Karlsborg

Bey'ada nololeed ee fiican waxeey ka mid tahay fa'idooyinka weeyn ee Karlsborg, degmadana waxeey ku taala dhul qurxoon oo leh dabiicad xiiso leh iyo wabiyaal badan. Degmada Karlsborg waxeey taajir ka tahay soo bandhigi kala duwan ee dhaqamada, bey'ado kala duwan ee taarikhi ah iyo goob kulan oo loogu tala galay howl dhaqan iyo xilli firaqadeed. Tani waxeey fursad uu siineeysaa aragtiyaal kala duwan inta lagu jiro sanadka oo dhan. Dad firfircoon, xiiso uu hayo hadana kuwo wax uu abuuraayo ayaa ka mid ah tayadeena nololee ee Karlsborg. Asalka ayaan ku dhiseeynaa, waxaana sii wadeeynaa hormarida adadoo degmada laga dhigaayo mid dhaqameed iyo mid howlaha xilliga firaqadeed leh.

Soo bandhigid

Deegaan

Kvinna på trappa som njuter av solen 

Karlsborg waxeey lee dahay soo bandhig guryo oo kala duwan. In badan oo ka mid ah guriyaasha waxeey ku yaaliin bey'ado dabiicad qurxoon oo uu dhaw biyo iyo lug iyo baskiil lagu tagi karo adeegyada iyo dugsiyada.

Bogga Karlsborg waxaa ku jirto warbixin ku saabsan iyo warbixin xariir ee guri kireeyaha, ururada milkiyaasha guriyada iyo dalaalada guriyaasha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa dagan dad ka socdo meelo kala duwan ee caalamka. Luuqadaha looga hadlo tusaale ahaan waa carabi, daari, soomaali, af ruush, tigrinya, afka thayland, afka hooland, afka noorweey, af jarmal, afka finland, afka ingriiska.

Jaaliyado iyo ururu

Karlsborg waxaa ku taalo dhowr kaniisad, ee ka mid tahay kaniisada Iswiidhan, kaniisada bingist iyo kanisada fidinta.

Sido kale halkaan waxeey taajir ka tahay ururada, kuwa isboortiga iyo kuwa dhaqamada sido kalena hey'addaha kheeyriga sidii Bisha cas iyo hey'adda badbaadinta caruurta. Diiwaanka-ururada ayaad ka heli kartaa ururada ka hoowl galo meelaha aad hamiga uu heeyso.

Maxaa ka ag dhaw

Karlsborg 

Xataa haddii uu san weeyninkeeda uu saas uu weeyneeyn, degmada waxaa ku yaalo in ku filan oo maqaayado ah iyo biibito. Halkaas oo aad ka cuni karto laga bilaabaa biisooyinka aad ugu jeceshahay ilaa cunto aasiya ama casho leh cunto la shiilay. Haddii aad iska rabto lee xoogaa shah-shaah ah waxaad booqan kartaa in ka mid ah biibitooyinkena raaxada leh.

Dukaamada waxeey le yihiin soo bandhig dhar, sharaxaada iyo waxyaalaha isboortiga iyo xilliyada firaaqada. Haddii la doonaayo in lacag yar lagu helo wax, waxaa kale oo sii jiro dukaamo gacan labaad lagu iibiyo iyo gadgadid-bananeed oo la kala dooran karo.

Maktabad-weeyn oo leh soo bandhig ka weeyn kuwa kale waxeey ku taala bartamaha Karlsborg. Maktabada waxeey laamo ku lee dahay oo kale gudaha Undenäs iyo Mölltorp.

Hoowlaha isboortiga waxaa uu jiro goobta isboortiga iyo dabaasha ee Moliden. Sido kale waxaa jiro jidad in ku filan oo nuuca lagu ordo, baskiil lagu wado iyo lagu socdo.

Adeegyada nuuca kale ah sidii xafiiska bulshada, farmashiye iyo banki waxeey ku yaaliin bartamaha Karlsborg.

Xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska iyo hey'adda canshuuraha waxeey xafiis ku lee yihiin Skövde oo Karlsborg uu jirto 45 kilomitir.

Dalyeelka carruurta

Barn som leker med boll 

Karlsborg waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano iyo hoowlo loogu talagalay xanaanada waxbarashada leh ee caruurta ku jiro da'da 1 -5 sano. Caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano oo baahan ilaalin dugsiga ka hor iyo kadiba ee markii waalidka shaqeeynaayan, waxaa uu jiro guriga xilliga firaaqada.

Xarunta reerka Björken waa dugsi xanaano oo furan oo caruurta iyo waalidka si wadajir ah loogu soo dhaweeynaayo.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Barn som gungar 

Karlsborg waxaa ku taalo iskuulo loogu tala galay caruurta ku jiro da'da 6 ilaa 15 sano. Sido kale halkaan waxaa ku taalo goob-xilli firaaqadeed oo habeeno qarkood uu furan caruura fasalka 6:aad ilaa 18 jiro.

Dhalinyarta uu dhaxeeyso 16 sano iyo waxii ka koreeyo waxaa uu jiro dugsiyaal sare oo ku yaalo magalooyinka hareero Karlsborg. Inta badan waxeey uu safraan dugsiga sare ee Skövde ama Tibro.

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn waxeey dhigan karaan sfi (iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga), waxbarashada dadka waa weeyn iyo waxbarshada dadka waa weeyn ee gaarka. Dugsiga waxbarashada dadka waa weeyn waxaad ku lee dahay fursado badan oo aad ku hesho hab-waxbarasho oo adiga kuu haboon. Waxaad isku dhex wadi kartaa waxbarasho oo heerar kala duwan leh, waxaana fursad uu lee dahay in aad waxbarasho ku dhex wado shaqo.

Caafimaadka

Närhälsan ayaa laga helaa la xariirka daryeelka bukaanka, daryeelka hooyoyinka, daryeelka caruurta iyo daryeelka hilkaha.

Xiriirka gaadiidka

Gaadidka dad weeynaha ayaa loo qaadan karaa Skövde oo ah meel laga qaadan karo tareemo uu socdo tusaale ahaan Göteborg iyo Stockholm. Västtrafik ayaa ka masu'ul ah gaadiidka dad weeynaha ee meesheena.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Karlsborg waxeey ka mid tahay shaqo dhiibaha ugu weeyn ee degmada. Ku dhawaad in ka mid ah hal sadaxdiba, shaqaalaha degmada Karlsborg waxeey noqon doonaan howl gab tobanka sano ee soo socdo. Mecnaheeda waxeey tahay in degmada ee lee dahay baahi shaqaale mustaqbalka. Gaar ahaan daryeelka iyo xanaaneeynta.

Degmada waxaa ku taalo "xarunta-shirkadeeynta cusub" oo soo bandhigeeyso talo ku socoto qofka ku fakaraayo in uu furto shirkad gaar ah.

Shaqo dhiibaha weeyn ee ka jiro degmada iyo agagaarkeeda sido kale waa Volvo, gobolka Västra Götaland iyo Wasaarada difaaca.

In kale oo dheeraad ah oo ku saabsan shirkadeeynta xaafadeed ka akhriso karlsborgsutveckling.se.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 43

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Karlsborg

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6 783

Cabirla dhulka

406 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Skövde 40 minuter

Jönköping 60 minuter

Örebro 60 minuter

Göteborg 2,5 timmar

Stockholm 3,5 timmar

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri