Nordanstig

Degmada Nordanstig waxeey dhinaca waqooyi kaga taallaa Hälsinglad waxeeyna ku ku agtaal bartamaha Iswiidhan, waxeeyna u dhaxeeysaa Hudiksvall iyo Sundsvall. Degmada waxeey u dhaxeeysaa xeebo, meelo kalluumeysi iyo warar, dhul dabiici ah oo leh keymo waaweyn iyo dhul weyn oo ballaaran kuna fiican ciyaaraha barafka. Kusoo dhowoow Nordanstig.

Soo bandhigid

​Deegaan

Degmada Nordanstig waxeey leedahay shirkado badan oo guryaha kireeya. Gurikireeyaha ugu weyn Nordanstigs Bostäder AB oo guryo ku leh xaafadaha degmada oo dhan. Waxa kaloo jira guryo kireeyayaal baraayfat ah iyo dallaallo guryaha iibiya.

Akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan guryaha Nordanstig.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Nordanstig waxaa degan dadka adduunka dacalladiisa ka kala yimid. Luqadaha ugu waaweyn waa iswiidhish, ingiriis, soomaali, arabi, tigree iyo beershi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nordanstig waxaa ka jira jaaliyado badan oo isboortiska ku howlan, kuwo hidde iyo dhaqan iyo kuwo kale, waxaa ku yaal kaniisado iyo ururo diimeed kale. Degmada Nordanstig waxaa ku yaal dallada eey jaaliyadaha oo dhan eey hoos tagaan waxaana la dhahaa Nordanstigs Föreningsråd.Ka raadi jaaliyad diiwaanka jaaliyadaha.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Nordanstig waxaa yaal adeegyada asaasiga ah oo dhan sida dhakhtarka ilkaha, xarun caafimaad iyo xafiiska shaqada. halkaan waxaa ku yaal dukaan cunto iyo dukaamo gado dhar iyo marooyin, qalabka beeraha yaryar, baakiillo iyo hadiyado. waxaa jira waxyaabo badan oo laga sameeyn karo degmada waxaadna ka heli kartaa wakaalada dalxiiska boggeeda internetka ah ee Arag Nordanstig.

Waxaa kaloo ka jira degmada dukaamo gacan labaad waxaad kaloo dukaamdaas ka heleysaa Hudiksvall waxaana lagu gadaa dhar, waxyaabaha beeraha iyo alaab. Dukaan IKEA ah ee kuugu dhow waxuu ku yaal Sundsvall. waxaa Bergsjö ku yaal shaleemo iyo maktabad ku taal Bergsjö, Hassela, Gnarp iyo Harmånger.

Waaxda qaxootiga waa goob eey dadka ajnabiga ah ka helaan warbixin iyo adeegyo waxeeyna ku taal Stationsvägen 2 ee Bergsjö halkaasna waxaa diyaar kuugu ah shaqaale ku hadlo luqadaha carabi iyo somaali.

Dalyeelka carruurta

Degmada Nordanstig waxaa ku yaal iskollada xanaanada carruurta waxeeyna ku yaallaan xaafadaha kBergsjö, Gnarp, Harmånger, Hassela, Ilsbo iyo Jättendal.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku yaal dugsi hoosedhexe oo loogu tala galay illaa ardayda dhigata fasalka 9. Degmada boggeeda internetka ah waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn waxeey ku taal xaafadda Bergsjö ee degmada Nordanstig waxaana lagu bartaa koorsooyin horudhac ah, waxbarasho dadka waaweyn oo aasaasi ah, waxbarasho heer dugsi sare ah iyo barashada luqada iswiidhishka ee ajnabiga loogu tala galay iyo waxbarasho dadka dhimirka la' loogu tala galay. Iskoolka waxbarashada dadka waaweyn waxaa mar dhow laga billaabay waxbarasho heer sare ah, waxbarasho xirfadeed oo farsamda ah lagu helaayo 400 Yh-oo dhibcood.

Caafimaadka

Degmada waxaa ka jira goobo caafimaad oo badan. Waxaad halkaan ka heleysaa rug caafimaad iyo rugta caafimaadka carruurta, rugta cafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo dhakhtarka ilkaha. Degmada boogeeda internetka ah waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan halka aad ka raadsan kartid arrimaahada kala duwan ee la xiriira caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafisyada kala duwan, degmada, xarumaha caafimaadka waxaad xaq u leedahay in lagu qabto turjumaan haddii aadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka. Waxaa lasii bokimanaa inta aadan imaanin kulanka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Nordanstig waxeey ku taal bartamaha magaalooyinka Sundsvall iyo Hudiksvall halkaasna waxaa aada tareen ku geynaya illaa xaafada Gnarp. waxaa kaloo jira gaadiidka baska ah oo fiican kuna geynaya Hudiksvall iyo degmooyin badan oo hareeraha ku yaal. X-trafik waa shirkada mas'uulka ka ah habsami u socodka gaadiidka basaska iyo tareennada.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Nordanstig waxaa ku yaal shirkado badan oo yaryar marka haddii aad dooneysid inaad ka billoowdid shirkad degmada Nordanstig waxaad la xiriirta waaxda ganacsiga ee degmada oo ka shaqeeysa gacansiinta shirkadaha cusub iyo shirkadaha jira.

Liiska diiwaanka shirkadaha waxaa ku jira illaa 450 shirkadood oo ka diiwaan gashan degmada Nordanstig.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Kockar Kock, à la carte
Lärare åk 4 - 6 , Bringstaskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Hundinstruktör Hundskötare/Hundvårdare
Musiklärare till Gnarps skola Musikpedagog/Musiklärare
Fastighetsstrateg Civilingenjör, anläggning
Biträdande Rektor / Rektor , Bergsjö skola åk 4 - 9 Biträdande rektor
Hundinstruktör Hundskötare/Hundvårdare
Personlig Assistent Hudiksvall ref 127 Personlig assistent
Butikskonsulent Hudiksvall extra vid behov Butikskonsulent
Byggobjektsäljare Offertberedare
Rektor till Lund och Näsvikens skola Rektor
Almia söker psykiatrisjuksköterska till Hudiksvall Sjuksköterska, psykiatrisk vård
Almia söker sjuksköterska till medicinavdelning i Hudiksvall Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Almia söker sjuksköterska till Hudiksvall Sjuksköterska, grundutbildad
Almia söker distriktssköterska till Hudiksvall Distriktssköterska
Sjuksköterskor Sjuksköterska, grundutbildad
Leg Sjuksköterska Sjuksköterska, äldreomsorg och -vård/geriatrik
Bilrekonditionerare Bilrekonditionerare
Volontärsamordnare till Förebyggande enheten Personligt ombud
Personlig assistent i Hudiksvall , ref 6042 Personlig assistent

Bogga 1 ee ka mid ah 6

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Nordanstig

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9 650

Cabirla dhulka

1 380 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Hudiksvall ca 30 km

Sundsvall ca 40 km

Stockholm ca 300 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri