Sandviken

Degmada Sandviken waxey hodan kutahay hawlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa iyo nolol dhaqameedyada kala duwan. Waxaa intaas usii dheer guryahaya iyo nolosha kale oo eey qiimahooda aad ujabanyihiin. Sandvik AB oo ah urur shirkadeed caalami ah, qaabilsanna dhinaca garaashyada ayaa kamid ah meelaha eey degmada caanka ku tahay. Shaqaalaha eey degmada leedahay waxeey kor udhaafayaan 3 100 shaqaale.

Soo bandhigid

Deegaan

Shirakadda ugu weeyn ee guryaha waa midda degmada eey leedahay magaceeduna yahay Sandvikenhus. Haddii aad rabtid inaad iska diiwaan galisid safka loo galo guryaha ama aad rabtid inaad ogaatid hadeey jiraan guyo bannaan waxaad booqataa bogga internetka.

Bogga internetka waxaa ka heli kartaa oo kale shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dillaalka guryaha kireeya.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee hadda loogu hadlo degmada Sandviken waa luqadaha carabiga, af-soomaaliga, tigreega, daari iyo faarsi.

Jaaliyado iyo ururu

Sandviken waxaa ka jira jaaliyado badan oo kala duwan korna udhaafaya 400 oo jaaliyadood.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Sandviken waxaa kuyaal xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska bulshada, hey'adda qaabilsan dadka howlgabka ah iyo hey'adda cashuuraha oo kulligood isku hal lookal xafiisyo ku leh. Waxaa kale oo ku yaallo bartamaha magaalada dukaammo kala duwan, bangiyo, farmashiiye, shineemo, maktabad, meel lagu dabaasho oo caan ah iyo waxyaabo kaloo badan. Dukaamada waaweyn ee raashinka kulligood waxeey ka ag dhowyihiin bartamaha magaalda.

Degmada Sandviken waxaa kuyaallo laba dukaan oo ah kuwa gacan labaadka, waxaana lagu gadaa alaabta guryaha iyo maacuunta. Meel ujirta 15 daqiiqo degmada waxaa kuyaallo Valbo köpcentrum oo eey dukaammo fara badan ku yaallaan sida IKEA.

Waaxda isdhaxgalka dadka kasoo kala jeeda jinsiyadaha kala duwan ee Sandviken waxeey dadka ajnabiga ah u diyaarisay warbixin ku saabsan adeegyada guud ee bulshada. Rugtooda lagu booqan karana waa Björksätra mitt. Taleefankooduna waa: 026-241715, 026-241760. Waxaa kale oo meesha kuugu diyaar ah shaqaale ku hadla luqada carabiga, tigreega iyo af-soomaaliga.

Dalyeelka carruurta

Caruurta lagu haayo dugsiyada xanaaneynta iyo barbaarinta caruurta waxaa lagu kala hayaa 26 qaybood oo kala duwan. Intaas waxaa sii dheer laba rug oo loogu tala galay xanaanada qoyska kuwaasoo iyaguna leh 3 waax oo qaabilsan rabbaynta iyo wax baridda. Shaqadaasna waxeey waafaqsantahay hab wanaagsan oo caruurta ka dhiseeysa asaaska si loogu diyaariyo waxbarashadooda mustaqbalka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Sandviken waxaa ku yaalla 8 dugsi hoosedhexe, Vallhovsskolan, Jernvallsskolan, Murgårdsskolan, Montessoriskolan, Sätraskolan, Söderskolan, Björksätraskolan.

Labada dugsi sare ee Sandviken waxeey kala yihiin Bessemerskolan och Göranssonska skolan.

Furadaha waxbarasho

Haddii aad tahay qof qaan gar ah, dooneysidna inaad wax baratid waxaa jira fursado badan aad kala doorankartid adigoo eegaya waxaad rabtid inaan rabtid iyo meesha aad dooneysid inaad ka gaartid waxbarashada. Meelaha aad wax kabaran kartid waxaa kamid ah vuxenutbildningen, särvux, sfi, högskola iyo kuwa kale.

Caafimaadka

Haddii aad ubaahatid daryeel caafimaad waxey Sandviken leedahay 3 goobo caafimaad ah:

Rugta qaabilaadda degdegga ah ee ugu dhow waxeey ku taal Gävle oo 2,5 mayl ujirta Sandviken.

Waxaa kaloo ku yaal Sandviken familjecentral/mödravårdscentral.

Daryeel dhinaca ilkaha ah hadii aad ubaahatid waxey degmada Sandviken leedahay Folktandvården iyo meelo kale oo gaar loo leeyahay.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan ku hadli karin luqada iswiidhiska waxaad xaq uleedahay turjubaan ku hadla luqadaada hooyo marka aad la xiriireysid xafiisyada kala duwan. Waaxda isdhaxgalka dadka ee degmada Sandviken waxaa ka shaqeeya dad ku hadla luqadaha carabiga, af-soomaaliga iyo tigreega maadaama dadka soo galootiga ah ee degmada badankood ku hadlaan luqadahaas.

Xiriirka gaadiidka

Degmeda waxeey leedahay xiriir wanaagsan ee dhinaca basaska iyo tareenada (X-trafik, SGS-bussen, Tåg i Bergslagen iyo SJ) kuwaasoo maraya magaalooyinka waaweeyn sida Gävle (20 daqiiqo) iyo Stockholm (2 saac). Basaska iyo tareenada waxeey ka baxaan Sandvikens resecentrum.

Shaqo iyo ganacsi

Sandviken waxaa ku yaallo shiradda biraha ee Sandvik AB. Goob farsameedka lagu magacaabo Sandbacka Park waxaa ku yaallo ku dhowaad 50 shirkadood oo ubadan kuwa farsamada gacanta iyo kombiyuutarada, waxaana markii leesku daro ka shaqeeyo 900 oo qafood. Maalin kasta waxaa Sandviken kashaqo tago una soo shaqo tago ku dhowaad 9 000 oo qof. Dadka maalin kasta soo galo Sandviken oo tiradooda tahay 4 996 ayaa ka badan kuwa ka baxa oo tiradoodu tahay 3963 (tirakoob 2011).

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Fysioterapeut till Sandviken Södra Din hälsocentral Fysioterapeut/Sjukgymnast
Jernvallskolan söker lärare i SV / SO Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Timvikarier till Kunskapsförvaltningens förskolor och grundskolor Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Distriktssköterska till barnavårdscentralen i Sandviken Distriktssköterska
Fritidslärare / fritidspedagog till Västanbyns skola Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Leg naprapat Naprapat
Leg kiropraktor Kiropraktor
Biträdande Plantskolechef sökes! Plantskolechef
Lärare i svenska och SO till Bessemerskolan - Introduktionsprogrammet Lärare i gymnasiet
Elevcoach till Bessemerskolan - Introduktionsprogrammen Lärare i gymnasiet
Medicinsk sekreterare till Sandviken Södra Din hälsocentral Läkarsekreterare/Vårdadmin/Medicinsk sekreterare
Homepartysäljare – Heminredning ZELECTED BY HOUZE AB Hemförsäljare
IT System Developer - SAP Systemutvecklare/Programmerare
Sektionschef arbetsförmedlingen Västra Gästrikland Sektionschef, offentlig förvaltning
Vikarierande Förskollärare till förskolan Dag & Natt Lärare i förskola/Förskollärare
Lärare till åk 4 - 6 Kungsgårdens skola Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Vi söker dig som vill jobba som fritidspedagog på Kungsgårdens skola Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Danslärare / danspedagog till Kulturskolan Danspedagog
Vi söker en Förskollärare till Brukets förskola Lärare i förskola/Förskollärare
Vi söker en kundtjänstmedarbetare Kundtjänstmedarbetare

Bogga 1 ee ka mid ah 24

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Sandviken

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

38 000

Cabirla dhulka

1 297 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Gävle 25 km

Falun 70 km

Uppsala 120 km

Stockholm 190 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri