Munkedal

Munkdalen- nolol dheeraad ah! Degmada Munkedal waxey leedahay dabeecado is badelo leh,oo isugu jira buuro iyo dhul dabeeceed saafi agh aadna u qurux badan. Waxkasta weey kuu dhow yihiin haddi aad degantahay degmada Munkedal. Göteborg waxeey kuu jirtaa hal saac oo baabuur ah. Oslo waa laba saac, Köpenhamn na waa 4,5 saac. Xeebta waxeey kuu jirtaa 30 daqiiqo. Si aad u aragtid dhulka dabiiciga ah waxad u baahan tahay inaad u baxdid albaabkaada bannaankiisa.

Soo bandhigid

 

​Deegaan

Degmada Munkdal waa degmo baadiyo ah oo caadi ka ah filooyin iyo dhulbeereed banaan, laakiin xataa waa mujtamac guryo ama filooyin leh.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhisgh, Ingilish. Luqada ay ku hadlaan dadka wadanka ku cusub: Carabiga, af Iiraanka, af Tigreega, af Dari, af Punjabo, af Soomaaliga, af Roomka, af Luganda.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada munkdal waxa ay leedahay waxyaabo badan oo lakala doran karo oo xiliyada firaaqaha la sameeyo. Waxaa halkan ka heleysaa inta ugu badan cayaaraha, sida goolofka, farda raacida, jimicsiga caruurta, dhaqdhaqaaqa jimicsiga, gubada cagta iyo cayaarta barafka iyo kuwa kale oo badan, laakiin xataa ururada waxbarashada, jaaliyadaha dhaqanka, ururada caawinaada iyo ururka diimaha. Jaaliyadaha sida ugu fudud ee aad ku heli karto waa in aad wacdaa. Telefoon nambarkooda waxaad ka heli kartaa boga internetka ee degmada.

 

Maxaa ka ag dhaw

Adeegyada bulshada ee soosocda waxaad ka heli kartaa mujtamaceena:

Dingle

Adeega degmada: xanaanada carruurta, iskoolka fasalada 0-6, xiliga firaaqada meesha la joogo, maktabad, waayeelka meesha ay degenyihiin, guryaha adeega, adeega waayeelka iyo dadka xanuunsan, daryeelka bukaanka.
Adeega ganacsiga: ICA (wakiilka cayaarta, mashiinka lacagta lagala baxo), rugta shidaalka, maqaayadaha biidsada, tima jarayaal, garaashka baabuurta.
Caafimaad: qaabilaada bukaan socodka ee kalkaalisada degmada, dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka xeywaanada.
Waqtiga firaaqada: meesha lagu socdo, hoolka cayaaraha, meelaha lagu ciyaaro, jimicsi, dhul banaan, meelaha lagu ciyaaro.
Gaadiidka isgaarsiinta: jidka E6, bas, tariin, gaadiidka dhadhaw.

Hedekas

Adeega degmada: xanaanada carruurta, iskoolka fasalada 0-6, xiliga firaaqada meesha la joogo, waayeelka meesha ay degenyihiin, guryaha adeega, adeega waayeelka iyo dadka xanuunsan, daryeelka bukaanka, shaqo maalmeed, maktabad.
Adeega ganacsiga: dukaamada cuntada (meesha baakadaka laga dirsado, wakiilka dukamada qamriga), dukaamada xaafada ( farmashiye, maqaayada biidsada), kaalinta shidaalka.
Caafimaad: qaabilaada bukaan socodka ee kalkaalisada degmada.
Waqtiyada firaaqada: meel baraf lagu ciyaaro oo nal leh, garoomada kubada cagta, meelaha dabaasha ee degmada, dhul banaan, meelaha lagu ciyaaro.
Gaadiidka isgaarsiinta: bas, gaadiidka dhadhaw.

Hällevadsholm

Adeega degmada: xanaanada carruurta, iskoolka fasalada 0-6, xiliga firaaqada meesha la joogo, waayeelka meesha ay degenyihiin, adeega waayeelka iyo dadka xanuunsan, daryeelka bukaanka, shaqo maalmeed, maktabad.
Adeega ganacsiga: ICA (boosto, meelaha wax lagu dhaqo, meesha lacagta lagala baxo, kaarka baska), kaalinta shidaalka ( meesha baakada laga diro, qasnada wax laga dhiibo, wakiiilka ciyaaraha), guryaha yar yar oo banaanada ka dhisan, meelaha la dhigto baabuurta la dhexdego.
Caafimaad: dhakhtarka ilkaha.
Waqtiga firaaqada: barxada ciyaarta qoob ka cayaarka, meel baraf lagu ciyaaro oo nal leh, meel lagu dabaasho, meelaha cayaaraha, garoomada kubada cagta ( garoon coos ah iyo garoon qawaan ah), wadooyin dhaadheer.
Gadiidka isgaarsiinta: jidka E6, bas, tariin gaadiidka dhadhaq.

Munkedal

Adeega degmada: xanaanada carruurta, iskoolka fasalada 0-9, waqtiga firaaqada meesha lagu hayo, guriga degmada, xiriirinta isdhex galka iyo xoghayaha isdhex galka, Ungbo ( deegaanka carruurta iyo dhalinyarada megengalyo doonka ah ee kaligood ah), deegaanka waayeelaada, adeega waayeelka iyo dadka xanuunsan, daryeelka bukaanka, shaqo maalmeed, qaraabada meesha ay shaaha kuwada cabaan, dhaqacelin, xafiiska socdaalka, maktabad.
Dugsiga sare: barnaamijka hormarka farsamada gacanta, dugsiga sare ee tababarka ee Håby.
Adeeg dowladeed: xafiiska shaqada.
Adeega ganacsiga: ICA (boosto, meesha baakada laga diro, meesha lacagta lagala baxo), COOP (meesha lacagta lagala baxo), Hemköp, dukaanka xaafada, maqaayada biidsada, bangi, kaalinta shidaalka, tabakaayo iyo tukaanka ciyaaraha (qasnada wax laga bixiyo), dukaanka qamriga, garaashka baabuurta, meesha baabuurta lagu dhaqo, dukaanka dharka, foorno, dukaanka muraayadaha iibiya, timo jare, dukaanta ubaxyada iibiya, dukaanka alaabta dhismaha lagu iibiyo, dukaanta raadiyoyaasha iyo telefishinada, dukaanka alaabta waaweyn, alaabta lasoo isticmaalay, alaabta banaanka lagu iibiyo iyo wax kale oo badan.
Caafimaadka: rugta caafimaadka, rugta xanaanada hooyooyinka (MVC), xarunta xanaanada carruurta (BVC), farmashiye, dhakhtarka ilkaha.
Waqtiga firaaqada: iskoolka fardo raacida, jimicsi, meel baraf lagu ciyaaro oo nal leh, hoolka cayaaraha, hoolka barafka, kaloomeysi.
Isgaarsiinta gaadiidka: jidka E6, bas, tariin, gaadiidka dhadhaw.

Agagaarka: Rasta Håby dukaan habeen iyo maalin furan, huteel yar, kaalinta shidaalka ( xataa gaas iyo koronto) (ku yaala inta u dhaxeysa Dingle iyo Munkeda) IKEA iyo rugta adeega ee Torp (degmada Uddevalla), suuqa adeega ee Tanum (degmada Tanum).

Dalyeelka carruurta

Degmada Munkedal waxaa ku yaal iskoollada xanaanada caruurta iyo guryaha xanaanada carruurta waxeyna ku yaallaan xaafadaha oo dhan. Xaafadaha Munkedal waxaa kaloo ku yaal iskoollada xanaanada furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Munkedal waxeey waxbarashadu ka tahay shey mudnaan la siiyo. Degmadu waxuu tiigsanayaa in tayada heerarka kala duwan ee waxbarashada kor loo qaado. Iskoolka xanaanada iyo dugsi hoose illaa fasalka 6 waxeey ku yaallaan xaafadda Dingle, Hällevadsholm iyo Munkedal waana afar meelood. Dugsiga dhexe ee Kungsmarksskolan waxaa dhigta ardayda dhigata fasllada 7–9. Sörbygden waxaa ku yaal iskool xanaanada caruurta ah, dugsi hoose oo illaa fasalka lixaad ahna waxu ku yaal Hedekas. Ardayda dooneyseyna dugsiga sare waxaa jira dugsiga sare ee Uddevalla gymnasieskola o barnaamijyo waxbarashadeed badan haya. waxaa kaloo jira dugsi sare oo ku xiriira shirkada warqadaha e Arctic Paper AB, Processtekniska gymnasiet, oo haya waxbarasho xirfadeed ah dhinacyada farsamada boroseeska iyo warshadeynta. Dugsiga sare waxuu kaloo leeyahay barnaamij waxbarashaded gaar ah oo ku xiran waxbarashada dadka waaweyn ee Kunskapens Hus. Dugsiyada hoosedhexe iyo sare ee dadka dhimirka la waxey ku yaallaan Munkedal.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn ee, komvux, Kunskapens Hus ee ku yaal Munkedal waxu kuu hayaa marxaladaha kala duwan oo dhan ee loogu tala galay dadka waaweyn iyo waxbarasho heer SFI ah.

 

Caafimaadka

Qaabilaada caafimaadka iyo daryeelka bukaanka ee degmada Munkedal:

Dingle: Qaabilaada bukaanka ee kalkaalisada degmada, dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka xaywaanaadka
Hedekas: Qaabilaada bukaanka ee kalkaalisada degmada
Hällevadsholm: Dhakhtarka ilkaha
Munkedal: Rugta caafimaadka, rugta caafimaadka hooyooyinka (MVC), rugta caafimaadka carruurta (BVC), farmashiye, dhakhtarka ilkaha

Ka agdhaw:

Rugta qaabilaada degdega ah: NÄL, Trollhättan
Rugta qaabilaada degdega ah ( jirka iyo indhaha): isbitaalka Uddevalla
Xarunta heegaanka: isbitaalka Lysekil

Caawinaad turjubaan

Warbixinta xiriirka dadka cusub:
informationnyanlanda@munkedal.se
072-214 12 25 (isniin ilaa iyo khamiis 8.30-11.00)

Xiriirka gaadiidka

Jidka E6 waxuu maraa bariga degmada Munkedal waa jid fiican oo safarka baabuurka u fiican. Gaadiidka dadweynaha waxaa maamula Västtrafik waxuuna ka kooban yahay tareen, bas iyo tåg, buss iyo waxa la halmaala.

Shaqo iyo ganacsi

Ganacsiga degmada Munkedals waxaa koow ka ah shirkada warqadaha ee Arctic Paper AB oo ah shaqa bixiyaha ugu weyn degmada. Laakiin shirkadaha yaryar ayaa ah kuwa ugu badan. Halkaan waxaad ka heleysaa qeybaha kala duwan ee ganacsiga sida, beecmushtarka, adeegyada kala duwan. Tareen haddaa ka qaadatid degmada Munkedal weey kuu dhowyihiin goobaha shaqada ee ohuslän, Fyrstadsområdet iyo Göteborg.

Shaqooyinka ka banaan degmada Munkedal.

Shikadaha degmada Munkedal.

Iskaa u bilaabaya shirkad.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Medarbetare E - handel Lagerarbetare
Mjölkare / Djurskötare Djurskötare, mjölk
Personlig assistent tll glad tjej i Lysekil! Personlig assistent
Personlig assistent Personlig assistent
Fysioterapeut / Sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Administratör till Samhällsbyggnad - vikariat Administrativ assistent
Butikssäljare OKQ8 Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Vill du arbeta i Sveriges bästa säljteam? Hemförsäljare
Lärare eller speciallärare Specialpedagog
Gymnasielärare med behörighet i ma / no / kemi Lärare i gymnasiet
Socialsekreterare Barn och unga Socialsekreterare
Personlig assistent till kvinna i Kungshamn! Personlig assistent
Orderplock / lagerarbetare Lagerarbetare
Skorpans djur - och naturförskola söker förskolelärare / barnskötare Lärare i förskola/Förskollärare
Snickare med yrkesbevis Träarbetare/Snickare
Extrapersonal sökes Restaurangbiträde
Lärare i Svenska och Engelska sökes Lärare i gymnasiet
Trafiklärare Uddevalla Trafiklärare
Indisk / Nepalesisk kock Specialkock

Bogga 1 ee ka mid ah 35

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Munkedal

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10 220

Cabirla dhulka

635 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Göteborg 99 km

Oslo 199 km

Köpenhamn 412 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri