Norrbottens län

Gobolka Norrbotten waa gobolka ugu weyn uguna xiga dhanka waqooyi ee wadanka Iswiidhan oo dhan waxuuna ka kooban yahay 14 degmadood. Waa gobolka kaliya oo xuduud la leh laba wadan- Noorweey iyo fiinland. Norrbotten waxuu leeyahay hanti dabiici ah oo badan oo isugu jiro keymo, biyaha iyo gododka macaadinata laga qodo oo eey ugu badan yihiin kuwa laga soo saaro biraha iyo macaadinta kale. Meeshaan waxaa waligeed deganaa dad dhaqamo kala duwan leh. Tusaale ahaan waxaa deganaay dadka iswiidhishka oo kasoo jeedo qowmiyadda saamerka, xuduuda u dhaxeeysa Findland waxaa ka jira dhaqanka isku dhex milmay ee iswiidhishfiinlaandeeska. Gobolka Norrbotten waa gobol wakhtiyada jiilaalka aad mugdi u ah wakhtiyada xagaagana qorraxda eey soo jeeddo illaa habeen barkii, waxuu leeyahay buuro dhaadheer, jaziirado yaryar, degaan miyi ah iyo magaalooyin waaweyn iyo dhaqamo badanoo kala duwan.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Si fiican ayeey howlaha ugu socdaan gobolka Norrbotten, tirada dadka weey sii kordheeysaa dhinaca shaqadana waxuu la mid yahay sida wadanka intiisa kale. Sida wadnaka intiisa kale ayeey baahida xaga guryha ee ka jirta degmooyinka ukala duwan yihiin. Degmooyinka gobolka laba marka loo qeybiyo qeyb ayaa guryo la'aan ka jirtaa taasna waxeey sababtay in qiimaha guryha uu kor isku shareero, waxaa kaloo dheeraaday safka loo galo guryaha la kireysto. Dhisitaanka guryaha cusub hoos ayuu ahaay sanadihii lasoo dhaafay, men hadda waxaa degmooyinka qaar laga dareemayaa in guryo badan laga dhisaayo. Dad badan degmada eey degan yihiin maahane degmo kale ayeey ka shaqeeyan. Masaafada eey isku jiraan degmooyinka waaweyn ee gobolka ma badna. Gaadiidka guud ee dadweynaha ee baska ayaa aada meelaha eey dadka intooda badan u safraan wuuna fiican yahay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Macdanta, birta, keymaha iyo biyaha muhiim ayeey u yihiin gobolka iyo Iswiidhan oo dhan. Gobolka waxuu leeyahay shirkadaha wax soosaarka dibadda u dhoofiya, dalxiis iyo ganacsi soo badanaya iyo shirkado yaryar oo ahmiyad weyn kusoo yeelanaya dakhliga ganacsi ee gobolka.

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee gobolka waa maamulka caadfimaadka ee gobolka oo eey u shaqeeyaan 7 500, waxaa ku xiga shaqaalaha degmooyinka Luleå, Piteå iyo Boden. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee dhinaca shirkadaha gaarka loo leeyahay waa LKAB. SSAB waa mid ka mid ah shirkadaha biraha soo saaro kuwooda ugu weyn aduunka.

Meel lagu keydiyo warbixinta kombiyuutarka oo eet leedahay shirkad weyn oo caalami ah ayaa laga furay Luleå taasna waxeey keentay in ganacsiga gobolka uu sii kordho. Keydkaas kombiyuutar waxuu abuuray xiiso badan ka timid aduun weynaha oo dhan waxuuna albaabaha u furay in shirkado kale eey maal gashi ku sameystaan gobolka. Maalgashiga shirkadaha ka jira gobolka wuu badan yahay. Shirkadaha ka shaqeeya macaadinta waxeey maalgashi gaaraya balaayiin ku sameeyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Luleå tekniska universitet waa jaamcadda kaliyah ee laga barto tekniiga iyo farsamda oo ku taal waqooyiga ugu shisheeya ee wadanka oo dhan. Waxyaabaha laga barto jaamacadda waa farsamada, dhaqaalaha, culuumta bulshada, caafimaadka, warbaahinta, muusikada iyo macalinnimada. Jaamacada Luleå tekniska universitet waxeey shan xarumood waxbarasho ku leedahay magaalooyinka Luleå, Piteå, Skellefteå, Kiruna iyo Bergsskolan oo u taal magaalada Filipstad. Gobolka Norrbotten waxaa ka jira machadyo badan oo waxbarasho xirfadeed badan laga barto. Waxbarashada ayaa qofka siineysa aqoonta eey u baahan yihiin shirkadaha eey mustaqbalka u shaqeyn doonaan maadaama machadka iyo shirkadaha eey ka dhaxeeyso wada shaqeyn.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaal shan isbitaal: isbitaalka länssjukhuset Sunderby sjukhus i Luleå, Gällivare sjukhus, Kalix sjukhus, Kiruna sjukhus iyo Piteå Älvdals sjukhus. Waxaa ku yaal 34 rug caafimaad, badankood waxaa maamula maamulka caafimaadka ee gobolka, laakiin waxaa jira qaar gaar loo leeyahay, degmo kasta waxeey ugu yaraan leedahay hal rug caafimaad.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxaa ka jira waxyaabo bdan oo lasameyn karo oo isugu jiro dhinacyada hiddaha iyo dhaqanka iyo howlaha firfircoonida ee la sameeyo xilli firaaqaha, dhul wanaagsan oo dabiici ah, bii'ad dhaqan fiican leeh iyo meelo qurux badan oo loo damaashaad tago. Waxyaabaha la xiriira dhaqanka waxaa ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo tiyaataro nuucyo badan isugu jiro. Waxaa gobolka ku yaal tiyaatar weyn, laakiin waxaa kaloo jiro xarumo kale oo iyagana lagu qabto tiyaatarada. Sanad walba guduhiis waxaa la abaabulaa manaasabooyin iyo suuqyo banaanada lagu kala ganacsado oo eey dad badan oo degmooyinka kala duwan ka socda yimaadaan. Gobolka Norrbotten waxaa ka dhisan matxafyo badan. Tusaale ahaan matxafka Ájtte museum ee ku yaa Jokkmokk, meeshaasoo eey dad badan soo booqdaan si eey warbixin dheeraada ugu hilaan dhaqanka saamerka.

Norrbotten waxuu leeyahay dhul dabiici ah oo aad u qurux badan qeybo kala duwana leh, kuwaasoo kheeyraad muhiima u ah gobolka. Goblka waxaa ku yaal 354 goobaha waxyaabaha dabiiciga ah lagu ilaaliyo, meelahaasoo aad ku luga baxsan kartid kana guran kartid miraha kala duwan islamarkaasna fiirsan kartid buuro eey biyaha kasoo dareeraan. Meelo badan oo gobolka ka mid ah waa la ogolyahay in laga kaluumeysto, laga ugaarsado iyo in lagu wado mootooyinka barafka. Gobolka waxaa ka jira fursado badan oo aad uga qeyb gali kartid isboortiska kala duwan oo isugu jira kuwa xagaaga iyo jiilaalka. Isboortis barafka lagu ciyaaro oo wanaagsan. Gobolka Norrbotten waxuu leeyahay jaaliyado isboortis oo laagu tala galay da'kasta.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Norrbotten waxaa ka jira jaaliyado samafal oo dhalinyarada iyo dadka waaweyn fursad u siinaya ineey sameeyaan waxyaabaha eey xiiseynayaan. Waxaa jira xarun dadkii raba fursad u siineysa ineey heesaan, cayaaraan iyo ineey luqadaha kala duwan iyo cilmiga kale si qoto dheer u bartaan. Waxaa kaloo jira machadyada dadka oo fursado waxbarasho siinaya qofkii raba.

Norrbotten waxaa ka jira ururo diimeed badan oo kala duwan kuwaasoo dadka isku keena. Hey'ado badan oo ka dhisan Norrbotten ayaa ka shaqeeya sideey u kordhin lahaayeen isdhexgalka dadka dega gobolka iyo kuwa usoo guuro.

Gobolka Norrbotten waxaa ka jira guruub u xilsaaran howsha isdhexgalka dadka oo ka kooban maamulka gobolka, xafiiska shaqada, hey'dda laanta socdaalka, maamulka caafimaadka, Hela Sverige ska leva, shirkadaha, xafiiska ceymiska, kaniisada iswiidhishka, ururka isboortiska, Bildningsförbundet, bisha cas iyo Rädda Barnen iyo degmooyinka oo dhan. Guruubkaas waxuu ka doodaa qodobo muhiim u ah kor u qaadida arrinta is dhexalka dadka, waxuu abaabulaa dad ka shaqeeya, waana shabakad wax lagu kororsado. Qof kasta oo usoo guuro gobolka waxaa loo arkaa inuu yahay qof wax u taraya dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Sommarvikarier till Butiken i Gällivare Butikssäljare, fackhandel
Fritidspedagog , Ringelskolan Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Sommarjobb hos OKQ8 Rondellen , Luleå Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Råneå Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Arjeplog Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Gällivare Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Boden Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Öjebyn Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Övertorneå Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Överkalix Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Haparanda Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Roknäs Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sektionschef HMS Sektionschef, gruva
Marknadskoordinator Informatör/Kommunikatör
Fastighetstekniker / Fastighetsskötare Fastighetstekniker/Drifttekniker, fastighet
Utbildningstjänst avancerad klinisk sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Sommarjobb hos OKQ8 Kalix Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Jokkmokk Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Vittangi Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Sommarjobb hos OKQ8 Malmberget Bensinstationsbiträde/Servicebiträde

Bogga 1 ee ka mid ah 60

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Degmooyinka gobolka ku yaalo

Dadweyne

Norrbottens län har 14 kommuner med cirka 250 000 invånare: Arjeplog, Arvidsjaur, Boden, Gällivare, Haparanda, Jokkmokk, Kalix, Kiruna, Luleå, Pajala, Piteå, Älvsbyn, Överkalix och Övertorneå. Arjeplog är länets minsta kommun med knappt 3 000 invånare. Luleå är den största kommunen med drygt 75 000 invånare och har också den största befolkningsökningen i länet. Totalt sett visar länet de senaste åren på en positiv befolkningsökning.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri