Uppsala län

Gobolka Uppsala waxuu ka mid yahay gobollada ugu koritaanka badan wadanka Iswiidhan oo dhan. Magaala madaxda gobolka waa Uppsala waxaana ku nool 200 000 oo ka mid ah 345 000 oo qofood ee ku nool gobolka oo dhan. dhulka dabiiciga ah wxuu isugu jiraa qeybo kala duwan waxaana ku yaal keymo waaweyn, jaziiradooyin. Gobolka waxaa ku yaal ilaa 250 balliyo dhul jaziiradeedkana waxaa ku yaal 11 300 oo jaziirado. Gobolka Uppsala waxuu ka mid yahay mid gobollada ganacsiga ee gobolka Stockholm, magaalada Stockholm bartameedana waxuu tareenka kugu geynayaa 40 daqiiqo.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

​Uppsala waa gobol la jecelyahay in la dego waana gobol marka kasta sii kobcaya. Waa gobol xoogaa yar waxaa ka jira xiir wanaagsan oo dhinacyada gaadiidka dadweynaha ah waxeeyna u dhowdahay meelo badan oo istaraatiiji ah. Waxaa gobolka ka jirta guryo la’aan, laakiin waxaa meelo badan oo gobolka ka mid ah laga dhisaa guryo badan. In la haqabtiro baahida dhinaca guryaha ah waa arrin eey xooga saarayaan degmooyinka uu gobolka ka koobanyahay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee gobolka waa degmooyinka, jaamacada Uppsala, jaamacada beeraha och maamulka gobolka. Waaxda gaanshaadhiga iyo warshada waxsoosaarka ee Sandvik Coromant AB kuna taal Gimo iyo shaqa bixiyayaal kaloo badan. Waxaa jira shirkado badanoo yaryar kuwaasoo aad usoo badanaya.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Uppsala waa magaalo jaamacadeed leh dhaqamo badan waxaana magaalada ku yaal labo ka mid ah jaamacadaha ugu fiican wadanka oo dhan waxaana la dhahaa Uppsala universitet iyo Sveriges lantbruksuniversitet. Jaamacadaha waxeey leeyihiin qeybo waxbarasho iyo qeybo baaritaanada kala duwan luga sameeyo oo heer caalami ah leh. Waxaa kaloo ku yaal machado farsamada lagu barto sida iskoolka waxbarasha farsamada ee Enköping.

Daryeelka bukaanka

Maamulka caafimaadka waxeey mas’uul ka yihiin goobaha xanaanada daryeelka ee gobolka. Uppsala waxaa ku yaal isbitaalka Akademiska, oo ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn ee wadanka Iswiidhan, degmada Enköping waxaa iyadana ku yaal isbitaal. Intaas marka laga reebo waxaa ku yaal 51 rugag caafimaad oo ku kala yaal gobolka oo dhan. daryeelka caafimaadka iyo rugaga ilkaha waxaa iyaga xataa mas’uuliyadooda haayo maamulka gobolka ee caafiimaadka.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Uppsala waxeey leedahay nolol dhaqameed aad qani u ah, waxeeyna isugu jiraan tiyaatarro, matxafyo, riwaayad iyo munaasabadooyin kala duwan. Degmo kasta waxeey leedahay nolol jaaliyadeed wanaagsan iyo howlo firfircooni oo xiili firaaqaha loogu tala galay. Degmooyinka waxey kaloo leeyihiin goobo hawa baxsiga loogu tala galay. Waxaana jira meelo badan oo dalxiis iyo tamashleyn loo aado sida meela jaziiradaha.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Gobolka waxaa ka jira jaaliyado badan sida jaaliyadaha dhaqanka, kuwa isboortiska, kuwa qowmiyadaha kala duwan, ururo diimeedyo iyo hey’adaha gargaarka iyo kuwa kaloo badan. Maamulka gobolka waxuu bilaabay mashruuc kor loogu qaadayo muhiimada eey leedahay shaqooyinka iskaa wax u qabso ah marka laga hadlaayo dadka qaxootiga ah iyo sideey ula qabsan lahaayeen bulshada, waxaana la rabaa iskaashato badan oo ka mid ah jaaliyadaha ineey wax ka geystaan howlaha guud sida laama iyo shaqooyinka dowladda iyo is dhexgalka bulshada. Natiijada kasoo bixi karto ayaa ah in dadka soo galootiga ah eey daremaan in wadankooda cusub lagu soo dhaweeynayo iyo ineey xiriir cusub la sameeyaan qeybo ka mid ah bulshada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Valideringsingenjör inom IT compliance och systemvalidering Civilingenjör, process, kemiteknik
Postdoktor inom teoretisk kemi Kemist
Kursadministratör Kursadministratör
Kommunikatör Informatör/Kommunikatör
Controller med fokus på produktion Controller
Timvikarier till Gudrun hemvård Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Technical Lead Frontend-utvecklare
Undersköterska till Gudrun hemvård Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Byggnadskonstruktör Byggnadskonstruktör
GKC söker en person med fokus på patientservice i Uppsala Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Hyrtältet söker tre personer Diversearbetare
Butiksbiträde Butikssäljare, fackhandel
Kval. behandlingsassistenter Behandlingsassistent/Socialpedagog
Lymfterapeut Fysioterapeut/Sjukgymnast
Sjuksköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Handläggare för vattenvårdsfrågor Biolog
Handläggare för vattenvårdsfrågor inriktning miljögifter Biolog
Vikariat biståndshandläggare 1892. Socionom
Valideringsingenjör (läkemedel) , CommonPower Consulting AB Processutvecklare, kemi
Är du vår nya skolledare för Eductus Sigtuna? Skolledare

Bogga 1 ee ka mid ah 73

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

Dalada ciyaaraha ee Upplands

​Dalada ciyaaraha ee Uppland waa qeybta hey’add gobolka uppland ee dalada ciyaaraha Qaranka. Howsheena waa in aan kaalmeeyno, matalno iyo hogaamino ciyaaraha xaafada.

Dalada ciyaaraha ee Uppland waxay matashaa ciyaraha Uppland Laxariirka maaluada iyo hayadaha iyo waxaana ilaalinaa madaxda bulshada maadaama aanalay figrad dhisaha qusaysa ciyaaraha.

Hey'adda ciyaaraha ee Uppland waxey:

  • ka shaqeynayaan, ayna soo bandhigayaan arimaha qiyamka ciyaaraha aasaasiga ah taasoo laga duulayo ajandaha barnaamijka ciyaaraha ee Idrotten Vill
  • Maamulo arimaha aasaasiga u ah horumarka ciyaaraha si loo abuuro shuruuda ciyaaro si wacan uga shaqeeya Uppland.
  • La tuso faaiidada iyo macanaha uu ciyaaraha u leeyahay bulshada si la mid ahna caafimaadka bulshada iyo weliba fursada nolosha ee dhalinyarada.
  • U gargaaraa fikradda dhaqdhaqaaqa shacabka.
  • Sii naya dalad degmeedka ciyaaraha gaarkaa (SDF) iyo ururada ciyaaraha khidmo iyo kaalmo loo baahan yahay.
Fredens hus

Fredens Hus waxaad ka heleysaa bandhigyo ka hadlaya waxyaabo ay ka mid tahay dhibanenamida, xuquuqda insaanka iyo majaalka iswiidhishka ee Dag Hammarskjöld, Folke Bernadotte och Raoul Wallenberg. Bandhiga waxaa sii dheer oo ay qabanqaabisaa Fredens hus nashaadaadka waxbarsho ee iskuulka iyo nashaadaadka xilliga fasaxa ee dhalinyarada si looga shaqeeyo su'aalaha qaabilsan fikrad qaadashada qaldan, cunsirinimada, faquuqa iyo gacan ka hadalka. Haddaad rabto inaad ogaato in badan ka akhri nashaadaadka iskoolka bogga internetka.

Ururka waa ka madax bannaanyahay diin iyo siyaasad urureed waan urur iskaa wax u qabsa ah oo la aasaasay 2003. Ujeedada waa in Dag Hammarskjölds anda iney maamusho Fredens Hus ay ku taalo Qasriga Uppsala isla markaasna ururiya welina gudbiya aqoonta ku saabsan su'aalaha nabadda ku saabsan. Nashaadku waa in ayadoo la isticmaalayo qaabka ugu fiican ee waxbarasheed in sifeeyo kana doodo mustawaha qaranka iyo mid caalimaba arrimaha nabadda ayadoo lagu fiirinayo aragti ballaaran. Dadka la beeganayana waa waa dhalinyarada yaryarkaa.

Hela Sverige ska leva - Uppsala län

Hela Sverige ska leva - Uppsala län waa ka madax bannaanyahay diin iyo siyaasad urureed waan urur iskaa wax u qabsa ah kaasoo ku xiran hey'ad qaraneedka Hela Sverige ska leva.

Hadafkuna waa in la adkeeyo kooxaha horumarka ee maxalliga iyo xubnaha kale kana shaqqeeynaya horumarka maxalliga, horumarka miyyiga iyo dhaqaalaha bulshada si ay iswiidhan oo dhan u nuqotto ayadoo la buurayo shabakad, billaabaya mashruuc iyo weliba haddii loo baahdo bilaaba howlo waxbarasho.

Iswiidhan oo dhan waa in ay dareentaa-gobollka Uppsala wuxu qabanayaa asagoo ka duulaya baahida ka jirta kooxaha horumarka ee maxalliga iyo xubnaha kale howlahooda ah in la helo miyyi nool.

Hela Sverige ska leva - Uppsala län waxey ku shaqeeyaan ayagoo ka duulaya qiyamka aasaasiga:dimuqraadiyada, kala duwanaanshaha, iyo sinaanta iyo hormur jooogto ah oo ah dhanka bulshada,bii'adda, iyo dhaqaalaha.

Individuell människohjälp (IM) - Uppsala

Iswiidhan dhexdeeda waxey ka shaqeysaa IM (Caawinaada dadka ee shaqsiga) si loo muujiyo jiritaanka loona adkeeyo codka dadka ku sugan faquuuq Cunsirnimo, takkoor iyo waxqabad la'aan ku saabsan dadka cusub waxey keenaysaa in dadka waddan kale ku dhashay iney noqdaan kuwo si gaar ah u dhibban ka dibna noqdaan kuwa faquuqan. Shaqo la'aanta dadka dibadda ku dhashay aad ayey uga badan tahay dadka ku dhashay Iswiidhan.

Iswiidhan waxey xoogga saartaa IM isdhexgalka iyo xiiseynta. Waxaan kordhineynaa oo kale fursadda dadka in ay ka mid noqdaan bulshada isla markaasna lala dagaalo qaababka faquuqa. Shaqadeynu waxey tahay kulamada dadka dhexdooda. IM waxey aaminsantahay bulshi madani ah oo adag waxeyna dhiiri gelineysaa sidaas darteed xiiseeyn iskaa ah.

NybyVision

NybyVision waa nashaad ku yaala Uppsala kuna wajahan isdhaxgalka iyo nolosha shaqada.

Waxyaabaha ugu waaweeyn shaqadeena isdhax-gal labada dhinac ah waa:

  • waa in ay ahaato gogol wada hadal iyo faham ku saabsan bulshada kala duwan.
  • In ay noqoto xarrun ay ku kulmaan dhaqanada, ayadoo isdhax-galkana diiradda lagu saarayo dhaqanka.
  • in ay ka qeybqaadayaasha nashaadaadkeena ay dareemaan, dareen badan oo ah faham ah, micno leh iyo mid gacanta lagu hayyo, welibana la hormariyo fursadda iyo rabitaanka ka qeyb qaadasho firfircoon ee bulshada.

Nashaadaad asaasiga oo dhan ee NybyVision waa in aan hormarino xiissaha bulshada iyo dareenka ishaysiga taasoo abuureysa shuruudda isdhax-gal labada dhinac ah ee bulshada.

Dadka uu ku wajahan yahay nashaadkeen waa:

  • Dadka shaqa la'aanta ah ee ajnabiga ah
  • Dadka u baahan in ay horemariyaan luqadoodatababarka shaqada ama waxyaabo kale oo aha howl
  • Magangalyo dalab
Rädda barnen

Jaaliyadaha degmada ee Hey'ada badbaadinta caruurta waxa uu muddaddi sanad howleedkii 2012-2013 ka shaqeeyay mashruuc weyn kasoo ku saabsan dhibaatada carruurta iyo carruurta dhibka la kulma ee gobolka Uppsala.

Shaqadu waxaa loo qorsheeyey ku dhowaad afar seminaar kasoo looga hadlay xoogga, dhibidda, gaajada carruurta iyo shaqada carruurta. Seminaarada waxaa ka qeyb qaatay dad badanoo kakala yimid nashaadaad kala duwan kuwaasoo dhamaantood carruur deggan Uppsala si uun uga shaqeeya.

Ururka maxalligu wuxuu siiyaa kaalmo dhaqaale:

  • Carruurta keligood yimid ee qaxootiga
  • Iskuulada gaarkaa
  • Carruurta baahida gaar ah qaba ayadoo la kaalmeeysanaya Akaddemisk sjukhuset
  • Xarrumada qoysaska ee kala duwan ayadoo la isticmaalayo kaalmo gargaar ah
  • Café Genomfarten - waa xarrun kulan oo dhalinyarada ah oo ka caaggan daroogo.
Röda korset

Haddii aad rabtid inaad la kulanto dad cusub iyo inaad si iskaa ah ula shaqeyso dad kale waxey ku siineysaa Laan qeybta cas fursado badan. Waad imaaneysaa adigoo waxqabanaya islamarkaana raba in adduunka wax ka hagaajiya, iyo in uu helo fursad in aad ka qeyb qaadato waxbarshooyin kala duwan si aad u kordhiso garashadaada howsha aad rabto inaad ka qeyb qaadato. Isla markaas waxaad ka mid noqon doontaa shabakada ilaaliya bani'aadamaka ee ugu weyn.

Svenska kyrkan

Dad badan oo ka imaaday meelaha ay ka jiraan isku dhaca iyo dagaalada waxey hadda usoo cararayaan Yurub. Kaniisada iswiidhishka waxey joogtaa meesha ugu fog ee wadada qaxa. Waxaan heysanaa waayo aragnimo aan ku taageerno dadka ku sugan xaaladaha culus, in aan abuurno wadajir fiican iyo nashaadaad macno leh, waxaana si gooni diirada loo sooraa xuquuqda carruurta iyo xuquuqda dumarka.

Kaniisada Iswiidhishka waxay dadka ku cusub Iswiidhan ku casuumeysaa in ay ka caawiyaan xalinta dhibaatooyinka maalinlaha ah, fursad wada hadal, xanaaneyn shaqsi, caawin nafsibulshadeed iyo qaabguud oo macna leh. Kaniisada waxey xataa ka shaqeysaa howl raadin, tusaale ahaan deegaanka dadka magangalyo doonka ah iyo Hey'adda socdaalka xabsigeeda ku meel gaarka ah.

Talo sharciyeed dadka ugu horeeyntii waxaa la siinaa ayadoo loo marayo Rådgivningsbyrån qaxootiga iyo magangalyo doonka taasoo kaniisadda Iswiidhishka ay la maamusho Amnesty, Rädda barnen iyo Sveriges frikyrkosamråd (golaha kaniisada xorta ah ee Iswiidhan).

Tamam, Uppsala

Tamam waa urur kheyri ah oo ka madaxbanaan xisbi siyaasadeed iyo diin waxayna ka shaqeeyaan in ay ilmaha iyo dhalinyarta u qabtaan hawlo badan. Waxey gacan ka gaystaan isdhaxgalka iyo kala duwanaashaha iyo horumarinta qofka da'da yar ka qeyb qaadashadiisa bulshadeed.

Tamamta Uppsala waxay leedahay ka caawinta leyliga arbacooyinka iyo Khamiisaha todobaad walba.Tamam waxey leedahay hawlo iyo mashruuc ku hareereysan nawaaxiga Uppsala. Waana israacnaa qabanqaabinaa banaan u bax.

TRIS

TRIS waa urur kheyri ah kana madaxbanaan xisbisiyaasi ah iyo diin kana shaqeeyo xadgudubka la xariiro sharafta iyo cadaadis. Waxaanu la kulanaa dumarka da'da yar iyo xataa ragga lagu dhibay ama halis u ah in lagu dhibaateeyo xadgudubka la xariiro sharafta cadaadiskeda iyo xadgudub. Waxaan u leenahay aqoon khaas ah in aan la kulano dhalinyarta halista ugujirta in lagu dhibaateeyo xadgudubka la xariiro sharafta iyo cadaadiska. Ku waas oo waliba haysta karaanyari aqli.

TRIS waxey ugu horeyn ka shaqeysaa howl balaaran oo ah sal u dhigida ka hortaga si loo kordhiyo aqoonta ee dumarka yaryar kuwaasoo la kulma ama halis ugu jira in ay la kulmaan dil la xiriira sharafta iyo cadaadin.TRIS waxey ku baraarujineysaa xitaa xaalada nimanka dhalinyarada ah kuwaasoo loogu qasbo magaca sharafta in ay sameeyaan handadaad iyo dil ay kula dhaqmaan dumarka xumnaha ka ah qoyska ama qaraabada.

Uppsala läns Bildningsförbund

Uppsala Läns Bildningsförbund - ULB waa xarunta wadajirka ee dhisada shacabka ee gobolka Uppsala. Halkan waxaa ku kulma hey'adaha dhisida umadda ee wada shaqeynta, waayo aragnimo kala badashada iyo horumar ka shaqeeynta.

Hey'adaha xubnaha naga ah waa dalada waxbarashada ee gobolka, folkhögskolor, iyo maktabadaha gobolka. ULB waa xarruta aqoonta iyo xirriirka ee gobolka taasoo howsheeda weyn ay tahay:

  • In la adkeeyo howsha dhisidda shacabka oo ku dhisan tayo iyo guul
  • La abuuro ixtiraam dhaqanka, diimuqraadiyada iyo shaqada caafimaadka bulshada taasoo qeyb ka ah wacyigilinda bulshada oo firfircoon waxey ka macnatahay kuna kordhineyso bulshada.
  • Ka dhigaya wacyigelinta shacabka mid la arko iskana cad ayadoo dibadda loosoo saarayo natiijadaas
Uppsala stadsmission

Uppsala Stadsmission waxey kaalmeyneysaa oo ay caawineysaa dadka Uppsala kuwaasoo ku waa soo ku sugannxaalada nolosha ee dhibka badan. Waxaanku heysanaa Uppsala meelo lagu kulmo oo badan iyo howlo taasoo aan kaga shaqeyno si aan u abuurno wadajir iyo isku xirnaan.

Uppsala Stadsmission waa urur kheyri ah kaasoo caawinaya hooyooyinka keligood ah kuwaasoo ay ku adkaatay nolosha maalinlaha, naagaha lagu xadgudbay ee u baahan daaweeyn, waayeelka ku nool kelinimada, lamaanaha dhanlinta yar roomaaniyaanka ah iney helaan cunto iyo kuleyl, dumarka cusub iney ka helaan albaab bulshada iyo sidoo kale nimanka oo dhan iyo dumarka kuwaasoo ku noolhoy la'aan iyo balwad.

Waxaan dhiibnaa meel xarrun furan, wadahdal keli ah, tababar shaqo iyo ganacsi bulsho iyo weliba howlo dumarka ku saabsan. Waxaan cusbeyneysiineynaa oo aan horimarineynaa howlaheena anagoo ka duuleyna baahida markaas jirta iyo dhaqaalaha aan haysano. Waxaan ka shaqeyneyna waxqabadka fog iyo midka dagdagga ah. Waxaan rabnaa in dadka ay dib qagacanta u qabtaan noloshooda, dareemaan rajo iyo farax nololeyd iyo weliba iney ka tirsanaadaan bulshada.

Volontärbyrån

Volontärbyrån caawinaya dadka iyo hey'adaha dadka isku hela. Taasi waxaan u sameynaa anagoo isticmaalayna iney galaan howshaas iskaa wax u qabsi iyo in la baro lana kaalmeeyo ururada arimaha iskaa wax u qabsa ah.

Volontärbyrån waa howl iskaa ah kana mid ah hey'adda danaha ee Forum oo leh takhasus bulsheed. Forum waxey ka shaqeeysaa waxaa ka mid ah si ay bulshada rayidka ahay isugu arkaan qeyb lixaad leh horumarka bulshada si diimuqraadiyada iyo sida barwaaqo sooranka.

Anaga Volontärbyrån waxey noo tahay firfircoonin rayad in ka badan. Qofka xiiseynaya in uu noqdo iskiis u shaqeyste waxuu dib u helaya wax badan. Tusaale ahaan xiisahiisa oo kordha iyo fursad in uu u helo iney asaga laftiisa in uu kobco. Iskaa wax u qabsigu wuxuu abuurayaa dadkeenu inaan is leenahay. Taasi waxey nasiineysaa inaan caafimaad dareeno iyo inaan dareeno qeyb ka nahay wadajir bulsho.

Xiisaha loo qabo ururada iskaa wax u qabsada ah waxey kaloo siinayaan dadka cod bulshada dhexdeeda-waxeyna siineysaa welibana fursad ah in aad saameyn ku yeelatid bulshada.

Wada shaqeynta hey'addaha ee ururada ajaanibta ee Uppsala – SIU

SIU waa hey'ad kheyri ah, kana madax banaan diin iyo siyaasad xisbiyeed. SIU waxaa la dhisay 1986 oo maanta waxa uu heystaa qiyaas ahaan 40 ururo xubno ka ah. SIU wxa uu xubin ka yahay ururada Iswiidhan.

Howlaha ugu waaweey

  • waa in ay u shaqeyso si xubin wada shaqeyn ee ururada xubnaha ee ka jira degmada Uppsala
  • in laga shaqeeyo arimaha ajaanibta iyo dadka laga tirada badan yahay & mashruuca kasoo ka dhaxeeya ururada xubnaha
  • in uu ka shaqeeyo bulsho is dhaxgashay
  • in ay noqoto mid kasoo tala bixisa arimaha ajnabiga
  • iney baahiso borogaraamka radiyaha SIU ee RIU 98,9 FM

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri