Vadstena

Halkan, meesha farxada leh oo ku taala bartamaha Iswiidhan waxaa degan o ka shaqaysta 7300 oo qof, waaxaana u dhow qasri, rugta masiixiga ah, webiga Vättern iyo wadooyin ka soo hadhay xilliga dhexe (1100 - 1500-kii). Beeyadan wanaagsan waxaa lagaa heleyaa dhaqan iyo soosaar ganacsiyeed iyo sharkado yaryar oo koraya.

Soo bandhigid

Magaaladani Way ku dhegen tahay taariikhda iyo dhaqanka, mustaqbalka diyaargor wanaagsan baa u diyaar ah. Xeebta Vättern, agagaarka Birgitta waxaa ku yaala beeraha ay leedahay degmadu.

Vadstena vid vattnet Vadstena stadsmiljö 

Deegaan

Shirkada Gurayaha ee Vadstena Fastigheter AB waa shiirkad degmadu leedahay waxayna leeyihiin 729 guryo. Waxaana jira shirkado breefat ah oo ku yaala Vadstena, waxaadna ka heleysa liiskaas bogga internetka ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn oo lagaga hadlo Vadstena waa carabi, soomaali, dari, ruush, iiraani, boolish iyo taylandiis. Skoolada hoose dhexe iyo xanaanada caruurta luqadaha ardayda iyo caruurto waxay gaadhayaan ilaa 25 luqadood.

Jaaliyado iyo ururu

Magaalada waxaa hore u socda nolol ku salaysan dhaqanka. Dadka degan Vadstena waxay ka wada qeyb qaatan dhinaca dhaqanka siyaaboyin kala duwan, halkan waxaad ka heleysaa jaaliyadaha dhaqanka oo badan. Degmada waxaad ka heleysa fanaanin badan o ku wanaagsan ruwaaydaha iyo muusigada. Qeybaha muusigada iyo ruwaayadaha waa kuwo aad heer u sareeya waxayna leeyihin qeybo sida; bandhigyo masrixiyad ah, obera, xaflado muusig ah iwm. Waxaadna ka heleysa Vadstena dhowr rugta bandhiga farshaxanka iyo matxafyo. Waxaanu kugu boorinayna inaad booqato maktabada degmada oo ku taala bartamaha degmada. Dhalinyarada ama caruurta oo xiisaynaya muusiga waxaa jira waxbarasho muusigeed oo ku yaala Vadstena waxaana la yiraahdaa skoolka muusigada.

Jaaliyadaha isboortigu waxay ka mid yihiin jaaliyadaha degmada. Dhowr ka mid ah jaaliyadahan waxay wax u qabtaan caruurta iyo dhalinyarada sida kubada cagta, kubada gacanta iyo icehockey.

Vadstena waxaa ku yaala kaniisada Svenska kyrkan oo kamid ah ururka diineed ee Vadstena, rugta kristaanka katoliikada ah oo ka kooban soorooyin iyo kaniisada madaxa banaan ee Vadstena.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Vadstena waxaa ku yaala dukaamo yaryar, waxaana ku yaala sadex dukaamo oo iibiya cuntooyinka. Xafiiska qabilaada qaxootiga iyo xafiiska arrimaha bulshada waxay ku dhex yaalaan xafiiska degmada, halkaas waxaana ku yaala xafiiska shaqada oo qof joogo maalin walba oo isniin ah.

Dalyeelka carruurta

Degmada Vadstena waxaa ku yaala xanaanada carurta oo ay dawladu leedahay iyo kuwo gaar ah. Ardayda dhigata xanaanada caruurta ilaa fasalka shanaad waxay xaq u leeyihiin inay aadan dugsiga firaaqada wakhtiyada aanay bilaabin skoolkooda iyo markay dhameeyaan. Degmada Vadstena waxayna leedahay xanaanada caruurta oo u furan caruurta iyo waalidiintooda.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Vadstena waxaa ku yaala sadex skoolo oo ah skoolada hoose-dhexe oo ay dowladu leedaay, waxaana la kala yiraahdaa Katarinaskolan, St Perskolan iyo Petrus Magni skola. Waxaana magaalada banaankeeda ku yala hal skool oo la yidhaahdo Rogslösa skola. Vadstena waxaana ku yaala skoolka sare oo la yidhaahdo Vadstenagymnasiet.

Furadaha waxbarasho

Degmada Vadstena waxay leedahay la taliye waxbarasho iyo shaqo oo u diyaar ah wadahal iyo warbixin ku saabsan shaqooyinka iyo waxbarashada. Gobolka waxaad ka heleysa fursadooyin waxbarasho oo kala duwan. Magaalada Linköping waxaa ku taala jaamacad.

Caafimaadka

Degmada vadstena waxaa ku taala xarunta caafimaadka ee gobolka, oo leh caafimaadka caruurta. Wixii xanuun ama dhaawac deg deg ah la xidhiidh rugta qaabilaada deg dega ah oo ku taala dhakhtarka Motala.

Caafimaadka ilkaha waxaad ka heleysa daryeelka caafimaadka ilkaha ama daryeelka caafimaadka ilkaha oo gaarka loo leeyahay.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiin wanaagsan ayaa ka jirta magaalada waxeeyna u dhexeeya magaaloyinka Vadstena ilaa Motala, Skänninge, Mjölby iyo Linköping, oo loo kala raaci karo tareen. Degmada gudeheeda waxaad ka heleysa gadiid bilaash ah.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vadstena waxaad ka heleysa shaqooyin kala duwan sida shirkado yaryar iyo shirkado waawey sida shirkado waxyaabo kala duwa soo saara, shirkado beereed, hawlaha soo saarka adegga iyo shirkado cafimaadeed. Degmada Vadstena ayaa ah shaqo bixiyaha ugu weyn. Shirkado waaweyn waxay ku yaalaan magaalooyinka Linköping, Mjölby iyo Motala.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
CNC operatör och montör sökes! Maskinoperatör, mekanisk verkstad
Undersköterska till Wasagården Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Junior IT - Tekniker IT-tekniker/Datatekniker
Junior IT - tekniker IT-tekniker/Datatekniker
GIS - samordnare GIS-ingenjör
Semestervikarier 2018 till vård och omsorg Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
CNC - operatör CNC-operatör/FMS-operatör
Maskinoperatör Maskinoperatör, mekanisk verkstad
Kultur - och utbildningschef till Vadstena kommun Sektionschef, offentlig förvaltning
Städledare till spännande projekt på Vadstena folkhögskola! Städare/Lokalvårdare
Farmaceutisk rådgivare Farmaceut/Receptarie
Optiker till Synsam Vadstena Optiker
Bibliotekarie Bibliotekarie
Förskollärare till Vadstena kommuns förskolor Lärare i förskola/Förskollärare
IT Tekniker IT-tekniker/Datatekniker
Timvikarie till Bemanningsenheten , Vård och Omsorg Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Är du Viasats nästa toppsäljare? Hemförsäljare
Timvikarie till Bemanningsenheten Skola - Förskola Barnskötare
Sjuksköterska till Rättspsykiatriska regionkliniken i Vadstena Sjuksköterska, psykiatrisk vård
Timvikarie som badvärd till Simhallen Badbevakare

Bogga 1 ee ka mid ah 65

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Vadstena

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7 317

Cabirla dhulka

183 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

20 min till Motala

50 minuter till Linköping

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri