Lerum

Lerum waa degmada reerada uu fiican, lehna xariir gaadiid fiican oo tago magaalada dariska Göteborg! Degmada waxeey lee dahay aragti mustaabaleed oo ah in ee noqoto degmada-bey'adeed ee ugu safka hore uga jirto Iswidhan ilaa sanadka 2025.

Soo bandhigid

Deegaan

Haddii lagu soo bandhigo in aad uu guurto Lerum waxuu heleeysaa guri qalabeeysan oo aad sii degnaa karto ilaa ad ka hesha guri gacan koobaad ah. Degmada waxeey kuu caawineeysaa raadsiga guriga. Waxeey qaadaneeysaa ku dhawaad hal sano inta aan lagu soo bandhigin guri gacan koobaad ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Boqolkiiba sagaal inta joogto Lerum waxeey ku dhasheen dal kale. Waxbarashada afka hooyo waxaa lagu dhigaa afaf badan oo kala duwan, waxaa ka mid ah carabiga, afka boosniya, afka seerbiya, afka koreeshiya, afka iraan, afka kurdiga, afka ruusha iyo afka booland.

Jaaliyado iyo ururu

Lerum waxaa ku yaalo ururo badan oo leh nuucyo kala duwan, tusaale ahaan urada isboortiga iyo jimicsiga iyo ururada dhaqanka iyo xilliga firaaqeedka. Waxaa jiro ururo luugo tala galayba caruur iyo dadka waa weeynba. Ururada dhamaantood waxeey ku wada jiraan diwaanka-ururada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Lerum waxeey ka kooban tahay bulshooyin badan, waxaa ka mid ah Lerum, Gråbo iyo Floda. Bulsho kasto waxeey lee dahay bartame leh soo bandhigyo adeeg iyo ganacsi. Bartamaha Lerum ayaa leh soo bandhiga ugu weeyn ee adeegyada muwaadinka iyo dukaamada. Halkaan waxaa ku yaalo guriuga-degmada, xafiiska dadka weeynaha, xafiiska bulshada, maktabada, xafiiska shaqada, farmashiye, rugta caafimaadka iyo in kale.

Bartamaha Gråbo waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaan raashin, maqaayad bitsa, farmashiye iyo maktabad.

In yar oo ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dukaamo kale oo badan, waxaa ka mid ah dukaanka sicirka jaban ee Lidl. Shan kilomitir in ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta Halun, halkaas waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaanka weeyn ee raashinka Ica Kvantum.

Bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta caanka ee dabaasha Vattenpalatset. Halkaan waxaa yimaado caruur iyo dad waa weeyn oo ka wado socdo goobaha-Göteborg si ee ugu dabaashaan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lerum waxaa ku taalo in ka badan 50 dugsi xanaano iyo dugsiga maalmeedka reerka oo leh shaqaale haboon ahna kuwo hami uu hayo caruurta. Waxaa la jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Lerum waxeey heeysaa soo bandhig balaaraan ee dhanka fursdaha waxbarashada – laga bilabaa dugsi xanaano, xanaanda maalmeedka ee reereed iyo dugsiyaal hoose ilaa dugsi sare iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Waxaa ku jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan. Bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Lerum oo soo bandhigaayo barnaamijyo dugsi sare oo badan. Sido kale dugsiyaal badan ayaa ku yaalo degmooyinka-dariska oo la kala dooran karo sidii tusaale ahaan Göteborg, Borås ama Alingsås.

Furadaha waxbarasho

Qofkii waxbarasho in uu dhigtoo doonaayo waxeey Lerum uu soo bandhigeeysaa fursad waxbarasho asago weeyn. Waxbarashada dadka weeyn ee Lerum waxaa ku dhigan kartaa sfi (iswiidhishka ajnabiga loogu tala galay) iyo koorsooyin kale oo badan iyo waxbarasho. Waxaa jiro koorsooyin oo ka mid yihiin xanaanada, waxbarashada bulshada iyo isticmaalida kombiyutarada. Tareenka ku socdo Göteborg waxuu qaataa lee 20 daqiiqo, halkaasna waxbarasho kale ayaa laga dooran karaa tusaale ahaan Jaamacada Göteborg iyo Jaamacada farsamada ee Chalmers.

Caafimaadka

Degmada Lerum waxaa ka jiro bandhig fiican dhanka daryeelka caafimadka iyo bukaanka. Waxaa jiro sadax rug caafimaad oo ku yaalo bartama Floda, Gråbo iyo Lerum. Sido kale ruggaga caafimadka waxaa ku dhex yaalo ruggaga caafimaadka ee caruurta (BVC) iyo qaabilaada umulisooyinka. Sido kale bartamaha Lerum waxaa ku taalo qaabilaada daaweeynta caruurta iyo dhalinyarta, qaabilaada dhalinyarada, qaabilaada umilsada, iyo qaabilaada baxnaaninta. Sido kale waxaa jiro qaabilaadyo daryeel ilko oo ku yaalo degmada Lerum, kuwo madaxbanaan iyo kuwo guud. Daryeelka ilkaha dad weeynaha waxuu ku yaalaa Floda, Gråbo, iyo bartamaha Lerum. Göteborg waxaa ku yaalo isbitaalo waa weeyn oo badan oo leh qaabilaadyo takhasus iyo qeeybaha lagu dhalo caruurta.

Caawinaad turjubaan

Waa jirtaa fursad lagu helo turjumaan markastoo xariir lala yeesho hey'addaha dowladeed.

Xiriirka gaadiidka

Tareenka uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg waxuu qaadanaa lee 18 daqiiqo, baskana waxuu qaadana 28 daqiiqo. Tareenka iyo baskaba inta badana waa baxaan. Jidka baaburred ee uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg si fiican uu dhisan yahay. Masaafad gaaban ee uu dhaxeeyso Lerum iyo Göteborg waxeey uu haboontahay in lagu safro. Dad badan oo degan Lerum ayaa ka shaqeeyo Göteborg. Warbixinta dhamaanteed oo ku saabsan waqtiyada iyo sicirka waxeey ku jiraan bogga Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqooyinka ugu weeyn gudaha Lerum waxeey ku jiraan waxbarashada iyo daryeelka iyo xaneeynta. Shaqooyin kale ee caadiga waxeey ku jiraan ganacsiga, dhisamaha iyo adeegyada shirkadaha. Magalooyinka-dariska ee Göteborg iyo Borås shaqo kasto ayaa ka jirto!

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Vikarie i Lerums förskola och grundskola Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Heltidsvikarie i Lerums förskolor Barnskötare
Heltidsvikarie i Lerums grundskolor Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Vikarie i Lerums förskolor Barnskötare
Vikarie i Lerums grundskolor Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Modersmålslärare i teckenspråk Modersmålslärare i grundskolan
Personlig assistent på deltid till en 15 - årig kille i Floda! Personlig assistent
Säkerhetsrådgivare / - säljare med garantilön sökes till Lerum Hemförsäljare
Behandlingsassistent till HVB - hem Behandlingsassistent/Socialpedagog
Nattpersonal till HVB - hem Behandlingsassistent/Socialpedagog
Extrapersonal till HVB - hem Behandlingsassistent/Socialpedagog
Alkohol / drogterapeut till HVB - hem för ungdomar Behandlingsassistent/Socialpedagog
Enhetssamordnare Administrativ assistent
Specialpedagog Lerums gymnasium Specialpedagog
Ibn Rushd Studieförbund söker cirkelledare för bokcirklar med högläsning Cirkelledare/Studiecirkelledare
Vill du ha en fantastisk möjlighet som produktionsansvarig Lagerarbetare
VVS - montör med kylbehörighet VVS-montör
Solrosvägen söker vikarier Habiliteringsassistent
Halvtid till liten förskola Barnskötare
Timvikarie till förskola med liten barngrupp Barnskötare

Bogga 1 ee ka mid ah 261

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Lerum

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

38 580

Cabirla dhulka

260 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Göteborg 22 km

Borås 27 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri