Ragunda

Degmada Ragunda waxeey ku taal bariga gobolka Jämtland. Dadka degan degmada badankood weey is garanayaan. Taasna waxeey abuureysaa isku dhawaansho iyo ammaan gabid. Waxaan nahay dad iska war qaba. Masaafada eey xafiisyada dowladda dadka u jiraan weey dhowdahay, safafka guryaha loo galo lagama yaqaano meeshaan.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Ragunda waxaad guryo banaan ka heli kartaa xaafadaha bartamaha degmada ku yaal ee Bispgården, Stugun iyo Hammarstrand. Ragunda hyreshus waa shirkadda guryaha ee degmada laakiin waxaa kaloo jira shirkado guryaha kireeya o gaar loo leeyahay sida shirkadda Bispgårdens bostäder AB iyo shirkadda KA Driftteknik AB oo ku taal xaafada Bispgården.

Waxaa kaloo jira fursado aad guryo ku kireysan kartid/ama gadan kartid, guryahaasoo ku yaal xaafadaha banaankooda. Guryahaas waxaa laga baahiyaa bogagga xayeeysiinta sida Blocket iyo Hemnet.

Flygbild över Ragunda

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ragunda waxaa looga hadlaa 30-meeyo luqadood sida af-soomaaliga, tigree, carabi, burmees, isbaanish, iiraani/daari, jeek rebablikaan, islofaanikaan iyo holandees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada qurxoon ee Ragunda waxaa yaala hoowlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha oo badan. Garoon caws artifishaal uu yaallo, goobo isboortis, garoon fardo fuul, meelo lagu socdo, meelaha ciyaaraha barafka oo nuucyo badan leh. Hadaad rabtid inaad macluumaad dheeraada ka ogaatid howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha waxaa jira jaaliyado kalluumeeysi iyo jaaliyado kale.

Degmada boggeeda internetka waxaa ka heli kartaa warbixin dheeraada.

Waxyaabaha dhaqanka la xiriira ee degmada weey badan yihiin waxaana jira jaaliyado badan oo da' kasta loogu tala galay. Iskoolkeena hiddaha iyo dhaqana waxuu ka mid yahay kuwa Iswiidhan oo dhan ugu fiican.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamo cunto, makhaayado, biibitooyin iyo maktabad ayaa waxeey ku yaallaan xaafadaha bartamaha degmada ku yaal ee Bispgården, Hammarstrand iyo Stugun. Hammarstrand waxaa ku yaal xafiis degmo, xafiiska shaqada, shineemo, farmashiiye, isteeshin boliis, dukaamo badan iyo dukaamada gacan labaad. Degmada xarunteeda is dhexgalka dadka waxeey xafiis ku leeyihiin Bispgården iyo Hammarstrand.

Bild från sportlovsvecka imed pulkaåkning

Dalyeelka carruurta

Iskoollada xanaanada caruurta oo dhan waxaad warbixinnadooda ka heli kartaa degmada Ragunda boggeeda internetka. Degmad waxeey kaloo leedahay xarun xanaanada qoyska ah oo ku taal xaafada Hammarstrand iyo xanaanada furan oo ku taal Bispgården halkaasoo eey waalidiinta iyo carruurtooda isla aadi karaan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Waxaa degmada Ragunda ku yaal afar dugsi hoosedhexe ah. Iskoollada Hansåkerskolan F-9 oo ku yaal Stugun, Järåskolan F-6 oo ku yaal Bispgården iyo Kullstaskolan F-5 iyo Anders-Olof skolan 6-9 oo ku yaal Hammarstrand.

Dugsiga sare ee Jämtlands gymnasium Bispgården (JGY) waxaa lagu bartaa barnaamijyada korontada iyo enerjiga, barnaamijka farsamada warshadaha iyo barnaamijka horudhaca sida kan luqadaha ee IM-språk.

Furadaha waxbarasho

Bispgården waxaa ku yaal iskool waxbarashada dadka waaweyn oo leh heerarka dugsiga hoosedhexe iyo sare iyo waxbarashada xirfadaha kala duwan. Waxaa kaloo jira waxbarasho xirfadeed ah dhinacyada alxanka iyo gacan yaraha kalkaalisada. Waxbarashada luqada iswiidhiska ee loogu tala galay dadka qaxootiga waxaa loo aadaa xaafada Hammarstrand.

Caafimaadka

Rug caafimad iyo dakhtarka ilkaha waxa laga hela Hammarstrand iyo Stugun. Bispgården waxa ku yaal rugta qaabilada ee kalkaalisoyinka. Wixi warbixin dheerad ah waxad ka heli bogga internetka ee Jämtlands Läns Landsting.

Caawinaad turjubaan

Haddaad u baahatid turjubaan markaad la xireereysid xafiisyada kala duwan ee dowlada, degmada iyo maamulka caafimaadka gobolka waad heli kartaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Ragunda waxeey u dhaxeeysaa Sundsvall iyo Östersund, waxeey ku dhex taal bad iyo buuro qurux badan. Xaafada bartamaha degmada ku taal ee Hammarstrand waxeey 11 mayl u jirtaa Sundsvalla, 10 maylna waxeey u jirtaa Östersund 7 maylna waxeey u jirtaa Sollefteå. Jidka loo soo aado Ragunda waa inaad tareen ama diyaarad ku tagtid Östersund ama Sundsvalla kadibna aad baabuur ama bas soo raacdid. Maamulka gaadiidka dadweynaha ee gobolka Jämtland waxaad ka heli kartaa wakhtiyada basaska eey baxaan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Ragunda waxeey ku taagan tahay dakhliga dhaqaale ee kasoo gala degmada oo ku saleeysan wax soosaarka 450 shirkadood iyo ururo. Shirkadaha badankood weey yaryar yihiin waana kuwo gaar loo leeyahay. Maadaama eey degmadu yartahay go'aamada kala duwan si dhaqsi ah ayaa loo gaaraa. Qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee degmada waa: Fors industrier, SCA Timber iyo Moderna försäkringar. Degmada Ragunda waa shaqa bixiye weyn gaar ahaan dhinacyada iskoollada iyo caafimaadka.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 21

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Ragunda

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5 460

Cabirla dhulka

2 511 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Östersund 10 mil

Sundsvall 11 mil

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri