Sollefteå

Degmada Sollefteå waxay ku taalaa Gobolka cimilada wanaagsan ee Ångermanland. Waxaa degmada mara webiyada Ångerman, Fax iyo Fjällsjö. Waxaa degmada degan taqriiban 20000 oo qof, 9000 oo ka mid ah waxay degen yihin Magaalada sellefteå gudaheeda.

Soo bandhigid

Deegaan

Waxaad ka helaysaa shirkado badan oo guryaha kireeya. Ka akhriso wixii faahfaahin ah bogga internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa jira dhaqamo iyo luqado kala duwan. Sollefteå waa degamada ugu badan wadabka Iswiidhan dhinaca qaabilaada qaxootiga.Waxaad ka heleysa luqadaha carabi, taylandiis, tigringa, soomali, iiraani iwm.

Jaaliyado iyo ururu

Sollefteå waa magaalo aad xiisaheedu u sarayso xaga jaaliyadaha, waxaadna ka heleyso jaaliyado badan oo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Sollefteå wax badan ayaa u dhow. Dukaamo soo dhoweyn heer sare ah leh ayaa ku yaala tuuloyinka Ramsele, Junsale, Näsåker, Långsele och Sollefteå. Sollefteå waxaadna ka heleysa dukaamo ibiiya alaabta gacan labaadka ah oo aad ka iibsan kartid sida dharka, alaabta guryaha oo aad ku heleysa qiimo jaban.

Dalyeelka carruurta

Sollefteå waxaad ka heleysa 12 skool oo ah xanaanada caruurta; Prästbordet, Rödsta, Junsele, Ramsele, Långsele, Skedom, Kalknäs, Lilänget, Näsåker, Resele, Helgum iyo Öhn.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sollefteå waxaad ka heleysa 13 skool oo ah hoose-dhexe; Prästbordet, Rödsta, Valla, Junsele, Ramsele, Långsele, Nipanskolan, Kalknäs, Lillänget, Näsåker, Resele, Helgum iyo Öhn.

Skoolka sare ee Sellefteå waxaa la dhahaa Gudlav Bilderskolan.

Furadaha waxbarasho

Reveljen waxaa la yidhaahdaa Rugta waxbarashada ee Sollefteå.

Halkan waxaad ka heleysaa maadooyin heer jaamacadeed ha madooyon dhinaca xirfadaha kala duwan ah waxaa intaas sii dheer  waxbarasho loogu tala galay dadka waaweyn.

Caafimaadka

Isbitaalka degmada Sollefteå waa mid kaamil ah oo isla markaana leh qaybta degdega (emerjensiga). Isbitaalka waxaa yaalla qalab casri ah, waxaana ka shaqeeya shaqaale aad u wanaagsan oo u caaboon shaqadooda. Qeybta laga maamulo caafimaadka ee gobolka Västernorrland waxaad ka heleysa warbixin ku saabsan goobaha caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Is fahanku qof walba muhiim ayuu u yahay. Marka in laga caawiyo dadka qaxootiga ah turjubaanimada aad ayeey degmadu muhiim ugu tahay. Hadii aanad garanayn luqada iswiidhishka xaq baad u leedahay turjumaan luqadaada ku hadlaya. Turjumaanku waa bilaash. U sheeg qofka aad la kulmaysid hadii aad u baahantahay turjumaan, markaa waa laguu raadinaya kulanka ka hor.

Xiriirka gaadiidka

Madaarka Höga kusten wuxuu u jiraa 20 daqiiqo Sollefteå. Tuulooyinka waxaa intooda badan ka baxa basas iyo gaadiid, waxaana ka masuul ah DinTur. Tareen waxaad ku aadi karta Kramfors C, halkaasna ku bedeleysa bas soo aadaya Sollefteå.

Shaqo iyo ganacsi

Sollefteå waxaa ku yaalla shirkado badan oo waaweyn sida:

Degmada Sollefteå

Landstinget Västernorrland

E.ON

Svenskt Linjebesiktning AB

Haglöf Sweden AB

TT ThermoTech Scandinavia AB

Gjersvold Trädgård & Mark AB

Själanders Åkeri AB

Hedströms Virkestransporter AB

Statkraft AB

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 4

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Sollefteå

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 20 000

Cabirla dhulka

5 762 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Östersund 152 km

Umeå 203 km

Stockholm 557 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri