Torsås

Wuxu ku yaalaa meel fiican – badhtamaha Kalmar – Karlskrona – Glasriket. Waxay tani abuuraysaa fursado badan oo ah shirkadayn, dalxiis iyo deegaan! Waxa halkan ka jira waliba ururo xoog u firfircoon oo ay wadaan dad hal-abuur iyo fikir badani.

Soo bandhigid

​​Deegaan

Marka ad timaado kommun-ka Torsås adigoo la socda nidaamka qaadashada qaxootiga iyo soo dhawaynta, waxan kaa caawinaynaa inaad hesho deegaan ama guri munaasab kugu ah.

Hadafkayagu waxa weeyi in sida ugu dhakhsiyaha badan, laga bilaabo isla maalinka ad soo cagadhigato kommun-ka an kugu casuuno ama kaa siino guri Törsås, Söderåkra ama Bergkvara. Isku xidh ama shabakad bas oo fiican ayay leeyihiin deegaanadani.

Shirkada guryaha ee kommun-ka waxa la yidhaa TBAB, ka akhri boggooda warbixin intan ka badan.

Torsås centrum 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada 

Xarunta is dhexgalka dadka waxey qaabishaa dadka soo galootiga ee ka kala yimaada wadamadaan; Iiraan, Ciraaq, Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Libanon, Eritareeya, Soomaliya, Itoobiya, Suudan, Congo-Brazzaville och Ekvatorialguinea. Dadka soo galootiga waxeey ku hadlaan luqadahaan; Carabi, oromo, soomaali, af-amaxaar, tigree, isbaanish, faransiis, af-iiraani iyo daari.

Jaaliyado iyo ururu

Kommun-ku wuxu leeyahay illaa lix kooxood oo kubadda cagta ah iyo waax innebandy ah oo wayn, taasoo ay dadka da’da wayn leh iyo haweenku ay ka ciyaaraan heerarka sare. Waxa halkan laga helaa urur toogashada iyo shiishka ah, xero fardeed si wacan u habaysan oo dad badan oo firfircooni joogaan. Sidoo kale waxa laga helaa noocyo ururo tiro badan oo sameeya ciyaaraha fudud ee jimicsiga iyo dhisida murqaha iyo jidhka, ciyaarta taniska miiska, ku safrida doomaha iyo badda, iskaawdka iyo wixii la mid ah (iwm).

Halkan ayaad ka helaysaa dhamaan liiska ururada kommun-ka.

Maxaa ka ag dhaw

Torsås waxad ka helaysaa inta badan wixii ad u baahantahay. Waxa ku taxan wadada Allfargatan oo marta wadnaha magaalada tukaanada oo isku dhawdhaw. Halkan waxad ka helaysaa maktabada, guriga kommun-ka, xafiiska adeega bulshada, xafiiska shaqada, iwm. Haddii ad raadinayso alaab raqiis ah oo guriga lagu sharaxdo ama lagu qalabaysto waxa ku yaala degmadayada dhawr tukaan oo iibiya alaabta duugga ah, (secondhanbutiker).

Booqo bogga torsåshandel.se si aad u hesho warbixin ku saabsan wixii ad ka heli karto kommun-kayaga.​

Bergkvara Waterfestival

Dalyeelka carruurta

Tayo, daryeel, isu dhawaansho iyo tiro yar. Kalmadahani waa xidigaha calaamada u ah deegaankayaga ama haga kommun-ka Torsås iyo hawlaha uu qabto. Sidaasi suubban ayaan u qabanaa qorshayaasha la xidhiidha dadkayaga da’ yarta ah.

Torsås dugsigiisa hoose iyo xadaanadu way isku ladhanyihiin, waxayna leeyihiin hadafyo iyo ujeedooyin isu mid ah. Waxbarasho nolosha oo dhan ah ayaa qaabaysa aragtidayada ilmaha, laga bilaabo marka uu bilaabo dugsiga xadaanada illaa iyo waxbarashada da’da wayn.

Xadaanadahayaga iyo dugsiyadayadu way yaryihiin waxana laga helaa tacliin hufan iyo deegaan waxbarasho oo shaqaale tababarani joogaan.

Halkan ka akhri warbixin intaas ka badan oo ku saabsan dugsiyadayada xadaanada, bogga kommun-ka.

Mamma med barn 

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Kommun-ka Torsås waxa ku yaala shan dugsi oo hoose/dhexe ah iyo labo dugsi-sare. Dugsiyada oo kookooban dartood iyo macalimiinta oo ku badan dugsiyadu waxay noo suuro galisaa inaan natiijo wanaagsan ka gaadhno wax dhigista. Halkan waxaa ku yaala dugsi gaar ah oo caruurta caawimada saayidka ah u baahan wax lagu baro, kaasi oo uu halhayskiisu yahay ”Dadka qaar waxay u baahanyihiin wax badan si ay u helaan inta dadku helaan in la mid ah”.

Dugsiga Korrespondensgymnasiet waxa dhigata illaa 500 oo arday, waana dugsiga ugu horeeya Iswiidhan marka ay noqoto waxbarashada internet-ka laga dhigto. In ka mid ah ardaydu waxay wax ku bartaan dugsiga ooy soo xaadiraan, halka in kale ay waxbarashadooda ka dhigtaan khadka internet-ka yagoo guryahooda jooga.

Stage4you – Academy of Music, Media & Styling waa dugsi sare oo loogu talogalay qofkii raba inuu ugu shaqeeyo si la taaban karo oo xirfadaysan teknoolajiyada ugu casrisan waqtigan la joogo. Waxbarashooyinka yaala waa muusikada, isgaadhsiinta/warbaahinta iyo xarakaysiinta.

​Furadaha waxbarasho

Waxbarashada kommun-ka ee dadka waawayn waxaa habeeya oo maamula xundhurta waxbarasho ee ay ku bahoobeen kommun-ada Torsås, Kalmar iyo Mörbylånga. Xundhurta waxbarasho waxad ka helaysaa hagis, tilmaan iyo warbixin ku saabsan guud ahaan waxbarashada dadka waawayn.

Caafimaadka

Xarumaha caafimaad ee ku yaala Torsås iyo Söderåkra waxay kuu hayaan adeeg daryeel caafimaad oo ay kuu fidinayaan shaqaale aqoon balaadhan iyo waayo aragnimo dheer leh.

Hadafkayagu waxa weeyi inaan kuu aragno adiga shakhsiyan qof gaar ah isla markaasna kuu fidino xidhiidh dhakhtar oo joogto ah. Waxan xooga saarnaa daryeelka caafimaad, waxana noo soo raaca inaan kaa caawino inaad badasho sida ad u nooshahay ama qaab nololeedkaaga caafimaad.

Kommun-ka Torsås waxa ku yaala xarun caafimaad oo ilkaha ah, xarunta daryeelka caafimaadka hooyada iyo caruurta.

Caawinaad turjubaan

Adiga u baahan in warbixinaha laguugu turjumo afkaaga, haddii ay noqoto qoraal ama hadal, waxad xaq u leedahay turjumaan. Waaxda kommun-ka eed booqanayso ayaa kuu balamini turjumaan haddii ad dalbato.

Xiriirka gaadiidka

Wuxu dhacaa kommun-kayagu badhtamaha magaalooyinka Kalmar iyo Karlskrona. Magaalooyinkan oo saaran wadada E22 waxay noo jiraan kaliya sodon daqiiqo. Marka la eego in madaarku uu noo jiro kaliya 30 daqiiqo, waan kaga fiicanahay inta badan magaalooyinka waawayn.

Isku xidhka baska ee ku xidha Torsås degmada Kalmar iyo Karlskrona way fiicanyihiin, marar badan ayayna ka noqnoqdaan maalintii.

Tareen waxad kaga safri kartaa Kalmar iyo Karlskrona. Waxad Malmö ku gaadhaysaa in ka yar saddex saacadood. Afar saacadood waxad ku gaadhaysaa Köpenhamn!

Ka akhri warbixin dheeraad ah oo ku saabsan gaadiidka bulshada boggayaga internet-ka.

Jobba i Torsås 

Shaqo iyo ganacsi

Hadafka kommun-ku waa inuu dhiiri galiyo oo uu carbiyo shirkadaha kommun-ka degan.

Si an u gaadhno hadafkaasi waaxda horumarinta ee kommun-ka iyo masuulka dalxiisku waxay si wadajir ah uga shaqeeyaan xarunta horumarinta gudaha (Xarunta shirkadaha Torsås). Saddexdan waaxood oo isku xidhan oo wada shaqaynayaayi waxay caawiyaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga iyo horumarka ee degmada. Waxay kuu shaqeeyaan adiga ah ama raba inuu ka furto shirkad ama ganacsi uu leeyahay kommun-ka Torsås.

Xarunta shirkadaha Torsås waxay kuugu deeqaysaa talobixin iyo inay kugu toosiso jidkii ad u mari lahayd sidii ad u bilaabi lahayd ganacsi ad leedahay una horumarin lahayd.

Ka akhriso boggan kommun-ka Torsås sida loo maamulo shirkadaha ama ganacsiga.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Bussförare till Söderåkra Bussförare/Busschaufför
Behovspersonal till Torsås Lagerarbetare
Produktionscontroller Business controller
Heltidsmentor Pedagogassistent
Lärare i juridik / ekonomi Lärare i gymnasiet
Lärare i historia / svenska Lärare i gymnasiet
Serviceledare elkraft till Kraftringen Ledande montör, el
IT - chef CIO, Chief Information Officer/IT-chef
Lärare tidigare åren Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Personlig assistent till kvinna i Torsås Personlig assistent
Är du Viasats nästa toppsäljare? Hemförsäljare
Taxichaufför heltid , deltid eller extra Personbilsförare, persontransporter
Webhelp Nordic i Kalmar söker medarbetare till Cancerfonden Kundtjänstmedarbetare
Sjukgymnast / fysioterapeut Fysioterapeut/Sjukgymnast
Personlig assistent 25% i centrala Kalmar Personlig assistent
Kommunvägledare Växeltelefonist
Speciallärare / specialpedagog på Åkerboskolan i Löttorp Speciallärare
Personlig assistans i Kalmar Personlig assistent
Dansinstruktör Hiphop / Streetdance Danspedagog
Dansinstruktör Modern dans Danspedagog

Bogga 1 ee ka mid ah 17

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Torsås

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7 000

Cabirla dhulka

469,94 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Kalmar 43 km

Karlskrona 41 km

Malmö 235 km

Göteborg 338 km

Stockholm 450 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri