Örebro län

Gobolka Örebro waxuu ku yaala bartamaha Iswiidhan. Gobolka labo iyo tobankiisa degmo waxaa degan isku geeyn 285 000 oo qof. Magaalada ugu weeyn waa Örebro. Boqolaal sano gobolka waxuu goob kulan oo muhiim ah uu ahaaday dadka. Halkaan masaafadaha waa gaabanyihiin, waxeeyna lee dahay isgaarsiin fiican, fursad waxbarasho oo fiican iyo suuq shaqo oo balaaran.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Meelaha qaarkood waa ku yaryiiin guriyaasha banaan, waana adag tahay in laga helo guri. Meelaha yaryar ayaa inta badana ka sahlan in laga helo. Waxeey ahaan kartaa in faa'ido in la dago degmo sii yar oo halkaasi ka sii cadahay habka ee bulshada uu shaqeeyso. Dad badan ayaa degmo dagan, mid kalena ka shaqeeyo. Masaafada-safarka uu dhaxeeyo inta badan waa yartahay, waxaana jiro isgaarsiin bas iyo tareemo oo uu dhaxeeyo meelaha sii weeyn ee gobolka. Bogga gaadiidka-gobalka waxaad ka heli kartaa muuqaal guud oo ku saabsan fursada raacida baska.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqooyin iyo shaqo dhiibayaal badan oo kala duwan ayaa ka jiro gobolka. Halkaan waxaa ku yaalo warshada sameeynta iyo cilmi baarista teknoloojiyada sare, qeeyb weeyn ee adeega guud iyo shaqooyin dhanka daryeelka iyo xanaaneeynta. Qaar ka mid ah shaqo dhiibayaasha weeyn waa Atlas Copco Rock Drills AB oo sameeyso mashiinada iyo qalabka loogu tala galay godka macdanta laga qodo iyo shirkada baska Nobina Sverige AB.

Qeeybta guud shaqo dhiibaha ugu weeyn waxaa ka ah xafiiska degmada Örebro iyo maamulka gobolka caafimaadka Örebro. Qofkii doonaayo in uu hoowl gaar ah sameeysto waxuu caawinaad ka heli karaa Almi Mälardalen iyo IFS Rådgivning – oo loogu tala galay ganacsayadaasha ajnabiga ah.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka waxuu lee yahay fursado fiican ee dhanka waxbarashada jaamacadeed. Jaamacada Örebro waxeey ka tirsan tahay jaamacada Iswiidhan ee waa weeyn, waxeeyna lee yihiin 17 000 oo arday iyo 1 200 oo shaqaale. Jaamacada waxeey lee dahay waxbarada iyo cilmi baaris ee dhanka cilmiga nafta, cilmi baniaadanka, cilmiga sharciga, cilmiga bulshada, cilmiga nolasha, cilmiga farsamaha, daryeelka, daawada, waxbarashada macalinimada, waxbarashada heesaha iyo isboortiga. Jaamacada maqaayada iyo hoteelada ee ku yaalo Grythyttan waxeey ka mid ah tahay hoowlaha Jaamacada. Akhriso in dheerad oo ah ku saabsan Jaamacada Örebro. Sido kale waxaa jiro in badan oo dugsiyaal dadka waa weeyn iyo waxbarashooyin sare ee xarfadeed. Goob-kulan oo dheeraad ah waa xarun-waxbarasho oo jirto.

Daryeelka bukaanka

Maamulka gobolka caafimaadka Örebro waxuu lee yahay ruggag caafimaad oo ku yaalo degmooyinka gobolka dhamaantood. Gobolka waxuu lee yahay sadax isbitaal, gudaha Örebro, Karlstad iyo Lindesberg. Isbitaalka jaamacadeed ee Örebro waxuu ka mid yahay dalka sideediisa isbitaal jaamacadeed. Maamulka gobolka caafimaadka waxuu ka shaqeeyaa oo kale sii looga hortago cuduro iyo in muhimada la saaro caafimaadka-dadka. Akhriso in kale oo ku saabsan daryeelka gobolka Örebro.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Waxaa taajir laga yahay dhanka dhaqanka, waxaana jiro fursado badan oo lagu helaayo hoowlo isboorti iyo xilli firaaqo oo ka jiro gobolka degmooyinkiisa oodhan. Maktabada waxaa uu shaqeeysaa inta badana sidii goob la isku imaado oo halkaasna ka jirto fursado lagu akhristo buugag iyo wargeesiyaal ku qoran luuqado kala duwan. Iswiidhan ururada dhaqanka iyo urarada isboortiga ee kala duwan mecno weeyn ee ugu fadhiyaan sidii xariir uu dhaxeeyo dadka kala duwan looga sameeyo. Waalidyaal badan waxeey ku jiraan ururada kala dib rido hoowlaha xilliga firaaqada ee caruurta.

Halkaan waxaad ka heleeysaa ururada-isboortiga iyo ururada-waxbarashada. Sido kale waxeey ka mid yihiin bulshadad rayidka shaqadeeda ee dhanka isdhexgalka iyo kulanka ka dhaxeeynaayo dadka. Hoowlo kale waxaa kala wada ururada soo galooytiga, Laanta cas, Kaniisada Iswiidham iyo masaajidka Örebro.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Nolasha urureed, ururada waxbarashada, kaniidaha iyo ururada diiniga waxeey muhiim uu yihiin isdhexgalka – ee dadka waa weeyn iyo caruurtaba. Gobolka waxaa ka jiro ihtimaam iyo gooba kulan oo badan oo looguna tala galay dadka dalka ku cusub halkaasna habhab kala duwan looga baran karo in ku saabsan bulshada Iswiidhan iyo barashada luuqada. Tusaale ahaan waxaa jiro meelo badan oo leh caawimaad-layli oo loogu tala galay caruurta aan afka iswiidhiska uu san uu aheeyn afkooda hooyo. Ka akhriso in kale oo ururada soo galooytiga iyo Laanta cas.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 52

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

ALMI Företagspartner

​ALMI företagspartner, waxey ka shaqeeysaa in ay caawiso oo ay kaalmaysana dadka raba iney blaabaan shirkad ama iney iibsadaan shirkad. Waxey siiyaan xoogaa maalgelin ah iyo talosiin ayagoo ka duulaya duruufahaaga gaarkaa.

Kvinnohuset i Örebro

Shaqada ​Kvinnohusets waxey tahay in ay siiso caawinad heersare ah iyo meel xor ah oo ay degi karaan dumarka iyo carruurta lagu xadgudbey. Shaqadooda waxey ka koobantahay kaalmeeyn iyo wadahadal talosiin ama ayadoo la isticmaalayo taleefan ama booqashada guriga dumarka. Waxey xitaa heystaan guri sir ah oo loogu tala galay dumarka loo goodiyey kuwaasoo ku qasbanaaday iney ka soo tagaan hoygooda.

Lärcentra - Cityakademin lärcentrum

Cityakademin lärcentrum waa meel loogu tala galay dadka waaweeyn ee waxbarta iyo kuwa u baahan meel ay wax ku bartaan ama caawinaad u baahan laga caawiyo casharadooda. Halkaan waxaa ka shaqeeya macalimmiin iswiidhishka, xisaabta, ingiriiska, barashada bulshada, kombuyuutarka iyo taariikhda. Waxaa kaloo jira xitaa khidmad adiga ay ku adagyihiin akhriska iyo qorista. Meesha waxaa yaala kombuyuutaro, internet, qolal degen oo la qabsan karo.

Örebro läns idrottsförbund

Örebro läns Idrottsförbund (ÖLIF) waa dalad ciyaareed qaran oo matala gobolka Örebro. ÖLIF waxey ka shaqeysa iney daryeesho danaha guud ee dhaqdhaqaaqa ciyaaraha ay tahay mustawaha xaafada. Halkaan waxaad ka heli kartaa xarrumaha ururada ciyaaraha.

Örebro mansmottagning

Örebro mansmottagning shaqadiisa waxey ka duuleysaa iney siiso la tacaalid heersare ah ayadoo diirada la saarayo ku xadgudubka ninka ee xiriirka dhow. Hadafka howshana waa ain la kaalmeeyo nabadgelyada, caafimaadka carruurta, dumarka iyo ragga ayadoo la joojinayo ku xadgudubka dadka xigtada ah. Waxey kaloo bixiyaan la tacaal shaqsi ah ama koox ah iyo weliba lammaanaha.

Örebro Rättighetscenter

Örebro Rättighetscenter waa xafiis ka hortaga cunsirinimada. Waxey ka shaqeeynayaan si bilaash ah talo siin sharciga ah waxeyna kaalmeynayaan dadka dareemaya in la faquuqay ama loola dhaqamay si aan caddaalad aheyn. Xarrunta xuquuqda ee Örebro waxey heysataa balanqad aamusnaan ah waxeyna ka caawin kartaa in lala xirriiro qofka wax faquuqay iyo in la wargeliyo wakiilka faquuqa.

Rädda barnen

Badbaadada carruurta waa hey'ad u dooda xuquuqda carruurta. Waa howl laga wado dacalada adduunka oo dhan waxeyna ka jiraan inta badan degmooyinka iswiidhan. Rädda barnen waxey ka shaqeysaa in baahida carruurta, danahooga, xuquuqdooda si ay u helaan.

Röda korset

Röda korset waxey ka shaqeysaa iney hagaajiso dadka ku sugan xaalada adag iyo weliba dadka noloshooda iyo caafimaadkooda. Hey'adda waxey ka shaqeeysaa aduunka oo dhan waxeyna ka jirta inta badan degmooyinka iswiidhan.

Studieförbundet vuxenskolan i Örebro

Studieförbundet Vuxenskolan waxey heystaan iswiidhishka iyo barashada bulshada oo loogu tala galay dadka qaxootiga ee gobolka lakin xitaa waxey heystaan kooxo waxbarasho oo kale.

Svenska Kyrkan

Svenska kyrkan waxey muddo dheer si firfircoon uga shaqeeynayeen iney caawiyaan qaxootiga iyo dadka cusub si ay u heli karaan bilaaw fiican iswiidhan. Ayaga waxey ka shaqeeyaan si bilaash ah talasiin qaanuunka ah oo ay siinayaan qaxootiga iyo magangalyo doonka. Kaniisada iswiidhan waxey ku taalaa wadanka oo dhan waxey bixisa kaalmo iyo caawinaad arimo kala duwan.

Tjejjouren Örebro

Maanta waxaa jira lixdameeyo xarrumo gabdhood oo ku yaala iswiidhan. Örebro tjejjour waa urur dumareed ka madax banaan siyaasad xisbiyeed iyo diin. Tjejjouren wuxuu ka jiraa si uu u kaalmeeyo una adkeeyo gabdhaha dhalinta yar. Shaqadooda waxey ku dhisan tahay in dumarka iyo ragga iney ku noolaadan bulsho siman.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri