Sotenäs

Degmada Sotenäs waxay ku taal dhul xeebeedka galbeedka ee Iswiidhan. Kungshamn waa xaafadda ugu weyn ee degmada, waxaa kaloo ku yaalla degmada xaafado kale oo caan ah sida Smögen, Hunnebostrand, Bovallstrand och Bohus-Malmön. Ilaa 1900-kii Sotenäs waxay ahayd meel loo soo dalxiis tago. Halkan waxaad ku raaxaysanaysaa hawada iyo biyaha nadiifka ah iyo dhul wanaagsan oo ka kooban dhir iyo buuro quruxsan.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Sotenäs waxay leedahay guryo kala duwan, qaar waa kuwo dawladdu leedahay qaarna waa kuwo gaar loo leeyahay. Kuwa dawladda waxaa la yidhaahdaa Sotenäsbostäder, waxayna leeyihiin guryo badan oo kiro ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqado kala duwaan baa lagaga hadlaa Degmada Sotenäs, sida carabi, isbaanish, noorwejiyaan, taylandiis, bosniyan, af-jarmal, boolish, turkish, laatish iyo fiinlaandiis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sotenäs waxaa jira jaaliyado masiixi ah iyo kanisada Svenska Kyrkan.  Waxaana kalooo kaloo jira 125 jaaliyadood iyo ururo. Jaaliyaduhu aad bay u kala duwan yihiin, waxaa ka mid ah jaaliyadaha isboortiska, jaaliyadaha dhaqanka/suugaanta., jaaliyadaha waayelka iwm. Fadlan liiskaan ka akhriso warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha kala duwan ee degmada föreningsregister.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Sotenäs waxaad ka helysa adeegga guud ee daruuriga u ah bulshada. Sida adeega daryeelka reeraha iyo qofka keliga ah, skuullo, goobaha xilli firaaqeedka, shaleemo iyo maktabad. Waxaa kaloo ku yaal xafiiska shaqada, qasnada caymiska, bangiyo, dukaamada cuntada, farmashiye, goobo isboortis, makhaayado. Waxaa iyagana ku yaal dukaamada gacan labaadka oo aad ka iibsan kartid alaabta guryaha, dharka oo qiimo jaban.

Dalyeelka carruurta

Degmada Sotenäs waxay ku fiicantahay daryeelka carruurta. Waxaanu kuu heeynaa xanaanada caruurta oo mid dawladeed ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Skoolada hoose-dhexe waxay ku yaallaan Kungshamn, Smögen, Bovallstrand, Hunnebostrand. Saddexda sano ee u dambeeya ciyaalku waxaay ka dhiganayaan Sotenässkolan oo ku yaalla Kungshamn. Dugsiga sare doorashadiisa ciyaalka wuu u furanyahay, waxayna ka dalban karaan magaalda eey rabaan. Sotenäs ma leh dugsi sare, kan ugu dhow wuxuu ku yaala Lysekil iyo Uddevalla.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxeey leedahay iskool loogu tala galay dadka waaweyn wuxuu ku yaallaa Kompetenscentrum oo ka tirsan Kungshamn. Waxaay kuu soo bandhigayaan maadooyin kala duwan, laga bilaabo waxbarasho skool sare ilaa heer jaamacadeed. Waxaam kaloo goobta laguugu barayaa karta luqadda iswiidhishka.

Caafimaadka

Waxaanu leenahay laba meelood oo rugta caafimaadka ku yaalliin, mid waxay ku taallaa Kungshamn, midna Hunnebostrand. Halkaas waxaad la xidhiidhi kartaa makaad ubaahantahay talo caafimaad. Waxaana meeshaas ku yaalla qeyo loogu tala galay ineey ku kulmaan laguna xanaaneeyo waalidiinta iyo caruurtooda. Waxaa loo yaqaan xarunta daryeelka ee qoyska. Waxaana maamulka xarunta daryeelka ee qoyska iska kaashada degmada Sotenäs, rugta caafimaadka Kungshamn/Hunnebostrand iyo rugta caafimaadka Sotenäs.

Degmada Kungshamn waxeey leedahay rug dhakhtarka ilkaha ah oo lagu soo dhoweynayo qof walba oo u baahan cafimaad xaga ilkaha.

Dhakhtarka degdega ah (emerjensiga) iyo midka caadiga ah ba waxay ku yaalaan degmooyinka dariska ah ee Uddevalla, Lysekil iyo Trollhättan.

Caawinaad turjubaan

Xarumaha dowladda waxaad ka heleysa caawimaad turjubaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Sotenäs waxaad ka heleysa gadiid baseed Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Wax soo saarka dhaqaalaha degmada Sotenäs waxaa ugu badan shirkadaha yaryar oo ka shaqeysa farsamada gacanta/dhismaha iyo ganacsiga guud. Degmada Sotenäs waxay leedahay sherkado waaweyn oo soo saara kaluunka, sida Abba seafood AB, Leroy Smögen Sea, Domstein Food AB. Shaqo bixiyeyaasha kale oo waaweyn waxaa ka mid ah shaqaalaha xafiisyada degmada Sotenäs, Llentab AB iyo AH-Automation AB.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Köksmästare Nordens Ark Köksmästare
Kock Kock, à la carte
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Inköpare till Marenor i Kungshamn! Inköpare
Ridinstruktör / stallpers Ridinstruktör/Ridlärare
Lärare mot livsmedel - och beredningsindustri Lärare i gymnasiet - yrkesämnen
Anläggningstekniker Hamn Väg-och anläggningsarbetare
Anläggningstekniker Bad / Gata Väg-och anläggningsarbetare
Anläggningstekniker Park Parkarbetare/Utemiljöarbetare/Miljövärd
Säljare sökes till Pressbyrån , Kungshamn Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Farmaceutisk rådgivare med möjlighet till LMA / varuansvar Farmaceut/Apotekare
Produktutvecklare Livsmedel Produktutvecklare
Personlig assistent till livsbejakande kvinna i Kungshamn Personlig assistent
VVS - montör VVS-montör
Fysioterapeut / sjukgymnast Fysioterapeut/Sjukgymnast
Personlig assistent till kvinna i Kungshamn! Personlig assistent
Ekonom Förvaltningsekonom
Stallskötare / Ridinstruktör På Sotenäsfältrittklubb Djursjukskötare
HUDTERAPEUT Hudterapeut
Personlig assistent till 15 årig kille i Kungshamn! Personlig assistent

Bogga 1 ee ka mid ah 34

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Sotenäs

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9 000

Cabirla dhulka

140 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Uddevalla 60 km

Lysekil 50 km

Munkedal 35 km

Trollhättan 100 km

Göteborg 150 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri