Ödeshög

Degmada Ödeshög waa degmo aad u qurux badan rabta ineey kordhiso tirada dadka degan degmada. Marka laga reebo bartamaha degmada oo iyadana la dhaho Ödeshög waxaa kaloo jira tuulooyinka Trehörna iyo Hästholmen. Wadada weyn ee E4 oo ag marta waxeey fududeyneysaa in saacad wax ka yar lagu tago magaalooyinka waaweyn oo eey degmadu dariska latahay ee Linköping iyo Jönköping.

Soo bandhigid

​​​​Deegaan

Inta badan dadka degmada waxeey deganyihiin guyo eey ayaga leeyihiin. Shirkadda guryaha ee degmada ee Ödeshögsbotäder waxeey maamushaa guryo gaaraya 279. Badankood waxeey ku yaallaan bartamaha degmada, inta kalana waxeey ku yaallaan Hästholmen. Degmada waxeey kaloo leedahay guryo baraafat ahaan loo kireysto.

Rengnbåge.jpg

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo Degmada Ödeshög waxeey kala yihiin carabi, soomaali, tigree, daari, filibiin, boolish, laatish, leetlaandees, af-ruush, iyo af-roomaaniyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyadaha ka dhisan degmada waxaad ka raadin kartaa, liiska jaaliyadaha ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Waxkasta weey isku dhowyihiin degamda. Bartamaha degmada waxaa ku yaal dukaanka ICA oo leh meel aad boostada ah. Waxaa kaloo kale oo kuyaal xafiiska degmada o ka kooban maktabad, xafiiska shaqada oo furan hal maalin isbuucii. Waxaa kaloo ku yaal dukaamada kabaha iyo kuwa gada dharka iyo alaabta caruurta ku cayaarto.

Omberg

Dalyeelka carruurta

Degmada waxeey leedahay dugsiyada xanaanada carruurta oo isugu jira kuwo eey dowladdu leedahay iyo hal gaar looleeyahay oo iskool karishtaan ah. Caruurta markeey dhameeyaan ama subixii inteysan billaabin dugsiyada xanaanada waxaa loo diyaariyey xarumo lagu maaweeliyo.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiga degmada Ödeshög waa dugsi usaaxiib ah qaab wanaagsanaan iyo nidaam ku dhisan is qiimeyn iyo is qadarin. Dugsiyada ugu waaweyna waxeey kala yihiin Fridtjuv Bergskolan oo leh fasallada 1-5. Lysingskolan oo leh fasallada 6-9. Qeybta diyaarinta maadoonyinka leeska rabo si loo galo dugsiga sare waxeey ku taal degmada laakin barnaamijyada kale waxaa loo aadaa degmooyinka dariska ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Ödeshög waxeey leedahay studie- och yrkesvägledare qof ku takhasusay inuu dadka ka caawiyo barnaamijyada kala duwan uu qofka rabo inuu barto. Waxaa degmada ka jira jaanisyo waxbarasho oo badan. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taal Linköping iyo machad ku yaal Jönköping.

Caafimaadka

Degmada Ödeshög waxeey leedahay rug caafimaad oo leh xarunta daryeelka carruurta. Isla dhismaha rugta caafimaadka waxaa ku yaal farmashiiye iyo rugta caafimaadka ilkaha. Xanuunnada degdega ah waxaa lagu daaweeyaa qeeybta emerjensiga ee isbitaalka Motala.

Caawinaad turjubaan

Waxaad xaq u leedahay turjubaan markaad la xiriireysid xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Hadaadan heeysan baabuur waxaad raaci kartaa gaadiidka guud ee degmada. Tareen isteeshinka ugu dhow waxuu ku yaal Mjölby. Shirkadaha baska iyo tareenka waxaa lakala dhahaa Östgötatrafiken iyo SJ.

Shaqo iyo ganacsi

Meealaha shaqo ee ugu waaweyn degmada waa shirkadaha beeraha iyo dhirta, warshadaha wax soosaarka iyo shaqooyinka caafimaadka. Shaqo  bixiyayaasha ugu weyn waxeey ku yaallaan Mjölby iyo Väderstad waxeeyna kala yihiin (Toyota Industries Europe AB) iyo (Väderstad-Verken AB).

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Studiehandledare / modersmålslärare i somaliska Modersmålslärare i grundskolan
Vik. Brevbärare , Ödeshög Brevbärare
Extra Brevbärare , Ödeshög Brevbärare
Manpower söker nu dig med bakgrund inom manuell fräsning Slipverktygsarbetare
Manpower söker nu CNC operatör till företag i Ödeshög Processoperatör, metallindustri
Säljare sökes i Ödeshög! Utesäljare
Manuell fräsare till mekanisk verkstad sökes! Fräsare
CNC - operatör till mekaniskverkstad sökes! CNC-operatör/FMS-operatör
Drifttekniker VA Underhållstekniker, vattenrening
Fritidspedagog Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
BILDELS INMÄRKARE Reservdelsspecialist/Bildelsspecialist
Säljare / ordermottagare Butikssäljare, fackhandel
Lärare trä - och metallslöjd Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Vill du arbeta i Sveriges bästa säljteam? Hemförsäljare
Biståndshandläggare Biståndsbedömare/Biståndshandläggare
CNC operatör sökes till kund i Ödeshög CNC-operatör/FMS-operatör
Kock / kokerska Kock, storhushåll
Timac Agro söker utesäljare Utesäljare
Timac Agro söker utesäljare Utesäljare
Grävmaskinist sökes Grävmaskinförare

Bogga 1 ee ka mid ah 63

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Ödeshög

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5 214

Cabirla dhulka

430 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Linköping 70 km

Jönköping 70 km

Motala 57,7 km

Mjölby 34,2 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri