Norsjö

Degmada Norsjö waa degmo yar oo ku taal waqooyiga Iswiidhan. Inkastooy degmadu yartahay hadana waxeey leedahay adeeg bulsho oo wanaagsan. Waxaa ku yaal dukaamo, bangiyo, dhakhtar ilke, xarun caafimaad, iskoollo iyo waxyaabo kaloo badan. Degmada Norsjö waxeey kamid tahay degmooyinka ugu ammaanka fiican wadanka, rabshado badanna kama dhacaan. Sidaad darteed waa meel ku fiican in carruurta lagu korsado. Degmada dadkeeda waxeey jecelyihiin isboortiska, marka haddaad jeceshahay kubadda cagta, ciyaarta xeegada barafka iyo ciyaaraha kale waxaad heleysaa fursad aad ku cayaartid. Dadka degmada weey kalluumeeystaan waxeeyna miro kasoo gurtaan kaynta, waxeey kaloo jecelyihiin luga baxsiga maadaama degmada ee leedahay dhul dabiici ah kuna wanaagsan waxyaalahaas. Wadada tareenka ayaa marta degmada waeyna fududahay in loo safro magaalooyinka dariska ah. Madaarka ugu dhow waxuu degmada u jiraa 1 saac oo kaliyah.

Soo bandhigid

​​Deegaan   

Labada shirkadood ee dhinaca guryaha ah ee ugu weyn degmada waa shirkadda Norsjölägenheter oo eey degmadu leedahay iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ee Norsjöbo AB.

Degmada Norsjö waxaa kaloo ka jira shirkado yaryar oo iyagana guryaha kireeya. Si eey kuugu fududaato inaad guri heshid booqo degmada boggeeda internetka, waxaa meeshaas ka heleysaa liis dheer eey ku yaallaan shirkadaha guryaha kireeya oo dhan.

Hadii aad heeysid su’aalo dheeraada la xiriir isku duwaha degmada ee dhinaca qaxootiga, wac taleefanka degmada 0918-140 00.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af-soomaali, carabi, tigree, amaxaari, daari, isbaanish, af-ruush, af-jarmal iyo halandees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan, Pingstförsamlingen iyo Missionskyrkan. Kaniisadaha waxeey si joogto ah u qorsheeyaan howlo firfircooni. Waxaa kaloo jira meel mowlac ah eey muslimiinta ku kulmaan. 

Degmada waxaa ka jira jaaliyado fara badan. Hadaad rabtid inaad la xiriirtid mid ah mid waxaad macluumaadkooda ka heleysaa liiska jaaliyadaha

Bog ee ku qoronyihiinxafladaha lagu qabanqaabiyo degmada waxaad ka heleysaa meeshaan.

Maxaa ka ag dhaw

Norsjö waxaad ka heleysaa dukaamo, maktabado, xafiiska shaqada, xafiiska degmada, beerta xilli firaaqaha iyo bangiyo. 

Hadaad rabtid inaad gurigaada camirtid waxaa jira dukaan gacan labaad la dhaho Knut’n, waxaadna ka heleysaa alaabta guriga, maacuun iyo dhar.

 

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku yaal xanaanada carruurta, guriga xanaano maalmeedka iyo xanaana caruurta oo furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Waalidiinta iyo macalimiinta Iswiidhan waxeey u aqoonsadeen degmada Norsjö ineey ka mid tahay degmooyinka ugu iskoollada fiican wadanka oo dhan. Degmadu waxeey leedahay labo dugsi hoosedhexe, mid waxuu ku yaal Bastuträsk waxaana dhigta carruurta dhigta xanaanada carruurta illaa kuwa dhigta fasalka 5, iskoolka kalana waxuu ku yaal bartamaha Norsjö waxaana dhigta carruurta dhigta xanaanada carruurta illaa kuwa dhigta fasalka 9. Waxaa kaloo ku yaal iskoolka carruurta dhimirka la’ iyo dugsi sare.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jira fursado eey dadka waaweyn wax ku baran karaan. Waxaa kaloo jaanis u leedahay inaad ugudubtid waxbarashada heerka jaamacadda oo ku saleeysan habka warqadaha guriga laguugu soo diraayo (distans). 

Norsjö iyo Bastuträsk waxaa ku yaal goobaha waxbarashada dadka waaweyn ee SFI.

Warbixin dheeraada ka akhriso Bogga internetka ee hoyga waxbarashada Norsjö.

Caafimaadka

Bartamaha Norsjö waxaa ku yaal xarunta hoyga caafimaadka oo leh umuliso iyo rugta daryeelka carruurta. Waxaa isla dhismaha ku yaal rugta daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey qofkii ubaahan u diyaarineysaa turjubaan. Sida caadiga ah turjubaanku waxuu kaaga turjumaa taleefanka dhaxdiisa, xaaladaha qaarkoodna isla meesha aad joogtid ayuu kula joogaa oo uu kaaga turjumaa.

Xiriirka gaadiidka

Hadaad rabtid inaad meelo kale u safartid waxaa jira gaadiid isugu jira tareen iyo basas oo taga magaalooyinka dariska ah oo dhan. Madaarka ugu dhow waxuu degmada u jiraa 1 saac oo kaliyah.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweyn ee degmada waa shaqaalaha degmada oo ka shaqeeya (iskoollada, caafimaadka, daryeelka), Trätrappor (warshadaha soo saarka jaranjarada), Inwido (warshadaha soo saarka jaranjarada), warshadaha kale waa Extena (plastindustri), Norsjö betong (betongarbeten).

Dad badan oo degan degmada Norsjö waxeey maalin kasta shaqo ugu safraan magaalooyinka Skellefteå, Lycksele iyo Malå.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
BEMANNINGSSJUKSKÖTERSKA SÖKES TILL GARANTIANSTÄLLNING Sjuksköterska, grundutbildad
Fordonsförare Hjullastarförare, godshantering
Sommar 2018 - Sjuksköterskor till ambulans Norsjö Sjuksköterska, grundutbildad
SRB söker butiksmedarbetare till varuplock i Jörn med omnejd Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Föreståndare till nystartat HVB för vuxna! Socionom
Byggnadstekniker Byggledare
Fastighetsskötare Fastighetsskötare/Fastighetsarbetare
Drift - och underhållsledare Drift- och underhållsingenjör, anläggning
Traktorförare / Verkstadspersonal Traktorförare, industri
Undersköterska till Solbacka , Natt Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Butikssäljare till liten butik söks Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Personlig assistent 100% Personlig assistent
Intresseanmälan lärare förskola , fritidshem , grundskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Legitimerad biomedicinsk analytiker med inriktning klinisk fysiologi / sjuks Biomedicinsk analytiker
Legitimerad biomedicinsk analytiker med inriktning klinisk fysiologi / sjuks Sjuksköterska, grundutbildad
BEMANNINGSSJUKSKÖTERSKA SÖKES TILL GARANTIANSTÄLLNING Sjuksköterska, grundutbildad
Personlig assistent 50% sökes till man i Skellefteå! Personlig assistent
Kundtjänsthandläggare i Världsklass Kundtjänstmedarbetare
Säljare Innesäljare
Distriktschef Skellefteå - Momentum Industrial AB Försäljningschef

Bogga 1 ee ka mid ah 9

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Norsjö

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

4 300

Cabirla dhulka

1 700 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Skellefteå 80 km

Lycksele 80 km

Bogga internetka degmada ​​

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri