Simrishamn

Kusoo dhowoow degmada Simrishamn oo ku taal koofurta bari ee gobolka Skåne, qalbiga Österlen. Degmadeena waxaa ku yaal taalooyin waaweyn iyo kuwo yaryar. Dhinaca kofur waxaa ku yaal dhul siman oo beero abuur badan leh dhinaca waqooyina waxaa ku yaal keymo dhireed. Dhinaca xeebta waxaa ku yaal dhul bacaad ah oo qurux badan iyo buuro in laga kaluumeysto eey wanaagsan tahay. Cimilada xeebta agteeda aad ayeey u wanaagsan yihiin taasna waxeey sababtay in dalxiiska uu ku badan yahay degmada. Degmada waxaa ka dhisan in ka badan 300 oo shirkadood, saddaxdii shirkadleey hal kamid ah waa dumar, waana ku fiicannahay inaan hir galino shirkado cusub.

Soo bandhigid

Bo i Simrishamn

Deegaan

Shirkadda guryaha ee ugu weyn degmada waa isla shirkadda degmada Simrishamnsbostäder laakiin waxaa jira shirkado guri iyo dallaallo aa u badan oo ka shaqeysta degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmadeena waxaa looga hadlaa luqado kala duwan: carabi, daari, albeeniyaan, faransiis iyo ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa ka jira nolol jaaliyadeed qani ah degmada waxaana ka diwaan gashan illaa 400 oo jaaliyadood. Oo ku kala howlan meherado kala duwan. Urur diimeedka sida kaniisadaha Svenska kyrkan, Pingstkyrkan, Missionskyrkan ayaa iyagana jira. Jaaliyadaha diiwaanka gashan o dhan waxaad ka heli kartaa diiwaankeena jaaliyadaha.

aktivitet.jpg

Maxaa ka ag dhaw

Simrishamn waxaa yaal adeegyada guud o dhan sida dukaamada, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka, xafiiska ceymiska, boolis iyo xafiiska cashuuraha. Tuulooyinka waaweyn waxaa ku yaal dukaamo waaweyn oo maalmihii furan iyo dukaamo badan oo kuwa gacan labaadka ah.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada carruura, guriga xanaanada xilli firaaqaha iyo dugsiga xanaanada iyo barbaarint acarruurta kulligood weey ku yaallaan xaafadaha kala duwan oo dhan. Dugsiyada xanaanada oo ah kuwa gaarka loo leeyahay weey ku yaallaan degmada.

Simrishamn ligger fint vid kusten

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Iskool illaa fasalka 3 waxeey ku yaallaan xaafadaha badankod, fasallada 7-9 waxeey ku yaallaan bartamaha degmada Simrishamn. Bartamaha degmada waxaa kaloo ku yaal 2 dugsi sare: Dugsiga sare ee Österlengymnasiet waxaa lagu bartaa farsamada gacanta, dugsiga sare ee Nova Academy waxaa lagu bartaa maaddooyinka caadiga ah. Waxaa jira dugsiyada hoose dhexe ee Rörum oo loo adeegsanayo ururka samafalka stiftelsen Sophiaskolan med waldorfpedagogik iyo iskoolka föräldrakooperativet Nils Holgerssonskolan oo lagu barto hiddaha iyo dhaqanka iyo seyniska.

Furadaha waxbarasho

Hadaad u baahan tahay inaad wax baratid ama aad sare u qaadid xirfadaada shaqo, waxaan kuu heeynaa taciin aa ugu tala galnay dadka waaweyn (eey ku jirto sfi), waxaana wada shqeyn la leennahay degmada Ystad iyo Forum Ystad. Xarunta Forum Ystad waxeey ku taal Ystad meeshaasaana waxbarashada inteeda badan lagu dhigaa. Xarunta waxbarashada ee Folkhögskola waxeey ku taal degmada aan dariska nahay ee Tomelilla, waana meel aan aad uga fogeyn Jaamacadaha Lund, Malmö iyo Köpenhamn.

Caafimaadka

Rug caafimaad waxeeey ku taal bartamaha Simrishamn (malahan qeybta degdega) iyo xaafadaha waaweyn ee ku yaal degmada banaankeeda. Rugta daryeelka ilkaha waxuu ku yaal Simrishamn waxaa kaloo jira meelo badan oo ilkaha lagu daryeelo oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Lantliv

Caawinaad turjubaan

Hadaad turjubaan u baahan tahay wac telefoonka, 042-13 96 44.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka guud ee Skånetrafik waxeey leedahay basas degmada oo dhan ka shaqeeya iyo qaar dhakhsi badan oo ukala goosha magaalooyinka Kristianstad iyo Lund. Gaadiidka guud ee gobolka Skåne waxuu leeyahay tareen ku geynaya magaalooyinka Malmö iyo Ystad. Waxaa noo dhow saddax garoomada diyaaradaha ah, Malmö Airport, Kristianstad-Österlen Airport iyo Copenhagen Airport.

Shaqo iyo ganacsi

Waxsoosaarka degmada waxuu ku dhisan yahay shirkadaha dhexdhexaadka ah iyo kuwa yaryar oo qeybo kasta ka shaqeeya.

Shirkadaha waaweyn ee degmada ka dhisan waa: Plastal, Praktikertjänst, Kiviks musteri, Nordic Sea Winery, Gärsnäs och Skillinge Fisk-Impex.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Formbytare / Ställare Maskinställare
Behandlingsassistent 50 - 100% efter önskemål Personlig assistent
Audionom Audionom
Verksamhetschef Campus Österlen Skolledare
Leg arbetsterapeut Arbetsterapeut
Omsorgsassistent till Gruppboende inom LSS Biståndsbedömare/Biståndshandläggare
Utvecklas och väx med oss på Hemrex Hemhjälp
Personlig assistent sökes till man i Kivik Personlig assistent
Biståndshandläggare (omsorgshandläggare) 100% Biståndsbedömare/Biståndshandläggare
Tapetserare / tygmontör sökes! Tapetserare, hantverk
Kock Kock, à la carte
Försäljare med eller utan erfarenhet i Simrishamn. Fast Lön 24 500 kr Hemförsäljare
Laboratorieassistent Livsmedelstekniker
Leg.Fysioterapeut / Sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Leg. Arbetsterapeuter Arbetsterapeut
Barnmorska – Barnmorskemottagningen , Capio Vårdcentral Simrishamn Barnmorska
Ansvarsfull personlig assistent Personlig assistent
Söker håltagare blivande håltagare! Betonghåltagare, utan yrkesbevis
Medarbetare. Servitör/Servitris
Underläkare Läkare

Bogga 1 ee ka mid ah 4

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Simrishamn

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

19 429

Cabirla dhulka

395​ km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Malmö 96 km

Lund 84 km

Kristianstad 71 km

​Stockholm 609 km​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri