Östergötlands län

Östergötland waa gobolka afaraad ee Iswiidhan ugu weeyn, waxaana dagan 428 379 oo qof (2011). Halkaan waxaa ku yaalo baadiyo, magaalo weeyn, jasiirado yaryar iyo degaan jiqeeyd iyo jawi dhaqamaeed iyo shirkadeed oo kala duwan. Isku geeyn gobolka waxuu ku yaalo sadax iyo toban degmo.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Degmooyinka-Östgöta waqtiga hada la jooga guri yari ayaa ka jirto ku dhawaad kalabarka xaafadaha-bartameed. Bardhigid la sameeyay oo lagu xisaabiyay guriyaasha la dhisay iyo isbedelka dadka degan, waxaa soo cadaatay in dadku uu ka sii badanaayo guriyaasha cusub ee gobolka. Hada bilaawnay in Östergötland ka aragno guri la'aan in ee soo koreeyso meelo awal suuqa guriyaasha dheerli tirid uu kala lahaay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa maamulka gobolka caafimaadka oo leh ku dhawaad 11 000 oo shaqaale, ayadoo ee ku xigto xafiiska degmada Norrköping oo leh ku dhawaad 8 700 oo shaqaale, iyo xafiiska degmada Liköping oo leh ku dhawaad 6 800 oo shaqaale. Shaqo dhibaha ee madaxbanaan ee ugu weeyn waa Saab Aerospace oo ku taalo, Linköping, Siemens Industries ee ku taalo Finspång, Bt products oo ku taalo Mjölby.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamcada Linköping (LiU) waxeey ka mid tahay jaamacadaha iswiidhan ugu weeyn. LiU waxaa joogo ku dhawaad 27 000 oo arday, inta ka shaqaaleeysana waa ku dhawaad 3 900. Goobaha jaamacada Linköping waxeey ku yaalin Linköping iyo Norrköping, jaamacada waxeey muhiim uu tahay hormarka gobolka. Jaamacada LiU waxeey ka tirsan tahay jaamacadaha Iswiidhan ee soo bandhigo waxbarashooyinka xirfaha ee ugu badan tusaale ahaan, dhakhtar, macaliimiin, injineero iyo dhaqaalo yahan. Ayadoo jaamacada adeegsaneeyso xariirkeeda ee calaamiyeed, waxaa meesha lagu kala wada hoowlo badan oo ku saabsan arimaha kala badalka ardayda ee dalalka kale.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaalo sadax isbitaal, Isbitaalka Universitetssjukhet ee Linköping, Isbitaalka Vrinnevi ee Norrköping, iyo Isbitaalka ku yaalo Motala. Isbitaalka Linköping waxuu lee yahay 600 oo boos-daryeeleed, shaqaalaha dhaafaayo 5 000 waxeey sanadkasto qaabilaan 40 000 oo kala ah booqasho-bukaan ee ka socdo koonfur-bariga Iswiidhan. Isbitaalka Vrinnevi ee Norrköping, oo leh in ka badan 300 oo boos-daryeeleed iyo 2 200 oo shaqaale, waa isbitaal leh qaabilaad degdeg oo hoowlo balaaran leh. Isbitaalka ku yaalo Motala waxuu lee yahay in dhaafeeyso 100 boos oo daryeeleed iyo 1 100 shaqaale.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Östergötland waxeey soo bandhigeeysaa soo bandhig dhaqaamed oo firfircoon hadana xiiso badan leh. Riwaayado, heeso, ciyaaro, soo bandhig, maktabad, filimaan, dabaaldag oo ka socdo dhaqan abuure badan ee ku jiro qeeyb kasto.

Iswiidhan waxeey lee dahay jawi urureed oo xoog leh. Ururada waa hey'addo ee kala wadan dadka ka tirsan. Ururada waxaa ka mid ah kooxo-isboorti, ururo dhaqameed iyo ururo shaqo. Sido kale waxaa jiro ururo badan oo aad kula kulmi kartid dad badan oo ka yimid meelo kala duwan ee caalamka ku yaalo. In ka mid ah ururada waxaad ka heli kartaa machadka soo galooytiga.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Maamulka gobolka Östergötland shaqadiisa waxaa ka mid ah arimaha isdhexgalka, halkaasi ee ku lee yahay doorka isku xariirinta iyo isku duwida arimaha qaabilaada qaxootiga iyo dib uu raacida oo ku socdo gobolka degmooyinkasa ee dhan sadax iyo toban. Waxaa socoto wadashaqeeyn firfircoon oo ka dhaxeeyso hey'addaha xukuumada, degmooyinka gobolka, shirkado iyo ururo samafal. Waxaa laga wada shaqeeynaa waa sidii buuxinta shuraada ee mustaqbalka uu wanaagsan loogu sameey lahaa muwaadiniinta gobolka, dadka caadiga iyo shirkadleeydaba, iyo dadka dalka ku cusuba.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
God Bemanning söker Fastighetsskötare i Linköping Robotoperatör
God Bemanning söker Kundtjänstmedarbetare! Kundtjänstmedarbetare
Utvecklingschef till Ateles CIO, Chief Information Officer/IT-chef
God Bemanning söker målare till Linköping Målare
Forskningsassistent Forskarassistent
Vårdadministratör , Barn - och Ungdomspsykiatriska kliniken Läkarsekreterare/Vårdadmin/Medicinsk sekreterare
Capio psykiatri söker Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Utredare till forskningsprojekt inom logopedi Forskarassistent
Skötare / boendestödjare / behandlingsassistenter Behandlingsassistent/Socialpedagog
Almia söker sjuksköterska till kirurgiska kliniken i Linköping Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Almia söker specialistsjuksköterska till kirurgiska kliniken i Linköping Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Personlig assistent till tjej i Skänninge Personlig assistent
Undersköterskor till Generalsgatan 9 Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Datapedagog / tekniker , Syncentralen Datapedagog/IT-pedagog/Datautbildare
Tannefors och Blandarens hemtjänst söker undersköterska Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Scandic Linköping Väst söker serveringspersonal 85% Servitör/Servitris
.NET - utvecklare till Netadmin Systems Systemutvecklare/Programmerare
BVC - sköterska , Vårdcentralen Marieberg Distriktssköterska
Lärare i Matte och NO i åk 6 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Kickstarta din säljkarriär i Dublin! Internationell säljare

Bogga 1 ee ka mid ah 96

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

Bilda Gårdshuset

Gårdshuset waa dalad waxbarasho laga dhisay guri howl ee Linköping. Howsha waa mid aan ganacsi aheyn, waxeyn diiradda saareeynaa ugu horeyntii dadka waa weyn ee ku cusub iswiidhan. Gårdhuset wuxuu heystaa maantada la joogo saddex takhasus:

  • Koorso jiheynta ah,
  • luqada iswiidhishka ee hooyo-ilmaha iyo
  • meelo loogu tala galay dadka muddada dheer shaqa la'aan ahaay.

Ururka waxbarashada ee Bilda waxey xooga saaraan arimaha nolosha waxeyna rabaan ayaga oo isticmaalaya dhaqanka iyo wacyigelinta kala duwan in ay ku biiriyaan in dadka ay kulmaan iyo in aragti cusub la abuuro. Bilda waxey bixisaa wareegyo waxbarasho, koorsooyin, barnaamijyo dhaqan iyo howlo wacyegelin kale.

Civilförsvarsförbundet Västra Östergötland

Civilförsvarsförbundet Västra Östergötland waxey kordhisaa wacyigaaga qatarta inuu kordho. Koorsooyinkeena waxaad ka baraneysaa shilalka iyo xaaladaha culus sida korióntada oo muddo dheer go'da, biyaha oo wasakhooba, iyo muddo dheer oo meel lagu go'doomo iyo xaaladaha culus ee dibadda. waxaan ku siineynaa oo kale talo iyo macluumaad ku saabsan nabadgelyadaaa maalinlaha. Markaad aad u diyaarsanatahay markey wax kasta caadi yihiin markaas waxaad si fiican uga gudbi kartaa xaaladaha culus. wax bdan waa laga tabaabusheysan karaa ayado farsamo fudud la isticmaalayo oo aad ku ogaan doonto koorsooyinkeena.

Frivilligcentralen (Xarunta iskaa wax u qabso)

Caawinaada layliga iyo kafateeriyada luqada 4 maalin usbuucii ee maktabadda magaalada iyo weliba laba maalin usbuucii ee baktabadda Hageby ee Norrköping.

Imagine (what we can do)

Imagine (what we can do) waa urur iskaa ah kaasoo bilaawday 2014. Nashaadka ururka wuxuu sameynaya gogol mashaariicda horimarineed sida dimuqraadiyada, xuquuqda insaanka iyo dhaqanka.

Mashruuca ururka Grannsamverkan wuxuu ka duulaya in uu abuuro xiriir ka dhaxeeya reeraha dhaxdooda ee laba xaafad oo kala qeybsan ee Norrköping. Ururku wuxuu kaloo maamulaa koox dumar ah ee qeybta magaalada Marielund. Meeshas waxaa imaada labadaba naagaha dhowr sano degenaa iyo dumarka cusub.

Röda Korset Linköping

Waxaan badbaadinaa nolo waxaana siinaa rajo adduunka oo dhan, iswiidhan iyo Linköping maalin kasta. Waxaan ka hortagnaa masaaibta waxaan ku kalmeynaa dareen bani'aadanimo iyo waxyaabo kale. Linköping waxaan ku heysanaa:

Nashaadaad booqasho ee dadka waaweyn

  • Caawinaad layli
  • Tababar luqada iswiidhishka ah
  • Kaalmada qaxootiga
  • Warbixin iyo waxbarasho
  • Tababar shaqo
  • Saddex dukkaan gacan labaad

Wixii dheeri ka akhri boggeyna. Waxaad ka akhrisan karta in badan in aad noqoto iskiis wax u qabsade.

Scouterna

​Wadajir waxaan ku qaban karnaa wax badan!

Scouterna waxey siiyaan in ka badan 63 000 carruur iyo dhalinyaro oo adduunka oo dhan ah fursad iney dareemaan si wadajir ah farxad iyo baashaal isla markaasna u koraan si dad shaqsi ah. Taasi macnaheedu wuxuu yahay inaan maalin kasta ku kaalmeyno bulsho furfuran kana muuqato kala duwanaansho iyo is ixtiraam, taasoo ah wax maanta xaadir ah in ka badan intii hore. In aan heysano 100 sano waaya aragnimo inaan ku firfircoonahay banaanka macnaheedu waxa uu yahay oo kale in aan heysano waaya aragnimo oo aan rabno in nalala qeybsado, oo isuga jirto wadashaqeynta kooxda iyo hogaaminta horumarka qofka iyo in la adkeeyo isku kalsoonaanta. Si aad aad uga qeyb qaadan karto, waxna ku tari karto? waxaad ka heleysaa meesha kuugu dhow ururka Scoutka bliscout.nu

Studiefrämjandet i Östergötland

Waa dalad waxbarasho kaasoo soo dhoweynaya dadka raba in ay bartaan welina koriya siwada jir ah dadka kale (Studiefrämjandet). Kaalmeynta waxbarashada waxey kaa caawin kartaa inaad aasaasto urur, isku duba rido barnaamij, loogu kulmo wax lawada xiiseynayo. Xarrunteenwa waxaad ku tababaran kartaa iswiidhishka, musik, sawir iyo waxyaalo badan oo kale.

Waxaan xafiis ku leenahay Linköping, Norrköping iyo Motala.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri