Luleå

Luleå waa magaala madaxda gobolka Norrbotten oo eey baaxaddiisu la egtahay wadanka isiidhan afar meelood marka loo qeybsho qeyb ka mida. Magaalda waxeey ku taallaa xeebta gobolka Norrbotten, astaanta magaaladna waa biyaha hareeraheeda oo dhan ku xeeyndaaban. Magaalada waxeey leedahay dhul dabiici aadna u wanaagsan, cimilada kala duwan ee barafka iyo samarkaba isugu jira aad ayaa looga faa’ideystaa. Luleå waxeey leedahay nolol dhaqameed wanaagsan iyo wax soosaar ganacsi oo kala duwan. Waxaa ku yaal jaamacad eey dhigtaan arday gaaraya 19 000 iyo isbitaalka Sunderby oo isbitaal kawada dhaxeeya gobolka Norrbotten o dhan.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Luleå waxeey waxeey leedahay guryo nuucyo kala duwan leh oo isugu jira kuwo kiro iyo iib ah. Lulebo waa shirkadda guryaha ee degmada. Boqolkiiba 91 dadka degan guryaha Lulebo weey ku qanacsanyihiin guryahooda. Shirkadda Lulebo waxeey macaamiisheeda ka caawineysaa ineey ka kireyso guryo bartamaha degmada ah iyo kuwo ku yaal degmada banaankeeda. Waxaa jira shirkado gaar looleeyahay oo laga kireysan karo guryaha. Maamulka degmada waxuu dadka qaxootiga ah ka caawiyaa helitaanka guryo ee degaan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

6800 oo kamida 75000 qof ee degan Luleå waxeey ku dhasheen wadamo kale. Luqadaha ugu caansan ee degmada marka laga reebo luqadaha looga hadlo iskandaneefiyaanka waa carabiga, iiraani, daari, af-teeylaandees, burmees, af-shiinees, tigree, ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Magaalada Luleå waxaa ka diiwaan gashan jaaliyado gaaraya 500. Waxeey sameeyaan meherado kala duwan sida isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka, howlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa iyo caafimaadka iyo xanaaneynta. Waxaa degmada ku yaal kaniisado badan iyo ururo diimeed badan. Waxaa kaloo kaloo Luleå ka jira jaaliyado iyo ururo wax u qabto qaxootiga sida jaaliyada muslimiinta, jaaliyada dada reer burmo ee ku nool iswiidhan iyo jaaliyada ruushka ee Sputnik iyo kuwo kale.

Maxaa ka ag dhaw

Luleå waxaa yaalla waxyaabo badan oo aad kala dooran kartid. Nolol maalmeedka degmada aad ayeey ufududatahay, taasna waxaa keentay masaafada dhow eey shaqada, guriga iyo iskoolka isku jiraan. Magalaada waxeey leedahay dhaqdhaqaaq ah dhinaca isboortiska, dhaqanka iyo meelaha loo damaashaad tago makhaayadaha, dukaamada, meelaha jirjimicsiga, shaleemada iyo tiyaatarka Norbotttens teater. Luleå waxeey leedahay guriga hiddaha iyo dhaqanka, waxaana ku yaal maktab, goob farshaxan, good xaflad, biibitooyin iyo makhaayado. Luleå waxeey caan ku tahay suugaanta iyo muusiga. Meel aan saas ugu sii dheereyn magaalada waxaa ku yaal  Hertsöträsket oo ah meel laga kalluumeysto, iyo meela kale oo ayagana tuulooyinka degmada ku yaal lagana kalluumeysto. Luleå waa magaalo laga dukaameysto lagana ganacsado. Waxeey leedahay goobo waaweyn oo laga ganacsado sida  Storheden. Luleå waxaa kaloo ku yaal dukaamada gacan labaadka oo iibiya alaabta guryaha, qalabka farsamada, dhar, maacuunta, qalabka isboortiska iyo buugaag. Luleå waa magaalo isboortis waxeey leedahay seddaxda kooxood ee caanka ah  Luleå Hockey, LF Basket iyo Northland Basket. Goob ciyaareedka Arcushallen waa kan ugu weeyn ee lagu qabto cayaaraha iyo bandhigyada waaweyn. Luleå waxeey leedahay 15 garoomada isboortiska ah iyo 23 goobo cayaareed, 4 meelaha lagu dabbaasho ah, 5 garoomada barafka ah iyo hal garoon oo loogu tala galay fardaha.

Xafiiska shaqada, xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska waxeey ku yaallaan bartamaha magaalda, waxaa kaloo meesha ku yaal xafiiska adeega bulshada iyo xafiiska isdhexgalka dadka.

Dalyeelka carruurta

Luleå waxeey u fiicantahay dadka qoyska ah. Degmada waxaa ku yaal wax kasta, laga billaabo dugsiyada xanaanada carruurta illaa heer jaamacadeed. Luleå waxeey leedahay dugsiyada xanaanada carruurta oo loogu tala galay carruurta jira 1-5 sano. Luleå waxeey kaloo leedahay meelo loogu tala galay in carruurta lagu heysto oo waalidiinta  loogu tala galay iyo meelo kale oo loogu tala galay carruurta u baahan daryeel dheeraad ah sida carruurta dhagoolka ah ama kuwa cuuriyaamka ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Luleå waxeey rabtaa in iskoolladeeda dhan eey tayadoodu sarreeyso! Hammiga degmada Luleå waa in goobaha waxbarasho eey noqdaan meelo eey dadka ka shaqeeya iyo ardayda eey ku qanacsanyihiin.

Iskool kasta oo dawladdu leedahay waxeey mudnaanta koowaad siiyaan carruurta dagan xaafadaha eey ku yaallaan. Degmada waxeey dammaanad qaadeysaa in carruurtaada boos eey ka helaan iskoolada dowladda. Iskoollada dowladda waa lacag la'aan.

Luleå waxaa ku yaal iskoolka hiddaha iyo dhaqanka iyo iskoolka  montessoriskolan iyo iskoollada gaarka loo leeyahay sida Norrskenet, Nya läroverket iyo Kvarnå friskola oo ku yaal Niemisel.

Luleå Gymnasieby waa dugsiga sare ee dowladda, waxaa kaloo jira dugsiyo sare oo ah kuwa gaarka loo leeyahay. Dugsiga sare ee Luleå Gymnasieby waxuu ku yaal bartamaha magaalada waxaana dhigta arday gaareeysa 23000 iyo 280 shaqaale oo u carboon shaqadooda.

Luleå har även grund- och gymnasiesärskolor som finns i samma byggnader som grund- respektive gymnasieskolan.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jira fursado waxbarasho oo badan qofkii raba. Goobaha waxbarasho ee dadka waaweyn ee degmada waxaad ka baran kartaa luqadda iswiidhishka oo loogu tala galayu dadka qaxootiga ah. Waxaa kaloo lagu baraa waxbarashada heerka dugsiyada soosedhexe iyo sare.

Iskoolka Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxuu leeyahay  qeyb lagu barto xirfadaha kala duwan ee shaqooyinka lagu helo. Waxbarashooyinka noocaas oo kale waxeey ku xirantahay shaqooyinka markaas aadka loogu baahanyahay.

Luleå waxeey kuu diyaarisay goobo waxbarasho oo gaar u ah dadka 20 sano ka weyn isla markaasna qaba cudurro xagga maskaxda ah.

Luleå waxaa kaloo ku yaal iskoolka Sunderby oo laguugu diyaariyay koorsooyin kala duwan. Jaamacadda Luleå ayaa magaalada ku taal taasoo eey dhigtaan 19 000 oo arday, barnaamijyada lagu barto jaamacada waxeey u badanyihiin kuwa farsamada. Waxyaabaha kale oo laga barto jaamacada waa waxbarasho mamacallinnimo, dhaqaalaha, cilmiga bulshada, cilmiga dhaqanka iyo suugaanta iyo waliba cilmiga isgaarsiinta iyo warbaahinta. Waxaa kaloo jaamcada ka mashruucyo cilmi baaris eey iska kaashadaan jaamacada iyo shirkado caalima ah oo ku yaal wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Caafimaadka

Luleå waxeey qeyb ka tahay maamulka gobolka Norrbotten ee caafimaadka, maantana waxaa magaalada ka jira sagaal goobo caafimaada. Goobaha caafimaadka waa goobo aad intaad nooshahay oo dhan la xiriiri doontid laga billaabo maanlinta aad dhalato illaa aad ka weeeynaato. Waa goobta aad tagi doontid markaad jirratid oo aad u baahatid dhakhtar, kalkaalisooyinka nuucyahooda kala duwan iyo daawaba. Ujeeddada laga leeyahay goobaha caafimaadka waa in laga helo daryeel caafimaad marka kasta oo loo baahdo.

Magaalada Luleå waxaa ku yaal isbitaalka Sunderby sjukhus oo ah isbitaalka ugu weyn ee gobolka Norrbotten. Isbitaalka waxuu leeyahay qeeybaha caafimaad badankood wuxuuna u dhowyahay dadka deggan magaalooyinka Luleå iyo Boden. Isbitaalka waxuu leeyahay qeybta emerjensiga iyo qeeybaha caafimaad oo dhan marka laga reebo qeeybaha qalliimada laabta iyo dareemayaasha ama neerfayaasha.

Qeybta dhalliinka waa tan ugu weyn marka loo fiirsho magaalooyinka waqooyiga ka xiga Uppsala oo dhan, sanadkastana waxaa ku dhasha 19000 dhallaan. Isbitaalka waxaa lagu sameeyaa qalliinada gobolka oo dhan.

Xilligii guga sanadkii 2011 waxuu isbitaalka Sunderby billaabay inuu qaato ardayda barta dhakhtarnimada si eey tababar u helaan.

Ku dhowaad 60 arday dhakhaatiirnimada barta ayaa wax ka barta iskoolka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la kulmeeysid xafiisyada dowladda waxaad xaq u leedahay caawimaad turjubaaneed hadaadan ku hadli karin luqada iswiidhishka. Goobta aad ballanta ku leedahay ayaa kuu dalbeysa turjubaanka. Xaq waad u leedahay xataa hadaad dhagool tahay. Luleå waxeey leedahay xafiis qaabilsan xiriirinta turjubaannada oo loo diyaariyay dadka degan degmada. Xafiiska waxuu kaa caawinayaa inaad heshid turjubaan toos ah ama mid xagga taleefanka wax kaaga tarjuma. Waxaa kaloo jira meelo lagu fasiro waraaqaha ama dokumantiyada.

Xiriirka gaadiidka

Luleå wax kasta weey kuu dhowyihiin. Bartamaha magaalada iyo madaarka diyaaradaha oo ah kan shanaad ee ugu weyn iswiidhan waxeey isku jiraan 10 daqiiqo. Waxaa sanad walba ka duula hal malyan oo qof waxaana maalin kasta diyaardo aada 15 jiho oo kala duwan isuguna jira gudaha iyo dibedda. Luleå waxeey leedahay gaadiid guud oo aad u wanaagsan oo isugu jira basas iyo tareenno.

Luleå waa magaalo lug iyo baaskiilba lagu mari karo. Waxeey kaloo leedahay Luleå dekkada ugu shisheeysa ee xagga waqooyi ee iswiidhan oo eey ka baxaan 600 lix boqoloo maraakiib sanad walba.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqaalaha dowladda ee degmada waxeey gaarayaan 6500, badankood waxeey ka shaqeeyaan iskoollada, goobaha lagu xanaaneeyo waayeelka, jidadka iyo jardiinooyinka magaalda.

Shirkadaha ugu waaweyn waa SSAB tunnplåt iyo Ferruform.

Shaqabixiyayaasha kale ee degmada waa xarunta maamulka gobolka ee caafimaadka iyo Coop Norrbotten. Waxaa kaloo jirakado badan oo eey jaamacada Luleå wada shaqeyn ka dhaxeyso sida shirkadaha dhinaca  IT-da ama kombuyuutarrada. Xaafada Luleå science Park oo ku agtaal jaamacadda waxaa ku yaal 80 seddeetameeyo shirkado cilmiyeed ah. Facebook ayaa waxuu Luleå ku leeyahay rugdhexe oo kombiyuutarro sababta faceook uu u doortay Luleå waxeey tahay, cilmiga eey u leedahay culuumta la xiriira kombiyuutarada. Rugtaas kombiyuutar oo ku taal Porsön waa midda ugu weeyn qaarada yurub oo dhan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Administratör / Mätadministratör Administrativ assistent
Servitör / Servitris Servitör/Servitris
Kock Kock, à la carte
Extrajobba som lagerarbetare! Lagerarbetare
Heltidsjobb inom lager Lagerarbetare
Är du intresserad av att jobba som personlig assistent i Luleå? Personlig assistent
Administratör till Colorama Luleå , 100% Administrativ assistent
Säljande distributör - vikarie till Luleå Distributionsförare
Lärare i åk. 1 - 3 , Munkebergsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Däckmontör Däckmontör/Däck- och hjulmekaniker
Maskinoperatör / truckförare till Lindab i Luleå! Lagerarbetare
Fritidspedagog till Furuparkskolan Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Grundskollärare till Mariebergsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Lärare till Alviksskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Regionombudsman Ombudsman
Svetsare till feros AB i Piteå Svetsare, manuell
Enhetschef Vård och omsorg Enhetschef inom social omsorg
Personlig assistent 52 Personlig assistent
Bli en av oss! Jobba som idrottsledare i Sweden Sport Academy's ledarteam Ungdomsinstruktör/Ungdomstränare
Personlig assistent sökes Personlig assistent

Bogga 1 ee ka mid ah 23

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri