Jokkmokk

Degmada Jokkmookk waxey ku taala bartama wareega cirifika, waana degmaad labaad ee Iswiidhan ugu weeyn markii hdhul ahaan loo fiiriyo. Jokkmokk waa bartamaha goobata la kulanka samiga, waxeeyna caan ku tahay suuqa-jilaalka ee sanaadeed kaasi oo sanadko la xuso bilaawga bisha febraayo. Degmada waxa ku yaalo hal qeeyb oo ka mid ah meesha-dhaxalka-aduunka; Laponia. Halkaas waxaa ku yaal afarta jirdiin ee waa weeyn, Sarek, Padjelanta, Stora Sjöfallet iyo Muddus. Halkaan waxaa laga helaa soo bandhigid qani ka ah dabiiciga. Qeeyb-xafadeedka Jokkmokk wax kasto ayaa kuu dhaw. Iskuulo, dukaamo, adeegyada kalena waxeey ku jiraan socod. Halkaan tay-nololeed ayaa ka jiro, waana sahalan tahay in la barto dadka iyo hareeraha. Halkaan qofka aa tahay ayaa laguu arkaa, hal ka mid ah qeeyb laguuma arko. Ku soo dhawaaw inta!

Soo bandhigid

Deegaan

Shirkada guriyeed ee degmada Jokkmokkshus waxeey soo bandhigeeysaa guriyo fiican oo ku yaalo xaafadaha dhisan iyo xaafadaha ka yar ee Porjus iyo Voullerim. Sido kale weey jiraan shirkado gaar guri uu leh oo kireeyo guriyaasha. Qaxootiga ka tirsan, taabo gelinta isku diwaha qaxootiga degmada ayaa ku caawinaayo guri-helid. Inta qaabilaada la sugaayo, guriga waxaa lagu sii qalabeeynaa wax yaalaha asaasiga ah ee guriga. Alaabtaan guriga waa la sii heeysan karaa haddii degmada la sii joogo ugu yaraan 2 sano.

 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Halkaan waxaa joogo dad uu dhashay dalal kala duwan, hadda luuqadaha ugu weeyn waa af faarisi/dari, af soomaali, af tigrinya, af carabi, af rush iyo afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Kaniisada Iswiidhan, Salem iyo kaniisada bingist degmada waa ku matalanyihiin. Urur muslimeed waa ka maqan yahay degmada, sidaas darteed markii la xusaayo sanadka-cusub ee islaamka, waxaa la qabqaabiyaa safar-bas oo ku socdo Luleå si markaasi si wadajir ah loola xuso ururka halkaas ka jiro.

Maxaa ka ag dhaw

Inta waxaa ku yaalo dukaamo, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska degmada oo loogu tala galay qaabilaad soo galooytiga cusub. Dukaamo gacan labaad ah, maqaayado, kafeteeriyo, goob-jimicsi, goob-isboorti iyo dabaal. Buur dheer oo barafeed oo ku yaalo Kåbdalis, 6 maayl jirto iyo fursadooyin kale oo lee helo karo howlo xilliga xagaaga iyo jilaalka, tusaale ahaan ciyaarta xeegada barafka, kubada cagta, baasket iyo ciyarta bandy. Iskuul dabaal oo loogu tala galay dumarka iyo caruurta.

 

Dalyeelka carruurta

Halkaan waxaa ka jiro howl dugsi xanaaneed ee degmadeed, gudaha Jokkmokk iyo Porjus iyo Voullerim. Inta badana mudo-la sugo ma jirta ama weey gaaban tahay mudada la suga dugsiga xanaanada iyo goobta-xili firaaqeedka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiga hoose-dhexe ee degmada iyo dugsi sare waxuu ku yaala xaafadaha-dhisan. Dugsiga hoose ee loogu tala galay da'da hooseeyso (fasalka 1 ilaa 5) waxeey sido kale ka jiraan Porjus, Voullerimna waxaa ku yaalo dugsi madaxbanaan oo isla da'daas loogu tala galay. Waxaan lee nahay fasalo diyaaris oo ku yaalo gudaha xaafadaha-dhisan oo fiican laguna tala galay caruurta iyo dhalinyarada dalka ku cusub.

Furadaha waxbarasho

Halkaan waxaa ka jiro fursad fiican ee waxbarasada dadka waa weeyn, labado qeeyboodba ee waxbarasho hoose-dhexe-sare iyo jaamacadeed. Waxaan lee nahay xarun-waxbarasho oo siifcan uu shaqeeyso, halkaana waxaa laga helaa waxbarashada luuqada iswiidhiska, waxbarashada dadka waa weeyn iyo mida gaarka ah, waxbarashada xirfada shaqada iyo waxbarasho fursadeed oo masafaad looga dhiganaayo jamacada ku taalo Luleå iyo Umeå. Sido kale xarunta-waxbarashada, waxaa laga howl wadaa waxbarashada-bulshada, ayadoo looga qeeyb qaadaanaayo shir-fiideeyo iyo af hooyo. Mudo-waqtiyeed oo la sugo waxbarashada luuqada iswiidihiska (ee spoo galooytiga) ma jirto.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka, daryeelka hooyooyinka iyo rugta xarun daryeelka caruurta waxeey ku yaalaan xafadaha-dhisan ee Jokkmokk. Daryeel takhakhus leh waxaa laga helaa masaafaf surtagal eh, waxaa lagaa helaa Gällivare iyo Sunderbyn. Daryeel ilkaha ee dadweeynaha waa laga helaa meesha.

 

Caawinaad turjubaan

Waa jirta fursad lagu helo caawinaad-turjumaan markasto oo xariir lala yeelanaayo hey'addaha dowladeed. Inta badan khadka telefoonka uu turjumaanka ku jiraa, luuqado qaarkood caawinaad-turjumaan isla degmada gudaheed ayaa lagu helaa.

Xiriirka gaadiidka

Xariir-bas oo fiican ayaa tago Gällivare iyo Luleå, xarunta-tareeynka Murjek, afar mayl oo uu jirto xaafada. Xilliga-xagaaga tareeynka waxuu mara wadada-gudaha oo marto Jokkmokk. Xariir-diyaradeed waa laga helaa Gällivare iyo Luleå. Diyaarada Luleå – Stockholm waxeey qaadataa ku dhawaad hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waa shaqo-dhiibaha ugu weeyn, qeeybo ka mid ah maamulkana waxa looga baahan yahay inta badana shaqaale-ku meel gaar ah, gaar ahaan shaqada xanaaneeynta waayeelada. Sanadooyinka soo socdo, dad badan ayaa hawlgab noqon doono taasi oo mecnaheed tahay in baahida shaqalaaha qeeybtaan gudaheed, badan doonto.

Shirkadooyin badan ayaa ka ka jiro meeshan oo ka howl galo qeeybo badan oo kala duwan, oo leh hal shaqaale ama ka badan. Lagaa yaabaa in aad adiga ka mid noqon kartid? Ama laga yaabaa in aad adiga rabtid tartiib tartiib shirkad gaar ah furato. Markaas caawinaad laga heli karo ayaa jirto xafiiskeena-shirkadeed Strukturum!

Inta lagu jiro mudada xagaaga, Jokkmokk waa meel-dalxiiseed oo si fiican loo soo booqdo, taasi oo mecnaheed tahay in ee fursada shaqaleeynta-mudada ee weeyn tahay. Warshada-macdan soo saarida, shaqo dhiibe weeyn ayee ka tahay gobolka oo dhan, mana ugu yaro degmada-dariska Gällivare. Dad badan ayaa maalinkasto tareen uu raaco inta uu dhaxeeyso degaanka Jokkmokk iyo goobta-shaqada Gällivare.

 

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Lärare i engelska Lärare i gymnasiet
Produktionstekniker till Porjus - Vattenfall Vattenkraft Maskinist, energi
Projektledare / projektgeolog Geolog
Media / bildlärare Lärare i praktiska och estetiska ämnen
Undersköterska vik Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Undersköterska Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Pizzabagare Pizzabagare
Fritidspedagog Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Pedagogisk resurs Pedagogassistent
Förskollärare / Fritidspedagog Lärare i förskoleklass
Sameskolstyrelsen söker Skolchef Skolchef
Homepartysäljare till nytt Hälso - och Skönhetskoncept Hemförsäljare
Distriktssköterska Distriktssköterska
Sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Ambulanssjuksköterska Ambulanssjuksköterska
Personlig assistent sökes i Jokkmokk Personlig assistent
Grillkock Grillkock, snabbmat
Ekonomiassistent med start i augusti Ekonomiassistent
Museichef Museichef/Museidirektör
Personlig assistent i Jokkmokk Personlig assistent

Bogga 1 ee ka mid ah 2

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Jokkmokk

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5100

Cabirla dhulka

19474 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Gällivare 10 mil

Luleå 17 mil

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri