Nordmaling

Degmada Nordmaling waxey u dhexeysaa magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Nordmaling waa degmo ammaankeedu fiicanyahay waxaana ka jira jaaliyado badan oo firfircon, waxaa jira jaaliyado ku howlan isboortis iyo nolol dhaqameed, waxaa kaloo degmada ka jira urur deemeedyo kala duwan. Degmadu waxeey adeega bulshada oo dhan sida daryeelka carruurta, rug caafimaad, dukaamo cunto iyo dhar, maktabad. Jidadka soo gala degmada oo fiican aawgeed iyo wadada Botniabanan ayaa waxeey sababeen in magaalada eey ka baxaan basas iyo tareenno labadaba. Waxyaabaha kale oo eey degmadu dadka kusoo jiidato waxaa ka mid ah jawiggeeda oo macaan iyo badda iyo keymaha oo udhow.

Soo bandhigid

​​Deegaan

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal shirkado badan oo guryaha kireeya. Shirkadda ugu weyn waa tan degmada oo magaceeda la yiraahdo Nordmalingshus waxeeyna guryo ku leedahay xaafadaha kala duwan ee degmada oo dhan. Waxaa kaloo jira shikado gaar loo leeyahay iyo dillaalyo guryaha iibiya. Sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Nordmaling waxaa degan waddamo kala duwan kasoo jeeda. Luqadaha ugu waaweyn marka laga reebo iswiidhishka iyo ingiriiska waa tigree, daari iyo carabi.

Bilder från café och bibliotek i Nordmaling

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nordmaling waxaa ka jira illaa 80 jaaliyadood. Waxaa ka jira jaaliyado ku howlan isboortiska kala duwan sida kubadda cagta, ciyaarta xeegada barafka, farda fuulka, kubadda gacanta, ciyaarta jiheynta iyo ciyaarta ulaha barafka lagu socdo. Degmada waxaa kaloo ka jira jaaliyado ku howlan hiddaha iyo dhaqanka sida tiyaatarka iyo muusikada. Degmada Nordmaling waxaa ku yaal uruo diimeed kala duwan sida kaniisada pingstkyrkan, baptisterna, Svenska kyrkan, missionskyrkan iyo EFS. Macluumaadka jaaliyadaha kala duwan waxaad ka heleysaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Nordmaling waxaad ka heleysaa adeega bulshada asaasiga ah oo dhan. Waxaa ku yaal dukaamo cunto iyo kuwo dhar iyo kabo. Hadaad rabtid inaad gadatid alaab rakhiis ah waxaa jira goobo lagu iibiyo alaabaha duugga ah sida Repahusets loppis. Iskoolka iyo meesha lagu dabbaasho waxeey isku meel ku yaallaan maktabadda. Bartamaha Nordmaling waxaa ku yaal xafiiska shaqada iyo xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha daryeelka qoysaska iyo qofkaba.

Marknadsdag i Nordmaling 

Dalyeelka carruurta

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal 10 xanaanada carruurta ah waxeeyna ku yaallaan xaafadaha Nordmaling, Rundvik, Lögdeå, Håknäs, Nyåker iyo Gräsmyr ardayda loogu tala galayna waa kuwa da’doodu tahay 1-5 sano. Waxaa kaloo jira xanaanada carruurta furan oo loogu tala galay in waalidiinta eey carruurtooda ku heystaan kulana kulmaan waalidiin iyo carruur kale waana lacag la’aan. Waxaa kaloo degmada ka jira guriga xanaanada carruurta oo loogu tala galay in carruurta meel jawiga guriga oo kale ah lagu xanaaneeyo.

Elever i skolan 

Furadaha waxbarasho

Degmada Nordmaling waxaad ka baran kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee sfi (iswiidhishka dadka qaxootiga eey bartaan), waxbarasho farsamo gacmeed oo heer dugsi sare ah, waxbarasho heer dugsi hoosedhexe ama sare ah oo dadka waaweyn loogu tala galay. Jaamacad, machad iyo iskoollada dadka waaweyn ee machadyada u dhigma iyo waxbarashooyinka kale waxaad ka heleysaa magaalooyiinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Warbixin ku saabsan wadanka iyo bulshada iswiidhishka sida eey u shaqeeyaan waxaa la baraa dadka wadanka ku cusub waxaana lagu bartaa goobaha luqadda iswiidhishka lagu barto.

Caafimaadka

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal rug caafimaad oo dadka degmada siineysa daryeelka iyo daawada eey u baahan yihiin. Waxaa ka shaqeeya xarunta, dhakhaatiir, kalkaalisooyin, kalkaaliyaha masaajada iyo duugniinka jirka iyo kalkaaliyaha dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa xubnaha. Bartamaha degmada Nordmaling waxaa ku yaal rugta ilkaha. Isku guri waxaa ku yaal xafiiska daryeelka qoyska iyo rugta caafimaadka dhallaanka iyo umulisada. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal magaalada Umeå.

Caawinaad turjubaan

Markaad ka kulmeeysid xafiisyada dowladda sida kuwa degmada Nordmaling waxaa laguu diyaarinayaa turjubaan. Sida caadiga ah turjubaanku waxuu kaaga turjumaa dhinaca taleefanka. 

Xiriirka gaadiidka

Degmada Nordmaling waxey u dhexeysaa magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Waxeey degmada leedahay tareen isteeshin eey kabaxaan basas iyo tareenno labada waxeyna ukala gooshaan koofur iyo waqooyi marar badan maalin walba. Waxaa kaloo jira basas aada xaafadaha ku yaalla degmada bannaankeeda. Weey in bas ama tareen laga raaco degmada Nordmaling loona qaato magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Warbixin dheeraada oo ku saabsan basaska iyo tareeennada booqo bogga internetka ee Tabussen.nu.

Shaqo iyo ganacsi

Howlaha ganacsiga degmada Nordmaling waxeey ku saleeysanyihiin shirkado yaryar oo badan iyo shirkado waaweyn oo aan saas u badneyn. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada oo shaqaaleeysiiso 800. Shirkadaha ugu waaweyn ee degmada waa warshadaha waxsoosaarka sida Olofsfors AB, Masonite Beams iyo kuwa gaadiidka alaabta lagu raro. Maadaama eey degmada Nordmaling u dhaxeeyso Umeå iyo Örnsköldsvik weey fududahay inaad shaqo u raadiso labadaas magaalo. Hadaad rabtid inaad shirkad furatid la xiriir degmada qeeybteeda u xilsaaran kor u qaadidda ganacsiga kuwaasoo caawimaad iyo talo siiya dadka raba ineey shirkado furtaan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Extrapersonal inom förskola , skola och fritidshem Elevassistent
BEMANNINGSSJUKSKÖTERSKA SÖKES TILL GARANTIANSTÄLLNING Sjuksköterska, grundutbildad
Lärare , språkintro Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Personlig assistent Nordmaling Personlig assistent
Affärsbiträde Kassapersonal
Undersköterska natt Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Kinesisk kock Specialkock
Extrapersonal , vård - och omsorg samt kök Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Grundlärare 1 - 6 Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Deltidsbrandman Brandman
Junior systemutvecklare inom Java och C Systemutvecklare/Programmerare
Elevassistent Barnskötare
Studieadministratör Studieadministratör
SYV , Liljaskolan Studie- och yrkesvägledare
Universitetslektor i fri konst inriktning internationell samtidskonst Universitets- och högskolelektor
Bli IT - konsult på 12 veckor genom Academy Systemutvecklare/Programmerare
Kundorienterad IT - tekniker till Kamstrup i Umeå Servicetekniker, data
Parkeringsvakt kvällar och helger Parkeringsvakt
Max söker medarbetare Restaurangbiträde
Systemutvecklare till 3D Nord Systemutvecklare/Programmerare

Bogga 1 ee ka mid ah 24

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Nordmaling

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7 059

Cabirla dhulka

1 269 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Umeå 53 km 

Örnsköldsvik 60 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri