Strömsund

Degmada Strömsunds oo leh ku dhawaad 12 000 oo qof waa meesha uu haboon qofka ka helo hab-nololeed oo firfircooni ku jirto isla marlaana rabo in uu dhawaada adeeg degmo oo sii fiican uu dhisan, daryeel waayeel oo fiican iyo fursado waxbarsho oo fiican. Halkaan shuruuda uga xiran kobcinta waa ku degan uuna fiican caruurta, xaafadaha dhisan waa kuwo yaryar oo wanaagsan, waxaana lagu soo bandhigaa wax yaalaha ugu badan oo loo baahan yahay. Ku soo dhawaaw in aad naga mid noqoto!

Soo bandhigid

Deegaan

Strömsunds Hyresbostäder waxeey heeysaa guriyaal oo ku yaalo lix xaafado gudaha degmada. HSB iyo Riksbyggen waxeey ku soo bandhigi karaan guriyaal milki oo ku yaalo Strömsund iyo Hoting. Sido kale waxaa jiro guri kireeyaal madaxbanaan gudaha iyo banaanka xaafadaha Strömsund.

Degmadeena waxaa fursad ugu lee dahay in aad guri baadiyaha ku yaalo ku hesho sicir fiican, filooyin leh heer sare waxaa lagu gadan karaa labadoo boqol oo kun karoon. Sido kale halkaan qofka aan lacag badan soo galin, waxuu habeeysan karaa guri ayadoo ee lacag uu soo hareeyso oo wax yaale kale ku isticmaalo. Tani waa isla marka aad qeeyb ka heli kartid ka helida yar ee degmada ayadoo ah hab xariir, jawi-urureed iyo xariir bulsho.

Ka akhriso in dheeraad ah oo ku saabsan degaan bogga degmada.

 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luqadeedka ugu weeyn waa af daari/afka iraan, afka uzbekistan, afka ruushka, af tigrinya, af carabi, afka burma, af soomaali, af oromo laakin sido kale halkaan waxaa laga helaa dad ku hadlo afka thayland, af jarmal, afka hooland, af ingriis, afka isbaayn iyo af fransiis.

Jaaliyado iyo ururu

Haddii aad dooneeyso in aad ka qeeyb qaadato jawiga urureed waxaa kala jiro ururo badan oo ka firfircoon meelo badan oo kala duwan. Waxeey ahaan kartaa hab fiican oo loo galo bulshada iswiidhan, xariir cusub lagu helo iyo luuqada lagu barto. Laga yaaba in aad lee dahay awood xirfadeed oo la qeeybsan karto qofka kale oo ku jiro urur?

Ururada firfircoon waxaad ka heleeysaa degmada diwaankeeda-urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxeey lee dahay shan xaafado, Strömsund, Hammerdal, Backe, Hoting iyo Gäddede. Waxaa ku yaalo xaafadahaan oo ka mid ah dukaan raashin, biibito, maqaayado, farmashiye, banki, dukaan dhar iyo dukaamo kale oo waxyaalo yaryar gad. Sido kale maktabad iyo baanan-iibsi waa laga helaa meesha. Bulshada gudaheed waxaa ku yaalo oo kale goobo-isboorti, goobo dabaal iyo goobo barafeed.

Dalyeelka carruurta

Degmada Strömsund waxeey soo bandhigeeysaa soo bandhig weeyn oo khuseeyo hoowlo dugsi xanaano. Halkaan waxaa ku yaalo dhowr dugsi xanaano, inta badankood waa kuwo degmadeed laakin waxaa jiro kuwo iskaashi-waalid leh, gudaha Hallviken koonfurta Strömsund iyo dugsi xanaano oo madaxbanaan oo ku yaalo Rossön, ku dhawaad todobo maayl uu jiro Strömsund. Sido kale Strömsund waxaa joogo daryeelaha caruurta ee maalmeedka.

Bulshadaha xooga weeyn ee gudaha degmada, waxaa lagu soo bandhigaa xanaaneeyn caruur iyo dugsiga xanaanada caruurta, qofkii uu bahaan sido kale waa jirto fursad lagu helo xanaaneeyn caruur oo xilliga fiidka, habeenka iyo maalmaha fasaxa. Warbixin dheeraad oo ku saabsan xanaanada caruurta waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Strömsund waxaa ku yaalo Xarunta reerka, howl furan oo waalidka iyo caruurta uu soo bandhigeeyso in isla kulmaan oo hoowlo ee isla wada qabtaan. Halkaas waxaa joogo macalimad dugsi xanaano oo hoowsha qorsheeyneyso. Halkaan rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta waxeey ku soo bandhigaayaan babayöppet, koorsooyin kala duwan iyo daliiginta-canuga. Xarunta reerka waxaa kale oo soo booqdo nadaafiyaha-ilkaha iyo shaqaalaha maktabada ee caruurta.
Ururka diineed ee Strömsund waxuu soo bandhigaa ”Kyrkis” – waa howl furan oo loogu tala galay caruurta iyo waalidka. Sido kale waxaa lagu soo bandhigaa meelo badan oo ku yaalo degmada, waxaa ka mid ah Hoting iyo Kyrktåsjö.

 

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada dhul ahaan waa weeyn tahay, halkaan waxaa ku yaalo todobo meelo-maamuleed oo leh toban dugsiyaal hoose iyo hal dugsi oo madaxbanaan. Strömsund waxaa ku yaalo halka dugsi sare ee degmada o leh barnaamijyo dugsi sare ee kala duwan iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Iskuulka waxuu wadashaqeeyn dhaw la lee yahay jawiga shirkadeed, waana mid college loo aqoonsan yahay daryeelka iyo xanaaneeynta iyo farsamada-college. Sido kalena halkaan ayaa wax lagu baraa dhaqalayahanka-dugsi sare oo shahaado uu wato. Sido kale Strömsund waxaa ku yaalo dugsi sare Skytte, waxbarasho isboorti ee qarameed.

Dugsiyaasha hoose ee degmadadeed waxeey ku yaaliin Hammerdal, Strömsund, Jormvattnet, Gäddede, Hoting, Kyrktåsjö iyo Backe.

Furadaha waxbarasho

Gudaha degmada Strömsund dadka waa weeyn dhamaantood waa ku hormarin karaan, badi karaan awoodada xirfadeed ayagoo dhameeystiraayo waxbarasho hore ama ayagoo dhiganaayo waxbarasho cusub. Qofka ardayga waxuu kashan karaa shaqaalaha jiheeynta oo ka caawin karo in la sameeyo qorsho-waxbarasho. Waxaan soo bandhigeeynaa:

  • Iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga, sfi
  • Waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka ah
  • Waxbarashada dadka waa weeyn ee asasaasiga ah
  • Waxbarashada dugsiga sare
  • Waxbarashada sare ee shaqada – Qalabka hawada ee korantada
  • Waxbarasho ku socoto howlo la soo codsaday
  • Waxbarshada xirfadaha ee dadka waa weeyn

In dheeraad ah ka akhriso bogga iskuulka Hjalmar Strömers si aad uu hesho warbixin dheeraad ah iyo warbixin-xariir.

Caafimaadka

Ruggaga caaafimaadka ee maamulka gobolka caafimadka kala wado waxeey ku yaaliin Strömsund, Gäddele iyo Backe, halkaas oo lagu soo bandhigaayo daryeel dhakhtareed, daryeelka hooyoyinka (MVC) iyo daryeelka caruurta (BVC). Qaabilaada degdega waxeey ku taala Strömsund.

Strömsund waxaa ku taalo xarunta reerka, waa goob kulan oo loogu tala galay waalidka iyo caruurta. Halkaan dadka waa weeyn waxeey taageero ugu heli karaan doorkooda waalidnimo. Halkaan waxaa lagu so bandhigaa MVC iyo BVC iyo babyöppet, daliiginta-canuga iyo koorsooyin yaryar oo maadooyin kala duwan ah.

Nya Närvården waa daryeel bixiye oo madaxbanaan kuna yaalo Strönsund, Hoting iyo Hammerdal. Dhakhatiiro ma ahane, waxaa laga helaa kalkaalisada jimcisiga bukaanka, la taliye iyo umiliso oo loo wada tagi karo.

Dhakhtarka ilkaha waxaa laga helaa Hammerdal, Strömsund, Hoting iyo Gäddede, gudaha Strömsund waxaa laga helaa oo kale dhakhtar ilko oo gaar ah. In dheeraad ah ka akhriso bogga maamulka gobolka caafimaadka.

Xiriirka gaadiidka

Gaari

Strömsund waxaa si sahlan loogu tagi karaa gaari gaar ah. Strömsund waxeey ku taala E 45 kadibkiis, 100 kilomitir waqooyiga Östersund. Safarka gaariga waxuu qaadana ku dhawaad hal saac iyo bar.

Haddii Stockholm laga soo baxo waxuu qaadana ku dhawaad sideed sacaadood in lagu soo wado 600 oo kilomitir oo ah masaafada dheer ee jirto Strömsund.

Duulimaad

Goobta duulimaadka Åre/Östersund, waxeey ku taala hal saac iyo bar oo gaari looga soo raaco Strömsund. Maalin kasto ayuu dilimaadka Stockholm ku socdo, kana socdo duulaa, safarka duulimaadka waxuu qaataa hal saac.

Goobaha duulimaadka Östersund iyo midka noorweey ee Röros sido kale waxaa loo isticmaala dulimaadyo oo si gaar ah loo kireeystay. Sido kale goob duuilmaad ayaa ku taalo Kramfors iyo Vilhelmina oo Strömsund uu jirto 150 kilomitir.

Tareen

Boosteejada-tareenka waxeey ku taala Östersund ayadoo leh basas tago Strömsund. Xilliyada xagaaga waxaa la raaci karaa oo kale Inlandsbanan.

Bas

Xariir baseed oo sii fiican uu dhisan ayaa jiro oo uu dhexeeyo Strömsund iyo Östersund iyo Umeå.

Haddii aad dooneeyso in aad Stockholm tagtid, Ybuss waxeey soo bandhigeeysaa basas maalinkasto ka baxo Östersund.

Bogga jadwalka-socdaalka waxuu ku jiraa bogga degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Ma lee dahay shirkad ama ma ku riyooneeysaa in aad shirkad gaar ah furato? Gobolka Strömsund waxaa ku yaalo ku dhawaad 1 100 shirkad, boosna waa loo hayaa shirkado kale iyo ganacsadayaal kale. Haddii aada heeysan fikrad ganacsi oo gaar ah, waxaa laga yaaba in aad hami uu heeyso in aad gadato shirkad hada jirto oo aad adiga sii wada karto oo aad sii hormariso?

Jawiga ganacsiga ee gudaha waxaa lagu yaqaana firfirconi xoog leh ee dhanka gudaha iyo ganacsadayaal badan oo hoowshooda ku fiican. Laamo badan ayaa jiro, laakin xooga waxuu saaran yahay shubka, farsamada mashiinada, geedaha iyo dalxiiska. Shirkada in badan oo ka mid ah waa shirkado hal qof uu lee yahay, laakin sido kale waxaa jiro shirkado sii weeyn oo suuqa uga horeeyo laamanka ee ka hoowl galaan.

Fa’iidada ku jirto in shirkad laga wado degmada Strömsund, waxeey tahay in halkaan waxeey lee dhay fursado fiican oo shaqaale lagu helo, qarash hooseeyo iyo fursado looguhelo beey’ad aan laheeyn stress.

Shirkada hormarinta Strömsund (SUAB) waxeey dooneeysaa in ee kuu sahlanaato in aad hoowl ka furato degmada Strömsund. SUAD waxeey kuugu jiheeyn kartaa jidka loo maro shirkad furida iyo su’aalo ku saabsan shaqaaleeyn, waxbarasho iyo goobo. Adeega SUAB waa lacag la’an, waxeeyn lee yihiin sir-qaris.

Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa degmada ayadoo leh 1200 oo shaqaale, kadib waxaa ku xigo maamulka gobolka caafimaadka. Shirkadaha gaarka ah waxaa ka mid ah shirkada farsamada engcon, SCF Betongelement iyo Ageris Strömsund oo wada shaqo dhiibayaal weeyn.

 

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
TF Förskolechef 60% Förskolechef
Fysioterapeut / Sjukgymnast 100% Fysioterapeut/Sjukgymnast
Ekonom 100 % Förvaltningsekonom
Förskollärare , Familjecentralen Lärare i förskola/Förskollärare
Fast Lön 24 500 kr plus provision! Säljare omgående till Strömsund Hemförsäljare
BEMANNINGSSJUKSKÖTERSKA SÖKES TILL GARANTIANSTÄLLNING Sjuksköterska, grundutbildad
Strömsunds kommun Chef barn - , kultur - och utbildningsförvaltn. Kontorschef, utbildningsföretag
Näringslivschef Näringslivschef
Servicehandläggare , Strömsund Servicehandläggare
Sjuksköterska till Strömsunds kommun Sjuksköterska, grundutbildad
Receptionist sökes till Strömsund! Kontorsreceptionist
Säljare med 26550: - i lön Hemförsäljare
Begravningsrådgivare Begravningsrådgivare
Delgivningsman till Strömsund Delgivningsman
En driven assistent som gillar att ta ansvar… Personlig assistent
Dagbarnvårdare i Backe Barnskötare
Timvikarier Barnskötare Barnskötare
Intresseanmälan för arbete inom kommunens verksamheter Undersköterska, hemtjänst och äldreboende

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Strömsund

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11 984

Cabirla dhulka

10 600 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Östersund 100 km

Sundsvall 230 km

Stockholm 600 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri