Stockholms län

Gobolka Stockholm markii dhul ahaan loo fiiriyo waa gobolka Iswiidhan ugu yar, laakin gobolkaan ayaa ugu dad badan: in dhaafeeyso laba malyoon oo qof. Ayadoo ah gobolka ee magaalo madaxda ku taalo gobolka Stockholm waxaa ku badan jawiga magaaladeed, laakin sido kalena waxeey taajir ka yahay dhulka baadiyaha iyo dabiicada. Ku dhawaad haafka dhulka gobolka waxuu ka kooban yahay jiq iyo dhul beereed. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo jasiirado yaryar oo ka mid ah aduunka meesha ugu yasiirado badan, waxeey lee dahay 30 000 oo jasiirado yaryar.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Dadka Stockholm dagan sanadyadii ugu danbeeyay si dhaqso badan ayee uu bateen, guri-yarida waa mid xaqiiqo ka ah gobolka degmooyiinkiisa oo dhan. Dhisida guriyaasha waa badatay laakin in ku filan ma noqon, taasi oo mecno noqotay in cariiriga gudaha guriyaasha uu yahay mid gobolka Stockholm uu uga badan yahay gobol kale ee Iswiidhan ku dhexyaalo. Sido kale guri-yarida waxeey keentay in qiimaha-sicirka filooyinka iyo guriyaasha milkiyada ee dhaqso kor ugu kaceen, iyo in safka guriyaasha la kireeysto uu sii dheeraanaayo, waa safka laga galo xafiiska dalaalka guriyaasha degmadeed oo gobolka laga wada lee yahay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Magaalada Stockholm waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ayadoo leh ku dhawaad 55 000 oo shaqaale. Shirkada isgaarsinta Ericsson waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee madaxabanaan, ayadoo leh in ka badan 10 000 oo shaqaale. Saadaaleeynta waxeey muujineeysaa in sanadooyinka soo socdo si weeyn loogu baahnaa doono shaqaale leh waxbarasho dugsi sare ama jaamacadeed halkaasi ee baahido looga qabo shaqaale heeysato lee waxbarasho ka hooseeyso dugsiga sare ee sii yaraaneeyso.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka Stockholm iyo 17 jaamacad oo ku yaalo dartood waxaa loo arkaa in uu yahay gobolka ugu cilmi badan ee calaamka markii laga soo tago mareeykanka. Jaamcadaha Karolinska Institutet, Stockholm universitet iyo Kungliga Tekniska Högskolan waxeey calaamka ku lee yihiin sumcad fiican, darajooyin sare ayee ku lee yihiin liiska-darajeeynta ee calaamka nuucyadiisa kala duwan.

Daryeelka bukaanka

Maamulka gobolka caafimaadka ayaa ka masu'ul ah in dadka gobolka dagan helaan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo daryeelka ilkaha ee uu baahan yihiin. Hoowlaha waa laga bilaaba daryeelka iyo shaqada ku saabsan in gacan la geeysto caafimaadka ilaa cilmi baarista iyo hormarinta.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Ayadoo ee magalaada weeyn ee Stockholm ee tahay xarunta gobolka, waxeey taasi keeneeysaa in soo bandhiga dhaqameed ee gudaha Stockholm uu yahay mid aad uu badan – oo leh mutxaf, tiyaatar, heeso, ciyaaro iyo masraxyo kale. Taariikhda Iswiidhan ee dhaqdhaqaaqa-dadka iyo ururada oo badan waxeey keeneeysaa in ee jiraan fursado badan ee hoowlo isboorti iyo xilli firaaqadeed. Uu dhwaanshaha dabiicada waxeey ku mecno tahay fursado weeyn ee hoowlaha dibada iyo arigtada dabiicada sanadka oo dhan – tusaale ahaan jasiiradooyinka yaryar ee Stockholm oo ka mid ah caalamka meesha ugu jasiraado badan, adyadoo leh meesha 30 000 oo jasiirado yaryar.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Gobolka Stockholm waxeey taajir ka tahay ururada fikrado xambaarsan oo ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo isdhexgalka. Liiska hoose waxaa ku jiro in ka mid ah dhoor ururo oo ka hoowl galo gobolka, taabso magaca si aad uu tagtid bogga ururka.

Afrosvenskarnas Riksförbund

FAIS-IR Italienska Riksförbundet

FARR - flyktinggruppernas riksråd

Fryshuset

Hagabergs folkhögskola

Hela Människan Botkyrka Salem

Hela Sverige ska leva, Länsbygderådet Stockholms län

IM Individuell Människohjälp

Kurdiska Riksförbundet

Kvinnoförbundet för Demokrati

RFSL – Riksförbundet för homosexuellas, bisexuellas och transpersoners rättigheter

Rädda Barnen, Stockholms distrikt

Rädda Barnen, Stockholms norra distrikt

Rädda Barnen, Stockholms södra distrikt

Röda korset

Röda korset i Stockholms län

Röda Korsets ungdomsförbund

SIOS - Samarbetsorgan för etniska organisationer i Sverige

Skyddsvärnet

Studieförbundet Bilda Öst

Tamam Stockholm

Volontärbyrån

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 663

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Degmooyinka gobolka ku yaalo

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri