Köping

Kommun-ka Köping waxa degan in wax yar ka badan 25 000 oo qof, taasi oo ka dhigta degmadan xaruun dabiici ah oo dhacda gobolka galbeedka Mälardalen. Wax-soo-saarku waa horumarka ugu muhimsan ee degmadan oo ah degmo noolaysa islamarkaasna horumarisa dhaqanka warshadaha. Dekadda labaad ee ugu wayn Iswiidhan, ee dekadaha haraha ku yaala ayaa ku taala Köping. Landstinget-ka iyo cusbitaalka oo laysku daray iyo waliba kommun-ku waa shaqo-bixiyayaal waawayn. Isu-safarka waxa sahla tareeno iyo wadooyin si wanaagsan isugu xidhan. Dekadda, tukaamada, socodka iyo guriga isbedelka qarniga ee ku yaala Stora torget ayaa magaalada qaabeeya.

Soo bandhigid

 

Deegaan

Mar rabtaa inaad usoo guurto Köping, waxa ku yaala guryo-kireeyayaal badan ood la xidhiidhi karto. Shirkadda ugu wayn ee guryaha kiraysa waa ta kommun-ku leeyahay ee loo yaqaano KBAB, laakiin waxa jira shirkado badan oo guryaha kireeya oo ah kuwo gaar loo leeyahay. Liistada shirkadaha guryaha kireeya ee Köping waxad ka helaysaa bogga kommun-ka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kommun-ka Köping waxa degan dad ka kala yimi in ka badan 100 wadan. Luuqadaha inta ugu badan lagaga hadlo degmada marka laga reebo Iswiidhishku waa Finishka, Carabiga iyo Soomaaliga.

Kvinna i slöja går över ett torg 

Jaaliyado iyo ururu

Diiwaanka ururada ee kommun-ka waxad ka heli kartaa warbixin ku saabsan badiyaa ururada ka jira Köping. Waxa sidoo kale jira tiro ururo ajaanib ah oo siyaabo kala duwan u caawiya ajaanibta sidii ay u dhexgali laahaayeen ee ay uga mid noqon lahaayeen bulshada. 

Maxaa ka ag dhaw

Waxad Köping ka helaysaa xafiisyada: Arbetsförmedling (Xafiiska Shaqada), Skatteverket (Xafiiska Cashuuraha iyo Diiwaangalinta), Försäkringskassan (Sanduuqa Caymiska) iyo Pensionsmyndigheten (Waaxda Gunnada Hawlgabka) oo dhisme kaliya ku yaal oo dhaca, Västra Långgatan 6. Waxa ku taala maktabad aad ka qaadan karto buugaag iyo jariidado ku qoran luuqado kala duwan. Waxa sidoo kale ad ka helaysaa maktabada caawimo lagaa caawiyo casharada aad dhigato. Köping waxay tukaano ku leedahay badhtamaha magaalada iyo suuq laga tukaamaysto oo loogu talogalay jidka wayn ee haaywayga. Suuqyo waawayn oo wax laga iibsadaayi waxay ku yaallaan Västerås, Eskilstuna iyo Örebro. 

Dalyeelka carruurta

 

Köping waxa ku yaala xadaanado uu kommun-ku leeyahay iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay. In ka mid ah xadaanaduhu, gaar ahaan sanad-ka u dambeeya ee xadaanadu waxay leeyihiin noocyo takhasusaad ah oo kala duwan sida, dibad-jooga, muyuusikada iyo fanka iyo deegaanka. Kommun-ka Köping wuxuu kuu balan qaadayaa in ilmahaagu uu boos kaga helayo xadaanada 4 bilood gudohood. 

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Köping waxa ku yaala dugsiyo hoose/dhexe/sare oo kommun-ku leeyahay. Dugsiyadana intooda badani waxay leeyihiin meesha lagu hayo caruurta kadib marka dugsigu dhamaado. In badan oo ka mid ah dugsiyadani waxay si gaar ah xoogga u saaraan ciyaaraha, isboortiga, fanka iyo muyuusikada. 

Furadaha waxbarasho

 

Waxbarashada dadka waawayn ee Köping waxa laguugu soo ururshay Kompetenscenter. Waxad halkan ka helaysaa: warbixin iyo hagis, waxbarashada dadka waawayn ee heerarka dugsiga hoose, dhexe iyo sare, waxbarashada dadka waawayn ee caawimada gaarka ah u baahan ama naafada ah, Iswiidhishka ajaanibta (SFI) iyo waxbarasho jaamacadeed/sare oo internet-ka laga barto.

Isagoo la shaqaynaya kommun-ku dugsiga Folkhögskolan waxa laguu diyaariyay Korta Vägen – SFI. Sanadka 2015 waxay Köping bilaabaysaa SFA oo loogu talogalay qofkii haysta shahaado jaamacadeed oo la xidhiidha caafimaadka iyo dhakhtarnimada. SFA waa kooras loogu talogalay dadka haysta shahaado jaamacadeed oo la xidhiidha caafimaadka si loo baro luuqada Iswiidhishka ee caadiga ah iyo ta la xidhiidha arimaha shaqada caafimaadka. Gaar ahaan waxa SFA loogu talogalay cidii aan ka sidanin shahaado caafimaad wadan Yurub ah. Waxana lagu bartaa afka Iswiidhishka iyo koorsooyin khuseeya shaqada caafimaadka iyo daryeelka caafimaad.

Sida ugu dhakhsiyo badan waxad u heli wacyigalin bulsho oo ku baxda afkaaga hooyo ama af kale ood taqaano. Haddii aanad ka diiwan gashanayn xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen), adiga ayaa toos iskugu qoraya diiwaanka si ad u hesho wacyigalinta bulsho. Bartan internet-ka iska diiwaangali

Caafimaadka

Degmada waxa ku yaala cusbitaal yar oo afar qaybood leh. Waxa xooga an saarnaa adeega caafimaad ee degdega ah. Waxa sidoo kale ku yaala saddex xaruumo caafimaad Köping iyo Kolsva. Qaybta hooyada iyo dhalmadu waxay ku taalaa Västerås.

Caawinaad turjubaan

Markii loo baahdo wuxu kommun-ku la xidhiidhaa adeega gobolka ee turjumista si ay u suuro gasho in afkaaga hooyo lagugula xidhiidho. 

Xiriirka gaadiidka

koping_karta.jpg 

Warbixin ku saabsan tareenada iyo basaska waxad ka helaysaa Västmanlands lokaltrafik iyo SJ. Dad badan ayaa ka safra Köping oo ka shaqeeya magaalooyinka dariska ah.

Köping – Västerås: Safarka basku wuxu qaataa 57 daqiiqo, tareenkuna 17 daqiiqo.
Köping – Eskilstuna: Safarka basku wuxu qaataa 53 daqiiqo, tareen iyo bas marka laysku darana waxay qaadataa 46 daqiiqo.
Köping – Örebro: Safarka basku wuxu qaataa 2 saacadood iyo 12 daqiiqo, tareenkuna 36 daqiiqo.
Köping – Stockholm: Safarka basku wuxu qaataa 2 saacadood iyo 22 daqiiqo, tareenkuna 1 saac iyo 11 daqiiqo.

Shaqo iyo ganacsi

Köping waxay leedahay nolol ganacsi iyo horumar oo soo jiidasho leh tiiyoo ay ku yaalaan 1300 oo shirkadood. Shirkado badan ayaa hal qof kali ah ka shaqeeyaa, laakiin halkan waxa jira dhaqan adag oo warshadayn ah iyo shirkado ay ka mid yihiin GKN Driveline, Volvo, Powertrain, Sandvik, Yara, Tibnor, Leax group iyo Hästens sängar.
Barta wanaagsan ee xudunta ah eey Köping kaga taalo galbeedka Mälardalen waxay fududaysaa safarka iyo u shaqo-taga magaalooyinka Västerås, Eskilstuna iyo Örebro. Qofkii raba inuu samaysto shirkad ama ganacsi wuxuu caawimo ka heli karaa waaxda horumarinta kommun-ka.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 45

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Köping

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

25 237

Cabirla dhulka

606,8 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Västerås 40 km

Eskilstuna 45 km

Örebro 60 km

Stockholm 152 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri