Piteå

Waa meeshaan meesha la yimaado marki guriga la yimaado. Waa aragtida degmada iyo wax aan rajaynayno in ay dareemaan shacabka halkan marki ay yimaadaan. Piteå waa magaalo raaxo leh, magaaladu na waa nabad una dhaw kaymo iyo jasiirad. Halkan waxaa jira noocya badan oo musik ah, munaasabado iyo hawlaha waqtiga firaaqada ah la qabto. Waxaa ah warshado badan oo waaweyn, meelo lagu dalxiiso iyo weliba shirkado waaweyn iyo yaryar isugu jira oo qaybo kala duwan ah.

Soo bandhigid

Fotografer fr.v: Krister Berg och Lena Berggren

Deegaan

Piteå waxay kugu soo dhawaynaysaa guryo kala duwan. Waxaa ku yaala vilooyin, guryo iyo guryo safan oo la gadan karo iyo guryo la kiraysan karo. Pitebo waa shirkada guryaha ee degmada oo lagala xiriiro guryaha kirada ah. Waxa kale oo jira shirkado kale oo badan oo gaar loo leeyahay. Xarunta qaxootiga ee degmada waxay caawintaa dadka wadanka ku cusub si ay guri u helaan. Wixii dheerad ah oo degaan ku saabsan waxaad ka heli kartaa boga interneetka ee degmada Piteå.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ajnabiga ah ee ugu badan magaalada Piteå waa af carabiga, iiraani, dari, soomaali iyo tigree.

Fotograf: Ann-Sofie Boman

Jaaliyado iyo ururu

Piteå waxaa ku yaala in kabadan 300 oo jaaliyadood, inta ugu badana waa ciyaaro dhaqan. Waxaa kale oo jira jaaliyado yar yar oo dad ajnabi leeyihiin, waxaa ka mid ah jaaliyada islaamka ah iyo jaaliyada soomaalida. Waxaad ka helaysaa jaaliyada sheqeeya oo dhan liiska diiwaangalinta ee degmada Piteå.

Kaniisada iswiidhishka ee Piteå waxay kugu soo dhawaynaysaa cashirada in ay kaa caawiso iyo marmar ay abaabulaan xaflado cunto iyo cabitaanba leh, ayaga oo la shaqaynaya dowlada hoose iyo fanaaniin kale. Waxaa kale oo ku yaala jaaliyada laankhayrta cas.

Fotograf: Krister Berg

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha magaalada Piteå wax walba inta badan way u dhawdahay. Waxaa ku yaala labo suuqyada dusha ka dadan ah, dukaamo, meel shaaha lagu cabo iyo maqaaxi. Waxa kale oo ku yaala xafiiska caymiska, xafiiska canshuurta iyo xarunta qaxootiga oo ku taal bartamaha. Xafiiska shaqada, maktabad iyo dhismaha maamulka degmada oo iyagana in yar u jirta. Wax yar in u jirta martamaha magaalada waxaa ku yaala dukaamo badana oo lagu iibiyo waxyaabaha lasoo isticmaalay sida dharka, alaabta, maacuunta, qalabka cayaaraha iyo waxyaabo kale oo badan oo qiimo jaban ah: suuqa dib u isticmaalinta ku celiska ah, laanqayrta cas iyo Second Chance.

Studio Acusticum waa garoon muusiga loogu talagalay oo casri ah iyo toos ugu dhaw jaamacada muusiga. Waxaa halkan ku yaala dhismooyin badan oo cayaaraha loo gu tala galay xiliyada xagaaga iyo jiilaalka.  Magaalada cayaaraha ee Piteå waxay muujisaa dadka ugu fiican cayaaraha kala duwan, cayaaraha barafka, fardaha, kubada cagta ee haweenka iyo cayaarta xeegada ee barafka ee haweenka.

Biyaha iyo jasiiradaha u dhaw waa kuwa loo riyaaqay sanadki oo dhan. Xiliga xagaaga xeebaha aad ayaa loosoo booqdaa, sida Piteå meesheeda dabaasha oo aad u wayn iyo dhismooyin dalxiis oo caan ah. Xiliga jiilaalkana waxa ay shacabka degan Piteå raacaan cayaaraha kala duwan ee barafka.

Warbixin intaa dheeraad ah waxaa ka helaysaa bogga interneetka ee degmada Piteå.

Fotograf: Richard Kårström

Dalyeelka carruurta

Piteå waxaa ku yaala xanaanooyin ay degmada leedahay, xanaanooyin gaar looleeyahay iyo xanaano kale oo ay furteen waalidiin iskaashatay. Qaar ka mid ah waxaa loo yaqaan Reggio Emilia iyo Montessori, mid xanaanada ka mid ah waxa ay diirada saartaa howlaha firfircoonida ee dibada iyo howlaha dibada. Waxaad boos ka dalbankartaa waaxda waxbarashada. Wixii intaa sii dheer oo ku saabsan xanaanooyinka k aaqriso bogga interneetka ee degmada Piteå.

Piteå waa kale oo ku yaala xanaanada furan meesha oo waalidka iyo carruurtooda yaryar ay tagaan oo ay la kulmaan waalidiin kale oo iyaguna carruur yar yar heesata, guriga qoyska, oo ay dowlada degmada hoose leedahay iyo meelo badan oo la is kugu tago sida meesha reer miiyga isugu taga oo ay leedahay kaniisada iswiidhishka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Piteå waxaa ku yaala ku dhawaad 30 dugsi hoose dhexe ah. Qaas ahaan waxaa ku yaala iskoola la dhaho Christinaskolan oo lagu barto cayaarta qoob ka caraarka ee iswiidhishka kana bilaawma fasalka afaraad iyo casharo muusiik ah oo loo dhigo fasalada 7-9 ka, Öjebyn waxaa ku yaala fasalada maqalka oo loogu tala galay iskoolka oo dhan iyo Norrmalmskolan wuxuu bixiyaa hawlaha Montessori asiga oo siiya ardayda fasalada hoose dhigata.

Waxaa ku yaala labo dugsi sare ah. Strömbackaskolan wuxuu bixiyaa barnaamijyo badan oo caalami ah iyo barnaamijka soo bandhiga. Waxaa kale oo ah barnaamij qaadasha qaranka – cayaaro iyo warshadaha wax rakiba. Grans naturbruksskola wuxuu bixiyaa waxbarasho dugsi sare oo dhinaca beeraha iyo xoolaha ah iyo barnaamijka soo bandhiga.

Piteå waxa akale oo ku yaala dugsi hoose iyo iskool jimicsi, Rönnskolan, bartamaha Piteå iyo dugsi sare iyo shaqada jimicsiga ee iskoolka Strömbackaskolan.

Aqriso warbino ku saabsan iskoolaadka Piteå.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn waxa ay bixisaa cashirada aasaaska ah, kuwa dugsiga sare, waxbarasho khaas ah ee dadka waaweyn, kuwa kala duwan oo shaqo xirfadeed ah iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga (sfi). Hadi oo soo maraya lataliyaha waxbarashada ee jooga xafooska lataliyaha waxaad ka helaysaa hadii aad caawinaad u baahantahay xaga shaqada ama waxbarashada qaybaheeda kala duwan, xataa jaamacada, iskoolka farsamada iyo dugsiga laseexdo ee waxbarashadadadka waaweeyn.

Piteå waxa ku yaala oo kale Framnäs jamacadiisa iyo jaamacada muusikada, qayb ka mid ah jaamacada farsamada ee Luleå, waxayna bixiyaan cashiro badan oo kala duwan- badanaa ku saabsan muusiiga, wada hadalha iyo war baahinta. Jaamacada farsamada ee Luleå waxay jirtaa masaafo yar oo la iskugu socdo, basaska la isku raacana aad u wanaagsan.

Dhamaan ajnabiga iswiidhen yimaada waxaa loo dhigaa isdhexgalka bulshada sida ay iswiidhan u shaqayso. Taana waxaa isku daba rida waaxda ajnabiga qaabisha.

Fotograf: Angelica Larsson

Caafimaadka

Piteå waxaa ku yaala isbitaal, isbitaalka Piteå älvdals waxa oo leeyahay qaybo caafimaad oo kala duwan iyo qaybta gargaarka degdega ah. Degmada waxa ay leedahay shan xarumo caafimaad ah oo ay degmadu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay. Intooda badan waxa ay leeyihin xarunta hooyooyinka iyo xarunra carruurta iyo waybta jimicsiga xubnaha.

Degmada waxaa ku yaala shan xarumood oo daryeelka ilkaha ah, hal xarun oo taqasuska ilkaha ah iyo shaybaarka ilakaha. Waxaa kale oo jira kuwa ku taqasusay daryeelka ilkaha. Waxaad ka helaysaa meesha kala xiriiri leheed iyo warbixin dheeraad ah isbitaalka gobolka ee Norrbotten.

Caawinaad turjubaan

Hadii aanad ku hadlin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka waxaad heli kartaa marki aad doonayso in aad la xiriirto xafiisyada dowlada ama koobaha caafimaad. Taana waxaa masuul ka ah xafiiska aatagayso ama koobta caafimaad.

Xiriirka gaadiidka

Adeega basaska ee Piteå baxnaaniya Citybuss. Khadadka dhan waxay maraan bartanka magaalada. Waaxda socdaalka waxay ku shaqo leedahay safarada aadaya toolooyinka iyo degmooyinka deriska ah. Basaska waaxda socdaalka waxa ay ka baxaan goobta basaska.

Tariin isteeshinka ugu dhaw waxa uu ku yaala Älvsbyn iyo Luleå, waqtiyada tariinka waxa aad ka helaysaa www.sj.se. Garoonka diyaaradaha ee Luleå ayaa ugu dhaw garoon diyaaradeed waxaana ka baxa diyaarado badan oo Stockholm iyo meela kale u kala socda.

Shaqo iyo ganacsi

Piteå waxaa ku yaala dhawaan 3 800 oo shirkadood. Waxaa ku yaala warshadood oo waaweyn oo warqadaha sameeya, warshadaha farayaamada oo badan, garaashyo iyo qaybaga adeega oo kala duwan. Qaybaha kale oo aad u hormara waa enerjiga dib loo cusbooneesiin karo, dalxiiska iyo waxsoo saar iyo dhaqdhaqaaqa dhaqanka.

Degmada Piteå waa shaqabixiyaha ugu wayn oo haysata ku dhawaad 3 500 oo shaqaalo.

Degmada Piteå waxay kale oo maamushaa bartamaha shikadooyinka ee Piteå, meeshaa oo dadka doonayo in ay shirkad furtaan ay ka heli karaan taageero iyo caawinaad.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Chaufför C / CE , Piteå Distributionsförare
Servicemontör till Nelab i Piteå Installationselektriker
Ledande montör till Nelab Ledande montör, el
Utvecklingssjuksköterskor till Medicin - och rehabiliteringskliniken Sjuksköterska, grundutbildad
Driven och engagerad säljare till mediabranschen Utesäljare
Scania söker CNC - operatörer med möjlighet till boende i Södertälje CNC-operatör/FMS-operatör
Techsupport Piteå Helpdesktekniker/Supporttekniker
Arbetsmiljösamordnare Arbetsmiljöingenjör
Kock med erfarenhet av asiatisk och persisk mat Kock, à la carte
Persisk / Afghansk kock Specialkock
Gruppchef till Piteå / Öjebyn Chef för valuta och fixed income
Hamburgersäljare Restaurangbiträde
Lärare Ma och No årskurs 7 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Sjuksköterska Sjuksköterska, psykiatrisk vård
Eventpersonal till Piteå Demonstratör
Max söker medarbetare Restaurangbiträde
Montageledare till Mockfjärds Fönstermästaren Luleå Träarbetare/Snickare
Bravida i Piteå söker elmontörer för arbete runt om i Sverige! Installationselektriker
Webbutvecklare till Webhelp Nordic i Piteå Systemutvecklare/Programmerare
More söker Ekonomichef med HR - funktion Ekonomichef

Bogga 1 ee ka mid ah 23

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Piteå

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

41 336

Cabirla dhulka

3 087 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 876 km

Luleå 55 km

Umeå 220 km

New York 6 332 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri