Klippan

Degmada Klippan waxeey waqooyi galbeed kaga taal gobolka Skåne. Waxaad ka heleysaa degmada adeeg bulsho oo tayo sare leh iyo guryo deegaan wanaagsan leh. Masaafooinka eey u jirto magaalooyinka waaweyn ma dheera. Gacmo furan kusoo dhowow.

Soo bandhigid

Deegaan

Haddaad usoo guureysid degmada klippan waxaa diyaar laguula yahay guryo nuucyo kala duwan leh; kiro, guro iib ah iyo fillooyin. Shirkadda guryaha ee degmada, magaceeduna yahay Treklövern ayaa kuula diyaar ah guryo kira ah, waxaa kaloo jira shikado gaar loo leeyahay oo iyagana aad ka kireysan kartid guryo.

Warbixin dheeraada oo ku saabsan guryaha ka kireeysto waxaad ka heli kartaa degmada Klippan boggeeda internetka.

Haddii aad xattaa rabtid inaad gadatid guri waxaad warbixin ka heli kartaa degmada boggeenna internetka.

Bil och cykel färdas längs kullerstensgata i Klippan

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo degmada Klippan waa teeylaandees, boolish, siiriyaan, fiitnaamees, carabi iyo af-turkish.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Klippan waxeey leedahay jaaliyado kala duwan. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa liiskeena jaaliyadaha.

Två personer sitter på parkbänk och tittar över en damm

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Klippan waxeey kuu heeysaa adeegga guud ee bulshada oo tayadiisu sarreeyso. Bartamaha degmada Klippan waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska dowlada ee ceymiska, xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha daryeelka qoyska, bangiyo iyo xafiiska adeegga macaamiisha degmada. Waxaa kaloo meesha ku yaal dukaamo kala duwan, maktabad, meel lagu dabbaasho, xattaa tuulooyinka yaryar ee Ljungbyhed iyo Östra Ljungby waxaad ka heleysaa dukaamo iyo maktabad.

Dalyeelka carruurta

Degmada Klippan waxaa yaalla fursado badan aad ku dooran kartid dugsiyada xanaanada carruurta, dugsiyadaas oo isugu jira kuwo degmadeed iyo kuwo gaar loo leeyahayba. Xanaanada caruurta waxaa laga helaa seddaxda tuulooyin ee Klippan, Ljungbyhed iyo Östra Ljungby. Warbixin dheeraadoo ku saabsan dugsiyada xanaanada carruurta wwaxaad ka heli kartaa Degmada Klippan boggeeda internetka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Klippan waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe iyo sare oo eey tiradoodu badan tahay isla markaana kala duwan , waxeyna isugu jiraan kuwo degmadeed iyo kuwo gaar loo leeyahayba. Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan bartamaha Klippan nawaaxigeeda iyo tuulada Ljungbyhed.

Iskoollada eey degmada maalgaliso waxaa laga baran karaa barnaamijyo kala duwan sida cilmiga bulshada, cilmiga xanaanada iyo maaweelinta carruurta, cilmiga barashada gaadiidya xamuulka iyo cilmiga korontada. Tuulada Ljungbyhed waxaa ku yaal runta farsamada diyaaradaha, isla bariga Ljungbyhed na waxaa ku yaal iskoolka Segra oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana lagu bartaa cilmiga beeraha. Degmadu waxeey kaloo leedahay iskool loogu tala galay carruurta ama dhalinyarada dhimirkoodu dhimanyahay.

Warbixin dheeraadoo ku saabsan dugsiyada dowladda ee degmada wwaxaad ka heli kartaa boggeenna internetka.

Warbixin dheeraadoo ku saabsan dugsiyada sare ee dowladda waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Furadaha waxbarasho

Degmada Klippan waxeey leedahay jaanis eey dadka waaweyn wax ku bartaan. Waxaa degmada ka jira komvux, grundvux, sfi, yrkesvux, lärlingsutbildningar, yrkeshögskola iyo särvux, waa xarumo waxbarasho oo dadka waaweyn loogu tala galay. Meel aan aad ugu dheereyn degmada waxaa ku yaal machadyada iyo jaamacadaha Högskolan Kristianstad, Campus Helsingborg, Lunds Universitet iyo Malmö Högskola.

Warbixin dheeraadoo ku saabsan fursadaha xagga tacliinta dadka waaweyn waxaad ka heli kartaa degmada Klippan boggeeda internetka.

Caafimaadka

Degmada Klippan waxeey leedahay saddex rugo caafimaad, labo waxey ku yaallaan bartamaha degmada halna waxuu ku yaal Ljungbyhed. Waxaa kuugu diyaar dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal u carboon shaqadooda. Waxey kaloo kuu hayaan rugta daryeelka carruurta iyo rugta umulisada.

Vårdcentralen Klippan (Region Skåne).

Capio Vårdcentral (Privat).

Vårdcentralen Ljungbyhed (Region Skåne).

Dhakhtarka ilkaha waxuu ku yaal bartamaha Klippan iyo Ljungbyhed.

Caawinaad turjubaan

Degmada Klippan waxeey kuu dalbeysa turjubaan hadaad u baahantahay.

Liten park med fontän och blommande träd

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka safarka ee degmada Klippan wuu fiicanyahay waxaa jira tareen si raaxo leh kuu geeynaya magaalooyinka Helsingborg, Hässleholm iyo Kristianstad. Magaalooyinkaasna waxaad kasii aadi kartaa gobolada iswiidhan oo dhan.

Tuulada Ljungbyhed waxaad ka qaadaneysaa bas ku geeya bartamaha Klippan ama bas isteeshinka Stehag oo aad kaga sii safri kartid magaalooyinka kale ee gobolka Skåne. Warbixin dheeraada ka akhriso jedwalka wakhtiyaya ee Skåne.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Klippan waxeey daris la tahay magaalooyinka waaweyn ee Helsingborg, Kristianstad, Ängelholm, magaalooyinkaas oo jaanisyada shaqo eey ku badanyihiin.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Servicetekniker Servicetekniker, maskin
Kvalitets - & Mättekniker till Klippan Safety i Klippan. Kvalitetsingenjör/-tekniker, maskin
Sjuksköterskor natt Sjuksköterska, grundutbildad
Sjuksköterska inom LSS Sjuksköterska, grundutbildad
Grundskollärare åk 4 - 6 , 2 tjänster , Nya Snyggatorpsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Franska plus ev annat ämne , Nya Snyggatorpsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Personlig assistent sökes till aktiv 22 - åring Personlig assistent
Datainsamlare Klippan Intervjuare, opinionsundersökning
Senior Mekanikkonstruktör till Klippan Safety i Klippan Konstruktör, tillverkningsindustri
Lärare i matematik / naturorienterande ämnen 6 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Lärare i engelska 6 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Vi söker en lastbilsmekaniker till Östra Ljungby Lastbilsmekaniker
Jobbcoach / Handledare Jobbcoach/Utbildningscoach
Vi söker en skademekaniker till Östra Ljungby Lastbilsmekaniker
Brinner du för ledarskap och vill utvecklas? Teamledare
Enhetschef till hemtjänst Ljungbyhed Enhetschef, hemtjänst/Områdeschef, hemtjänst
Är du Viasats nästa toppsäljare? Hemförsäljare
Extraarbete som truckförare Truckförare
Kanslichef Administrativ chef
Kyrkoherde till Klippans Pastorat Församlingspräst med specialuppgifter

Bogga 1 ee ka mid ah 190

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Klippan

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

16 600

Storlek till ytan

374 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Helsingborg 34 km

Ängelholm 25 km

Malmö 91 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri