Ludvika

Degmada Ludvika waxeey ku taal koofurta gobolka Dalarna. Meeshaan waxaa yaal dhul dabiiici ah isla markaana ku soo jiidanaya. Bartamaha Ludvika waxaa ku yaal adeegyada kala duwan ee bulshada oo dhan. Meeshaan waa meel ammaan ah, ilmaha waxeey aadaan iskoollada xanaanada carruurta iyo iskoollada caadiga ah oo tayo sare leh, waxaad kaloo qeyb ka noqon kartaan nolol jaaliyadeedka ka jira degmada. Ludvika waa degmo sii kobceysa oo eey ka dhisan yihiin shirkado dhaqaalahooda wanaagsan yahay- kuwaasoona sii raba ineey sii weeynaadaan. Isteeshinka tareenka iyo baska oo ku yaal bartamaha Ludvika waxuu isku xiraa magaalooyin badan oo eey ugu horreeyso Stockholm. Degmada waxeey leedahay qaabilaad wanaagsan oo xagga qaxootiga ah. Dadka degan Ludvika waa dad furfuran, soo dhaweyntooduna wanaagsantahay, waxeeyna dhaqamada kala duwaan u arkaan ineey wax fiican kuso kordhinayaan degmada.

Soo bandhigid

Guriga Frändskapshuset waa goob kulan oo loogu tala galay dadka iswiidhishka ah iyo kuwa qaxootiga dhamaantood ayadoon kala sooc uusan jirin. Qof kasta gacmo furan ayaa lagu soo dhaweynayaa, waa meel leesku barto isla markaana lagu kala badasho fikradaha iyo khibradaha kala duwan, hadeey ahaan lahaayeen dhinacyada bulshada, luqadaha iyo dhaqanka.

Guriga Frändskapshuset waa meel fududeeyso is dhexgalka iyo barashada dadka. Meeshaan waxaa yaalla waxyaabo kala duwan oo la qaban karo sida kulamo u gaar ah haweenka, casharro, "wada hadal", ka hadalka dhaqanka, adeega qaxootiga, warbixinno ku saabsan mujtamaca, turjubaanka iyo warbixinno ku saabsan jaaliyadaha kala duwan. Warbixin dheeraada oo ku saabsan Guriga Frändskapshuset waxaad ka akhrisaa degmada boggeeda internetka.

Deegaan

Xarunta qaabilaadda qaxootiga ee degmada Ludvika waxeey ka shaqeeysaa sidii looga hortagi lahaay ineey kala qeeybsanaan ka abuuranto dadka soo galootiga ah iyo dada meesha hore u degnaay. Degmada waxeey leedahay guryo isku milan. Waxaad heli kartaa guryaha la kireysto, kuwa la gato oo nuucyo badan leh, fillooyin iyo dhulal. Hadaad rabtid inaad kireysatid guriwaxaa jira leeman iyo telefoonno eey ku yaallaan shirkadaha kala duwan ee guryaha waxaadna ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadda iswiidhishka iyo ingiriiska oo eey dadka degmada Ludvika badankood ku hadlaan marka laga reebo, waxaa luqadda ugu weyn ah carabiga. Luqadaha kale waa iiraani, daari, tigree, af-soomaali, teeylaandees, holandees, af-ruush iyo kuwo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyada ka dhisan degmada Ludvika tiradooda waxeey la egyihiin tirada inta balli ee ku yaal degmada- ku dhowaad 370 jaaliyadood ayaa ku jira liiskeena diiwaangalinta jaaliyadaha. Jaaliyadaha waxeey isugu jiraan kuwo aad u weyn iyo kuwo yaryar. Hadaad raadineysid jaaliyad waxaad ka raadin kartaa liiska jaaliyadaha.

Dalyeelka carruurta, ​dugsiga heese dhexe iyo sare

Adeega iskoollada ee degmada Luvika waxuu ka kooban yahay iskoollada xanaanada carruurta, dugsi hoose dhexe (fasallada 1-9) iyo iskoollada ilmaha dhimirka ka xanuunsan. Waxaa degmadeena ku yaal 18 dugsiyada hoosedhexe ah oo eey dhigtaan arday tiradooda lagu qiyaaso 2600 oo kala dhigta fasallada xanaada illaa fasalka 9 (F-9) waxaa ku yaal degmada 2 iskoollada carruurta dhimirka ka xanuunsan loogu tala galay oo eey dhigtaan 33 arday ee fasallada 1-10.

Waxaa degmada ku yaal labo dugsiyada sare ah, iskoolka Västerbergslagens utbildningscentrum (VBU), oo ah mid eey degmooyinka Ludvika iyo Smedjebacken eey isla maamulaan, waxaa kaloo jira dugsi sare oo ah mid gaar loo leeyahay waxaana la dhahaa ABB industrigymnasium.

Caafimaadka

Degmada Luvika waxaan rabnaa in dadka degan oo dhan caafimaadkooda inuu wanaagsan yahay. Hadaad xanuunsatid, hadaad dhaawacmatid ama hadaad talo caafimaad u baahan tahay waxaa lagaa caawinaa sida aad u heli laheyd waxa aad rabtid. Maamulka gobolka ee dhinaca caafimaadka waxuu mas'uul ka yahay caafimaadka iyo daaweynta bukaanka. Ayagaana la xiriireysaa hadaad xanuunsatid.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey leedahay xafiis turjumaad oo loogu tala galay dadka degmada degan ee wadamada kale kasoo jeeda isla markaana aanan aqoonin luqadda iswiidhishka. Waxaan heynaa adeegyada turjumaadda, fasiraadaha kala duwan iyo koorsooyin waxbarasho oo loogu tala galay dadka turjubaanka isticmaala. Warbixin dheeraada oo ku saabsan xafiiska turjumaadka sida aad u dalban kartid waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxeey laba saac u jirtaa Stockholm, 11 mayl waxeey u jirtaa Västerås 12 maylna waxeey u jirtaa Örebro, intaasoo oo magaalo oo u dhow degmada Ludvika waxeey ka dhigeysaa meel soo jiidasho leh oo laga shaqeyn karo lana degi karo.

Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa:

Dalatrafik​

Gobybus

Swebus​

SJ​

Tågkompaniet

Cykelvägar i Ludvika kommun​

Shaqo iyo ganacsi

Shirkada ABB waa shaqa bixiyaha ugu weyn e degmada waxaa u shaqeeya 2 700 oo shaqaale. Waxaa kusoo xiga degmada Ludvika oo shaqaaleysiisa qiyaastii 2500 oo qofood. Degmada boggeeda internetka waxaad ka akhrin kartaa shaqooyinka ka bannaan degmada iyo degmada ka shaqa bixiye ahaan.

Ludvika waxaa yaal caawimaad hadaad rabtid inaad furatid shirkad. Waxaa jira guddiga qaabilsan waxsosaarka degmada oo si fudud kaaga caawinaya waxyaabaha loo baahan yahay oo dhan si loo furto shirkad.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Addiva söker mekanikkonstruktör till Ludvika Civilingenjör, maskin
Addiva söker elkonstruktör till Ludvika Elkonstruktör
KellyOCG söker Vendor management specialist - Operativ inköpare av konsulter HR-konsult/PA-konsult
Orderkonstruktörer sökes! Konstruktör, el-tele
Drivna orderhanterare sökes! Ordermottagare
HR - generalist HR-konsult/PA-konsult
VA - / markprojektörer till ÅF Ludvika Väg- och vattenbyggnadsingenjör
Väg - / gatuprojektörer till ÅF Ludvika Väg- och vattenbyggnadsingenjör
Miljöutredare till ÅF Ludvika Miljöingenjör
Uppdragsledare inom Samhällsplanering till Ludvika Väg- och vattenbyggnadsingenjör
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Kyltekniker Kylmontör/Kyltekniker
Undersköterska till Granliden Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Elevcoach KAA till VBU Socionom
Administratör / Elevcoach KAA till VBU Socionom
Huvudprojektledare Plugga klart till VBU Specialpedagog
Utredare och biträdande kanslichef Handläggare/Utredare, offentlig förvaltning
Personlig Assistent till en aktiv tjej , 25 år Personlig assistent
Är du vår nya föreståndare / enhetschef på Risingsbogården? Enhetschef, hälso- och sjukvård
Maskiningenjör sökes! Konstruktör, tillverkningsindustri

Bogga 1 ee ka mid ah 7

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

25 800

Cabirla dhulka

1658 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Borlänge 35 km (ca 30 min.)

Stockholm 210 km

Örebro 120 km

Västerås 110 km

Oslo 347 km

Göteborg 399 km​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri