Salem

Kommun-ka Salem wuxu leeyahay bulsho ka mid ah bulshooyinka ugu da’da yar Iswiidhan. Waxan leenahay guryo ku haboon qoyska oo ku yaala dabeecad qurxoon oo leh bilic nafta nolol galiya. Adeega kommun-ku qabto waxa uu dhalay natiijo wanaagsan, qiimayn fiicanina ka soo baxday cabirkii iyo diraasadii lagu sameeyay. Waxan leenahay ururo iyo isutagyo ifaya. Haddii ad rabto inaad ka qayb noqoto nolol magaalo wayn, waxay kuu jirtaa Stokcholm 30 daqiiqo oo kaliya marka ad tareenka qaadato.

Soo bandhigid

Deegaan

Kommun-ka Salem waxa ku yaala guryo la kiraysto, guryaha yaryar ee la iibsado iyo kuwa waawayn ee fiillooyinka ah oo la iibsado. Ma jirto shirkad guryo oo kommun-ku leeyahay, laakiin waxa jira guryo gaar loo leeyahay oo la kireeyo.
Boggan kommun-ka ka akhriso warbixin guryaha ku saabsan.

 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Carabiga, Isbaanishka, Ingiriisiga, Boolishka iyo Finishka.

Jaaliyado iyo ururu

Waxa ka jira kommun-ka ururo tiro badan, tusaale ahaan, ururo dhaqan/heeso, ciyaaro iyo kuwo diimeed. Waxad ka helaysaa ururada shaqeeya oo dhan diiwaanka ururada kommun-ka.

Maxaa ka ag dhaw

Kommun-ka waxa ku yaala laba suuq. Midi waa badhtamaha ama suuqa Salems centrum. Suuqan waxa ku yaala maktabad, farmasii, tukaan raashin, tukaanka alkoosha iyo khamriga, tukaan alaabta duugowday iyo gacan-labaadka iibsha sida dharka, bangi, tukaano dhar, maqaayado iyo huteelo. Suuqa Rönninge waxa ku yaala istaanka tareenka, tukaan raashin iyo maqaayado.

Dalyeelka carruurta

Salem waxad ka helaysaa dugsiga xadaanada iyo xadaanad-guriyeed lagu hayo caruurta da’doodu u dhaxayso 1 – 5 sano. Adigaa dooranaya midkii ad rabto in ilmahaagu dhigto xadaanad kommun-ku leeyahay, mid gaar loo leeyahay ama xadaanad-guriyeed. Waxan sidoo kale leenahay xadaanad loogu talogalay adiga guriga la jooga caruuta. Halkan waxay caruurta iyo waalidkuba ka helayaan fursad ay kula kulmaan oo kula ciyaaraan caruur iyo waalid kale, si lacag la’aan ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyada hoose
Dugsiga Skogsängsskolan wuxu leeyahay laba fasal oo loogu talogalay adiga imika usoo guuray Iswiidhan ee ku hadla luuqad kale oon ahayn Iswiidhishka. Waa fasal loogu talogalay in lagu diyaarsho ardayda yaryar 7 – 11 sano iyo mid kale oo lagu diyaarinayo ardayda ah 12 – 15 sano. Guud ahaan kommun-ka waxa ku yaala afar dugsi hoose oo ka bilawda sanadka diyaarinta caruurta dugsiga loogu diyaarsho illaa fasalka 9aad.

 

Dugsi sare
Salem waxa ku yaala hal dugsi sare, Rönninge gymnasium, oo lagu dhigo barogaraamyada xirfadaha iyo kuwa caadiga ahba. Waxa kuu furan inaad ka dalbato gobolka Stockholm dugsigii ad doonto.

Furadaha waxbarasho

Iswiidhishka ajaanibta SFI

Iswiidhishka ajaanibtu waa waxbarashada aasaasiga ah ee luuqada Iswiidhishka ee dadka waawayn oon Iswiidhishku ahayn afkooda koowaad. Salem waxad ku dhigan kartaa Iswiidhishka ajaanibta (sfi) waqti buuxa ama mid dhiman fasalo ku yaala dugsiga sare ee Rönninge. Waxbarashada SFI waa lacag la’aan. Buugaagta wax lagu dhiganayana waa laguu dhiibi.

Waxbarashada dadka waawayn

Waxbarashada dadka waawayn ee kommun-ku leeyahay (komvux) waa dugsi dadka waawayn ku dhigan karaan waxa lagu dhigto dugsiyada caadiga ah ee hoose/dhexe/sare. Adiga aan soo dhiganin dugsi hoose ama sare waxad xaq u leedahay inaad dugsiga dadka waawayn dhigato. Haddii ad dhamaysato dugsiga dadka waawayn waxad dalban kartaa tacliin sare ama jaamacadda.

Dhigashada dugsiga dadka waawayni waa lacag la’aan, laakiin waa inaad iibsataa buugaagta ama waraaqaha ad u baahantahay.

Waxdhigistu waxay ku baxdaa fasal dhexdii ama internet-ka ood ka dhigan karto adigoon imaanin fasalka.

Waxbarashada dadka waawayn ee gaarka ah

Kommun-ka Salem wuxu wada shaqayn la leeyahay degmooyinka ay dariska yihiin, marka ay noqoto waxbarashada dadka waawayn. Adiga 20 jir ka wayn ee u baahan caawimo gaar ama naafada ah si ad wax u barato, waxbarashada dadka waawayn ee gaarka ahi waxay ku siinaysaa

  • Koox kooban ood wax la dhigato
  • Macalin xirfad u leh oo u tababaran waxdhigista gaarka ah
  • Hage ama jiheeye kaala taliya arimaha waxbarasho
  • Waxbarasho dugsi hoose/dhexe oo afka Iswiidhishka iyo Xisaabta ah
  • Iswiidhishka ajaanibta SFI

Warbixinta bulsho ee dadka cusub
Kommun-ka Salem wuxu wada shaqayn la leeyahay kommun-ada kale ee gobolka Stockholm si uu ugu helo warbixinta bulashada luuqado badan oo kala duwan. Xarunta warbixinta bulshada ee Stockholm ayaa isku dubbaridda koorsooyinka warbixinta bulsho.

Caafimaadka

Marka ad xanuunsataan adiga iyo caruurtaadu marka hore waxad tagaysaan xarunta caafimaad ee ku taala suuqa Salem. Halkan waxa ku yaala xarun caafimad iyo xarun daryeelka caafimaadka hooyada iyo caruurta. Marka ay xaruntaasi xidhantahay waxad la xidhiidhaysaan cusbitaalka Södertälje ee xanuunada degdega ah. Talobixin caafimaad waxad mar walba ka heli kartaa tilmaamaha caafimaad ee taleefankan 1177.

Suuqa Salem waxa ku yaala xarun dhakhtar ilkaha ah.

Bogga kommun-ka ka akhri warbixin intan ka badan.

Caawinaad turjubaan

Haddii aanad fahmin ama ku hadlin luuqada Iswiidhishka, waxad xaq u leedahay in laguu qabto turjumaan ku caawiya marka ad la xidhiidhayso hay’adaha dawlada, kommun-ka iyo xarumaha caafimaad. Turjumaanka waxa kuu balaminaysa kolba hay’adii ad la kulmayso ka hor inta aanad la kulmin. Kommun-ku wuxu xidhiidh la leeyahay waax turjumaan. Waan kuu balaminaynaa turjumaan haddii ad u baahantahay mar kasta ood xidhiidh nala samaynayso.

Xiriirka gaadiidka

Salem waxa jira gaadiidka bulshada oo bas iyo tareen leh. Liinka tareenka ee isku xidha Stockholm iyo Södertälje wuxu istaagaa istaanka Rönninge.

 

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo la’aantu way ku yartahay degmada. Ma jiraan meelo laga shaqeeyoo oo waawayn oo ku yaala kommun-ku, laakiin waxa sahlan in loo safro goobaha shaqo ee kommun-ada kale. Salem waxa ku yaala illaa 400 oo shirkadood. Kuwooda ugu badanina waxay bixiyaan adeega caadiga ah, ganacsi yaryar, dhisme, bakhaaro iyo hay’ado talobixineed. Shirkadaha inta badani waa kuwo yaryar oo celcelis midkiiba ay 4 qof ka shaqeeyaan. Shaqaalaysiiyaha ugu wayni waa kommun-ka oo illaa 900 oo shaqaale ah leh.

Ka akhri bogga kommun-ka sida looga dalbado shaqo Salem.

 

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Grundskollärare 4 - 9 Ma / NO / Teknik Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Sjuksköterska till Hälso - och sjukvårdsenheten Sjuksköterska, grundutbildad
Lärare tyska språkval år 6 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Fritidspedagog till Parkskolan Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Säkerhetskonsult Salem Utesäljare
Assistent sökes till Rönninge Personlig assistent
Personlig assistent Personlig assistent
IPS - handledare till Arbetsmarknadsenheten i Salem Socialkonsulent, Arbetsförmedlingen
Ansvarstagande Budbilsförare på heltid Budbilsförare
Timanställd sjuksköterska till Rosstorp Sjuksköterska, grundutbildad
Teamledare (Telia fiber sales) Hemförsäljare
Psykolog till Salems vårdcentral Psykolog
Kurator till Salems vårdcentral Primärvårdskurator
Behandlingsassistent till Menige Omsorg AB i Rönninge Behandlingsassistent/Socialpedagog
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Resurslärare mellanstadiet Säbyskolan Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Lärare till F - 3 Säbyskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Lärare med behörighet att undervisa i svenska och engelska Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Lärare med behörighet att undervisa i textilslöjd Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Lärare i hem - och konsumentkunskap Lärare i grundskolan, årskurs 7-9

Bogga 1 ee ka mid ah 733

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Salem

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

16 000

Cabirla dhulka

71 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 28 km

Södertälje 12 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri