Mönsterås

Mönsterås waa degmad xeebeed oo leh jasiiradooyin yaryar. Laagta yar ee biyood ee Alste iyo Em waxeey dhexmaraan degmada, taas oo abuureeyso bey’ad fiican oo dabiiciyeed. Degmada Mönsterås waxeey lee dahay jawiga-shirkadeed ee ugu fiican gobolka, ayadoo la raacaayo naaqshadeeynta gobolada iswiidhan uu sameeysay Ururka Shirkadaha Iswiidhan. Degmada waxeey lee dahay shan xaafada, xaafad kastona waxeey ku yaalo xanaanad caruureed iyo iskuul ee caruurta midba si gaar ah loo fiirsho baahidiisa iyo waxuu ka bixi karo. Safka loo galo xanaanada degmada Mönsterås waa mid gaaban, guriyaalna waa laga heli karaa qeeybo kala duwan ee degmada. Xariir-baseed oo fiican ayaa tago Kalmar iyo Oskarshamn, waxaana jiro bas si toos ah uu tago meel ee ka mid tahay Stockholm.

Soo bandhigid

Deegaan

Shirkada guriyaasha la kireeysto ugu weeyn ee degmada Mönsterås waa Mönsterås Bostäder. Waa shirkad degmadeed. Mönsterås waxeey lee dahay, hadna maamushaa in ka badan 1350 guri oo ku yaalo degmada Mönsterås. Guriyaashaan waxeey ku yaaliin Fkuseryd, Ålem, Mönsterås, Timmarnabben iyo Blomstermåla. Warbixin dheeraad waxeey ku jirtaa Mönsters Bostäders boggeeda.

Qaabilaada qaxootiga waxaan hormarinaa in aan soo bandhigno guriyaal ku yaalo dhexbartanka Mönsterås si ee uu sahlanaato tegida dugsiga barashad afka, xanaanada caruurta iyo xafiiska shaqada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, af Karen (Burma), af daari, af sooraani, afka albaaniya iyo af soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mönsterås waxaa ku yaalo ururo diinto masiixga iyo kaniisada Iswiidhan. Sido kale degmada waxaa joogo dad muslimiin ah. Degmada Mönsterås waxeey qani ka tahay ururada oo ku jeedo qeeybo kala duwan.

Warbixinta-xariirka ee ururada diiwangalsan waxeey ku jiraan degmada Mönsterås boggeeda.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Mönsterås waxeey lee dahay dhowr dukaan-cunto oo waa weeyn sidii Netto, Coop/Konsum iyo ICA, waxeeyna degmada uga yaalaan qeeybo kala duwan. Degmada gudahedna waxaa ku yaalo dukan alaab iyo maacun guri oo la soo isticmaalay. Gudaha Mönsterås waxaa ku yaalo xafiis bulshadeed oo qaabilaada qaxootiga ku taalo, xafiiska shaqada iyo labadoo banki. Maktabad waxeey ku taala shanta xaafad oo dhan, ayadoo maktabada ku taalo Mönsterås goor dhaw la dhisay. Dhowr dukaamo dhar ayaa ku yaalo Mönsterås. IKEA waxuu ku yaalaa Kalmar, ku dhawaad afar iyo haaf maayl, waqooyiga Mönsterås.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta ee degmada waxeey ku taala shanto xaafad. Goob xili firaaqo oo loogu tala galay caruurta tagi karaan inta aan xisadaha la bilaabin iyo kadib , waa marka ee waalidka shaqeeyaan. Waxaan lee nahay saf gaaban booska xanaanada caruurta iyo dugsi xanaaneed si fiican uu shaqeeynaayo.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Howsha degmada Mönsterås oo loogu tala galay caruurta iyo waxbarashada waxeey ahaaneeysaa mid lagu garanaayo xasilooni iyo nabadgalin oo xiseeynta waxbarashada keeneeyso natiijo fiican iyo fursada weeyn, ayadoo jawi demoqraadiyeed lagula kulmo tijaabooyinka nolosha.

Mabda'eena oo aan aragtideena ku fulineeyno waa:

  • in caruurta iyo ardayda loo fiirsho baahidooda iyo khibradahoodi hore
  • in caruurta iyo ardayda dhamaantooda gaari karaan bartilmaameedka, sameeyn karaan, mas'uuliyadna uu qaadi karaan waxbarashadooda
  • in shaqaale sax ah, meel sax ah la geeyay muujinaayo xiseeyn iyo habhab kala duwan oo loo shaqeeyo oo caruurta iyo ardayda ku hormari karaan ayagoo loo fiirinaayo waxa ee ka soo bixi karaan.

Dugsiyada hoose waxeey ku yaalaan Ålem, Timmernabben, Fliseryd, Blomstermåla iyo Mönsterås. Midka dhexe waxuu ku yaalaa Blomstermåla iyo Mönsterås, dugsi sarena waxuu ku yaala Mönsterås. In kale oo ku saabsan dugsiyada ka akhriso bogga degmada.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxeey maamusha dugsi dadka waa weeyn oo aad sameeynsan karto qorsho waxbarasheed oo gaar ah. Waxaa la helaa dugsiga barashada afka iyo fursad loo lee yahay waxbarasho-masaafadeed ee xarunta-jaamacadeed ee Mönsterås. Sido kale degmada waxa ku yaala dugsiga gaarka ah.

Kalmar waxaa ku taalo jaamcada Linné oo fursad tareen fiican looga raaco Mönsterås leh.

Caafimaadka

Rug caafimaad waxeey ku taala Mönsterås iyo Blomstermåla. Rugta caadimaadka hooyoynka, rugta caafimaadka caruurta iyo daryeelka ilkaha ee dadweeynaha waxeey ku yaaliin Mönsterås. Isbitaal waxuu ku yaalaa Oskarshamn iyo Kalmar.

Caawinaad turjubaan

Waa jirta fursad lagu turjumaan markii lala xariiraayo xafiis dowladeed, xanaanada caruurta iyo iskuulada.

Xiriirka gaadiidka

Tareen uu dhaxeeyo Kalmar iyo Blomestermåla sii joogto ayuu uu shaqeeyaam, bas uu socdo Kalmar iyo Oskarshamn si joogto ah ayuu uga baxaa shanta xaafad ee degmada. Mönsterås waxaa  ka baxo bas toos  ah uu tago Stockholm. Xariir-tareen oo tago Malmö, Göteborg iyo magoolooyin kale ee waa weeyn waxaa laga helaa xarunta dhexe ee Kalmar.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Mönsterås waxeey lee dahay jawiga-shirkadeed ee ugu fiican gobolka, ayadoo la raacaayo naaqshadeeynta gobolada iswiidhan uu sameeysay Ururka Shirkadaha Iswiidhan.

Hal sharaxaad oo ku beegan jawiga-shirkadeed ee fiican waa wadashaqeeynta ka dheexso degmada iyo shirkadaha iyo shirkadlaha ku leh boos shabakadooyin badan. Shirkadooyin hormaray waxeey shardi uu yihiin kobcida iyo hoddanimada.

Jawi-shirkadeed waxaa loola jeedaa natiijada dabeecada, sharciyada, hey'addaha iyo aqoonta la kulmeeyso shirkadaha iyo shirkad-wadlaha bulshada.

Anaga waxaan si firfircooni le uu shaqeeynaa soo hormarinta soo saarida iyo ganacsiga degmada gudaheed.

Aragtideena: Shirkadlaha iyo dadka gaarka in ee uu arkaan Mönsterås degmada ugu soo jiidasho badan oo laga hoowl galo iyo la dagnaado. Gobolka shaqo dhibaha ka weeyn waa maamulka gobolka ee Kalmar oo isbitaal ku leh Kalmar iyo Oskarshamn sido kalena ruggag caafimaad ku leh degmada gudaheed. Scania (warshad-gaari) oo ku taalo Oskarshamn waa shaqo dhiibe weeyn iyo Södra Cell AB (warshada-alwaaxa). Degmada Mönsterås oo leh laga bilaaba  daryeel iyo xanaanad ilaa xanaanada caruurta, waa shaqo dhiibaha ugu weeyn degmada.

Ma ku fakareeysaa in aad bilaawdo shirkad aa gaar uu lee dahay?

Degmada Mönsterps waxeey si firfircooni leh ugu shaqeeysaa in ee tageerto shirkadlaha-cusub. Waxaa ka mid ah taageerada in la qabto warbixin habeeno oo loogu tala galay qofka ku fakaraayo in bilaabo shirkad. Waxaa markaas qofkaas helaa warbixin buuxdo oo ku saabsan dhaqaale, suuq-galin, xisaab-xidh iyo canshuraha. Degmada waxeey qabataa warbixintaan ayadoo kaashaneeyso ALMI Företagspartner AB.

Mönsterås Utveckling AB, Muab waa shirkad degmadeed oo uu shaqeeyso in gacan siiso shirkado tayo-xoog leh.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Lokalvårdare Städare/Lokalvårdare
MTL Powersport söker butikssäljare samt Webbadministratör Båtförsäljare
Timvikarie inom personlig assistans Personlig assistent
Kulturchef Kulturchef
86% hos en glad 6 - årig kille (38) Personlig assistent
Säljare sökes i Mönsterås Utesäljare
Personlig assistent Personlig assistent
Lärare i fysik , kemi och matematik (Parkskolan) Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Fritidspedagog (Fliseryds fritidshem) Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Lärare år 3 (Mölstadskolan) Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
CNC - operatör till Mönsterås CNC-operatör/FMS-operatör
Ta chansen att utvecklas på Groth Kaross i Mönsterås Karosserisnickare
Fysioterapeut / Sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Enhetschef inom städ Arbetsledare, städ/Städledare
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Boendepersonal sökes till Trapphusets servicebostad Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Personlig assistent Personlig assistent
Stödfamilj till en pojke med autism sökes till Mönsterås kommun Stödassistent
Byggnadsingenjör Byggnadsingenjör

Bogga 1 ee ka mid ah 7

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Mönsterås

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13 000

Cabirla dhulka

598 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Oskarshamn 30 km

Kalmar 40 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri