Lessebo

Hadii aad degantahay degada Lessebo waa mujtamac yar una dhaw magalooyin waawayn lehna fursado badan. Way sahlantahay in aad u kala socoto magaalooyinka waawayn ee gobolka adigoo qaadan kara bas ama tariin. Degmada Lessebo waxay ka koobantaa afar magaalo; Lessebo, Hovmantrop, Kosta iyo Skruv. Magaalooyinka oo dhan waxa ay leeyin xanaanada caruurta, iskool, maktabad iyo xanaanada dadka waayeelada ah. Waxayna u dhawdahay magaalada wayn ee Växjö oo leh jamacad lagu magacabo Linne iyadoo fursado waxbarashana laga heli karo. Madoonaysaa in aad wax badan ka ogaato degmada? Kusoo dhawaaw www.lessebo.se!

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada waxa ay leedahay guryo iyo vilooyin. Shirkada ugu wayn ee guryaha laga gireysto waa Lessebohus. Ma doonaysaa in aad wax ka ogaato xaalada guryaha ee degmada soo booqo Lessebo hus.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Lessebo waxa looga hadlaa luqado kala duwan sida af somaliga iyo af carabiga. Maktabada waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan luqadaha kale iyo swedhishka. Hadii aad qabto suaal ku saabsan luqadaha ku soo dhawaaw biblioteket@lessebo.se.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Lessebo waa magaalo jaaliyado badan. Hadii aad doonayso in aad wax ka ogaato jaaliyadaha booqo websidka Föreningsliv.

Maxaa ka ag dhaw

Agagaarka degmada waxa ku yaala dukaamo kala duwan ee cunto, maktabad, maqaayado shaax, maqaayado cunto, xafiiska shaqada, meelaha waqtiyada firaaqada ah la tago. Xafiiska bulshada, bangi, farmashiye, waxyaabo raqiis ah ay ka mid yihiin dhar, kabo, iyo qalabka guriga, meelo lagu iibiyo qalabka qaraashka iyo dukaamo lagu iibiyo waxa lasoo isticmalay iyo wax kale oo badan. Ma doonaysaa in aad ogaato waxa ka dhacaya degmada? Ka aqriso Lessebo kommun.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lessebo waxay u habaysa xanaano carruurta ay da'doodu u dhaxayso 1 ilaa iyo 5 sano. Waxa kale oo aan haysanaa meesha lagu hada carruurta waqtiga ay fasaxa yihin caruurta ay da'doodu tahay ilaa iyo 12 sano. Carruurta waxa ay tagaan meesha lagu hayo waqtiga firaaqada marki aysan iskool aadaynin. Degmada Lessebo magaalooyinkeeda oo dhan  Lessebo, Hovmantorp, Kosta och Skruv way leeyihiin xanaanada carruurta. Iskoolada oo dhan waxay leeyihin meesha lagu hayo carruurta waqtiga firaaqada. Xanaanooyinka carruurta waxa gacanta ku haya degmada intaanan mid ka ahayn kaasna waalidiinta ayaa gacanta ku haya. Sugitaanka helista xanaanada carruurta ma dheera.

Ma doonaysaa in aad wax ka ogaato iskoolaadkeena iyo xanaanooyinka carruurta? Ka aqriso websidka degmada.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Lessebo waaxa  ku yaala xanaanada carruurta, dugsi hoose dhexe, dugsiga sare iyo waxbarashada dadka waawayn. Växjö waxa ku yaala dugsiyo sare iyo jaamacad.

Furadaha waxbarasho

Barista af swedhishka ee dadka ajnabiga ee degmada Lessebo waxay khibrad dher u leedahay barista luqada af swedhishka. Intaas waxa u dheer Lessebo fursadaha waxbarashada ee dadka waawayn. Waxay u habeeyaan waxbarashada si qofkastaba ku haboon. Ka aqriso wixii dheeraad ah waxbarashada dadka waawayn ee Lessebo.

Ma xiisaynaysaa  shaqo xirfadeed ama waxbarasho sare waxa jira fursado badan oo la iskugu soconayo masaafo gaaban Växjö iyo Kalmar.

Caafimaadka

Gobolka waxa ka jira daryeel caafimaad oo wanaagsan. Lessebo waxa ku yaala xarun caafimaad, xarunta hooyooyinka iyo dhalaanka, xarunta qoyska, caafimaaka iskoolka iyo daryeelka ilkaha. Booqo websidka maamulka gobolaka hadii aad xiisaynaysid in aad wax ka ogaato sida oo u shaqeeyo caafimaadka iyo sida oo ugu abaabulanyahay gobolka.

Caawinaad turjubaan

Waa muhiim in aad baratid luqada sida ugu dhaqsiyaha badan. Lakin hadii aad u baahantahay turjubaan la xiriir meesha dadka lagu soo dhaweeyo ee degmada Lessebo, telefokeedu waa 0478-125 00.

Xiriirka gaadiidka

Waxa jira xiriir wanaagsan xaga basaska iyo tariinada u socda kana yimada magaalooyinka kale. Jadwalka aqtiyada iyo warbixinba waxad ka helaysaa SJ iyo Gaadiidka gobolka Kronoberg.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada shaqabixiyayaashooda ugu daban waa Lessebo kommun, Kosta Boda Art Hotel, Kosta outlet, Orrefors Kosta Boda iyo Lessebo bruk. Shaqo bixiyayaasha badani waxay ka jiraan meelaha la isugu socdo.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Förskollärare på Öppen förskola i Lessebo Lärare i förskola/Förskollärare
Sva - lärare med försteläraruppdrag Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Serveringspersonal till Kosta Lodge extra vid behov Servitör/Servitris
Informationssäkerhetsansvarig till Lessebo kommun Säkerhetsansvarig, IT
Hästskötare Djurskötare, häst
Lågstadielärare på Kvarndammskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Pedagog till fritidshemmet på Kvarndammskolan Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Mellanstadielärare på Kvarndammskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Säkerhetsrådgivare / säljare med garantilön sökes till Lessebo Hemförsäljare
Montörer till företag i Växjö sökes! Montör, metallprodukter
Kosta Boda Art Gallery söker extrapersonal Guide
Brinner du för ledarskap och vill utvecklas? Teamledare
Servitör / Servitris Servitör/Servitris
Frukostansvarig Frukostvärd/Frukostvärdinna
Förskolan i Skruv söker förskollärare / barnskötare Lärare i förskola/Förskollärare
FRISÖR SÖKES! Frisör
Taxiförare - extrajobb Taxiförare/Taxichaufför
En pigg och glad 19 - årig kille söker assistent! Personlig assistent
Omsorgspersonal till Hovmantorp serviceområde Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Timvikarier till omsorgen om personer med funktionsnedsättning Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare

Bogga 1 ee ka mid ah 33

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Lessebo

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8 600

Cabirla dhulka

415 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Växjö 30 min

Nybro 30 min

Kalmar 60 min

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri