Mark

Mark waa degmad soo jiidasho leh oo lehna xaafada yar iyo weeynin kooda dhexeeyo-weeyn yahay. Kuligeedna waxaa lee yihin aragti wada shaqeeyn. Halkaan dadka waa iska tixgalinaa, waan tixgalinaa dhismaheena iyo tayeedena-nololeed. Jawi urureed oo soo ubaxmaayo iyo jawi shirkadeed oo fiican waxeey keeneeysaa furado badan haddii aad runtii dooneeyso in aad fikradahaada dhab ka dhigto. Mark hadaan degan nahay waxaan si xasilooni leh ku nool nahay dabiicada. Halkaan waa meesha nolosha fiican!

Soo bandhigid

Deegaan

Mark waxeey lee dahay dhismooyin isku jiro filooyin, guriyaal milki iyo guriyaal la kireeysto. Shirkada guryiyaasha ugu weeyn waa shirkada guriyaasha ee degmada, Marks Bostads AB (MBAB), oo leh in dhaafaayo 3100 guri. Ma dooneeysaa in dheeraad ah in aad ka ogaato guriyaasha Marks, istgaagto safkoodka guryeed ama aragto guriyaasha banaan, intaas oo dhan waxaad ka sameeyn kartaa bogga Marks Bostad. Sido kale boggena ayaad ka heleeysaa kireeyaha guriga ee madaxabanaan.

lygnersjon.jpg

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ku dhawaad boqolkiiba 15 ee ka tirsan dadka degmada waxeey ka soo jeedaan dal kale. Luuqadaha waqooyiga yurub ee afka finish iyo denmark iyo noorway ma ahan waxa sii jiro ingriis, af jarmal, af isbaaniyool, afka seerbiya, afka koroshiya, afka carabi iyo af soomaaliga oo meesha ka ah luuqado yaryar.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mark waxeey taajir ka tahay jawi shirkadood oo dad badan xiiso galiyaan. Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 400 oo ururo oo diiwanglasan. Urada dhamaantood waxaad ka heleeysaa diwaanka-urureed ee degmada. Waxaa jiro hoowlo kaniisada oo badan, oo markaasi kala wado howlo badan oo ku jiheeysan dadka dalka ku cusub. Laanta cas iyo Erikshjälpen waa ururo kale oo hoowshooda mecno ku fadhiso lehna howlo isku dhaw.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Marks waxey lee dahay xaafado badan oo yaryar. Mida ugu weeyn iyo bartamaha degmada waa Kinna. Halkaan waxaa ku yaalo xafiiska shaqada, xafiiska dad weeynaha iyo xafiiska bulshada. Gudaha Kinna iyo in badan ka mid ah degmada qeeybaheeda kale waxaa ka jiro adeegyo nuucayada dukaanka, iskuulada, maktabad iyo xanaaneeynta waayeelka.

Skene waxaa ku yaalo waxaa ka mid ah dukaamada gacan labaadka lagu iibiyo, ururka Roomaaniya iyo Gruvan. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo dugsiga sare ee degmada iyo goobta dabaasha Kaskad. In dheeraad ah oo ku saabsan waxaa ka dhacaayo degmada ka akhriso Västsverige.com.

Dalyeelka carruurta

Dugsiga xanaanda waxaa loogu tala galay caruurta ku jiro da'da 1-5 sano. Waxaan lee nahay 34 dugsi xanaano oo ku taalo degmada iyo kooxo-caruureed oo yaryar lehna macalin ku filan. Dugsiyada xanaanda ee degmada oo dhan waxaad ka wada helee bogga degmada. Dugsiga xanaanada furan waxuu lee yahay howl ka jirto Skene. Mark waxaa jooga koox-waalid. Qarkood waxaa loogu tala galay qofka ku hadlo carabi ama soomaali. Akhriso in kale oo ku saabsan kooxyadeena-waalideed.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Mark waxaa ku taalo 19 dugsiyaal hoose, 7 ka mid ah waa kuwo leh fasalada dhexe. Skene waxaa ku yaalo dugsiga sare Marks oo leh ku dhawaad 900 oo arday iyo waxbarsho badan oo kala duwan. Sido kale Mark waa hal ka mid ah dugsiyada leh isboortiga ku jiheeysan baskeet.

Ardyayda ku cusub dalka dugsiga sare ee Marks waxuu usoo bandhigaa barnaamijka bilaawga luuqada, oo halkaasi waxbarashada xooga looga saaro luuqada iswiidhiska, xisaabta iyo maadooyinka sayinska iyo bulshada. Ula jeedada waxbarashada waxeey tahay in ardayga uu diyaariso waxbarasho ka sii soconeeyso barnaamijka iskuulka ee shaqada iyo waxbarashada degmada ee dadka waa weeyn.

Furadaha waxbarasho

Dugsi hoose iyo dugsi sare ma ahane, Mark waxuu lagu soo bandhigaa waxbarashada dadka waa weeyn ee lagu dhigo gudaha dugsi sare ee Marks. Sido kale halkaan ayaa lagu qabtaa waxbarashada iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga. Ayadoo lala shaqeeynaayo gobolka Borås, waxaa jiro waxbarasho-xirfadeed oo badan oo la dalban karo. Waxbarashada nuucas waxaad ka dalbaneeysaa Waxbarashada dadka waa weeyn ee gobolka Borås. Jmaacado waxeey ku yaalin masaafad-tareen jiro, gudaha Göteborg iyo Borås.

Caafimaadka

Gobolka Västra Götaland ayaa ka masu'ul ah daryeelka bukaanka. Skene waxa ku yaalo isbtaalka Skene, oo ah qeeyb ka mid ah isbitaalka Södra Älvsborg. Isbitaalka waxaa hada loo badalooyaa isbitaal-dhaw oo leh hoowlo qalin iyo kabid. Rug caafimaad ayaa ku taalo isbitaalka.

Sido kale ruggag caafimadka hada waa ku yaalin xafadaha Kinna, Fritsla, Sätila, Skene, Horred iyo Öxabäck laakin doorashada-daryeelka ayee markasto isbadashaa. Gobolka Västra götaland waxuu iskuu aruuriyay ruggaga caafimaadyada oo dhan ee ku yaalo degmad kasto, waxeeyna ku jiraan bogga jiheeynta-caafimaadka, halkaas ayee ku sharaxan tahay habka aad uu dooran karto rug caafimaad.

Degmada ayaa ka masu'ul ah xanaanada waayeelka iyo naafada. Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa adeegyadeena. Warbixin ku saabsan degaameedna-waayeelada waxaan ku soo aruurinay boggeena. Haddii aad walwal ka qabto canugaada caafimaadkiisa dimireed, waxaan caawimadeena ku soo arurinay bog la yiraahdo Sagamark.

Caawinaad turjubaan

Degmada markii aad la xaariireeyso haddii loo baahdo turjumaan waan balamineeynaa mid.

Xiriirka gaadiidka

Västtrafik ayaa kala wado gaadidka dad weeynaha oo dhan ee ka jiro degmada Mark. In kale oo dheerad oo ku saabsan xilliyada ee baxaan ka akhriso www.vasttafik.se. Meelaha gaadiika ugu badan yahay waa gaadiidka-tareemed ee ka soo baxo Borås ee ku socdo Varberg, iskuna xiro xaafadaha laga bilaabo Fritsla maraayo Kinna, hoos ilaa Horred. Baska maro jidka qaranka 156 waa mid iskuxigiisa badan yahay, si dhaqso badan ayaa looga raaci karaa Kinna iyo Skene ayadoo la maraayo Sätila iyo Hyssna ilaa Göteborg iyo Landvetter.

pegasus.jpg

Shaqo iyo ganacsi

Waxaa degmada Mark ka jiro ku dhawaad 4000 oo shirkad. Waxaad ka wada heleeysaa kuwaasi diiwaankeena-shirkadeed. Degmada waxeey lee dahay laan-soo saarida dhar oo weeyn, hoowlo daryeel oo balaraan iyo warshado kala duwan. Degmada (oo leh 3000 oo shaqaale) shaqo dhiibaha ugu weeyn ee ku xigo waa Nordic care iyo Frösvik (daryeel), Stora Enso (warshadeeyn) iyo Ludvik Svensson (dhar soo saarid).

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Fysioterapeut / Sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Kund - och säljsupport till Hagmans Nordic Kundtjänstmedarbetare
Reklamutdelare Kinna / Skene Reklamdistributör/Reklamutdelare
Förskollärare till Fritsla förskola Lärare i förskola/Förskollärare
Undersköterskor till äldreomsorgen Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Socionom / Kurator till ÖVM , Mark Sjukhuskurator
1e socialsekreterare till Familjeenheten Socionom
TIMVIKARIE FÖRSKOLLÄRARE / BARNSKÖTARE Lärare i förskola/Förskollärare
LEGITIMERAD FÖRSKOLLÄRARE / BARNSKÖTARE , VIKARIE FÖR FÖRÄLDRALEDIG 70 - 100 Lärare i förskola/Förskollärare
TILLSVIDARETJÄNST LEGITIMERAD FÖRSKOLLÄRARE / BARNSKÖTARE 70 - 100 PROCENT Lärare i förskola/Förskollärare
Restaurang Kinna Wok & Bar söker köksbiträde Köksbiträde
Förskollärare till Habyskolan F - klass och fritidshem Lärare i förskola/Förskollärare
Lärare för de yngre åldrarna , Habyskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Timvikarier inom vård och omsorg Marks kommun Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Biträdande Rektor , Lyckeskolan Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Socialsekreterare till Försörjningsstödsenheten Socionom
Förskollärare , Solgårdens förskola Lärare i förskola/Förskollärare
Förskollärare , Stommens förskola Lärare i förskola/Förskollärare

Bogga 1 ee ka mid ah 283

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Mark

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

34 000

Cabirla dhulka

1 013 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Borås 30 km

Varberg 55 km

Göteborg 60 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri