Östhammar

Östhammar waa degmo ku taal gobolka Uppsala waxeyna degmadu caan ku tahay hawada dabiicaga iyo deegaan tayadiisu sarreeyso, intaas waxaa usii dheer wax soosaarka ganacsiga iyo warshadaha oo si dhaqsi u kobcaya sababtuna eey tahay meesha eey degmadu ku taal oo ah meel istaraatiiji ah. Degmadu waxeey ka kooban tahay shan xaafadood oon aad ukala fogeyn, gaadiidka wanaagsan eey degmadu leedanahay waxuu sababay in masaafada u gobollada u dhow degmada aad usoo dhawaato, gobolladaas oo kala ah Mälardalen, Uppsala, Arlanda iyo Stockholm.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Östhammar waxeey ka koobantahay xaafadaha Östhammar, Öregrund, Gimo, Österbybruk och Alunda. Östhammar ayaa ah bartamaha magaalada. Degmada waxaa ku nool 20000 oo ruux. Shirkadda guryaha ee degmada waxaa la dhahaa Östhammarshem waxaana guryaheeda laga kireysan karaa xaafadaha Östhammar, Gimo, Öregrund, Alunda, Österbybruk och Harghamn. Shirkadda Östhammarshem waxeey maamushaa guryo gaaraya ilaa 1900.

 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqagada afka hooyo ahaan looga barto iskoollada degmada waa teeylaandees, carabi, tigree iyo af-soomaali. Arday kasta xaq weey u leeyihiin in luqadda hooyo eey ku bartaan iskoolka hadeey tiradoodu tahay waxeey ka badan shan arday.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ka jira 49 jaaliyado isboortis ah iyo dhadhaqaayo kale oo xagga isdhexgalka bulshada ah, taasi waxeey keentay iney degmadu yeelato waxyaabo badan oo eey dadka degmada sameyn karaan xilliyada firaaqada. Isboortiska gaar ahaanna kubadda cagta ayaa ah isboortiska ugu caansan degmada. Waxaa kaloo jira jaaliyado iyo ururo diimeed iyo kuwo siyaasadeed oo iyagana qeyb ka ah jaaliyadaha degmada taasna waxeey keeneysaa in jaaliyado nuuc walba isugu jira laga helo degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaanka cuntada ee ICA Supermarket ayaa ku yaal qeebaha kaal duwan ee degmada. Xafiiska shaqada waxuu ku yaal xaafadaha Gimo iyo Östhammar. Maktabadahana waxeey ku yaallaan Östhammar, Gimo, Österbybruk, Alunda iyo Öregrund. Degmada waxeey leedahay golaha wumaadiniinta oo loogu tala galay in muwaadiniinta degan degmada eey ra'yigooda ku saabsan arrimaha degmada geeyaan.

Furadaha waxbarasho

Degmada Östhammar waxeey leedahay 12 dugsiyada xanaanada carruurta ah oo eey dowladdu leedahay iyo 10 dugsiyada xilli firaaqeedka ah. Waxeey degmadu leedahay 14 dugsiyada hoosedhexe ah. Waxaa kaloo jira Resursskolan oo loogu tala galay ardayda caawimaadda gaarka ah u baahan. Iskoollada noocaas oo kale waxeey ka jiraan degmada oo dhan.

Degmada Östhammar waxaa ka jira fya dugsiyada sare ah. Seddax kamida waa kuwo eey dowladdu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay. Waxaa kaloo jira heshiis eey degmadu la geshay degmooyinka Uppsala iyo Tierp oo dhigaya in arday degan degmooyinkaas eey heli karaan barnaamij waxbarasheed kasta oo eey rabaan. Degmada Östhammarwaxaa kaloo ka jira iskoollada dadka waaweyn oo waxbarasho kala duwan kuu haya. Waxaana jira heshiisyo eey degmadu la gashay degmooyin kale oo dhigaya inaad wax ka baran kartid degmooyinkaas haddii waxa aad jeceshahay inaad barato eeysan oollin degmada.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa jira gaadiid bas oo ahlkii saacba laba mar aada degmooyinka mellan Öregrund-Östhammar-Gimo-Uppsala. Waxaa jira bas isna laba mar halkii saacba ka baxa Österbybruk kuna geeynaya meesha uu kaxo tareenka Upptåget.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa ka dhisan 15 shirkado oo qeeybo kala duwan leh. Maadaama eey Östhammar u dhowdahay gobolka Uppsala oo ah gobolka ugu dhaqaalaha wanaagsan iswiidhan oo dhan, waxaa la dhihi karaa in jaanisyada shaqaale ee degmada eey badanyihiin. Wax soosaarka dhaqaalaha intisa badan waxuu ka yimaadaa shirkadaha wax soosaarka sida Forsmarks kärnkraftverk iyo Sandvik Coromant, waxaa kaloo jira shirkado kale oo nooc walba isugu jira oo wax ka geeysto kobcinta dhaqaalaha e degmada.

Shanta shaqaale bixiyayaal ee ugu weyn degmada waa, shaqaalaha degmadda oo eey dowladdu bixiso mushaarkooda, Sandvik Coromant, Forsmark Kraftgrupp, Landstinget Uppsala Län iyo Iss Facilities Services. Waxaa jira shirkado kale oo waaweyn sida shirkadda qaabildan keydinka korontada iyo shirkadda soosaarka macdanta ee Dannemora.

Jaanisyo shaqo oo badan waxeey ka jiraan degmooyinka iyo gobollada u dhow degmada oo masaafo yar u jira degmada, gaar ahaan gobollada Uppsala iyo Sstockholm oo sida shaqo looga helo fududahay hadaad wadanka ku cusubtahay.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Fordonstekniker Täby Fordonstekniker/Bilmekaniker/Personbilsmekaniker
Svetsare till Caverion – Östhammar Svetsare, manuell
Industrielektriker , Caverion - Östhammar Industrielektriker
Kurator , vikariat Kurator
Gruppchef , vikariat Enhetschef, hälso- och sjukvård
Harvik Vård söker semestervikarier för 2018 Vårdbiträde
Försäljare med eller utan erfarenhet i Östhammar. Fast Lön 24 500 Hemförsäljare
Församlingspedagog / fritidspedagog Församlingspedagog
Underhållsingenjörer Underhållsarbetare
Personlig Assistent 22 , 5 % samt timvikarier Personlig assistent
Fysioterapeut Fysioterapeut/Sjukgymnast
Dokumentationsingenjör sökes för kunds räkning Administrativ utvecklare
Klingbrogården i Gimo söker semestervikarier juni - aug 2018 Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
Dietist Dietist
Forsmark restaurangbiträde till Restaurang Kraftkällan Restaurangbiträde
Forsmark kock till Restaurang Kraftkällan Kock, storhushåll
Fysioterapeut Fysioterapeut/Sjukgymnast
Specialpedagog Specialpedagog
Webbredaktör till kommunikationsavdelningen Informatör/Kommunikatör

Bogga 1 ee ka mid ah 818

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri