Robertsfors

Kusoo dhowow degmada Robertsfors! Waan ku qanacsannahay degmadeena Robertfors, sideen ugu qanacsanaan karin? Waxaan u dhaxeeynaa labada degmoo waaweyn ee Skellefteå iyo Umeå, marka waa meel aad u fiican ku noolaashaheeda. Magaalo wakhti dheer ma qaadaneyso tagideeda oo waxeey u dhowdahay laba magaalo, dadka degmadana waxaa lagu qiyaasaa 6 800, waxeeyna ku damaashaadaan dhulka dabiiciga ah ee degmada iyo howlaha xilli firaaqaha oo isu jira isboortiska, dhaqanka iyo muusikada iyo waxyaabo kaloo badan. Waxaan sanadooyin badan soo noqonay degmada ugu ammaanka wanaagsan dalka Iswiidhan oo dhan.

Soo bandhigid

Badande barn på en brygga i solnedgången

Deegaan

Degmada Robertsfors waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh oo aad kireysan kartid ama gadan kartid.

RobertsforsBostäder, ROBO, waa shirkad dowladeedka degmada Robertfors. Waxeey 246 guri ku kala leeyihiin xaafadaha Bygdeå, Robertsfors iyo Ånäset.

Waxaa xataa ka jira degmada Robertsfors shirkado kuwa gaarka loo leeyahay ah oo guryaha laga kireysto.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ingiriis, faransiis, jarmal, jeekrebablikaan, siirilaankees, carabi, bangaaladheesh, daari, af-ruush, af-soomaali iyo tigree.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa degmada ka diiwaan gashan 140 jaaliyadood in kastoo tirada dadka degmada degan eey la eg yihiin 6 800. Nolol jaaliyadeedka degmada aad ayaa loola dhacay waxaana ka dareemeysaa xiisaha loo haayo meheradaha kala duwan oo dadka degmada fursadda loo siiyo. Waxaa ka jira jaaliyada isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka iyo kuwa tala siinta bulshada.

Degmada Robertsfors waa ka jira xarumo diimeed oo hoos imaada kaniisada Svenska kyrkan.

Kosläpp och konsert i Robertsfors

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Robertsfors waxaa ku yaal dukaamo cunto, dukaamo dhar, dukaamaha alaabta guriga, dukaan elektaroonikada, dukaan isboortis, farmashiiye, bangiyo, maktabad, makhaayado, biibitooyin. Xafiiska dowladda sida xafiiska shaqada, xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka bulshada iyo xarunta isku dubbaridka dadka degmada usoo guuro kulligood waxeey ku yaallaan bartamaha magaalada.

Umeå waxa yaal waxkasta oo magaalo weyn yaal oo dhan, xafiiska cashuuraha, xafiiska ceymiska iyo hey'dda laanta socdaalka. Umeå boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan waxyaalaha kala duwan oo eey degmadu leedahay iyo xafiisyada kala duwan meelaha eey ku yaallaan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Robertsfors waxeey ku gudo jirtaa xoojinta daryeelka carruurta. Maanta waxaa degmada ku yaal 15 xarumood oo eey dhigtaan ardayda da'doodu u dhaxeeyso 1-5 sano, waxaana lagu kala heeyaa guryaha xanaano maalmeedka carruurta iyo xarumaha iskaashiga waalidiinta. Carruurta da'doodu tahay 6-12 sano waxaa la geeyaa dugsiga xilli firaaqaha. Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada xanaanada carruurta waxaad ka heli kartaa degmada Robertfors boggeeda internetka.

Bibliotek i Robertsfors

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku yaal shan dugsi hoosedhexe ah. Waxqabatka iskoolladeena oo dhan waxuu ku saleeysan yahay in heerka waxbarasho ee arday kasta mar walba kor loo qaado, taasoo ka dhigan in qof kasta uu qaadaa mas'uuliyad iyo hore usocosho. In loo fikiro si saliim ah waxeey sababee in wax kasta in la gaari karo oo eey macquul yihiin. Furnaanshaha iyo wax la qeybsiga dadka kale waa tiirarka eey shaqaddeennu ku taagan yihiin.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn ee sfi waxaa lagu dhigaa xarunta Lärcentrum. Sfi markaad dhameeysid waxaad billiibi kartaa luqadda iswiidhishka heerka labaad ee loogu tala galay dadka ajnabiga ah. Arday kasta oo sfi dhigta waxuu xaq u leeyahay qof ku jiheeya waxyaabaha kala duwan uu qofka sameyn karo makuu dhameeyo waxbarashada sfi. Duleedka xaafada Bygdeå waxaa ku yaal Dalkarlså folkhögskola oo ah iskool lagu bixiyo koorsooyin dhinaca muusikada ah. Hadaad heer jaamacadeed rabtid waxaa degmada meel 6 mayl u jirto ku yaal jaamacada Umeå universitet oo eey dhigtaan arday gaareeysa 36 000 oo arday oo adduunka dacalladiisa ka kala yimid.

Caafimaadka

Robertsfors waxaa ku yaal maamulka gobolka xaruntiisa caafimaadka oo eey ku yaalliin goob uu dhakhtarka kugu qaabilo, daryeelka carruurta iyo goobta umulisada. Qeybta adeega degdeg ah waxuu ku yaal isbitaalka NUS, Norrlands universitetsjukhus.

Hadaad rabtid inaad ilkahaada baartid waxaa u tagi kartaa rugta daryeelka ilkaha waxaa kaloo jira meelo kale oo baraayfat ah.

Caawinaad turjubaan

Fursad dhinaca turjubaanka ah wuu jiraa marka kulamo aad la leedahay xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Robertsfors weey fududahay sida looga safro. Magaalada Skellefteå 1 saac oo safar baabuur ah ayeey u jirtaa, magaalada Umeå waxeey u jirtaa 45 daqiiqo. Waxaa jira gaadiidka dadweynaha ooh al mar saacadii aada magaalooyinka waaweyn. Labada magaalo oo dariska ah waxeey leeyihiin garoomo diyaarado oo loogu dhoofi karo magaalooyinka kale ee iswiiidhan ku yaal iyo kuwa kale ee Yurub.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Robertsfors waxaa ka jira fursado ganacsi oo wanaagsan. Waxaa maanta ka jira 900 shirkadood, waxaana la rajeeynaa ineey intaas kasii bataan. Hadaad rabtid inaad mustaqbalka ka furatid shirkad degmada nala soo xiriir. Waxaan ku siineynaa talo, fikrado ganacsi iyo waxbarasho siduu ganacsiga kuugu najixi lahaay.

Wax soosaarka degmada Robertfors aad ayuu u xogan yahay waxaana u badan warshadaha wax soosaarka. 20% shaqooyinka degmada waxeey ka imaadaan warshadaha wax soosaarka. Degmada Robertsfors waxeey caan ku tahay beeraha waxaana ka shaqeeya 8% dadka degmada. Shaqa bixiyaha ugu weyn waa shaqooyinka dowladda oo eey degmada maamusho waxaana ka shaqeeya 750 qofood.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
CFO till Cue Dee i Sikeå Ekonomichef
Undersköterskor Hemsjukvårdare
Boendechef Föreståndare, äldreboende
Rektor Rektor
Vill du jobba extra som personlig assistent i Vindeln? Personlig assistent
Personlig assistent Personlig assistent
Elektronikmontörer Elektronikmontör
Elektromekaniska montörer Till vår BBT - Process Elektronikmontör
Huvudhandledare , Rörelseorganens centrum , Ortopeden Umeå Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Flexibelt extrajobb som lärarvikarie Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Butikschef Avion Butiksansvarig
Butikschef Kungsgatan Umeå Butiksansvarig
Flexibelt extrajobb som lärarvikarie Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
GREENPEACE söker teamleader för nytt team i Umeå! Teamledare
Flexibelt extrajobb som lärarvikarie Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Flexibelt extrajobb som förskolevikarie Lärare i förskola/Förskollärare
IT Helpdesk Helpdesktekniker/Supporttekniker
Extrajobba på Länstrafiken som kundtjänstmedarbetare Kundtjänstmedarbetare
IT Tekniker On - site IT-tekniker/Datatekniker
Ekonomiassistent med fokus leverantösreskontra Ekonomiassistent

Bogga 1 ee ka mid ah 28

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Robertsfors

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6 734

Cabirla dhulka

1 292 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Umeå 60 km

Skellefteå 81 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri