Östra Göinge

Östra Göinge waxeey ku taala waqooyi-barida Skåne, ee qeeybta taariikhiga ah ee goobta-xuduuda uu dhaxeeyso Iswiidhan iyo Denmark. Halkaand dhulka wuu kala duwan yahay, laga bilaabaa dhul-beereed oo leh dhul balaaran iyo beero, jiq iyo dhul daaqeen oo jiro koonfurta, ilaa jid ka baxo geedka caleenta fiiqan, aqal iyo har jirto waqooyiga. Wabiyada yaryar ee ugu weeyn uguna caansan waa Immeln iyo warbi-yareedka Tydinge. Laag yar oo biyeed ee Helge ayaa dhexmarto Östra Göinge, taasi oo mecno weeyn ku leh dhalinta-korontada. Halkaan waxaa ku yaalo shan deegaan: Broby, Glimåkra, Hanaskog, Knislinge iyo Sibbhult. Guriga degmada waxuu yaalaa Broby.

Soo bandhigid

ostragoinge_topbild.jpg​​​​

Deegaan

Inta badana degmada waxaa ku yaalo guriyo la kireeysto, laakin sido kale in yar oo ah guriyo la gato iyo guriyo filo ah oo la kireeysto. Warbixinta boggena ee ku qoran tahay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ingriis, carabi, af faarisi, af tigrinya, af soomaali, af jarmal

ostragoinge_fritid.jpg

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamo raashin iyo maktbado ku yaalo shanta deegan ee ugu weeyn Broby, Knislinge, Glimåkra, Sibbhult iyo Hanaskog. Dukaamada gacan labaadka waxeey ku yaalaan meelo badan. 35 daqiiqo oo baabur-raacida ah, waxaa lagu tagi karaa Ikea Älmhult. Xafiiska shaqada waxuu xafiis laameed ku lee yahay Broby.

Akhriso su'aalo ku saabsan qaabilaada-qaxootiga iyo isdhexgalka.

ostragoinge_narområdet.jpg

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta waxeey ku yaalaan deegaamado dhamaantooda.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsi hoose-dhexe waxuu ku yaala Broby, Knislinge, Glimåkra, Sibbhult och Hanaskog.

Akhriso:

Furadaha waxbarasho

Sibbult waxaa ku yaala xarunta waxbarashada Göinge (GUC), Glimåkrana waxaa ku yaalo dugsiga dadka waa weeyn. In kale oo ku saabsan ka akhriso:

Caafimaadka

Hal farmashiye aa ku yaalo Broby, halna Knislinge. Broby iyo Knislinge sido kale waxaa ku taalo rug caafimaad. Labadaas qaabilaadba waxeey lee yihin rugta caafimaadka caruurta. Rugta caafimaadka umilsada waxeey ku taalaa Knislinge. Dhakhtaro ilko badan oo kala duwan ayaa ku yaalo degmada. Qaabilaada degdega ugu dhaw waxeey ku taala isbitaalka dhexe ee Kristianstad. Sido kale halkaas waxaa ku taalo qeeybta-dumarka iyo qaabilaada cudurada dumarka uu gaarka ah. Talobixinta caafimaadka waxaa laga wacaa lambarka telefoonka 1177, xaaladaha degdega ah wac 112.

Caawinaad turjubaan

Qofkii uu baahan caawinaad-turjumaaned xaq uu lee yahay in uu helo markii uu balan ku lee yahay xafiis dowladeed. Horay ayaa loo sii balaminaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada isgaarsiin baseed oo fiican lee dahay. Bas ayaa lagu tagi karaa xarunta-tareenka ee Hässleholm, Kristianstad iyo Osby, 30 daqiiqo oo gudaheed. In kale oo ku saabsan bixida iyo jadwalka-saacdaha, gaadiidka-Skåne.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibe weeyn waxaa eh Ikea-yaha Älmhult oo masaafad-tareen raacid jiro. Degmada Hässleholm iyo magaalada ganacsiga Kristanstad. Hal saac iyo bar gudaheed waxaa lagu tagi karaa Malmö, Lund, Helsingborg, Växsjö iyo todobo goob-dulimaadeed oo hal kamid ah uu yahay mid caalami ah. Ka akhriso habka aad uu bilaabi kartid shirkad gaar ah gudaha Östra Göinge.

Shaqooyinka banaan

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Östra

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13 700 

Cabirla dhulka

452 km2

​Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Hässleholm ca 25 km

Kristianstad ca 29 km

Lund ca 100 km

Malmö ca 120 km

Växjö ca 100 km

Stockholm ca 520 km​​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri