Tingsryd

Ma rabtaa in aad dagto, degmo baadiyeed oo soo jiidasho leh laakin isla markaana uu dhaw magaalo weeyn? Hadaba degmada Tingsryd waa degmo adiga laguugu tala galay. Tingsryd waa bulsho dhaqan badan oo aan soo hormarinyo kulanka dadka. Halkaan caruurtada waxeey ku kori karaan amaanka oo dhan, adigoo waalid ahna waxaad fursad uu heleeysaa in aad ka qeeyb qaadato jawi urureed oo badan iyo jawi shirkadeed oo firfircoon. Iskuulo fiican, ruggag caadimad, farmshaiye, bankiyaal, dukaamo cunto oo leh hilib-xalaal ah, maktabad, xafiiska shaqada iyo dukaama socod kuu jiro. Waa kuwo dhaw, gaar ahaan qofka aan liisinka gaariga heeysan. Warbixin dheeraad ah si aad uu hesho waxaad gasha Tingsryd.se

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Tingsryd ku dhawaad dadka dhamaantood waa is wada yaqaaniin, taasna waxeey keeneeysaa xooga amaan ah. Si aad uu hesho guri la xariir lee Stiftelsen kommunhus oo degmada ku leh boqolaal. Qooyskaada intuu rabo hala ekaado, waxaa uu jiro guryaal leh kiro rakhiis ah. Sido kale waxaad ka fiirin kartaa milkiyaasha-guriyaasha gaarka ee Tingrsryd.

Haddii aad dooneeyso in aad iibsato guri ama beer yar waxaad ka heli kartaa meeshan dalaalyada dhamaantood ee gudaha degmada Tingsryd.

Hyreshus i Tingsryd

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Tingsryd waa degmo dhaqamo badan oo leh dhalashooyin badan. Halkaan iswidhishka ma ahane waxaa dagan dad uu dhashay suuriya, soomaaliya, jarmal, afghanistan, ciraaq, holland, iran, albaaniya, ruushka, norweey, denmark, serbiya, eriteriya, thayland, ingriiska, beljym iyo in kale. Degmada waxeey sanadooyin badan uu noqotay meel ee jecelyihiin dadka ka yimid jarmalka, holland iyo denmark.

Jaaliyado iyo ururu

In laga hoowl galo urur waa hab fiican oo xariir dadka kale lala yeesha iyo asxaab la sameeysto. Haddii aad xiiso uu heeyso isboorti, kaluun, heeeso ama haddii aad dooneysoo in aad dadka kale la kulanto la xariir lee hal urur, warbixin dheeraad ah iyo warbixin-xariireed waxaad ka heleeysaa degmada diwaankeeda-ururueed.

Qofka rabo in uu aado shirkad waxaa jirto kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada Söderport. Laakin masaajid waxuu ku yaala Växjö, halkaasna waxaa lagu tagaa in yar oo dhafeeyso 30 daqiiqo oo bas ah.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska dad weeynaha

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan iskuul ama caafimaad ama haddii aad uu baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foom? Anaga ku caawineeyno! Xafiiska dad weeynaha ee degmada Tingsryd waxaa joogo shaqaale aqoon-xirfadeed leh oo kuugu caawin karo su’alahaada dhamaantod. Halkaas waxaad kula kulmi kartaa isku xidhaha-is dhexgalka oo ku caawinaayo laga bilaaba iska diiwaangalinta barashada iswiidhishka ilaa la xariirka Qasnada ceeymiska ama Hey’adda socdaalka.

Goobo kulan

Sido kale degmada Tingsryd waxaa ku taalo goobo kulanka oo kala duwan. Torgträffen ee gudaha Ryd, Träffpunkt Urshult, Träffpunkt Tingsryd iyo Träffpunkt Konga. Halkaas waxaan ku soo bandhignaa ka caawida iswiidhishka, caruurta iyo dadka waa weeynba. Waxaan heeynaa hoowlo kala duwan oo ku socdo kooxa dhamaantood iyo da’ kasto.

Ganacsi

Cunto, dhar iyo alaab guri waxaad ka gadan kartaa dukaamada kala duwan ee ku yaalo degmada. Dukaamanka qarkood waxaa xataa ka iibsan kartaa hilib xalaal ah. SIdo kale waxaa jiro dukaaman gacan labaad sidii Röda korsets Kupan, Söderportkyrkans Café Migori eller Lions loppis oo aad ka iibsan kartid alaab guri, dhar iyo maacun oo qurxoon hadana raakhis ah.

Maktabad

Maktabad ayaa ku taalo gudaha Tingsryd, Urshult, Ryd, Älmeboda, Linneryd, Väckelsång iyo Konga. Waxaad mesha ku akhrisan kartaa buugag ama wargeeysyo ama si bilaash ayaa uu amaahan kartaa. Haddii uu jiro buug ama wargeeysi aad uu bahan tahay oo aan meesha oolin waa dalban kartaa. Ka akhriso in dheeraad ah oo ku saabsan maktabada Tingsryd bogga degmada.

Dalyeelka carruurta

Degmada Tingrys waxaa ku yaalo iskuulo iyo dugsiyaal xanaano oo kuu dhaw, taasi waa sii ee soo jiidashu ugu lahaato qofka caruurta leh. Degmada Tingsryd hadkeeda waxuu yahay in dugsiyada xanaada iyo iskuulada ee ku yaalaan degmada todobadeedba qeeybood iyo waalidka dhaamantood ku qanacsanadaayan hadana daremaan in ka qeeyb qaataan. Waxaa jiro adeeg-damaan oo mecnaheed tahay in boos dugsi xanano/guriga xilliga firaaqada lagaaga damaan qaadaayo ugu danbeeys sadax bilood ka dib markii aad dhiibatid codsigaada. Iskuulka waa lacag la’aan, caruurtadana cunto iyo gaar raaci si balaash ah ayee ku helayaan.

Vinkande skolbarn

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Waxaa jiro todobo dugsiyaal hoose ee degmadeed oo ku yaalo Tingsryd, Urshult, Ryd, Rävemåla, Linneryd, Konga, iyo Väckelsång. Halkaas ayuu canuugada ku dhigan karaa iswiidhishka iyo maadooyin kale laakin sido kalena afkiisa hooyo. Warbixin dheeraad oo ku saabsan dugsiyadeena hoose inta ka fiiri.

Todobada dugsiyaalada hoose ma ahane waxaa jiro dugsi sare ee degmadeed, Wasaskolan oo leh fasal caalami ah oo loogu tala galay ardayda dalka ku cusub. Sido kale halkaas waxaa jiro dugsiga sare ee gaarka ah oo loogu tala galay ardayda qabo carqalad jireed ama maskaxeed.

Degmada Tingsryd waxeey kale oo lee dahay mid ka mid ah iskulada heesha ee ugu fiican hadana ugu casiyeeysan dalka oo dahn, AMB (Academy of Music and Business). Halkaan qofka xiiso weeyn uu hayo heesaha ayaa fursad uu heli karo in uu ku dhigto bey’ad fiican oo dagan.

Furadaha waxbarasho

Xarun-waxbarasho

Xaruta-waxbarashada qofka dalka ku cusub waxuu ku dhigan iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga (sfi) gudaha bey’ad fiican. Fasal kasto waxuu lee yahay arday tirakooban oo xadidan, taasi oo mecnaheed tahay in macalinka uu waqti dheeraad ah uu hayo ardaydiisa. Sanad kasto waxaa iskuulka lagu qabanqaabiyaa maalinta caalimga, ayadoo uula jeedada tahay in dhaqamada dhamantood la muujiyo. Xarunta waxbarashada waxaad kale oo ku dhigan karta ingriis, xisaab, fisiks, kimistri ama barnaamijka daryeelka iyo xanaaneynta.

Jaamacad

Haddii aad dooneeyso in aad waxbarasho jaamacad sii wadid waxaad dhigan kartaa Jaamacada-Linne ee ku taalo Växjö/Kalmar ama Jaamacada Farsamaha ee Blekinge.

Caafimaadka

Degmada Tingsryd waxaa ku taalo labo rug caafimaad, hal gudaha Tingsryd, halna gudaha Ryd. Tingsryd waxaa ku taalo rug caafimaad oo dhawaan la dhisay oo kula kulmi karto dhakhtar, ama dhakhar-ilko, umuliso ama kalkaaliso. Adiga ayaa dooran kartid haddii aad rabto in aad tago rugta caafimaadk gudah Ryd ama rugta caafimadka ku taalo Tingsryd. Haddii aad fursad uu laheeyn in tagto rugta caafimadka oo cudur awgiis, dhakhtar ama kalkaalisa ama umuliso ayaa markaas guriga kuugu imaan karto.

Caawinaad turjubaan

In badan ayaa la shaqeeynaa turjumaano, inta badan turjumaanda-telefoonka. Taasi mecnaheed waxeey tahay in uu yahay qof aadan aqoon, lehna sir xafidid. Waxaa aad ka waramto waxaa dhex joogaayaan lee inta ee khuseeyso.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-gobalka Kronoberg waxaad ka heli kartaa socdaalka uu socda iyo midka ka socdo degmada Tingsryd. Sido kale waxaa jiro basas tago Ronneby iyo Karlshamn. Si loo tago Kalmar, Malmö ama Stockholm waxaa jiro tareenka SJ.

Det finns många jobb inom tillverkningsindustrin i Tingsryd

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Tingsryd waa shaqo dhiibaha ugu weeyn. Sido kale waxaa jirto shaqo badan ee dhanka warshada sameeyna, laakin sido kalena shaqo dhanka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka iyo shaqo bulsho. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo shirkadooyin calaami ah oo caana ah sidii Nelson Garden​, Hammarplast​, Börjes, Ryds Båt och Linders aluminiumbåtar​. Si aad uu hesho warbixin dheeraad ah ka fiirso bogga degmada shaqooyinkeena banaan.

Haddii aad tahay qof fikrado ganacsi wato oo aad dooneeyso in shirkad gaar ah furato, waxaan kuugu caawineeynaa in aad riyadaada dhaqan galisid.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 31

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Tingsryd

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12 156

Cabirla dhulka

1 207 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Växjö 44,6 km

Karlshamn 43 km

Ronneby 43 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri