Lund

Lund waxeey ka mid tahay magaalooyinka ugu da'da weyn ee iskandaneefiyaanka oo dhan. Lund waxaa ku nool 115 000 oo qofood 50 000 oo ka mid ah waa arday. Shaqa bixiyayaasha ugu weyn waa isbitaalka Skånes universitetssjukhus, jaamacadda Lunds universitet och degmada Lund.

Soo bandhigid

Deegaan

Weey adagtahay sida guryo looga helo Lund, gaar ahaan wakhtiga furitaanka sanad dugsiyeedka jaamacadda. Sidaas darteed weey fiicantahay inaad hore usoo fiirisid fursadaha guri ee ka jira degmada. Waxaad kaloo fiirisaa shuruudaha la rabo inaad buuxisid si aad safka guryaha u istaagtid.

Gobolka Skåne hadaad degantahay waxkasta weey kuu dhowyihiin, waa ka jira gaadiidka dadweynaha oo si fiican loo dhisay. Hadaad guri ka weeysid Lund waxaad degi kartaa xaafadaha u dhow. Shirkadaha guryaha laga raadsado iyo goobaha kaloo ugu caansan ee laga raadiyo guryaha waxeey kala yihiin:

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Albeeniyaan, carabi, daanish, daari, ingiriis, fiinlaandees, faransiis, shiinees, iiraani, boolish, roomaani, seerbiyaan, af-soomaali, isbaanish, teeylaandees iyo jarmal.

Jaaliyado iyo ururu

Laanqayrta cas waxeey abaabushaa ayadoo isticmaaleeyso guriga caalamiga ah ee Internationella huset oo ku yaal Lund waxeeyna kulamo eey isugu imaanayaan qaxootiga iyo iswiidhishka. Waxaa meeshaas yaallo waxyaabo la sameeyo sida xalaqo cilmiyeed, cunto karis iyo casharro. Lokaalka waxaa kaloo yaal kaffee. Warbixin dheeraada oo ku saabsan laanqarta cas howsha eey ka waddo Lund  ka akhri boggooda internetka.

Jaaliyad kale oo ku taal Lund waa In​dividuell Människohjälp, IM, oo howlo kala duwan u sameeyso qaxootiga iyo iswiidhishka. Jaaliyada TAMAM waxeey howlo kala duwan u qabataa carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn, waxyaabaha eey u qabtaan waa isboortis, dhaqanka, caawimaad xaga casharadda iskoolka ah, dalxiisyo yaryar. Maktabada waxeey leedahay meel af iswiidhishka lagu barto oo qof kasta eey imaan karto, waxaa lagu hadlaa luqadda iswiidhishka, isbuuciina hal mar ayaa waxyaabaha macmacaan leesla cunaa.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Lund boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixinno ku saabsan magaalada waxa ka dhacaya hadadaan iyo caawimaada aad ka heli kartid degmada.

Dalyeelka carruurta

Degmada boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixinno ku saabsan iskoollada xanaanada carruurta, xanaanooyinka kale, guriga xilli firaaqaha iyo kuwa la midka ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Lund boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixinno ku saabsan iskoollada iyo fursadaha waxbarasho ee ka jiro Lund- talooyin ku saabsan iskoollada caalamiga ah, luqadda hooyo iyo waxyaabo kaloo badan.

Furadaha waxbarasho

Hadaad qof weyn tahay isla markaana rabtid inaad waxbaratid waxaad warbixin ka heli kartaa meeshaan.

Caafimaadka

Lund waxaa ku yaal labo rugag caafimaad. Daryeelka hooyada- iyo dhallaanka waxaad ka heleysaa Gobolka Skåne (Region Skåne) iyo bogga internetka ee Vården.se

Daryeelka degdega ah ee Lund waxuu furan yahay wakhti kasta habeen iyo maalin maalin kasta oo isbuuca ka mid ah waxaana lagu daaweeyaa dadka dhaawacyada ama cudurrada halista ah eey hayaan. Lund waxaa kaloo ka heleysaa daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Waxaan wada shaqeynaa xarunta turjubaanka ee Lund.

Xiriirka gaadiidka

Waxaad warbixinno ku saabsan tareenka iyo baska ka heli kartaa shirkadda Skånetrafikens webside kooda​.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqooyinka bannaan ee degmada Lund waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 219

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Lund

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

115 000

Cabirla dhulka

439 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

19 km från Malmö

27 km från Malmö Airport

68 km till Köpenhamn​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri