Överkalix

Överkalix xaafada-dhexe waxeey si qorxoon ugu ag taalaa webiga-Kalix. Xaafada-dhexe oo sido kale loo yaqaano Bränna waxeey lee dahay jid-dukaameed iyo goob lagu tamaashleeyo. Dhamaan iskuulada, dukaamada, guriga degmada, daryelka ilkaha iyo xarunta caafimaadka waxeey ku yaala meel lug lagu tagi karo. Isgaarsiiska wuu fiican yahay, midka ku socdo magalooyinka xeebta Kalix iyo Luleå iyo meelaha macdanta laga soo saaro ee Kiruna, Gällivare iyo Pajala. Jiqooyinka weeyn, beeraha, webiyaasha iyo wabiyada yar waxeey qofka siinaayaan fursad uu ku helo howlo dibadeed. Kaluun-dabasho iyo miro-gurid waa caan.

Soo bandhigid

Deegaan

Hey'adda samafalka Överkalixbostäder waxeey soo bandhigeeysaa guriyaal ka kooban 1 ilaa 4 qol iyo jiko. Guriyaasha badankooda waa laba dabaq oo aan wiish laheeyn, waxeeyna ku yaalan bartamaha Överkalix. Sido kale waxaa jiro dhowr shirkado oo gaar ah oo lagnaa kireeyto guriyaal. Soo galooytiga dalka ku cusub oo ka tirsan taabo galinta cusub, isku-xidhka qaxootiga ee degmada ayaa ku caawinaayo habeeynta guriga.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhish iyo af finish ma ahane, luuqadaha looga hadlo Överkalix waa af isbaanish, af carabi, af daari, af soomaali iyo afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Ururka isboortiga Överkalix ÖIF waa ururka isboortiyeed ee ugu weeyn. Waxaa jiro koox-ciyaarta xageeda barafka, koox-kubada cagta iyo koox-baasket loogu tala galay da' kasto. Wiilsha iyo gabadha si isku mid ayaa loo soo dhaweeynaa. Sido kale ÖIF waa isku dubbaridaha suuqa-xagaaga ee sanad kasto la qabto, halkaas waxaa ka buuxo iibye wareegaayo iyo gacansade xaafadeed oo gadaayo wax kasto oo jiro masaafad-suuqeed. Bogga Överkalix waxaad ka heli kartaa liis ururyada.

Kaniisada Iswidhan waxeey lee dahay howl masiixiyeed oo loogu tala galay caruur iyo dhalinyaro. Sido kale waxaa jiro ururka dineed ee bingst.

ABF, Studiefrämjandet och Studieförbundet Vuxenskolan waxeey qabqaabiyaan xalqad waxbarasho ee maadooyin kala duwan iyo xiisado.

Ku dhawaad tuulo kasto oo ku taalo degmada waxeey sameeysatay ururo, waxeeyna lee dahay guriyaal-tuulo oo hoowlo kala duwan lagu qabto, tusale ahaan cunta wada karin, qol laysku kululeeyo oo dabka lagu shiday qoray, biisada, xafaladeeynta soo dhaweynta xilliga guga, malawax iyo xaflado ugaarsi. Ururka-tuulooyinka waxuu sido kale qabqaabiya kaluumaayn iyo tartanka kaluumeeynta. Xilliga jiilaalka wadida mootada yar waa caan, markaasna dadka jecel mootooyinka yaryar waxeey isku soo aruuraan gooba-barafeed oo furan, guriyaha-tuulada ee tusaale ahaan guyaha-tuulada ee Kypasjärv.

Ururka howsha guriga, ururka farshaxanka Överkalix iyo ururka dhisada guriga Överkalix waxeey tusaale uu yihiin ururo kale oo ku yaalo Överkaix. Ururka riwaadaha ee Överkalix waxuu qabqaabiyaa ruwaayado oo leh qeeybaha ugu fiican oo laga doortay soo saarka ruwaadayadaha Norrbotten. In yar oo ka mid ah waxaa laga soo doortaa ruwaayadaha qaranka ee qani ka ah soo bandhigida, oo markaasna wareega dalka soona booqdo Överkalix.

Hal urur-ruwaayadeed waxuu koor uu qaadaa awooda xafadeed oo qoraal ruwayadeed si gaar ah uu la imaanaayo, kuwaaso noqonayo ruwaayado la jeclaado. Eeyaasha iyo fardaha waxaa sanad kasto loo qabtaa tartan.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafada-dhexe waxaa ku yaalo xafiiska shaqada, xafiiska degmada oo leh qaabilaad-qaxooti. Waxaa ku yaalo dukaamo-cunto, dukaamo dhar, farmashiye, dukaan telefishiyin iyo raadiyo, gacansiga-birta, ganacsiga-midabyada, maqaayado, kafeteeriyo iyo dukaanka gacanta labaadka ee laanta cas oo lagu gado alaab guri, dhar, maacoon iyo laambado. Xarunta dib uu isticmaalida, ku dhawaad 4 kilomitir ka baxsan tahay xafada-dhexe, waxeey sido kale lee dahay iibida alaab guri, maacuun iyo laambado la soo isticmaalay oo ka roon kuwa kale.

Guriga dadweeynaha waxaa lagu daawdaa filimaan. Laga bilaabaa bisha oktoobar 2013, waxaa sido kale lagu soo daayaa xaflado, ciyaaro banooni iyo barafeed oo toos ah.

Goobta dabaasha iyo isboortiga, goobta-barafeed iyo garoon bannooni. Jid iyo buuro baraf lagu raaco oo la diyaarshay, waxeey xaafada dhexe uu jiraan ku dhawaad 4 kilomitir. Xilliga xagaaga barkaad dabaal oo banaanka ayaa jirto.

Dalyeelka carruurta

Överkalix waxeey lee dahay labo dugsi xanaaneed: Dugsiga xanaanada Älven iyo Dugsi xanaanada Ängen. Sido kal ewaxaa jiro fasalka ebaaraadka, Björnen iyo guriga xilliga firaaqada ee Ekorren.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Överkalix waxeey lee dahay dugsi hoose-dhexe iyo dugsiga sare. Iskuulka Åker sanadka 1-3, Iskuulka Strand sanadka 4-9 iyo dugsiga sare ee Överkalix. Sido kale waxaa jiro dugsi hoose-dhexe oo madax banaan, dugsiga madaxa banaan ee Överkalix oo ka bilaabmo fasalka 0 ilaa 9aad. Waxuu lee yahay labo barnaamij mid dhaqanka iyo midka bey'adda.

Furadaha waxbarasho

Sido kale waxaa jirta waxbarshada dadka waa weeyn. Halkaas waxaa ka mid ah oo ka jiro waxbarashada dadka waa weeyn ee dugsi sare iyo barashada iswiidhiska ee soo galooytiga.

Waxbarashada bulshada oo loogu tala galay ajnabiga waxaa lagu dhigaa isku-xidh fiideyo , isbuuci hal mar. Waa lixdan saacadood, waana qol ku yaalo iskuulka.

Caafimaadka

Maamulka gobolka ee Norrbotten waxuu maamulaa hal xarun-caafimaad oo leh qaabilaad dhakhtar iyo daryeel-xaafadeed oo leh qeeybta caruurta iyo hooyoyinka, gaariga degdega iyo qeeybta-kormerka oo leh shan boos oo daryeel. Howsha waxaa ka tirsan oo kale, jimcisiga bukaanka, kalkaalinta jirada dhaqdhaqa shaqada, daryeel caafimaad ee lugta, daryeel iiftiineed iyo sheeybar iyo raajo.

Daryeel-ilko waxuu ku xiran yahay xarunta-caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Fursad lagu caawinaad-turjumaaneed wee jirtaa markasto xariir lala yeelanaayo xafiis dowladeed. Sida caadiga turjumaanka waxu ku jiraa khadka talefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa lagu tago karaa bas, meelo badan oo dhaw, waxaa ka mid ah Luleå, Gällivare, Kiruna, Kalix iyo Haparanda. Gaddidka Gobolka Norrbotten ayaa maro meelahaas.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Överkalix ayaa ah shaqo dhiibaha ugu weeyn. Sido kale waxaa jiro shirkada yaryar ah oo ka hoowl galo laamo kala duwan oo uu baahnaa karo shaqale. Dad badan ayaa maalintii tareen uu raaco Kalix, qaarna isbuuci hal mar ee tareen uu raacaan Luleå, Gällivare, Kiruna och Pajala.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Byggnadsinspektör , vikariat Byggnadsinspektör
Chaufför Renhållningsförare
Verksamhetsledare för ABF Överkalix / Norr Administrativ utvecklare
Platschef / Servicemekaniker Verkstadschef
Servicemekaniker Maskinmekaniker/Skogsmaskinmekaniker

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Överkalix

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

3 497

Cabirla dhulka

2 792 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Kalix 80 km

Luleå 109 km

Haparanda 130 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri