Jönköpings län

Jönköping waa gobolka lixaad ee ugu dadka badan wadanka oo dhan, gobolka waxuu ka koobanyahay 13 degmooyin waxaana ku nool dad gaaray 342 000 qofood. Dadka gobolka Saddax qeybood qeyd waxey ku nool yihiin degmada Jönköping. 10 kamid ah degmooyinka gobolka waxa ku soo badanaya dadka usoo guuraya. Jönköping waxeey ku taal meel istaraatiiji ah waxaana loo hormariyay si eey u noqoton xarun laga maamulo badeecooyinka la geeyo waqooyiga Yurub.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Xaafadaha la dego ee gobolka Jönköping waxeey kasoo bilaawdaan wadnaha magaalada waxeeyna ku dhamaadaan banaanka magaalada. Masaafada yar ee u dhaxeeyso meelaha kala duwan waxeey dadka deegaanka fursad u siineeysaa ineey isku wadaan shaqada iyo howlaha firfircoonida e exilliga firaaqaha. Degmooyinka gobolka oo dhan waxeey sheegayaan ineey guryahooda ku filanyihiin dadka usoo guuro degmooyinka, laakiin mararka qaar ayaa waxaa dhacdo in guri la'aan eey ka jirto meelaha aadka loo dago. Sidaas darteed ayaa gobolka hada waxaa looga dhisaa guryo dheeraad ah.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka waxuu caan kiu yahay warshadaha wax soosaarka, beeraha iyo keymaha iyo shirkadaha ganacsiga. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waa shaqooyinka eey degmada Jönköping bixiso oo gaaraya 11 000 oo shaqaale, waxaa ku xiga maamulka caafimaadka oo eey 10 000 u shaqeeyaan. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee dhinaca shirkadaha gaarka loo leeyahay waa Husqvarna AB, SAPA iyo Fläkt Woods. Waxaa gobolka ka jira shirkado badan oo dhexdhexaad iyo yaryarba isugu jiro kuwaasoo wada shaqeyn ee ka dhaxeeyso shirkado waaweyn oo ka dhisan wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Qaar badan oo kamid ah shirkadaha alwaaxa ayaa ka dhisan gobolka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machad jaamacadeedka Jönköping waxaa loo maamulaa sida hey'ad samafal waxuuna ka kooban yahay afar qeeybood. Iskoolka caalamiga ah ee ganacsiga, Machadka caafimaadka, Machadka farsamada ee Jönköping iyo Machadka barida iyo wada xiriirka. Ardayda dhigata machadka oo dhan waxeey gaarayaan 10 000 oo arday, 1500 oo kamid ah ardaydaas waa kuwa ka kala yimid aduunka dacalladiisa. Xiriirka uu machadka la leeyahay iskoollo badan oo ku kala yaal dacallada aduunka ayaa wuxuu sababay in ardayda machadka eey waxbarasho u aadi karaan iskoollada eey xiriirka leeyihiin.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaal saddax isbitaal. Länssjukhuset Ryhov oo ku yaal Jönköping, Höglandssjukhuset iyo Värnamo sjukhus. Isbitaalladaas waxaa ku yaal qeeybaha kala duwan ee daryeelka oo dhan, marka laga reebo qeeybaha takhasuska qaarkood oo isbitaallada kulligood aanan heysan. 31 ka mid ah rugaga caafimaadka waxaa gacanta ku haayo xarunta maamulka caafimaadka, inta kalana waa ku gaar loo leeyahay. Ryhov waxaa ku yaal 20 xarumo caafimaad ah iyo 500 oo goobaha bukaan jiifka ah, labada isbitaal oo kale weey ka yaryihiin.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxuu leeyahay nololdhaqameed dhinaca hiddaha iyo dhaqanka ah iyo howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha oo aad u ballaaran. Qeeybaha kala duwan ee dhinaca dhaqanka waxeey ka koobanyihiin xarumo kala duwan uu ugu horreeyo guriga hiddaha iyo dhaqanka Spira illaa dugsiyada hiddaha iyo dhaqanka ee dowladda. Meelo badan waxaa aad ugu uga firfircoon tiyaatarro degmeedka aan khibrad aad u weyn laheyn laakin la jecelyahay. Meel aad dadka eey u jecelyihiin waqtiyadii ugu dambeeyay waa xarunta farshaxanka Vandalorum ee degmada Värnamo. Waxaa ka jra jaaliyado fara badan oo dadka maaweeliso xilliyada firaaqaha sida jaaliyadaha isboortiska iyo kuwo kale. Gobolka waxaa ku yaal darjiinka caanka ah ee Store Mosse. Howlaha dhaqanka iyo jaaliyadaha waxeey muhiim u yihiin is dhexgalka dadka.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Jaaliyadaha aad ayeey ugu badan yihiin gobolka. Jaaliyadaha eey dadka isugu imaadaan waa kuwa isboortiska. Markeey kooxda HV71 eey ku cayaareeyso Jönköping waxaa garoonka Kinnarps Arena usoo daawasho tago dad ka kala yimid wadanka Iswiidhan oo dhan. Tartamada mootooyinka ee Vretlanda iyo Vaggerydstravet waa labo goobo oo eey dad badan usoo daawasho tagaan. Kaniisadaha iyo ururrada samafalka ayaa iyagana ah kuwo wax qabad la taaban karo ka geysto gobolka, waxeeyna degmooyinka kala duwan ee gobolka ka qaban qaabiyaan goobo eey dadka wadanka ku cusub ku kulmaan si eey wax isku weedaarsadaan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Industriarbetare , Jönköping Truckförare
Undersköterska Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Tandtekniker Tandtekniker
Sjuksköterska natt Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Överläkare / specialistläkare psykiatri Specialistläkare
Överläkare / specialistläkare psykiatri Specialistläkare
Personlig tränare till Jönköping! Personlig tränare/PT
Sjukgymnast / Fysioterapeut till Nyhälsan Fysioterapeut/Sjukgymnast
Sjuksköterska Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Säljare Butikssäljare, fackhandel
Morgonpigg frukostvärdinna till Hotell Vidöstern Restaurangbiträde
Distriktssköterska / Sjuksköterska till Nyhälsans vårdcentral i Forserum Sjuksköterska, grundutbildad
Sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Studiehandledare i uzbekiska , armeniska , albanska , karen , grekiska , kroatis Modersmålslärare i grundskolan
Serviceinriktad Kundtjänstmedarbetare till SEB Värnamo Kundtjänstmedarbetare
Undersköterska Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
HR specialist - arbetsmiljö och utbildning HR-konsult/PA-konsult
Farmaceutisk rådgivare till Apoteket A6 center Farmaceut/Receptarie
Lärare i svenska / sva , Nordinskolan Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
1:e Kock Kock, storhushåll

Bogga 1 ee ka mid ah 90

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri