Svenljunga

Svenljunga waa degmo yar oo leh wax walba oo wanaagsan oo laga helo degmooyinka yar yar, sida isku dhowaanshe oo keenaya si fudud oo laisku weedarsado fikradooyin iyo si fudud oo loo qaato goaamo. Ku raaxayso kaluumaysiga 300 oo webi iyo cimilada wanaagsan. Ku soo dhowow degmada ku taala dhinaca koonfur ee gobolka Västra Götaland. Waa magaalo ku dhow cimilo dega oo una dhow magaalo weyn iyo buuq. Degmada Svenljunga- waxaanu kuu diyaarinay wax walba oo wanaagsan!

Soo bandhigid

Deegaan

Shirkadda guryaha ee ugu wayn waa Svenljunga Bostäder oo leh 500 oo guri oo kaga yaala degmada dhinac walba. Waxaana jira shirkado baraayfat ah sida Kindfast iyo Bofast.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee degmada lagaga hadlo waa soomaali, carabi iyo iiraani.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Svenljunga waxay leedahay jaaliyado aad u badan sida, jaaliyadaha isboortiga, jaaliyadaha dhaqanka, jaaliyado bulshadeed iwm. Kaniisada Svenska Kyrkan iyo isbahaysi masiixi ah waxay mashruucyo ku leeyihin degmada. Jaaliyado jinsiyado iyo diimo kale leh waxaad ka heleysa magaalada Borås.

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada Svenljunga bartameheeda waxaa ku yaala xafiiska degmada, xafiiska shaqada, maktabad, dukaamo cunto, farmasiyo, rugta caafimaadka, qaabilaada caafimaadka ee ilkaha, dukaamo dhar, dukaamada biraha, dukaamo iibiya alaabta guryaha, xaafiiska booliska iwm. Magaalooyinka Mjöbäck iyo Kalv waxaa ku yaala dukaamo cunto.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurto ee dawladu leedahay waxay ku yaalaan Svenljunga, Hillared, Holsljunga, Håcksvik, Mjöbäck, Sexdrega, Mårdaklev, Östra Frölunda iyo Överlida. Svenljunga waxaana ku yaala xanaanada caruurta oo walidiin isu tegey gacanta ku hayaan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degamada Svenljunga waxaa ku yaal toban skoollo hoose-dhexe ah, oo ka kooban xanaanada caruurta ilaa fasalka sagaalaad. Magaalooyinka ugu badan oo degmada ku yaala waxay leeyihin skoolo ka kooban xanaanada caruurta ilaa fasalka lixaad. Caruurta dhigata fasalada 7-9 waxay ka dhiganayaan skoolka Mogaskolan och ku yaala bartamaga degmada.

Degmada Svenljunga ma leh skool sare, lakin waxaa ku yaala skoolka sare ee beeraha, waxaana skoolka iska leh Gobolka Västra Götaland. Qofka raba dalbasho skool sare waxaad dooran karta skoolada ku yaala Borås, Mark, Tranemo ama skoolada ku yaala degmooyinka kale ama lixda skool oo ku takhasusay beeraha. Ardayda aanan buuxin madooyinka laga rabey si ay u soo galaan skool sare waxay heleyan barnaamij diyaarin ah oo ay ka heleyan Svenljunga.

Skoolka sare ee beeraha oo ku yaala magaalada Svenljunga waa meesha kaleya oo ay ku koobantahay wixii cilmi beereed ah, waxaana laga heleyaa waxbarasho ku saabsan beeraha, fardaha, ugaadhsiga, daaweynta xoolaha iyo tusidda cimilo beereedka. Dhinaca galbeedka gobolka Götaland skoolaadka beereedka ah waxaad ka baran kartaa cilmiga fardaha, cilmiga isboortiga fardaha, ka shaqaynta eeyaha, daaweynta xayawaanka ama cilmi beereedka.

Furadaha waxbarasho

Skoolka dadka soo galaadka ah ee sfi, warbixin arimaha bulshada iwm waxaa diyaariyey degmada Svenljunga. Skoolka dadka waaweyn wuxuu u diyaariyey qof kasta oo degan degmada waxbarasho heer asaasi ah iyo mid heer dugsi sare ah.

Caafimaadka

Rugta caafimaadku waxay ku yaallaan tuulooyinka Svenljunga iyo Östra frölunda.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Caawinaad turjubaan

Sharkada basaska ee Västtrafik dhowr meelood oo dagmada ah ayey aadaan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada dhexdeeda iyo magaalooyinka u dhow oo loo qaadan karo gaadiid waxaa ku yaala shirkado waaweyn oo shaqo bixiye ah sida  Elmo Leather AB, Vokes Air AB, Blåkläder AB, Startrading AB, Mjöbäcks Entreprenad AB, Västkuststugan AB, Texrep Sweden AB, Berendsen Safety och Textilservice AB, Ajab Smide AB och ICA.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 34

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Svenljunga

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10 300

Cabirla dhulka

1 000 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Borås 30 km

Jönköping 80 km

Göteborg 90 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri