha iyo waxyaabo la halmaala.

Soo bandhigid

Hudiksvall waa magaalo xeebed qurux badan waxaana la aasaasay 1582. Ilaha dhaqaale ee magaalada waxeey kala ahaayen kaluumeysi, badmaaxnimo, farshaxan iyo ganacsi. Ka ganacsiga kaluunka waxuu sanado badan gudahood ahaay meel uu dakhli muhiim ah kasoo galo. Meelaha kaluunka lagu iibiyo ama meelaha ka agdhow balliyada waxaad ku arkeeysaa wixii kasoo haray waqtigaas.

Deegaan

Degmada gudaheed waxaa ka jira shirkada guryaha ee degmada och shirkado kaloo guryaha kireeya oo gaar loo leeyahay. Marabtaa inaad gashid safka loogu jiroguryaha ama inaad heshid warbixin ku saabsan guryaha bannaan waxaaf gashaa waxaad ka fiirisaa bogaggooda internetka ah.

Ama waxaad gashaa bogga Blocket si aad u ogaatid haddii eey jiraan guryo kaloo degmada ka bannaan.

Degmada waxaa ka jira saf loo istaago dhulalka bannaan. Dhulalkaas waxaa saf u gali qof kasta oo 18 sano buuxiyay isla markaana raba inuu ka dhisto guri uu dego. Qoys kasta waxeey dalban karaan hal dalab. Faafaahin dheeraada ka akhriso degmada boggeeda internetka ah - safafka dhulka ama waxaad gashaa bogga dhis.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Hudiksvall waxaad ku arkeysaa dhaqamo kala duwan och luqado kala duwan. Luqadaha ugu waaweyn waa carabi, tigree, daari, faarsi. Saawixili, tamil iyo isbaanisha waa luqadao kaloo ka jira degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Hudiksvall waxey leedahay nolol jaaliyadeed qani ah. Jaaliyada waxeey kuu hayaan fursado kala duwan oo aad ku sameyn kartid waxyaabo kala duwan. Ma rabtaa in talo lagaa siiyo waxa aad sameyn kartid mark aad fasaxa tahay? Baraaktiik? Shaqada waqtiyada fasaxa? ma u baahan tahay caawimaad? waxaad kusoo dhawaataa hudiksvall.se/dhalinyaro! faafaahin dheeraada ka akhriso Arag-sameey.

La xiriir xafiiska warbixinta dalxiiska ee Hudiksvall ama booqo bogaga internetka ee Hälsinglands matxafka, Hälsinglands iyo Glysisvallen AB si aad u heshid warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha aad sameyn kartid.

Warbixin ku saabsan shirkadaha degmada waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Faafaahin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha waxaad ka heleysaa Hudiksvall.se.

Maxaa ka ag dhaw

Farasmagaalaha waa meesha eey dukaamada oo dhan ku yaallaan. Waxaa jira dukaamo kala duwan iyo bangiyo, farmashiiye, shaleemo, maktabad iyo dukaamo gada ganacsiga maalinlaha ah. Waxaa kaloo jira dukaamo dhowr ah oo gada cunto iyo xawaash laga keenay bariga dhexe iyo qaarada Aasiya.

Waxaa jira mowlac lagu dukado oo ku yaal xaafada ku taal dhinaca galbeed.

Waxaad xur u tahay inaad si bilaash ah u isticmaashid kumanaan buugag, buugag dhageysi, joornaalo, iyo waxyaabo kaloo kuwaaso oo kale oo aad ka heli kartid sideedeena maktabo.

Bartamaha Huduksvall waxaa ku yaal xafiiska shaqada waxaa kaloo ku yaal xafiiska ceymiska, xafiiska amuuraha howlgabayaasha iyo xafiiska cashuuraha, kulligoodka hal goob ayeey wada fadhiyaan.

Dukaamada waxaad ka heleysaa bartamaha magaalada. Shoob senteruumka Guldsmeden ama suuqa Fyren. Waxaad booqataa Centrumhandel si aad u heshid warbixin ku saabsan dukaamada ku yaal Hudiksvall. Dadka ka hela waxyaabaha qarniga ah ha booqdaano Butik 66 (Dukaan 66).

Waxaa ku yaal dukaamada huudheeyda ah oo gada alaabaha guryaha, dhar, qalabyo kala duwan. Erikshjälpen, laan qeybta cas waxeey ku yaallaan Hudiksvall iyo Forsa. esursen, Café 7:an, Biståndscenter waxeey ku yaallaan Håstaholmen; Dakapo oo ku yaal Forsa iyo Säcken oo ku yaal Delsbo. Waxyaabaha huudheeyda ah waxaa online uga gadan kartaa Blocket.

Dalyeelka carruurta

Degmada Hudiksvall waxaa ku yaal 30 dugsiyada xanaanada Caruurta ah, oo saddax xaafado loo kala qeybiyay; koofur, waqooyi iyo galbeed. Carruurta u baahan kaalmada gaarka ah waxaa la siinayaa caawimaad u dhigmata baahida ey qabaan.

Booqo bogga internetka ee degmada si aad u heshid Faafaahin dheeraada oo ku saabsan Dugsiyada xanaanada carruurta & guryaha xanaanada carruurta.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Hudiksvall waxaa ku yaal 17 dugsihoose dhexe oo eey dhigtaan 3500 oo arday, oo saddax xaafado loo kala qeybiyay; koofur, waqooyi iyo galbeed.

Iskoollada waxeey leeyihiin jawi waxa lagu garto eey tahay isku qalbi furnaan iyo is dhexgal waxeeyna kuu hayaan waxbarasho kala duwan takhasusyo kala duwanna leh. Booqo degmada boggeeda interntka si aad u heshid faafaahin dheeri ah.

Bromangymnasiet waxuu kuu hayaa 14 barnaamijyo dugsiga sare ah kuwaasoo 9 kamid ah yihiin kuwo aad ugu sii gudbi karto machad xirfadeedyo halka 6 kalana eey kuu diyaarinayaan waxbarasho jaamacadeed. Barnaamijyada laga barto kaamacada waxaad ka heleysaa halkaan. degmada waxeey kalo leedahay dugsiga sare ee Glada Hudik-gymnasiet iyo dugsi hoose dhexe oo ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waweyn ee Hudiksvall waxeey kuu heysaa waxbarashada lärvux, waa xarun barid iyo horumarineed- Cul, machad xirfadeed iyo sfi (luqada iswiidhishka ee ajnabiga). Waxbarashada dadka waaweyn boggooda internetka ka akhriso wixii faafaahin dheeri ah.

Hudiksvall waxaa ku yaal machad jaamacadeed. Xarunta waxbarida iyo hormarida waxaad ku baran kartaa barnaamij waxbarashadeedyada sida masaafada ah loo akhrisan karo oo eey jaamacadaha soo galiyaan. Inaad waxbarasho heer jaamacadeed ah ku akhrisatid xarunta waxbarida iyo hormarida waxeey ka dhigantahay inaad ka diiwaan gashantahay jaamcad sida machad jaamacadeedka Gävle laakiin aad waxbarashadaada ku dhigatid Xarunta waxbarida iyo hormarida.

Xafiiska gobolka waxuu wadaa machadka dadka waaweyn ee degmada, machadka dadka waaweyn ee degmada ee Forsa ee ku yaal Forsa.

Riix halkaan si aad u heshid warbixin dheraad ah oo ku saabsan sida wax looga barto wadanka Iswiidhan ama sida loo doorto barnaamij waxbarashadeed ama jaamacad waxaa ka fiirisaa University admissions.

Caafimaadka

Degmada waxaa ku yaal rugag caafimaad oo badan sida Hudiksvall, Iggesund iyo Delsbo. Waxaa maamulkooda gacanta ku haya gobolka laakiin waxaa iyagana jira kuwo gaar looleeyahay. Degmada waxaa ku yaal mid ka mid ah labada isbidaallada gurmadka degdega ah ee ku yaal gobolka waxuuna leeyahay qeyb raajo oo ah mid ka mid ah kuwa Iswiidhan ugu casriyeeysan.

Xarumah dabiibida ilkaha ee gobolka iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxeey meelo badan oo kala duwan uga yaallaan degmada.

Bogga internetka ee gobolka Gävleborg waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan rugaga caafimaadka, isbitaallada, dhakhtarka ilkaha iyo farmashiiye.

Caawimaad loogu tala galay carruurta iyo dhalinyarada.

BRIS xuquuqda carruurta ee mujtamaca, taleefanka 116 111 waxaa wici kartaa haddii aad ka yartahay 18 sano aadna rabtid inaad la hadashid kalkaaliye aad kala xaajootid waxyaabaha aad ka fakareyso ama haddii aad caawimaad u baahantahay ( waana bilaash).

Qofka weyn oo raba inuu hadlo carruurtiisa, waxuu wici karaa 0771505050 si uu ula hadlo kalkaaliso kalana hadlo waxa uu rabo in laga caawiyo. ( waa lacag la'aan).

Kufsiga dumarka - jaaliyada Kvinnojouren Vändpunkten: dhibaatadaa iyo waxa kusoo qabsaday maahan wax yar ama waxa maalaa yacni ah.

Jirdil qoyska dhexdiisa ah. Xafiiska adeega vulshada waxuu hayaa hawlo caafimaad oo dumarka loogu tala galay. Noo kaalay!

Leenka taleefinaka ee haweenka waxaa loogu tala galay dumarka loo geysto hanjabaad, kufsi ama faraxumeyn.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan ku hadleyn ama aadan fahmeyn luqadda iswiidhishka waxaad xaq u leedahay inaad qabsatid turjumaan marka aad la kulmeysid xafiisyada.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirada gaadiid ee degmada weey fiicanyihiin, tareen iyo basaska safarada dheer galaba (Xtrafik, SJ, Y-buss iyo Härjedalingen).

Tikadada weey u jabanyihiin ardayda. Ka dalbo kaarkaada ardaynimada halkan.

Shaqo iyo ganacsi

Ma u baahantahay ogolaansho ama u fasixid inaad bilowdo shirkad? Faafaahin dheeraad ah ka akhriso bogga degmada ama booqo HNA. Hey'adda kobcinta dhaqaalaha waxeey ku siineysaa warbixin ku saabsan ogolaanshaha leesaga baahanyahay waxyaabaha kala duwan. Faafaahin dheeraad ah ka akhriso Business Sweden ama bogga internetka ee Work in Sweden.

Halkaan waxaa kusoo uruurinay leeman kugu xiraro arjiyo shaqooyin ka bannaan shaqa bixiyayaasha gobolka Gävle:

Bogga degmada, bogga xafiiska shaqada ama Blocket.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Sommarjobb Kundtjänstmedarbetare
Senseair i Delsbo söker Elektronikingenjör Civilingenjör, konstruktion, elektronik
Köksbiträde till Pizzeria Pronto Köksbiträde
Sjuksyrra AB söker IVA sjuksköterska! Intensivvårdssjuksköterska
Sjuksyrra AB söker sjuksköterska till HIA! Sjuksköterska, grundutbildad
Förskollärare till Linfröets förskola Lärare i förskola/Förskollärare
Fjärrbilsförare sökes till LOGEX Söderhamn! Fjärrbilsförare
Fjärrbilsförare sökes till LOGEX Hudiksvall! Fjärrbilsförare
Fast Lön 24 500 kr plus provision! Säljare omgående till Hudiksvall Hemförsäljare
Sjuksköterska sökes till HIA i Hudiksvall Sjuksköterska, grundutbildad
Sjuksköterska sökes till medicinavdelningen i Hudiksvall Sjuksköterska, grundutbildad
Barnmorska till Hudiksvalls sjukhus Barnmorska, förlossning
IVA - sjusköterskor sökes till Hudiksvall Intensivvårdssjuksköterska
Operationssjuksköterska sökes till Hudiksvall Operationssjuksköterska
Barnsjuksköterska sökes till Hudiksvall Barnsjuksköterska
Sommar jobbare hos OKQ8 Hudiksvall Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Habiliteringspersonal Habiliteringsassistent
Verkstadsmekaniker Hexatronic Verkstadsmekaniker/Verkstadstekniker
Socialsekreterare Vuxenenheten Socialsekreterare
Operationssjuksköterska till Hudiksvall Operationssjuksköterska

Bogga 1 ee ka mid ah 8

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Hudiksvall

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

37 000

Cabirla dhulka

2 745 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 297 km

Göteborg 641 km

Malmö 905 km

Sundsvall 83 km

Gävle 130 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri