Uppsala

Magaalada Uppsala waxay magaalada Stockholm u jirtaa 38 daqaiiqado, madaarka Arlanda Airport oo ku yaala Stockholm waxayna u jirtaa 18 daqiiqadood. Uppsala waa magaalada 4:aad ee dalka Iswiidhan.Uppsala waxay caan ku tahay jaamacadaheeda iyo tariikhda dhaqameed. Magaaladu waxayna leedahay shirkado badan oo yar yar iyo kuwo waaweyn,waxaana ku yaala magaalada makhayaado iyo dukaamo. Magaalada waxaa degan taqriiban 205 000 oo qof, afartii meelood sadex meelood waxay degan yihiin magaalada, inta kale waxay deginyihiin magaalada banaankeeda oo ka tirsan gobolka. shantii qeybood qeyb waa dad qaxootinimo ku yimi amaa waliidkooda ayaa qaxootinimo ku yimid.

Soo bandhigid

Rosa slott i bakgrunden av en park

Deegaan

Guryo la´aan ayaa ka jirta magaalada Uppsala. Degmadu ma lahaa saf loo galo guryaha. Guryaha diyaarka u ah in la iibiyo ama la kiraayo waxaa sameeya shirkado kale. Shirkada Uppsalahem oo leh 15 500 oo guri waa shirkada guryaha ee ugu weyn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Magaalada Uppsala waxaa degan dad ka kala yimid wadamo kala duwan oo kuna hadla luqado kala duwan. Dadka ugu badan waxay ka kala yimaadeen Iiraan, Finland, Ciraaq, Turkiga, Suria, Jarmalka, China, Lubnan, Boolen iyo Itoobiya.

Caruurta iyo dhalinyarada ku hadla luqad aan ahayn luqada iswiidhiska waxay heli karan waxbarashada luqada hooyo skoolkooda dhexdiisa. Luqada hooyo waxaa lagu dhiga ilaa 40 luqadood.

Två killar åker skateboard utanför resecentrum i Uppsala

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyado badan ayaa ku yaala magaalada Uppsala – waxaa jira laga bilaabo jaaliyado isboorti ah, kuwo dhaqameed, kuwo wakhtiga firaaqada ah ilaa jaaliyoo ka shaqeeya caawimaada bulshada. Bogga internetka ee golaha jaaliyadaha waxaad ka heleysaa 150 jaaliyado xidhiidhyadoodi. Ururka iskaashinta jaaliyadaha qaxootiga ah ee Uppsala (SIU) Waxay iskuu keeneen 40 jaaliyadood oo qaxooti ah oo ku yaala degmada. SIU waxay leeyihin qeyb ka mid ah raadiyaha oo ku baxa 11 luqadood. Waxaana jira kaniisado iyo isbahaysi diineed oo badan magaalada Uppsala.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega bulshada, warbixin ku sabsaasan degmada, xafiiska shaqada, xafiiska adeega bulshada, qasnada caymiska iyo hay´ada cashuuraha kulligood waxay ku yaalaan magalada Uppsala. Bartamaha magaalada waxaa u yaala dukaamo iyo makhaayado kala duwan, magaalada banaankeeda waxaa ku yaala suuqyo waaweyn. Waxaadna heleysa dukaamo gacan labaad ah oo iibiya dhar iyo alaab guri.

Dalyeelka carruurta

Caruurta da´doodu tahay 1-5 oo u baahan daryeel waxaa jira xanaanada caruurta iyo xanaano malmeed guri.

Magalada Uppsala waxaad ka heleysa xanaano caruur oo dawlado leedahay iyo kuwo dad leeyihiin. Waxad ka heleysa xanaanoyinka ku yaala degmada, warbixin adeega bogga internetka ee degmada.

Waxaa jira dugsiyada xanaanada caruurta oo furan caruurta iyo waladiintooda, waxaa loogu tala galay walaadiinta guri jooga ee fasaxa ah. Meeshani waa meel ay ku kulmaan walidiinta iyo caruurta. Waxaana ka shaqeeya shaqaale cilmi leh.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Uppsala waxaa ku yaala 70 skool hoose-dhexe ah iyo 25 skool sare ah. Skoolada qaarna waa kuwo dawlado leedahay qaarna dad baa leh. Skooladu waxay leeyihiin qeybo kala duwan. Waalidiinta degan Uppsala iyaga ayaa u dooraya ciyaalka skoolka ay rabaan inay dhigtan. Skoolada kala duwan iyo warbixintooda waxaad ka heleysa Doorashada skoolada hoose-dhexe iyo skool sare ee degmada Uppsala waxaad heleysaa boggeeda internetka.

Furadaha waxbarasho

Magaalda Uppsala waa magaalo cilmi. Halkan waxaa ku yaala labada jaamacado ee waaweyn, jaamacada Uppsala Universitet iyo jaamacada Statens Lantbruksuniversitet. Navet utbildning waxaa ka lagu bixiyaa waxbarashada dadka ajaanibka ah sfi, waxaa la cabirayaa mustawaha aad maraysid intaanad bilaabin luqadda iswiidhiska, luqadda ingiriisiga iyo xisaabta. Navet utbildning waxay kaa caawinayaan tilmaan ku saabsan waxbarashada kuu haboon iyo cawimaado kala duwan oo aad u baahantahay. Waxay ka caawin karan waxbarashada dadka waaweyn, jaamacad iyo hadii ay kugu adahtiahay akhriska iyo qoraalka.

Caafimaadka

Maamulka caafimaadka ee degmada Uppsala waxaa ku yaala rug caafimaadeed oo khaas ah oo magaceedu tahay Cosmos oo u bandhigaysa dadka qooxitiga ah cawimaad caafimaadeed iyo wadahadal. 1177 waa qebyta hagida caafimaadka oo aad waci kartid hadii aad u baahantahay talo cafimaad ama aad raadinaysid meelaha caafimaadka ee Uppsala. Waxaad geli karta bogga internetka www.1177.se ama waxaad wici kartaa 1177. Ama waxaad booqan kartaa bogga internetka ee maamulka caafimaadka ee degmada.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Magaalada Uppsala waxaa yimaada tareen, waxay qaada 35 daqiiqado markaad ka imanaysid magaalada Stockholm iyo 18 daqiiqado markaad ka imanaysid madaarka Stockholm Arlanda Airport. Markaad joogtid magaalada waxaa gadiid noqonaya buss, shirkada la yidhaahdo Upplands Lokaltrafik ayaa basaska leh. Basas wakhtiyo badan baxaya oo dhinac walba u baxaya ayaa ka baxa bartamaha magaalada Resecentrum. Wixii faahfaahin ah ka akhriso:

Shirkada basaska Upplands Lokaltrafik

Shirkada basaska Trafik i Mälardalen

Människor på perrong väntar på att gå på Upptåget / Stor publik i lokal

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiya ugu weyn waa jaamacadaha, degmada iyo Maamulka caafimaadka ee degmada. Waxaana jira 17 000 shirkadood oo soo badnhigaya shaqooyin iyo caawimaado. Shaqooyinka jira waxaa ka mid ah IT:ga , geerashyo, warshado dawooyin iyo qaar kale. Ganacsigu muhiim ayuu u yahay magaalada.

Magaalada Uppsala banaankeeda waxaa ku yaala madaarka Aranda oo ah shaqo bixiye aad u weyn. Dad badan oo degan Uppsala waxay shaqo u doontaan magaalooyinka Stockholm, Västerås, Gävle iyo magaaloyinka ugu dhow.

uppsala_domkyrkan.jpg

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 771

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Uppsala

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

205 199

Cabirla dhulka

2 183 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 71 km

Göteborg 458 km

Malmö 685 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri