Linköping

Linköping waa degmada 5:aad ee ugu Iswiidhan waxeey kaloo ka mid tahay degmooyinka ugu korriimaha wanaagsan Iswiidhan oo dhan waxaana degan 150 000 oo qofood. Tekanaloojid sare oo heer caalami ah leh, jaamacad aad u wanaagsan iyo ganacsi xoogan ayaa calaamad u ah magaalada. Sababaha muhiimka u ah koritaanka dhaqaalaha waa wada shaqeynta ka dhaxeeysa waxsoosaarka ganacsiga, degmada iyo jaamacada waxaa kaloo sii dheer wada shaqeynta ka dhaxeysa degmada Norrköping iyo degmooyinka kaloo dariska ah.

Soo bandhigid

Vy över Linköping
Foto: Erik G Svensson

Deegaan

Linköping kuma yaalliin shirkado guryo eey degmadu leedahay, shirkadaha guryaha ayaga ayaa ka mas'uul ka ah ineey dadka war geliyaan guryaha bannaan iyo safafka guryaha loo galo. Waxeey degmada heshiis la gashay shirkadaha raba ineey warbixinnadooda laga heli degmaa boggeeda internetka oo liis taixana ah ku qoran. Degmada waxeey iibisaa dhul bannaan oo saf loo galo waxeey kaloo iibisaa dhulal aan saf loo gelin.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Linköping waxaa ku nool jinsiyado badan waxaana ka jiro luqado badan. Waxaa ka mid ah luqadaha af-soomaaliga, carabi, roomaani, iiraani, kurdish iyo af-ingiriis.

Ilmaha iyo dhalinyarada oo luqadooda hooyo aanan aheyn af-iswiidhish waxeey xaq u leeyihiin luqadda afka hooyo markeey dhiganayaan dugsiyada hoosedhexe iyo sare.

Degmada linköping waxaa boggeeda internetka ah laga helaa warbixinno la fasiray oo ka hadlaya qeybo kala duwan sida, xanaanada carruurta, iskool, ceyrta, gacan qabte, daryeelka howlgabka iyo maktabad. Warbixinno dheeraada waxaa waxaad ku heli kartaa luqadaha: af-carabi, af-soomaali, iiraani, roomaani, kurdish iyo ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Linköping dadka degan badankood waxeey ka howl galaan jaaliyadaha degmada kuwo ka mid ah, waxaa yaal goobo loogu tala galay isboortis, shax, farshaxan, xoolo iyo dhul dabiici ah, buuro iyo taariikh- haddii aan qaar ka magacaawno. Waxaad gashaa degmada liiskeeda diiwaangelinta jaaliyadaha.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada linköping waxaa ku yaal labo xafiisyada muwaadininta ah, mid waxuu ku yaal bartamaha midna waxuu ku yaal xaafada Skäggetorp, waxeey dadka ka caawiyaan ka jawaabidda su'aalaha caadiga ah, waxeey bixiyaan macluumaad guud, warbixinno iyo jid ku hagid. Waxaa kaloo jira warbixinno kale oo ku saabsan xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska xashuuraha ee Linköping. Bartamaha degmada waxaa ku yaal dukaamo iyo makhaayado, bannaanka degmada waxaa ku yaal Tornby oo ah goob weyn oo eey dukaamo fara badan ku yaallaan. Waxaa kaloo jira dukaamada gacan labaadka oo badan oo lagu gado dhar rakhiis ah, maacuun iyo alaabta guriga. Linköping waxaa ku yaal goobo badan oo lagu dabbaasho iyo garoomo isboortis. Waxaa loo isticmaalaa in lagu cayaaro kubadda cagta, kubadda barafka usha lagula ciyaaro iyo ciyaaraha guud. Waxaa kaloo jira goob xilli firaaqeed oo loogu tala galay dhalinyarada eey da'doodu u dhaxeeyso 13-16 sano.

Kryddbodtorget.jpg
Foto: Erik G Svensson

Dalyeelka carruurta

Ilmaha da'doodu eey u dhaxeeyso 1-5 sano isla markaana u baahan daryeel waxaa jira iskoollada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanada carruurta. Linköping waxaa ka jira dugsiyo xanaano carruureed oo eey degmada mamusho iyo kuwo gaar loo leeyahay oona qaabilsan qeybo kala duwan. Degmada waxeey leedahay adeeg aad isugu babar dhigi kartid dugsiyada xanaanada, guryaha xanaanada, dugsiyada xilli firaaqaha iyo dugsiga xilli firaaqaha furan.

Linköping waxaa ka jira dugsiyada iskoollada xanaanada furan/xarumaha qoyska. Iskoolka xanaanada furan waa goob eey ku kulmaan waalidiinta carruurta yaryar heysta.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Linköping waxaa ku yaal qiyaastii 56 dugsiyo hoose dhexe iyo 17 dugsiyo sare ah. Waxeeyna isugu jiraan kuwo eey degmada maamusho iyo kuwo gaar loo leeyahay. Iskoollada waxeey siinayaan ardayda jihooyin waxbarashadeed oo kala duwan. Degmada waxeey leedahay adeeg aad isugu babardhigi kartid waxbarashada kala duwan oo eey dugsiyada hoosedhexe, sare iyo iskoollada loogu tala galay ardayda caqliga dhiman heeyaan. Wakhtigooda ugu horreeyo waxeey ardayda wadanka ku cusub dhiganayaan barnaamijka fasallada caalamiga ah oo loogu tala galay ardayda qaxootiga ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Linköping waxaa ku taal jaamacad weyn, Linköpings universitet, machadyo fara badan iyo waxbarashada dadka waaweyn. Barashada luqadda iswiidhishka ee loogu tala galay qaxootiga, sfi, waxeey hadaad tahay qaxooti wadanka ku cusub ku siineysaa aqoon asaasi ah oo luqada iswiidhishka ah.

Caafimaadka

Taleefanka 1177 waa nambar goob caafimaad oo la wacdo markaad rabtid talo ku saabsan dhinaca caafimaadka ah waxaad kaloona ka heli kartaa warbixin ku saabsan xarumaha caafimaadka ee degmada Linköping. Waxaad booqan kartaa webside kooda www.1177.se ama waxaad wici kartaa wici kartaa taleefan nambarka 1177. Waxaad kaloo booqan kartaa Landstinget i Östergötland.

Caawinaad turjubaan

Markaad ka kulmeeysid xafiisyada dowladda waxaad xaq u leedahay in laguu qabto turjubaan hadaadan fahmeyn luqadda iswiidhishka. Degmada Linköping waxaa turjubaannada looga wacaa marka eey jiraan kullamada kala duwan sida kulanka waalidiinta iyo macallimiinta eey yeeshaan iyo kullamada xafiiska sooshaalka.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa degmada ku yaal isteeshin tareen weeyn oo eey ka baxaan tareenno iyo basas kala duwan. Waxeey gaadiidyada tareenka ee Östgötatrafikens isku gooshaa degmooyinka Norrköping, Linköping, Mjölby iyo Tranås. Qaabka wanaagsan ee loo dhisay gaadiidka dadwenaha ee degmada Linköping waxuu fududeeyay safarka degmada dhexdeeda ah. Hadaad rabtid inaad amaahatid baabuur u wanaagsan bii'ada waxaa jira meelo laga amaahdo oo ku yaal magaalada qeybaheeda kala duwan oo dhan. Warbixin dheeraada oo ku saabsan ka akhri Östgötatrafiken.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn waa degmada Linköping shaqaalaheeda, maamulka caafimaadka, Saab AB, jaamacadda Linköpings universitet iyo Ericsson AB.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 60

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Linköping

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

150 202

Cabirla dhulka

1 567 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 199 km

Göteborg 274 km

Malmö 418 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri