Norberg

Degmada Norberg waa degmo caan ku ah buuraha qodida macdanta, waxeeyna ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimsan ee laga soo saaro macdanta ee wadanka Iswiidhan. Degmadu waxeey ka koobantahay xaafadaha kala ah Norberg oo eey ku taal Kärrgruvan iyo Karlbenning. Waxaa kaloo jira tuulooyin yaryar oo ku yaal degmada bannaankeeda. Degmada Norberg waxeey ku taal waqooyiga gobolka Västmanland waxeeyna xiriir la leedahay magaalooyinka Fagersta, Sala iyo Dalarna (Smedjebacken, Hedemora iyo Avesta). Deegaanka waxuu inta badan ka koobanyahay keymo iyo dhulbeereed waxaa kaloo ku badan balliyada. Boqolkiiba 80% waxeey dadka degmada degen yihiin bartamaha degmada.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada waxaad ka heleysaa guryo kiro oo aad ka kireysan kartid shirkadda guryaha ee degmada iyo shirkadaha baraayfatka ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida guryaha la kireysto waxaad ka heli kartaa degmada Norberg boggeeda internetka ah.

Miljöbild från Norberg

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Norberg waxaa looga hadlaa luqadda iswiidhishka marka laga reebo luqadaha carabiga, tigreega, af-soomaaliga, daariga iyo kawa kale. Luqadaha looga hadlo degmada waxeey ku xirantahay hadba dadlka eey u dhasheen dadka qaxootiga ah ee usoo guuro ama ka guura degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Norberg waxeey caan ku tahay jaaliyadaha badan. Jaaliyadaha kala duwan waxey kala yihiin kuwa farshaxanka, isboortiska iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo jira jaaliyado isboortis oo dhalinyarada loogu tala galay sida kuwa kubadda cagta, cayaaraha ku orodka ulaha barafka iyo baaskiil wadida. Warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha ka hirgalsan Norberg waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka ah.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Norberg waxaa ku yaal farmashiiyihii, bangiyo, maktabad, rug caafimaad, dhakhtarka ilkaha, 2 dukaamada cuntada oo waaweyn, dukaanka iibiya alaabta lagu cayaaro, tima jare, dhakhtarka xoolaha, dukaan macmacaanka oo caan ah lana dhaho Elsa Andersons Konditori iyo biibito kale, dukaaan gacan labaad iyo makhaayado. Dukaaanka Ikea waxuu ku yaal magaalada dariska ah ee Västerås. Dukaanka JYSK la dhahana oo dukaan alaabta guriga lagu gado ah waxuu ku yaal degmada Avesta. Xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska cashuuraha waxeey kuwada yaallaan degmada Fagersta.

Waa degmo quruxbadan kuna haboon in carruurta lagu korsado.

Fika i Norberg

Dalyeelka carruurta

Degmada Norberg waxeey leedahay shan dugsiyada xanaanada carruurta ah oo eey dowladdu leedahay iyo mid kuwa gaarka loo leeyahay ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan iskoollada oo dhan ka akhriso degmada boggeeda internetka ah. Waxaa kaloo jira dugsi xanaaneed ufuran waalidiinta iyo carruurtooda, waxuuna wada shaqeyn eey ka dhexeysaa kaniisada Svenska Kyrkan.

Barnaamijyo loogu tala galay carruurta eey da'doodu weyntahay waxaa lagu maaweeliyaa Unkan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Norberg waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe 1-9.

Dugsi sare iyo sfi waxeey ku yaallaan Fagersta.

Furadaha waxbarasho

Dugsiyada waxbarashada ee dadka waaweyn waxeey degmada wada shaqeyn kala leedahay degmooyinka Fagersta iyo Skinnskatteberg.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka iyo iyo rugta ilkaha waxeey ku yaallaan bartamaha Norberg. Waxaa kaloo isla meeshaas ku yaal rugta daryeelka hooyada, rugta daryeelka carruurta iyo rugta daryeelka qoyska "Lärkan"

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey turjubaan kaaga dalbeysaa xafiiska adeegga turjubaannimo ee gobolka Västmanland.

Xiriirka gaadiidka

Warbixin dheeraada oo ku saabsan basaska ama tareennada maro degmada waxaad ka heli kartaa gobolka Västmanland xafiiskeeda u qaabilsan gaadiidyada safarka.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqooyinka bannaan isla markaasna looga baahanyahay degmada waxaad ka heli kartaa bogga xafiiska shaqada uusoo dhigo shaqooyinka bannaan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Personlig assistent till en glad tjej på 6 år i centrala Avesta Personlig assistent
Lärarvikarie åk 4 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Studiehandledare i tigrinja , åk 4 - 9 Modersmålslärare/Modersmålspedagog
Lärare i svenska 6 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
SÄLJARE Utesäljare
SÄLJARE Utesäljare
Administratör IFO Administrativ assistent
Föräldrastödjare / familjebehandlare Socialsekreterare
Förskollärare eller personal med annan lämplig pedagogisk utbildning Lärare i förskola/Förskollärare
Projektledare - Översättningsprojekt Orderplanerare
LEG. SJUKSKÖTERSKA Sjuksköterska, grundutbildad
Utvecklingsledare IT - stöd och service Administrativ utvecklare
Optiker till Glasögoncentrum Synsam , Fagersta Optiker
Gatuchef till Norra Västmanlands kommunalteknikförbund Gatuchef
Sjukgymnast / fysioterapeut sökes till kommunuppdrag Fysioterapeut/Sjukgymnast
Arbetsterapeut sökes till kommunuppdrag i Fagersta Arbetsterapeut
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Barnskötare ? kombinationstjänst Barnskötare
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare
Förskollärare Lärare i förskola/Förskollärare

Bogga 1 ee ka mid ah 5

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Norberg

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5 670

Cabirla dhulka

447,62 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Fagersta kommun 11 km

Avesta 22 km

Västerås 80 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri