Kil

Degmada waxaa ka ag dhow waxyaabaha qofka uu u baahan yahay badankood. Waxaad taas ka dareemeysaa nooljaaliyadeedka ka jira degmada oo eey ka mid yihiin gofka, ciyaaraha barafka, garoomo isboortis oo gudaha ah, garoomo baraf ah, garoomo teenis, garoomo fardaha lagu wado, garoomo isboortiska kala duwan lagu qabto iyo garoomada kubadda cagta.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmadeena waxaad ka heleysaa nuucyada kala duwan ee guryaha aad rabtid inaad degtid sida Fillooyinka, guryaha laga gado dabaqyada dhaadheerka ama guryaha caadiga loo kireysto. Waxaan xoogga saareeynaa hadda xaafadda cusub ee Lövenstrand oo u dhow balliga Fryken. Warbixin dheeraada oo ku saabsan usoo guuridda degmada Kil ka akhriso boggeena internetka.

Gammal båt ute på sjö under festival

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee degmada waa carabiga, daariga, iiraaniga iyo af-soomaaliga laakiin waxaa kaloo jira dad aan saas u badneyn oo luqado kale ku hadla.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyadaheena oo lagu qiyaaso 1000 jaaliyadood waxaa xubno ka ah ku qiyaastii 13 000 oo xubnood. Boggeena internetka waxaad ka akhrin kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha iyo liiska diiwaan galinta jaaliyadaha.

Några par små fötter i fotbollsskor på gräs

Maxaa ka ag dhaw

Xaafadaha bartamaha Kil waxaa ku yaal maktabad, dukaamo, xafiiska shaqada iyo dukaamo-gacan labaad. Waxeey aad ugu dhowdahay magaalada Karlstad (20 km) halkaasoo aad ka soo adeegan kartid dukaamada waaweyn sida IKEA.

Dalyeelka carruurta

Waxaan heysanaa 11 dugsiyada xanaanada carruurta ah, labo baraayfat ah, kuwo ah guryaha xanaanada carruurta iyo xanaano u faran waalidiinta carruurtooda guryaha la joogo. Xilliga Gu'a ee sanadka 2015 waxaa dhismahiisa dhameystirmi doona iskoolka xanaanada carruurta ee Mons Backe. Waxaa degmada Kil usoo guuro qoysaska carruurta leh.

Två barn sitter och pekar på djur i en bok

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sannerudsskolan, oo ah dugsigeena hoosedhexe, waa la dhameystiray waxaana la filaa inuu noqdo iskoolka ugu fiican Iswiidhan oo dhan. bartamaha Kil waxaa ku yaal afar dugsiyada hoosedhexe ah, iskoollada degmada bannaankeeda ka dhisan waxaa loogu tala galay tuulooyinka Fagerås, Högboda iyo Tolita. Ma heeysanno dugsi sare. Ardayda badankood waxeey dugsi sare u aadaan magaalada Karlstad. Warbixin dheeraada oo ku saabsan iskoollada xanaanada iyo iskoollada kale waxaad ka akhrin kartaa boggeena internetka.

Furadaha waxbarasho

In loo safro jaamacadda Karlstad waxeey qaadanee 20 daqiiqo. Hadaad waxbarashadaada dhigatid adigoo gurigaada jooga (distans) waxaad isticmaali kartaa maktabada qeybteeda Lärstudion i Kils bibliotek adigoo dhiibaya lacag aan badneyn. Iskoolka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Kil waxaa laguugu baraa luqadda iswiidhishka ah ee loogu tala galay dadka qaxootiga ah (sfi). Machadka Folkhögskolan ee ku yaal Kristinehamn waxaa laguugu baraa sida bulshada iyo dadka iswiidhishka ah sida eey u shaqeeyaan waxaana casharada lagu bixinaa luqadaada hooyo.

Waxaad baraneysaa macluumaad ku saabsan degmada Kil adigoo fiirsanaya filimaan kala duwan, sida filinka ka hadlaayo marka eey dadka wadanka ku cusub baranayaan isboortiska lagu sameeyo barafka eek goobta Frykstabacken. Filimaantaas boggeena internetka ayaad ka heleysaa.

Ung skrttande man ligger på mage i snö med skidor på fötterna

Caafimaadka

Waxaa degmadeena ku yaal rug caafimaad. Waxaa ku yaal Familjecentralen, oo ah good eey ku kulmaan dadka waalidiin noqon raba iyo waalidiinta carruurta yaryar heeysata. Degmada Kil waxaa ku yaal labo dhakhaatiirta ilkaha ah. Isbitaalka weyn ee ugu dhow waxuu ku yaal Karlstad.

Caawinaad turjubaan

Degmada Kil waxeey turjubaanno kasoo ijaartaan xafiiska turjubaanka ee Karlstad. Waan isticmaali karnaa turjubaanno marka aan qof kula kulmeenno xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Kil meesha meesha eey waa meel eey fududahay in laga safro. Tareenka, baska iyo baabuurka kulligood waxeey 15 daqiiqo gudahood kugu geynayaan Karlstad saddax saacna waxeey kugu geynayaan Stockholm, Göteborg iyo Oslo. Garoonka diyaadda Karlstad, 8 km ayuu u jiraa, waxuuna si fudud idunkugu xiraa aduunka intiisa kale. Warbixin dheeraada ka akhriso bogga internetka ee dhinaca gadiidyada safarka.

En person står och svetsar något

Shaqo iyo ganacsi

Kil waxaa ka dhisan shirkado yaryar iyo qaar xoogaa waweyn oo ka shaqeeya dhinaca garaashyada. Dadka shirkadaha ku leh degmada Kil waxeey talooyin iyo fikrado ku saabsan ganacsigooda kala hadli karaan guddiga shirkadlayaasha ee degmada. Guddigaas waxaa xubno ka ah 10 qofood oo kala soo jeeda baranjiyo kala duwan. Waxaad warbixin dheeraada oo ku saabsan ganacsiga ka heleysaa boggeenna internetka.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Fritidspedagog till Stenåsenskolan i Kil Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Butikschef till Kil Butikschef
Förskolan Kulskolan söker barnskötare Barnskötare
Hjullastarförare sökes till kund i Kil Hjullastarförare, godshantering
Träarbetare sökes till produktion i Kil Träarbetare/Snickare
Installationselektriker sökes Installationselektriker
Säkerhetsansvarig / förvaltare Fastighetsförvaltare
Slöjdlärare inriktning textil 100% tv Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Vårdare Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Husdjurstekniker till Värmland Husdjurstekniker
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Kontaktlinsoptiker - Bergvik Optiker
Lärare i textilslöjd 100 % sökes till Fredricelundsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Kundbokare till heltidstjänst för stort företag inom telekommunikation Besöksbokare/Kundbokare
Två internationella handläggare Servicehandläggare
Verksamhetscontroller Controller
Kock , Södermalmsskolan Kock, storhushåll
Fysioterapeut , smärtcentrum , AnOpIVA , Karlstad Fysioterapeut/Sjukgymnast
Universitetslektor i företagsekonomi inriktning marknadsföring , vikariat Universitets- och högskolelektor

Bogga 1 ee ka mid ah 22

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Kil

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 12 000

Cabirla dhulka

361 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Karlstad 15 minuter

Göteborg 3 timmar

Stockholm 3 timmar

Oslo 3 timmar

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri