Kalix

Kalix waa degmad dabiici-raaxo leh, oo si sahlan looga heli meelo qorxoon oo aragtiidoodu lagu raxeeysto. Bartamaha-qeeybeed waxuuba ku yaala meesha biyaha webiga-Kalix ku kulmo badda Bottenviken. Kalix markasto uu ahaatay bartamaha, dhaqamada kala duwan iyo afarta geesba meel looga soo guuro. Waxeey taasi balaarisay habka aan aduunka uu aragno. Hal natiijo oo taasi keentay waa in maanta jawiga-shirkadeed uu yahay mid kala duwan, laga bilaaba warshado-weeyn ilaa shirkado yar oo qani laga yahay.

Soo bandhigid

Deegaan

Soo galooytiga cusub oo ka tirsan taabo-gelinta, isku duwaha qaxootiga degmada yaa ka caawinaayo habeeynta guri. Haddii aad dooneeysaan guri kale, in kale ka akhriso Bo i Kalix. Ama fiiri liiska shirkada-guriyaha ee bogga internetka degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhish iyo af finish marki laga gudbo, Kalix waxaa looga hadla af finish, af fransiis, af jarmal, af ruush, afka thayland, af carabi, af tigrinya iyo af faarisi. Kalix waa meel lagu maamulo afka finishka iyo afka meänkiele.

Jaaliyado iyo ururu

Marka laga gudo shaqada kanisadeed ee caadiga ah, kaniisada Iswiidan, waxeey qabqaabisaa kulamo iyo howlo-taageero oo loogu tala galay muwaadiniinta, ayadoo la wada shaqeeyneeyso laanta iyo si gaar ah. Sido kale meesha waxa ku yaalo urur soomaali.

Isku dar waxaa bogga-internetka ee degmada ka diiwaangalsan 114 ururo.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Kalix waxaa ku yaalo xafiiska-maamulka, xafiiska bulshada, dukaamo nuuc kasto ah, carwo dukaamo leh, maktabad leh meel la iskugu tago, xafiska shaqada, dukaanka laanta cas ee dib uu isticmaalida iyo JUC dukaanka-dib uu isticmaalida.

Reer caadi oo caruur ku leh Kalix waxeey lee yihiin howl firifircoon ee dibada. Xiliga xagaaga dad badan ayaa jasiirado yaryar oo leh dabaal iyo xeeb-ciid. Xiliga jilaalka dadka xiiseeyo dabaasho waxeey galaan Kalix SportCity barkadeeda-dabaleed ee kulul ama waxeey baraf-ku raacida iyo qalabka-barafka-lagu raaco oo lagu raaco Rudträskbacken. Sido kale intana waxaa ka jiro ururo badan oo qancin karo hamiyada inta badankood. Laga bilaabaa riwaad-jilid-bilaaw ah, ciyaarta-alwaax-ridida iyo ciyaar ilaa faras-raacis, jilaad iyo tartan-baabur.

Dalyeelka carruurta

Reerka waxeey degmada uu baahnaa karaan warbixin iyo caawinaad ka socoto wax yaalo badan. Sidaas darteed bogga-internetka ee Kalix waxaa ku jiro isku-xidh ku geeynaayo warbixinta dugsiga xanaanada iyo iskuleed, taageero iyo talo ku saabsan caawinaad dhaqaale, talobinxinta-macmiilka iyo talo bixin shakhsi ahaan ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Kalinx waxeey lee dahay dugsi hoose-dhexe oo ku yaalo bartamaha iyo baadiyaha. Dugsiyada dhexe-hoose waxaa ku ag yaalo dugsi-xanaaneed iyo/ama guri-xanaaneed maalmeedka. Dugsiga-Dhaqanka waxuu mas'uul ka yahay howlo-dhaqameed oo ku jiro dugsiga xanaanada iyo iskkulka sido kalena waxuu la shaqeeyaa barnaamijka heesaha ee dugsiga sare iyo qeeybta heesaha ee dugsiga Sverigefinska ee dadka waa weeyn (ee la seexdo).

Ardaydeena dhigato dugsiga sare Furuhed ee degmadu lee dahay. Waxuu maanta dugsiyaan soo bandhigaa barnaamijyo qareemeed oo aad uu badan. Taasi waxeey keeneeysaa i badana ardayda uu baahneeyn in ee ka guuraan xaafadooda inta ee dhiganaayaan dugsiga sare. Ayadoo wadashaqeeyn lala lee yahay jawiga-shirkadeed, waxeey keeneeysaa in barnaamijyo badan ee dugsigeena sare sido kale xariir sax ah la lee yihiin shaqada iyo xaqiiqda sugeeyso.

Furadaha waxbarasho

Fursad kala duwan ayaa waxbarashada loo lee yahay Kalix. Dugsi dadka waa weeyn oo ku jiheeysan warbaahinta iyo saxaafada, dugsiga sare ee cilmiga dabiicida, waxbarasho uu diyaarinta xirfada. Waxbarashada bulshada oo loogu tala galay soo galooytiga cusub waxaa lagu dhigaa iskuxidh-fiideeyo, waana 60 saacadood. Kalix UniverCity waa magac loo soo gaabshay degmada maaliyada ee galiyasay waxbarashada dadka waa weeyn, laga bilaabaa dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed. Kalix UniverCity waxuu isku xiraa dhamaan waxbarashada dadka waa weeyn, markii la isku daro jaamacad, waxbarashada iswiidhishka ee soo galooytiga  iyo waxbarashada uu diyaarida xirfada. Haal saac gudaheed waxaa ku tageeysaa Jaamcada farsama Luleå, hareeraheedana waxaa ku yaala dugsiyaal dadka waa weeyn. Fursad ayaa loo lee yahay markii rabto ha ahaate in la bilaabo waxbarasho heer dugsi sare, oo masaafad laga baranaayo, waxaana go'aan laga gaari karaa hab-socodka waxbarashada inta ee la ahaaneeyso.

Caafimaadka

Maamulka Gobolka Norrbotten ayaa maamulo daryeelka Kalix, isbitaalkana waxa lee yahay 60 boos ee daryeeleed oo kala leh qeeybo-isbitaaleed iyo qaabilaado kala duwan.

Degmada Kalix waxeey lee dahay labo xarun-caafimaad oo ee laga wado maamulka gobolka. Waxeey si wadajir ah la wada shaqeeyaan degmada Kalix dhinaca daryeelka caafimaadka caruurta iyo hoyooyinka gudaha Rugta caafimaadka ee reerka.

Daryeelka ilkaha ee dadweeynaha waxuu ku yaala agagaarka isbitaalka.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan khadka telefoonka ku jira waa la adeegsan markasto oo hey'adda dowlada iyo qeeybaha daryeelka loo tago.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-Gobolka ee Norrbotten waxuu mara jidadka weeyn, tareena waa loo raaci karaa Luleå iyo Haparanda.

Gaadiidka xaafadaha Kalix waxuu ka dhex shaqeeyaa goobaha la deganyahay ee bartanka iyo tulooyinka uu dhow.

Shaqo iyo ganacsi

Warshada ugu weeyn ee Kalix, laga yaaba in ee tahay mida ugu weeyn bariga Norrbotten, soo saarida waa walxaha iyo waraaqadaha ee Billerud Karlsborg oo leh ku dhawaad 430 shaqaale, soona gasho 1,8 miljaar karoon/sanadkii.

Degmada waxaa ka shaqaaleeysan ku dhawaad 1700, Maamulka gobolka Norrbotten waxaa ka shaqaleeysan ku dhawaad 775 qof.

Kuwo ka mid ah warshadeeynta-elegtrooniga oo Iswiidhan ugu caansan ayaa saldhig ku leh Kalix. Caretech oo ah shirkad calaamka ku hormarsan dhinaca qalabka-digida. Waxeey waxbarasha iyo cilmi baaris kala wada shaqeeyaan xarunteena-waxbarasho, Kalix UniverCity.

Kalix waa xarun-elegtrooni oo leh boqolaal ka shaqaaleeysan laanta telefoon-qabitaanka oo adeeg siiya wadamada waqooyiga yurub oo dhan.

Wadashaqeeynta shirkadaha-alawaax soo saarida waxeey hormariyaan najaarada iyo qalabka-dhisida. Setra Rolfs Såg waa shirkada soo saarto minshaar oo leh 80-yaamo shaqaale oo warshadeeyo geedaha Norrbotten ee goor danbehoodii uu koray.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 2

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Kalix

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

16 518

Cabirla dhulka

1 808 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Luleå 82 km

Haparanda 50 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri