Norrtälje

Degmada Norrtälje waxeey ku taal qalbiga Roslagen. Waxaad ka heleysaa jawi macaan iyo jaziirado yaryar. Degmada Norrtälje waxaa ku yaal 11 000 oo jaziirado, waxaa degan 57 000 oo qofood. Waqtiga xagaaga dadka degmada waxeey gaaraan laba jibbaar. Degmada Norrtälje waxeey hal saac u jirtaa Stockholm waxeey kaloo u dhowdahay Uppsala iyo Arlanda. Degmadeennu waxaad ka heleysaa fursado badan, kobcid iyo mustaqbal wanaagsan.

Soo bandhigid

Vy över Norrtälje bäck i förgrunden

Deegaan

Degmada Norrtälje waxaa ku yaal shirkado dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay. Shirkadda degmada ee Roslagsbostäder AB waa shirkadda ugu weeyn waxeeyna guryo ku leedahay xaafado kala duwan. Degmada boggeeda internetka ah waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan sida guryaha loo kireysto warbixin ku saabsan dillaalyada guryaha ee degmada Norrtälje.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Norrtälje waxaa looga hadlaa luqado badan oo kala duwan, sababtana waxeey tahay in degmada muddo dheer qaabili jirtay dadka qaxootiga ah. Qaar kamid ah luqadaha looga hadlo waa carabi, tigree, af-soomaali iyo daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Norrtälje waxaa ka jira jaaliyado kor u dhaafaya 200 waana kuwo meherado kala duwan ku howlan aadna u firfircoon. Liiska jaaliyadaha ee degmada waxaad ka heleysaa warbixinno ku saabsan jaaliyadahaas iyo sida loola xiriiro.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Norrtälje waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska dowladda, hey’adda dadka howl gabka ah iyo xafiiska cashuuraha, xafiisyadoodu waxeey ku yaallaan isku hal dhismo. Waxaa kaloo ku yaal dukaamo cunto, farmashiiye, biibitooyin, makhaayado, shaleemooyin iyo dukaamo kaloo kala duwan.

Degmada waxeey leedahay toban maktabadood, xaafadaha Norrtälje, Rimbo iyo Hallstavik waxaa ku yaal meelo lagu dabbaasho.

Haddaad wadanka ku cusubtahay isla markaana heeysatid su’aalo aad dooneysid in lagaaga jawaabo waxaad weeydiin kartaa xafiiska qaabilaada qaxootiga ee degmada Norrtälje. Warbixin dheeraada iyo waqtiyada la furo xafiiska ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Gågata i Norrtälje

Dalyeelka carruurta

Howlaha la xiriira iskoollada xanaanada carruurta ee degmada Norrtälje waxaana loogu tala galay carruurta eey da’doodu tahay 0-5 sano. Howlaha xanaanada waxeey isugu jiraan qeybo kala duwan sida iskoollo lagu xanaaneeyo iyo xarumo xanaano oo u furan carruurta iyo waalidiintooda. Degmadeena waxaa ku yaal 66 iskoollada xanaanada carruurta ah. Waxaa ku yaal xanaano carruureed xaafad kasta oo degmada ka mid ah.

Waxaa kaloo heynaa xarumo xanaanooyinka furan ah oo loogu tala galay qoysaska heysta carruurta da’doodu tahay 0-6 sano.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiga hoosedhexe waxaa dhigta carruurta da’doodu tahay 6-16 sano. Dugsiga hoosedhexe waxaa kaloo soo raaca dugsiga xilli firaaqaha iyo beerta xilli firaaqaha. Degmadeenu waxeey leedahay 35 dugsi hoosedhexe ah waxeeyna ku yaallaan xaafadaha degmada oo dhan.

Iskoollada Lommarskolan, Roslagsskolan, Långsjöskolan iyo Rodengymnasiet waxaan carruurta iyo dhalinyarada wadanka Iswiidhan ku cusub ugu diyaarinay hordhac dhinaca luqadda ah.

Degmada waxaa ku yaal afar dugsi sare.

Furadaha waxbarasho

Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Norrtälje waxaad ka baran kartaa luqadda iswiidhishka iyo bulshada iswiidhan sida eey u shaqeeyso. Degmada Norrtälje waxaad ka kuugu diyaara waxbarashada dadka waaweyn oo aad ka baran kartid NKV iyo Campus Roslagen.

Caafimaadka

Degmada Norrtälje waxaa ku raal rug caafimaad, rugta daryeelka carruurta iyo isbitaal loogu tala galay emerjensiga. Waxaa kaloo ku yaal xarumo badan ilkaha qaabilsan waxeyna ku yaallaan degmada qeeybaheeda kala duwan.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey qofkii ubaahan u diyaarineysaa turjubaan marka lala kulmayo xafiisyada dowladda. Hore ayaad usii sheegeysaa inaad turjubaan u baahantahay.

Xiriirka gaadiidka

Norrtälje waa degmo dhul weeyn ku fadhiso, udhawaanshaha eey u dhowdahay magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala waxeey sababtay in dad badan ka safraan una soo safraan degmada.

Waxaa jira bas marar badan maalintii ukala goosho Norrtälje iyo Stockholm waxaana safarka gudihiis isticmaali kartaa internet bilaash ah. Waxaa kaloo jira bas marar badan maalintii ukala goosho degmooyinka Norrtälje, Rimbo och Hallstavik och till Uppsala och Arlanda.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn degmada waa shirkada caafimaadka ee Tiohundra iyo degmada Norrtälje oo eey dad badan u shaqeeyaan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Fastighets - och kyrkogårdschef Fastighetschef
Lagermedarbetare Lagerarbetare
Jobbchansen: Undersköterska Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Jobbchansen: Vårdbiträden Vårdbiträde
Business controller till nytänkande vårdbolag Business controller
Resursassistent i resursklassen Långsjöskolan Norrtälje kommun Elevassistent
Väktare till Norrtälje sjukhus Väktare
Hovmästare till Åtellet i Norrtälje Hovmästare
Kock Kock, à la carte
Säljare till OKQ8 Norrtälje Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Akutmottagningen på Norrtälje sjukhus söker sjuksköterskor Sjuksköterska, grundutbildad
Arbeta med Sveriges bästa säljare! Hemförsäljare
Extra personal Restaurangbiträde
Extra jobb som Bartender på Åtellet i Norrtälje Bartender
Förskoleförstärkning i Rimbo Lärare i förskola/Förskollärare
Undersköterska till Enebergs Äldreboende Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Undersköterskor till Enebergs Äldreboende vikariat Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Parkarbetare i Norrtälje - start måndag , 21 augusti Parkarbetare/Utemiljöarbetare/Miljövärd
Kunnig och ansvarstagande medarbetare till vård och omsorgsboende i Rimbo Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Contiga söker projektledare och projektingenjör Arbetsledare, anläggning

Bogga 1 ee ka mid ah 726

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Norrtälje

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

57 000

Cabirla dhulka

2 113 km²

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 50 minuter

Uppsala 60 minuter​

Bogga internetka degmada ​

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri