Tierp

Degmada Tierps waxa ku yaala toolooyin kalumeysi, muuqaal qurux badan, qasri, guryo waaweyn oo beero leh. Waa meel u dhaw xeebta iyo bada iyo maagaalooyinka waaweyn ee Gävle, Uppsala iyo Stockholm. Tierps waxa kale oo ay u dhawdahay garoonka diyaaradaha ee Arlanda. Degmada waxaa degan qiyaasti 20 000 oo qofood Tierps, Örbyhus, Söderfors och Skärplinge ama miyiga.

Soo bandhigid

Tierp kommun
Deegaan

Degmada Tierps malahan xafiiska xariirka guryaha. Kaligaa waa in aad raadsato guri. Waad kiraysan kartaa ama gadan kartaa guri. Degmada Tierps waxay leedahay shirkad guryo soo lagu magacaabo Tierpsbyggen

Waxaad ka helaysaa dhamaan gurya kireeyayaasha Tierps websidka degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada luqadaha ugu badan, marki laga reebo iswiidhishka waa af soomaaliga, af tigreega, af carabiga iyo af iiraaniga.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxa ay leedahay meelo badan oo ay dadku ku kulmaan. Waxa kale oo ay leedahay jaaliyado. Websidka degmada waxa aad ka heli kartaa liis oo ay ku yaalaan jaaliyadaha firfircoon ee Tierps.

Tierps badhusMarknad och bibliotek i Tierp

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Tierps waxaa jira meelo badan oo ay ka jiraab adeega aasaasiga ah. Tierp waxaa ku yaala dukaamo badan oo lakala dooran karo, farmashiye, daryeel caafimaad, maqaayado iyo xafiis adeeg. Hadii aanad helin waxa aad raadinayso waxaad si deg deg le huga heli kartaa Uppsala ama Gävle meesha uu adeegu ka balaaranyahay. 

Dalyeelka carruurta

Xanaanada carruurta waxaa luugu tala galay carruurta u dhaxayso da’dooda 1 ilaa 5 sano. Degmada Tierps waxaa ku yaala 17 xanaanada carruurta Tierps, Kyrkbyn, Mehedeby, Månkarbo, Söderfors, Tobo, Vendel iyo Örbyhus iyo Edvalla/Hållnäs, Karlholm iyo Skärplinge. 

Daryeelka qoyska waxay carruurta ku haayaan gurigooda. Daryeelka qoyska waxa uu ku yaalaa Skärplinge iyo Karlholm, Kyrkbyn, Mehedeby, Tierp, Vendel iyo Örbyhus. 

Xanaanada furan ee Björkgården waxaa taga waalidiinta iyo carruurta da’dooda u dhaxayso 0 ilaa iyo 6 sano.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sharciga iswiidhishka waxa uu dhigaaya in carruurta wadanka iswiidhin joogta oo da’dooda u dhaxaysa 7 iyo 16 in ay iskool aa daan. Waxayna dhigtaan dugsiga hoose dhexe kaas oo ah laga bilaabo fasalka 1 ilaa iyo fasalka 9. Carruurta badana waxa ay bilaabaan marki ay jiraan todobo sano, lakin waxa kale ay bilaabi karaan marki ay jiraan lix sano waxayna dhigtaan xanaanada. 

Degmada Tierps waxaa ku yaala 11 dugsi hoosedhexe oo ku kala yaala 10 ka magaalo oo ayy degmadu ka tirsantahay. 

Degmada Tierps waxa ku yaala hal dugsi sare oo lagu magacaabo Högbergsskolan oo ku yaala magalada Tierps. 

Furadaha waxbarasho

Luqada iswiidhishka ee ajnabiga (sfi) waa loo dhiga dadka waaweyn ee ajnabiga ah si ay u bartaan aasaaska luqada iswiidhidhka. 

Waxaa jira waxbarashooyin badan ee dadka waaweyn ee degmada, 40 daqiiqo oo kaliya ayeey degmada u jirtaa jaamacada Uppsala.

Caafimaadka

Tierp waxa ku yaala xarunta caafimaadka ee Tierps. Waxa kale oo ku yaala xarunta daryeelka carruurta, xarunta bakaanka deg degka lagu qaabilo, dhaqtarka cilmu nafsiga, dhaqtar iyo kalkaaliyayaal. 

Caawinaad turjubaan

Hadii uu qofka ku hadlaynin ama uusan fahmaynin iswiidhishka waxa uu xaq u leeyahay turjubaan. 

Warbixin intaa dhaafsiisan kala xiriir edeega wadaniga ee degmada Tierps.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Tierps waxa ay u dhawdahay Stockholm, Arlanda, Uppsala iyo Gävle. Xiriirka gaadiidga ee Uppland waxaa xakuma basaska gobolka Uppsala.

Tariinka meesha laga raaco waxa ay ku taala magaalada Tierps dhexdeeda. Tariinada dhaadheer waxa ay ka yimaadaan woqooyiga waxay kasoo baxaan Gävle iyo kuwa koonfurtana waxa ay kasoo baxaan Uppsala, Arlanda iyo Stockholm. 

Tariinka gobolka waxaad u raaci kartaa ilaa iyo Gävle xaga woqooyo iyo ilaa Uppsala xaga koonfur.

Tariika waxa uu tagaa ilaa iyo garoonka diyaaradaha ee Arlanda. 

Shaqo iyo ganacsi

Tierp waxaa ku yaala shikado waaweyn iyo kuwa badan oo yar yar. Tusaalo ahaan shirkadaha yaryar waxaa ka mid ah Atlas Copco, Munters iyo Erasteel. Xiriirkaga wanaagsan waxa uu kuugu dhawyahay shaqada. 

Degmada Tierps waxaad ka helaysaa caawinaad hadii aad doonayso in aad shirkad samaysato. Adeega wadeniga ee degmada ayaa kuu shegaya qofki aad la xiriiri lahayd oo ku caawin lahaa, degmada ama xafiisyada dowlada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Projektledare inom Samhällsbyggnad Projektledare, bygg och anläggning
Processoperatör Processoperatör, kemisk industri
Vägledare Integration Hälsopedagog
Säljare med eller utan erfarenhet i Tierp. Lön 24 500 kr plus provision Hemförsäljare
Undersköterska Hemtjänsten Söderfors Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
SÖKER PSYKIATRISKÖTERSKA TILL UPPDRAG I UPPLAND - TIERP Sjuksköterska, psykiatrisk vård
Sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
SOCIALSEKRETERARE , försörjningsstöd Socionom
Lönekonsult Löneadministratör
Förskollärare till förskolan Gullvivan i Karlholm Lärare i förskola/Förskollärare
Arbetshandledare / Boendestödjare LSS Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Behandlare Tierp Behandlingsassistent/Socialpedagog
Centralskolan söker Ma / No lärare åk4 - 9 Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Sjuksköterska , Tierps kommun Sjuksköterska, äldreomsorg och -vård/geriatrik
Omväxlande sjuksköterskejobb! Sjuksköterska, grundutbildad
Är du Silviasjuksköterska och redo för en spännande utmaning? Sjuksköterska, grundutbildad
Är du fysioterapeut med erfarenhet av äldrevård och redo för en spännande u Fysioterapeut/Sjukgymnast
Speciallärare på Centralskolan Speciallärare
Biståndshandläggare Biståndsbedömare/Biståndshandläggare

Bogga 1 ee ka mid ah 716

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Tierp

​Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

20 144

Cabirla dhulka

1 550 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Gävle 47 km 
Uppsala 61 km 
Stockholm 127 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri