Motala

Kusoo dhowoow degmada Motala- magaalo badadeedka gobolka Östergötland! Weey fududahay inaad nolol fiican ugu noolaatid degmada Motala, waxaana yaal waxyaabo badan oo aad kala dooran kartid. Wax kasta oo aad u baahan tahay si aad u heshid nolol firfircoon weey yaallaan meeshaan, meelo lagu dabbaasho, ciyaaraha, jawi wanaagsan, kalluumeysi, doomaha, dhaqanka iyo jaaliyadaha iyo wixii hal maala. Dhawaanshaha iyo in wax kasta si fudud loo helo waxeey kor u qaadeysaa qiimaha degmada. Ma rabtaa inaad ku noolaatid magaalo yar oo isla markaana u dhiganta magaalo weyn? Kusoo dhowoow Motala.

Soo bandhigid

Vattennära boende i Motala

Deegaan

Ka dhawaanshaha biyaha waxeey ku siineeysaa meelo in la dego ku wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku yaal guryo kiro, guryo la gadan karo, fillooyin. Kuwa guryaha kireeyo weey badan yihiin waxaana ka mid ah shirkadda guryaha ee degmada Platen. Shirkadaha kale ee guryaha waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka. Guryaha la gato iyo fillooyinka waxaad ka heli kartaa Hemnet wixii warbixin dheeraada ah oo ku saabsan xaafadaha la dego ee degmada Motala waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka. Ma dooneysaa dhul bannaan? Waxaad saf u gashaa dhulalka safka loo galo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha waaweyn ee loogu hadlo waa carabi, daari/iiraani, af-soomaali, tigree, fiinlaandees, kirundi, faransiis, kurdish, boolish, roomaaniyaan, arli, ruush, isbaanish, af-siiriyaan, teeylaandees, fiitnaamees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Motala waxaa ku yaal jaaliyado badan sida jaaliyadaha qowmiyadaha kala duwan eey leeyihiin ama jaaliyadaha ku howlan meheradaha xilli firaaqaha. Hadaad raadineysid jaaliyad khaas ah waxaad ka heli kartaa degmada liiskeeda diiwaangalinta jaaliyadaha. Hoos waxaa ku yaal jaaliyadaha ka jira degmada qaarkood.

  • Jaaliyada Arabiska vänskapsföreningen
  • Jaaliyada Bosniska föreningen Liljan
  • Jaaliyada Kroatiska föreningar
  • Jaaliyada Kurdiska föreningen
  • Jaaliyada Somaliska kulturföreningen
  • Jaaliyada Syrianska föreningen
  • Jaaliyada Syrisk ortodoxa kyrkan ungdomsförening
  • Jaaliyada Syrisk ortodoxa Maria Kyrkan
  • Jaaliyada Södra Afrika- kommittén
raps.jpg

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Motala waxeey su'aalahaada ugu jawaabi kartaa taleefanka 0141-22 50 00 ama waxaad si toos ah u booqan kartaa Drottninggatan 2, 591 35 Motala.

Bryggan - waa xarun horudhac lagu siiyo dadka wadanka ku cusub oo soo dega degmada Motala

Xarunta Bryggan waxaan si wadajir ah iskula shaqeeynaa dad khibrado meelo kala duwan ka heysta si dadka ku cusub degmada Motala eey u helaan soo dhaweyn wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku kulma dadka wadanka ku cusub oo da'kasta leh waxaana loo sii gudbiyaa xafiiska shaqada iyo barashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxotiga, sfi. Caruurta iyo dhalinyarada oo dhan waxeey la kulmaan shaqaalaha Bryggan si meel leeskula dhigo asaaskooda waxbarasho. Shaqaalaha ayaa ka mas'uul ah ineey wargeliyaan degmada qeybteeda daryeelka carruurta iyo iskoollada, waxeeyna carruurta geeyaan iskoolka eey bilaabayaan si eey ardayda kale isku baraan. Marka koowaad eey carruurtaas la kulmayaan kalkaalisada iskoolka waxeey kula kulmaan xarunta Bryggan. Waxaan kaloo carruurta ka caawinnaa la xiriirka jaaliyadaha kala duwan hadeey waxyaabo gaar ah oo eey xiiseynayaan.

Akhri warbixin dheeraada oo ku saabsan Motala.

Dukaamo

Maktabad

Xafiiska degmada u qaabilsan daryeelka qoyska iyo qofka

Xafiiska ceymiska

Alaab rakhiis ah iyo maacuun

Rusta

Jysk

IKEA oo ku yaal Linköping

Laangerta cas dukaankeeda gacan labaadka

Goobta wax dib usoo celinta

Xarunra xaraashka Alf Ek Auktioner

Dalyeelka carruurta

Warbixin dheeraada oo ku saabsan xanaanada carruurta iyo xanaanada furan waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Motala waxaad ka heleysaa fasalka xanaanada (laga bilaabo 6 sano), dugsiga hoosedhexe (laga bilaabo 7 sano, sanad dugsiyeed waajib ku ah arday kasta 9 sano) iyo dugsi sare (saddax sano dugsiga dhexe ka dib) oo leh qeybo waxbarasho oo kala duwan, qeybta ilmaha iyo xilli firaaqaha, dhismaha, dhaqaalaha, enerjiga iyo elektaroonikada, gaadiidka, macalinnimo, bulshada, farsamada warshadaha, borograam horudhax, dhaqan, culuunta seeyniska, culuunta mujtamaca, farsamada, daryeelka iyo caafimaadka. Warbixin ku saabsan iskoollada iyo warashada oo dhan waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

ungdomar.jpg

Furadaha waxbarasho

Degmada Motala waxeey ku siineysaa waxbarasho dadka waaweyn ah oo nuucyo kala duwan leh sida waxbarashada xirfadda (YH), farsamada cabirrida, caawiyaha kalkaalisada, daryeelaha dadka dhimirka ka jiran iyo sida loo daryeelo. Waxaan heynaa waxbarashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga (sfi), koorsooyin cunto karis, waxbarasho heer jaamacadeed oo ah dhinacyada wax soosaarka, macalimiinta xanaanada carruurta iyo macalimiinta caadiga ah. Waxaa kaloo jira fursado aad ku baran kartid sida shirkado loo furto hadaad rabtid inaad shirkad furatid waxaana caawimaad ka heleysaa xarunta Nyföretagarcentrum.

Caafimaadka

Warbixin dheeraada oo ku saabsan daryeelka iyo xananada waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.

Caawinaad turjubaan

Qofkii booqanaya xafiisyada kala duwan oo aanan ku hadlio karin luqadda iswiidhishka waxuu xaq u leeyahay turjubaan. Waxaana qorsheynaya maamulaha aad kulanka la leedahay.

Xiriirka gaadiidka

Baabuur

Dhinaca koofureed: wadada weyn ee E4 ayaa ku geyneeysa degmada Ödeshög meeshaasna waxaad ka sii qaadaneysaa jidka 50 oo ku geynaya magaalada Örebro.

Dhinaca waqooyi: wadada 50 ee ku wajahan degmada Jönköping ayaa ku geyneeysa degmada degmada Motala.

Dhinaca bari: wadada weyn ee E4 isla markaana ku wajahan degmada Linköping oo aad kasii qaadaneysid jidka 34 (fd. 36) ayaa ku geyneeysa degmada.

Tareen

SJ

Östgötatrafiken

Tågkompaniet

Bas

Länstrafiken

Blåklintsbuss (Motala – Stockholm)

Diyaarad

Garoonka Linköping flygplats

Garoonka Norrköping flygplats

Garoonka Skavsta flygplats

flygbild_top.jpg

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee degmada Mutala waa degmada Motala, maamulka gobolka ee caafimaadka, Electronics, Motala Verkstad, Poppelstaden Omsorgsförvaltning iyo Proxima Specialist vård. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee xaafada Borensberg waa Arla Plast, meel degmada Motala u jirta (40 daqiiqo oo tareen ah) waxaa ka jira fursado shaqo degmada Linköping.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 63

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

42 000

Cabirla dhulka

1284 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Norrköping – 10 mil

Jönköping – 10 mil

Örebro – 10 mil

Linköping – 4 mil

Stockholm – 25 mil

Göteborg – 26 mil​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri