Nynäshamn

Degmada Nynäshamn waa meel eey ku kulmaan bad iyo dhul dabici ah. Halkaan waxaad u dhowdahay waxyaabaha muhiimka u ah nolosha. Halkaan waxaad ku heysataa magaalo yar oo eey yaallaan waxyaabaha magaalooyinka waaweyn yaallo oo dhan. Xaafado badda u dhow iyo meelo aad u qurux badan oo fursad kuu siinaya inaad ku noolaatid meelo hawo macaan dhul dabiici ah ku yaal. waxaan nahay mid ka mid ah gobolllada ugu kobciga og ee Iswiidhan. Isu socod gaadiid oo fiican lehna jid tareen iyo jid weyn oo baabuur oo ku geynaya Stockholm suuqaqeeda waaweyn. Soo booqo oo soo arag Nynäshamn - Goobta eey badda iyo nolosha ku kulmaan.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Nynäshamn waxaa degan 27 500 oo qofood. Qaar waxeey ag deganyihiin baddan, qaarna baadiyaha, qaarna xaafadaha isku dhow dhow.

Nynäshamn waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwna le Degmada malahan guryaha safka loogu jiro laakin waxaa jira shirkad degmada eey leedahay lana dhaho Nynäshamnsbostäder. Degmada waxeey boga internetka ku aruurisay warbixin ku saabsan sida guryo lo helo, guryaha bannaan iyo dallaalada guryaha.

 

Jaaliyado iyo ururu

Nynäshamn waxaa ka jira jaaliyado badan o eey dadka waxyaabaha kala duwan xiiseeya ku damaashaadaan, dadka imaadana waxeey leeyihiin da'kasta waxeeyna ku damaashaadaan muusik, farshaxan, xeeywaanno, qaar caafimaadka wax ka barta iyo waxyaabo la halmaala. Diiwaanka jaaliyadaha ee degmada Nynäshamn waxaa ka raadin kartaa jaaliyada aad xiiseyneysid.

Maxaa ka ag dhaw

Warbixin ku saabsan degmada waxaad ka heleysaa xafiiska degmada.

Maktabad waxeey taal Folkets hus iyo iskoollada ku yaal Ösmo iyo Sorunda.

Melo badan oo ka mid ah degmada waxaa ku yaal dukaamo, makhaayado, kafateeriyo iyo dukaamo gado laabyo cusub iyo kuwo lasoo isticmaalay, dhar iyo waxyaabaha eey carruurta ku cayaaraan.

Nynäshamn waxaad ka heleysaa farmashiiye, bangiyo, meesha indhaha iyo kuwo kale. Bartamaha Nynäshamn waxeey shirkado iyo dukaaman badan boggagooda internetka ah kusoo bandhigaan waxyaabaha eey sameeyaan.

Dukaamo badan oo kuwa raashinka ah ayaa ku yaal degmada.

Nynäshamn waxaad ka heleysaa dukaamada Coop Nynäshamn, Willys Nynäshamn, Lidl Nynäshamn iyo Maxi ICA Stormarknad Nynäshamn.

Ösmo waxaa ku yaal ICA Supermarket xaafada Sorunda waxaa ku yaal Coop Nära Spångbro.

Tareenka kaa qaada Nynäshamn waxuu Stockholm kugu geeynayaa 60 daqiiqo.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanada carruurta waxaanan loogu tala galay kuwa jira 1-5 sano. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskoollada xanaanada carruuruta ee degmada ka akhriso degmada boggeda internetka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku yaal dugsiyada hoosedhexe waxaanan loogu tala galay illaa ardayda dhigata fasalka 9. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada hoosedhexe ee degmada ka akhriso degmada boggeda internetka.

 

Degmada waxaa fursad loo helaayaa waxbarasho dugsi sare ah, oo lagu dhigto iskoolka Nynäshamns gymnasium, oo lagu barto barnaamijyada soo socda:

Dhismaha

Dhaqaalaha

Cilmiga tammarta iyo Korontada

Farshaxanka

Barnaamijka horudhaca ah ee loogu tala galay dadka soo galootiga ah

Cilmiga Seeynis

Makhaayada iyo raashinka

Cilmiga bulshada

Farsamada

Furadaha waxbarasho

Xarunta ku taal Nynäshamn ee KompetensCentrum - NKC waa goob waxbarasho oo degamadu eey leedahay looguna tala galay dadka waaweyn ee degan degmada Nynäshamn. Halkaan waad imaan kartaa haddii aad dooneysid inaad aqontaada kor u qaadid ama aad u baahantahay jiheyn xaga waxbarashada ah. NKC waa laguugu tala galay hadii aad tahay qof wadanka ku sucub isla markaana u baahan inuu barto luqadda iswiidhishka, raba inuu doorto waxa uu rabo inuu ka shaqeeyo mustaqbalka ama raba inuu usoo dhawaado suuqa shaqada.

Iskoolka hiddaha iyo dhaqanka waa qeyb u ah degmada Nynäshamn dhaqankeeda waxeeyna carruurta siisaa aqoon dhaqameed muhiim ah, sidoo klale waxeey xili firaaqeed wanaagsan siisaa dhalinyarada iyo dadka waweyn.

Iskoolka Naturskolan waa waxbarasho ku saabsan seyniska iyo bii'ada iyo waxbarashada farsamada it.Waxeey ku shaqeeyaan qaabka in gudaha lagu barto bannaanka.

Caafimaadka

Degmada waxaa ku yaal xarumo caafimaad oo badan . Halkan waxaad ka heleysa arug caafimaad oo loogu tala galay waxyaabaha guud, rugta carruurta, rugta hooyada iyo dallaanka iyo rugta ilkaha.

Waxkasto ku saabsan qeybaha caafimaadka ee Nynäshamn waxaad ka heleysaa 1177.se.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafisyada kala duwan, degmada, xarumaha caafimaadka waxaad xaq u leedahay in lagu qabto turjumaan haddii aadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka. Waxaa lasii bokimanaa inta aadan imaanin kulanka.

Xiriirka gaadiidka

Markaad ka safreysid una safreysid Nynäshamn waxaad qaadan kartaa Tareennada SL:ka iyo basas.

Waxaa degmada ku yaal shan meelood oo tareenka laga raaco sadax kamid ahna magaaladeey ku yaallaan. Tareenka kaa qaada Isteeshinka Nynäshamn waxuu Stockholm kugu geeynayaa 60 daqiiqo.

 

Nynäshamn waxaad kasii aadi kartaa Gotland iyo skärgårdsöarna Nåttarö, Aspö, Norrö, Rånö iyo Ålö adigoo raacaya Waxholmsbolaget.

Shaqo iyo ganacsi

Dad badan ayaa u safra degmooyinka agagaarka ku yaal laakiin dad badaa ayaa usoo shaqo tago degmada Nynäshamn.

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee degmada waa Nynäshamns kommun, Nynas AB, Legevisitten AB, Keolis Sverige, iyo Totalförsvarets forskningsinstitut, FOI.

Degmada boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan shaqada ganacsi ee kasocota degmada.

Shaqooyinka ka bannaan meelaha kala duwan waxaad ka heleysaa bogga bilowgiisa meesha eey ku qorantahay Shaqooyinka bannaan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 729

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Nynäshamn

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

27 465

Cabirla dhulka

1 300,8 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 570 km

Södertälje 550 km

Haninge 400 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri